haatuf.net
Aamina Waris Oo HCTV Ka Dalbatay Inay Baashe Cawil Ka Qaadaan Wareysi Uu Dawladda Kaga Difaacayo Heshiiskii Dakedda Berbera
May 26, 2016 - Written by Admin Two

Aamina WarisHargeysa,May 26,2016(Haatuf)-Afada madaxweyne Siiraanyo ee Aamina  Maxmuud Jirde (Aamina Waris) ayaa telefishanka Hctv ka dalbatay inay wiilka ay sodohda u tahay ee Baashe Cawil ka qaadaan wareysi uu dawladda kaga difaacayo heshiiskii ay sagaalkii bishain la gashay shirkadda caalamiga ah ee Dubai Ports World kasoo ay labada dhinac isku afgarteen inay gacan-ku-haynta dekadda Berbera ku wareejiyaan shirkad cusub oo dhinaca Somaliland yeelanayo 35% halka ay shirkadda DPW oo iyadu maalgalinaysa mashruuc  ah dayactir,qalabeyn iyo balaadhin lagu sameynayo dekadda yeelan doonto 65% .

Marwo Aamina Waris ayaa sida la sheegay ilaa hadda ka cadheysan barnaamij uu Hctv habeen hore ku falanqeynayey heshiiska Somaliland iyo DPW gaar ahaan qayb ka mid aheyd barnaamijka oo uu wariyaha Hctv ee Jibuuti Cali Senyo ku faaqidayey qodobada heshiiskaasi.

Inkastoo uu Hctv xukuumadda siiyey fursad ay isku difaacaan markii ay xalay wareysteen wasiirka Khaarajiga Sacad Cali Shire hadana sida muuqata jawaabihi wasiirka ayaanay Aamina Waris ku qancin tassoo keentay inay cidkale oo xukuumadda ka tirsan ku aamini waydo ka hadalka arinta heshiiska Baashe Cawil mooyaane .

Hctv oo lagu xaman jiray inay madaxtooyada isku wanaagsanyihiin ayaa sida aanu warka ku hayno wareysiga Baashe qaadi doona casarkan maanta.Hasa yeeshee suuaashu waxay tahay ma laga yaabaa in Baashe Cawil oo ah shakhsiyad aad looga necebyahay bulshada dhexdeeda aanu ku filaanin inuu marwada ka dhaqdhaqo muraaro dilaacii ay ka qaaday Cali Seenyo amase suurtogal noqotaa inuu Baashe ra’yul caamkaba ka horkeenin dawladda???.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS