haatuf.net
Sadxdii Suxufi Ee Ku Xidhnaa Berbera Ee Maxkaddaha Gobolka Iyo Rafcaanka Ee Saaxil Ku Taliyeen In La Sii Daayo Oo Laga Fufuri Kari La’yahay Wiilka Uu Siiraanyo Soddoga U yahay
May 27, 2016 - Written by Admin Two

Berbera,May 27,2016(Haatuf)-Sadex Suxufi oo todobaadkan lagu xidhay magaalada Berbera oo ay maxkamada gobolka iyo ta Rafcaanka ee Saaxil labaduba cadeeyeen inay sharci daro ku xidhanyihiin ayaa waxa laga furfuri la’yahay oo doonaya inay xabsiga ku jiraan wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil kaasoo ilaa Salaasadi dhaweyd muusanaw la dhex taagan madaxtooyada isagoo ku toraabaya erayo ay ka midyihiin” hadaanan warbaahintaa xun aakhiro u diri waayin ,waxay  rabaan inay fashiliyaan mashruucaygii dekadda Berbera “.

Sadexdan suxufi oo kala ah Axmad Siciid Maxamad(Kalsan Tv),Mubaarak Cusmaan Saciid(Star Tv) iyo Cabdiraxmaan Cige(Somalinews)  ayaa waxa lagu xidhay war ay u tabiyeen hayadaha warbaahineed ee ay ka hawlgaan oo ku saabsanaa hadalo ay laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera ka jeediyeen shirkii Salaasadii dhaweyd ay Berbera lafteeda lagu kulansiiyey xildhibaanada golehaasi iyo wafdi ka socday shirkada caalamiga ah ee Dubai Ports World

Shirkadda DPW ayaa sagaslkii bishan waxay dawladda Somaliland la saxeexdeen heshiis gacan-ku-haynta dekadda Berebera lagu wareejinayo shirkad cusub oo 65% ay yeelanayso DPW halka dhinaca Somaliland yeelan doono 35% hadhay.Laakiin labada xildhibaan ee kala ah Saleebaan Cali Khayre iyo Jaac Warsame ayaa waxay wafdigii DPW  hortooda ka sheegeen inaanay deegaan ahaan waxba ka ogeyn heshiiskaasi oo ay shaki badanna ka qabaan maa daama aan waxba lala socodsiinin islamarkaana xukuumadda hada jirta ay muddo yari u hadhsantahay oo sidaas darteed aanay deegaan ahaan raali uga aheyn mashruuca cusub ee dekadda.

Hadaba Baashe Cawil oo fadhiyey shirkaa uu wafdiga DPW la yeeshay golaha deegaanka Berbera ayaa waxa uu wariyeyaashi goobta joogay ku adkeeyey in aanay tabinin oo ay hoosta dhigaan warka dhaliilaha ay labada xildhibaan u soo jeediyeen heshiiska dekadda.Shanta wariye ee xidhan ayaa warkii looga digay in aanay sii daynin isagoo sidiisii ah u tabiyey hayadihii ay u shaqeynayeen.Waxa kale oo dhacday in isla maalintaasi habeennadeedii uu telafishanka Hctv soo bandhigay barnaamij uu ku faaqidayo heshiiska dawladda iyo DPW iyadoo wariyaha Jibuuti ee telafishankaasi Cali Senyo soo tabiyey war aan markaas horteed la maqal(scoop) oo ka xog waramaya qodobada heshiiska taasoo inti hore oo dhan aheyd sir dadweynaha laga qarinayo.

Baashe Cawil ayaa si uu uga hortago talo bixinta sharci ee maxkamaddu ka soo saartay xadhiga suxufiyiinta waxa uu maamulka Saaxil ku amray inay fadhiisiyaan gudida nabadgelyada gobolka oo ay sarajooga ku xukumaan wariyeyaashaasi.

Baashe Cawil oo musuqmaasuqa Somaliland ka jira intiisa badan isaga loo tiriyo ayaa waxa hadda lagu tilmaama ninka dalka ugu awooda badan iyadoo amaradiisa ay qaataan wasiirada ilaa meeyarada magaalooyinka,badhisaabyada gobolada iyo hogaanka saree bilayskuba.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS