haatuf.net
Labadii Mashruuc Ee Biyaha Xumbo Weyne Iyo Seeraha Banka Qoolcaday Oo Ka Fashilmay Dhinicii Dawladda
June 1, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra 60mg June 1, cheap 2016(2016)-Mashruucii biyo-soo saarka ee Xumbo Weyne ayaa fashilmay ka dib markii ay isku dhaceen wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil iyo masuuliinta hayadii reer Abu-Dabi ee maalgalinaysay mashruucaasi taasoo magaceeda la yidhaahdo Khalifa Bin Zayed Foundation .

Mashruuca Xumbo weyne oo sida uu qorshuhu ahaa  loogu talogalay in laga waraabiyo magaalada Hargreysa oo ay ka jirto biyo yaraan xoog lehi ayaa haatan mudo laba sanadood ku dhawaad ah taagnaa iyadoo ay hadheeyeen musuqmaasuq iyo tashuush qabyaaladaysan oo carqaldeeyey dhamaystirkii mashruucaasi baahida weyn loo qabay.Hasa yeeshee rajadii laga qabay in mashruucaasi dib loo soo nooleeyo ayaa hada u muuqata inay meesha ka baxday  markii uu muran cusub iyo khilaaf ka dhex aloosmay Baashe Cawil oo ah wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraatka iyo Khalifa Foundation taasoo sababtay inay hayadaasi faraha ka qaado maalingalinta qaybtii hadhsaneyd ee mashruucaasi.

Dhinaca kale waxa gabi ahaanba istaagay oo fashilmay mashruucii Seeraha Xoolaha ee Qoolcaday ka dib markii ay xukuumadda madaxweyne Siiraanyo ay ka soo bixi weyday masuuliyaadkii iyo balamihii ay qaaday ee ku saabsanaa hirgalinta mashruucaasi halka ay dadweynaha deegaankaasi ay fuliyeen shuruudihii lagu xidhay dhamaantood

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS