haatuf.net
Xubno Ciidamadda Somaliland Ku Xidheen Hargeisa Oo Baasaboorka Somalia Ku Samayn Jiray Caasimadda Oo Fashiliyey Xidhiidh Hoose Oo Ka Dhaxeeya Warancade Iyo Gaafow
June 6, 2016 - Written by Admin Two

Hargeisa, medic June 6, viagra 60mg 2016 (Haatuf) – Xubno ay ciidanka amaanka Somaliland gacanta ku dhigeen todobaadkii hore ayaa daboolka ka qaaday  xidhiidh hoose oo ka dhexeeya Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cali Maxamed Warancade Iyo Taliyaha laanta socdaalka Somalia Cabdilaahi Gaafoow, viagra 60mg kuwaas oo sheegay inuu wax ka ogaa Mr Warancade xafiiskaas laanta socdaalka Somalia sida qarsoodiga ah ugu lahaayeen caasimadda Somaliland ee Hargeisa.

Sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedo xogogaal ahi xubnahan loo xidhxidhay falkaas qaranka Somaliland dhabar-jabka ku ah ayaa maalmihii u danbeeyey iyaga iyo qalabkoodiiba ku xidhnaayeen xarunta CID-da ee magaaladda Hargeisa, kuwaas oo wax lagaga waydiinayo arrimo badan. Xogaha Haatuf helay ayaa intaas ku daray in xafiiskankan laanta socdaalka Somalia uga furnaa Hargeisa inuu dadka faraha wixii information ah lagaga qaadi jiray Hargeisa isla markaana data-dooda loo diri jiray magaaladda Muqdisho oo loogu soo daabici jiray baasabooradda Somalia.

Sidoo kale arrimahan ayaa noqonaya khiyaamo qaran oo uu ku talaabsaday mid ka mid ah wasiiradda ugu awooda badan Somaliland, isla markaana noqonaysa khiyaamo qaran.

Haatuf.net kala soco wixii kasoo kordha xubnahaasi loo xidhxidhay amuurahaasi.warancade

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS