haatuf.net
Guddoomiyaha Maxakamada Sare Oo Qareen Uu Shaqada Ka Joojiyay Wasiirkii Hore Ee Cadaaladu Dib U Siiyey Ruqsadii
June 11, 2016 - Written by Admin Two

Prof. Aadan Xaaji Cali Wuxuu Go’aankiisa Ku Sheegay Inaanu  Wasiirku Awood U Lahayn Inuu Ruqsad Ka Qaado Qareen

 

Hargeysa, medicine June 12, 2016 (Haatuf) – Maanta oo bishu tahay 11-ka June 2016  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL wuxuu soo saaray qaraar uu ku tirtirayo go’aan uu Wasiirkii hore ee Caddaaladu hore ruqsadii qareenimo ugaga joojiyay Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu go’aankiisa ku sheegay inaan wasiirku awood u lahayn inuu ruqsad ka qaado qareen islamarkaana wuxuu cadeeyey in ka mid ahaanshaha urur xuquuqal insaan aanay ka hor imanayn in lagu shaqaysto qareenimo.

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac 


Waxaay ahayd 16kii May markii Wasiirka Caddaaladu soo saaray go’aan uu shaqada qareenimo kaga joojinayo Guuleed Axmed Jaamac.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay soo dhowaynaysaa kana mahad celinaysaa go’aanka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare. Xarunta waxaay si wayn ugu mahad celinaysaa ashqaastii, ururadii iyo dawladihiii u dooday Guuleed.

Halkan hoose ka daalaco qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Somaliland:-

scan0001

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS