haatuf.net
Maxkamadda Hargeysa Oo Muddeysay Dacwadii Lagu Soo Oogay Mas’uuliyiinta Wargeyska Madaxabanaa Ee Foore
June 12, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, stomach June 12, anabolics 2016  (Haatuf) – Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa shalay  Sabtidii muddaysay dacwad ciqaab ah oo lagu soo oogay Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE, Wakhti uu guddoomiyaha wargeyskaasi damaanad dibadda ku joogo kadib xadhigii qafaalashada ahaa ee dhawaan loo gaystay.

Waxaana sidaasi lagu sheegay qoraal shalay ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamaddaasi  Axmed Dalmar Ismaaciil, laguna socodsiiyey Taliyaha qaybta baadhista dambiyada (C.I,D), Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo isagu ahaa masuulka damiintay guddoomiyaha Foore, ayay maxkamaddu ku muddaysay Maalinimada Isniinta ee Bishan June tahay 13-ka in fadhiga koowaad ee dacwaddaasi bilaabmi doonto.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada sirdoonka qaranku goob huteel ah inta ay ka kaxaysteen guddoomiyaha wargeyska Foore Md. Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim uu muddo dhan 7 maalmood ku xidhnaa xarunta ciidanka dambi baadhista Somaliland gaar ahaan qaybta lagu xidho maxaabiista argagixisada ku eedaysan, kadib markii wargeysku wax ka qoray danaha dhaqaale ee madaxtooyada ugu jira heshiiska wareejinta dekedda Berbera.

guddoomiyaha wargeyska Foore Md. Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim

guddoomiyaha wargeyska Foore Md. Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS