haatuf.net
Maxaad Kala Socotaa Musuqmaasuqa Baahsan Ee Uu Ku Foogan Yahay Wasiirka Diinta Iyo Awqaaftu?: Faallo: Xasan Cabdiwahaab Wacays
July 2, 2016 - Written by Admin Two

Inagoo ku guddo jirna dabayaaqada bisha barakeysan ee ramadaan ee ilaahay subxaanahu watacaala laga baryayo dambi dhaaf iyo camal wanaagsan waxa soo ifbaxaya musuqmaasuq baahsan oo laga yaabey wasaaradii ugu muhiimsaneyd Qaranka Somaliland ee shaygii ugu qaalisanaa lagu aaminey wasaaradaaso ah wasaarada Diinta iyo awqaafta oo noqotey xarun laga faafiyo afkaarta xagjirnimada ah ee lagu baneysanayo dhiiga dadka muslimka ah.  Wararka soo baxaya ee la xaqiijiyey waxa kamid ah musuq maasuq iyo is daba marin iyo tacadi iyo awood ku takri fal kasocota wasiirka diinta iyo awqaafta  Khaliil Cabdilaahi Axmed.

Hadaba akhriste  sidaad ka war-haysaan lix billood ka hor waxa isku dhacey agaasimihee guud ee wasaarada diinta iyo awqaafta ee horre iyo wasiir Khaliil, viagra agaasimahaas oo kasoo jeeda gobalka Sool ee bariga Somaliland waana agaasimehee saddexaad ee isla gobalkaas kasoo jeeda  ee uu wasiir Khaliil shaqada ka caydhiyo, buy isagoo sheeganaya in uu xaq uga leeyahay Somaliland. Hadaba agaasimahan ugu dambeeyey ee uu shaqada ka caydhiyey waxa uu ahaa nin da’ yar oo tayo diisa waxbarshona ay aad u sareyso oo ay kana go’antahay inuu qarankani u shaqeeyo hadaba akhirstayaal iyo ciddee daneynaysey amaanka iyo xasiloonida dalka iyo geeska afrika waxaa is weydiin mudan saddexdaa agaasime ee ay nu horre usoo sheegnay maxay marwalba isugu dhacaan wasiir Khaliil? su’aal saddexaad oo meesha kasoo baxeysana waxey tahay maxaa mar welba agaasimayaasha loo eryaa ee loo eeggi waayey waxey ka cabanayaan ee ay madaxtooyaduna marwalba isku barbartaageysa wasiirkan?

Isqabsigii ugu dambeeyey ee wasaarada ka dhaca waxa kasoo baxey fadeexado hor leh 15 fayl ayaa loo gudbiyey madaxtooyada iyo wasaarada maaliyada nuqul ka mida waxa loo gudbiyey hanti dhawr ka guud iyo xisaabiyaha guud iyo hay’adda la dagaalanka musuq maasuqa iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka .

Shan iyo tobankaa fayl waxa ka buuxa cadeymo iyo ducoments cadeynaya musuq maasuqa iyo is daba marinta iyo boobka uu wasiir Khaliil uu ku hayo hantida qaranka, doctor miisaniyada guud ee wasaaradu waa (sided boqol iyo kontan kun oo dollar ), lacagtaa aadka u faraha badan ee loogu talo galey in shacaa’irta diinta kor loogu qaado marka laga reebo mushaharka shaqaalaha oo ay tiradoodu dhantahay 62qof (42 kamida  iyo isuduwaha gobalka maroodi jeex ee wasaarada  waxey ka tirsan yihin labada urur diimeed ee xag jirka ah ee Ictisaam iyo al Islaax oo la shaqaaleysiiyey intii uu wasiir Khaliil xilka hayey ).  mushaharka ay qaataan oo u dhaxeeya  100 illaa 150 dollar marka  laga reebo  inankiisa oo qaata mushahar dhan 700 oo dollar iyo kooxda ku xeeran mooyaane inta kale isagaa jeebada ku shubta. Akhriste hadaad arki lahayd document- ga ka buuxa 15 kaa feyl ee  loo gudbiyey waad yaabi lahayd waxaa ka mid ah document heshis ah oo uu waasiir Khaliil la galey shirkad dayactir kusameynaysa masaajida ku yaalla dalka heshiiskaas oo ku kacaya lacag dhan ( shan iyo todabaatan kun dollar ) $75’000 hadana waxa jirra document kale oo uu la galey hay’ad oo ku saabsan wax la idhaa faaf reebka oo ku kacaya qadar lacag dhan ( kontan kun oo dollar ) $50’000 , waxa kale oo jirra document heshiis ah oo sadexaad oo uu la galey shirkad gaadiid ah oo loogu talo galey in ay miyaga u baxaan culimada   si dadka loogu wacdiyo oo ku kacaya qadar lacag dhan ( kontan kun oo dollar ) $50’000,    akhriste saddexdaa heshiis ee uu saddexdaa hay’adood ee kala duwan la galey cidda ku saxeexan darrafka labaad waa Xamse Khaliil Cabdilaahi Axmed ahna wiilka uu dhaley        wasiiku  ahna agaasimaha waaxda xalaasha iyo xaaranta ee wasaarada diinta iyo awqaafta ahna isu duwaha hay’ada wadooyinka ee gobalka maroodi jeex  ahaan jirreyna ilaalada gaarka ah hogaamiyihii  hore ee ururka Alshabaab ee Ina Cabdi Godane, waxa ka mid ah documentiga  la gudbiyey juwano ( voucher ) hudheello wax lagu cuney lacagtooduna gaadheyso ( boqol iyo laba kun oo dollar ) $102’000 oo dollar oo asal ahaan been abuur ah oo loo kaasheyey , lacagtaas faraha baden ee hudheelada lagu cunayo ee ku magacaaban marti qaad, ma suurto galbaa?, waxa kale oo la gudbiyey document uu wasiir khaliil soo qortey kharash safar oo lacagta ku kaceysaana aad u fara badan tahay ,waxa kale oo nasoo gaadhey document la gudbiyey oo cadeynaya boobka uu wasiir ku hayo hantida qaranka  waxa kamid ah labada billood iyo badhka uu sacuudiga joogayo xilliga xajka uu halkii habeen ku xisaab sadey $850 dollar hadaba akhriste waxaan kaa codsanayaa inaad 850 dollar ku dhufo 75 habeen maxaa kusoo baxaya               tirade kusoo baxeysaa ina waa $63’750 oo dollar oo xaaran ah , anagoo hoos ku cadeyn doona mudadaa uu sacuudiga ku maqan yahay inuu kharashkiisa isaga iyo cidda la socotaba uu ku qasbey diyaaradaha xujeyda qaada  iyo xamladaha xajka ee u adeega xujeyda hadii kale oo ay bixin waayaan uu shaqadooda carqalad gelin doono .

Hadaba akhriste anagoo ku guddo jirna falanqeyntii iyo faaqidaadi uu wasiir Khaliil ku hayo boobka iyo musuq maasuqa qaranka waxa jirrey nin muxsin ah oo dhul uu lahaa sha’ab area ku yaalla uu waqaf ahaan ugu wareejiyey wasaarada diinta iyo awqaafta si ay uga dhigtaan xarun si sharaf leh umatasha diinta ilaahey ee qaaliga ah, hadaba 2013-dii dabayaaqadeedi ayaa la billaabey dhismihee xarunta hadaba fadeexada ugu weyn ee meesha kasoo baxdey waxey tahay in wasiirkii dhamaa ee loo xil saarey xilkii diimeed lacagtii loogu talo galey dhismaha wasaaradaasi uu qeyb kamid ah dhulka waqfiga ah  uu ka dhexdhistey gurri u gaarra oo uu isku qorey si aan loogana saarin, masaajidkii wasaarada laga dhex dhiseyna uu isku qorey imaam nimada masaajidka labadii reer ee uu lahaana uu kasoo rarey xaafadiise horre oo uu usoo rarey gurigan danta guud ee uu billiliqaystey wiilkiise Xamse-na wuu la degan yahay isaga iyo reerkiise, hadaba akhriste anagoo kusii guddo jirna u iftiiminta dadweynaha reer Somaliland iyo ciddee amaanka mandaqada iyo waliba ay laxajeclo kaga jirto qaranimada Somaliland iyo dhiige faraha badnaa ee u daatey dib ula soo noqoshada xornimada jamuuriyada Somaliland waxa ka dhacdey dhacdo layaab gelisay waaxda xisaabaadka ee wasaarada diinta iyo awqaafta bishee shanaad dhamaadkeedi isla sanadkan aynu kuguddo jirno waxa uu wasiir Khaliil uu waaxda xisaabaadka ee wasaarada  uu u gudbiyiyey juwan ama biil laydh oo uu si khaas ah u isticmaaley oo ku kacayana 750  dollar si ay wasaaradu u bixiso waxaa kale oo jirra boqortooyada sacuudigu sanadkasta waxa uu bixiyaa 55 qof oo si billaash ah loo xajisiiyo oo uu dalka ugu deeqo hadaba wasiir Khaliil inyar oo faro guud ah oo ashkhaas gaar ah oo madaxtooyada ka tirsan iyo dad haybtiisa ah oo kooban mooyaane  inta kale suuqa madow ayuu galiyaa oo waa la iibiyaa, waxa kale oo soo ifbaxey shey lala yaabey markii la ogaadey oo dadka caqlli saliimka iyo damiirka nool leh ka khajilaan in wasiir Khaliil diyaaradaha xujaajta qaada uu  ku qasbo iney lacag kaash ah siiyaan iyo in ay isaga iyo labadiisa reerba iyo cidee uu ku darsanayoba ay geeyaan xajka iyo  inta uu dagen yahay sacuudiga kharashka ku baxayana ay qabaan, hadaba waxaa is weydiin leh iyadoo intaas oo fayl loo gudbiyey madaxdii dalka oo cadeynaya musuq maasuqa baahsan iyo ku takri falka uu wasiir Khaliil ku  hayo hantida ummada taas waxa soo raaca weedhaha aduun weynaha kasoo baxaya gaar ahaan dalalka jaarka  ( Jabouti ,Ethobia Iyo Maamul Gobeleedka Puthland )iyo reer galbeedka sida Mareykanka iyo Ingiriiska  iyagoo sida fiinta uga qaylinaya oo fartana ku fiiqaya wasiir Khaliil in uu yahay shaqsi kasoo jeeda urur diimeed xag jir ah haystana fikir aan aaminsaneyn wada noolaanta umada muslimka ah , iyagoo tixraacaya in laanta sirdoonka Somaliland ay gacanta ku dhigeen Khaliil oo shirqool argagixiso ka abaabulaya dalka isaga iyo rag kale taariikhdu markey aheyd 2007. Hadaba waxa layaab leh oo fajiciso noqotey saddex sanodood ka dib ay wasiiro iyo madax noqdeen xilligee uu Kulmiye la wareegay xilka uu wasiir Khaliilna kow ka noqdey akhriste mar shanaad ayaan isweydiinaynaa wasiir Khaliil awoodda intaa leeg xagguu ka keenay ee ah inuu iska caabiyo dhawaaqaha kaga imanaya aduun weynaha in wasiirkan kursiga ku dhagen laga qaaddo xilka, tallow xukuumada Axmed Siilaanyo maxey isaga dhago tireysaa dhawaaqan aduun weynaha kaga imanaya hadey tahay dalalka jaarka ah iyo hadey tahay dalalka reer galbeedka iyo shacbi weynaha reer Somaliland ee qunyar socodka aaminsan kaga imanaya  .

Halkaa waxaa kasoo ifbaxaya awooda ay ku leeyihiin  labada urur diimeed ee xagjirka ah  ee (Al Islaax iyo Al Ictisaam ) uu wasiir Khaliil golihiisa shuurada ah xubin sarre ka mida yahay , xaggaa waxaa kasoo baxaya in dalku mugdi galey masiirka shacbi weynaha Somaliland iyo qadiyada gooni isu taaga jamuuriyada Somaliland   la laabey,  waxaa laga baqayaa in calankii madooba la taago.                                                                            xagjirkaas oo ku hoos dhuumanaya xisbi xaakinka kulmiye ee hadana u hanqal taagaya inuu talada dalka ee shanta sanno ee soo socdana dib u qabto.

FIIRO GAAR AH

Akhriste waxa la socda maqaalkan sawer lagu abaal mareyey waxqabadkiise layaabka lahaa, sifiican sawerka oo uga dhugana waxbaa kaaga soo bixidoona halkaa , iyo awooda ay madaxtooyada ku leeyihiin urur diimeedka xagjirka ah uu wasiir khaliil hormoodka ka yahay.   Waa ayaan darro.

Maxaad Kala Socotaa Musuqmaasuqa Baahsan Ee Uu Ku Foogan Yahay Wasiirka Diinta Iyo Awqaaftu?: Faallo: Xasan Cabdiwahaab Wacays

 

 

`Khaliil iyo Aamina Waris

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS