haatuf.net
Xukuumadda Madaxweyne Siiraanyo Oo Hayadii Sirdoonka Ka Dhigtay Ciidan 4aad Shaqaalaheediina Darajooyin Ku Taxday
July 5, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, cure July 6,2016(Haatuf) – Madaxweyne Siiraanyo ayaa hayadii Sirdoonka Qaranka ka dhigay ciidan afraad ka dib markii uu dhawaan wax ka badalay qaab dhismeedkii madaniga ahaa(civilian) ee loogu talo galay inay hayadaasi ku shaqayso ee baaralamankuna ansixiyey iyadoo haatan noqotay hayad ciidan hubaysan ah (armed military organisation) oo xataa wax soo xidhi karta.

Isbadalkan oo la dareemay markii ay todobaadkan soo baxeen darajooyin ciidan oo uu madaxweynuhu ku taxay masuuliintii iyo shaqaalihii hayadaasi ka hawlgali jiray taasoo ay khubaro aqoon u leh sharcigu ku tilmaameen talaabo xadgudub ku ah distoorka Somaliland kaasoo qeexaya in dalku yeelan karo 3 ciidan oo kala ah Ciidanka Qaranka,Asluubta iyo Bilayska.Madaxda iyo shaqaalaha waqtigan xaadirka ah ka hawlgala Sirdoonka ka sakow ,dadka darajooyinka la siiyey waxa iyaguna ka mid ah masuuliintii hore ee hayadaasi ka soo shaqeeyey marka laga reebo Maxmuud Nuur Cismaan oo ah taliyihii ugu mudada dheeraa ee hayadaasi. Wali ma cadda sababta darajooyinka uu madaxweynuhu bixiyey looga reebay  Maxmuud Nuur oo ka soo jeeda gobolka Awdal halka taliye ku xigeenka cusub ee Sordoonka Faysal Guhaad Cabdi laga dhigay Sareeye Guuto isagoon 2 sanadoodba dalka wada joogin..Mr Nuur ayaa qaab fool xun xilka looga qaaday markii uu madaxweyne Siiraanyo talada dalka kala wareegay madaxweyne Riyaale badhtamihii 2010.

Intii aanu madaxweyne Siiraanyo xilka la wareegin ayaa waxay shaqada hayada Sirdoonku ku koobneyd hawlaha basaasnimada ah ee loo kuur galiyo sirta cadawga iyo shirqooladiisa ka dhanka ah  amniga qaranka iyadoo wixii hawlo ah ee ku tacaluqa baadhis iyo qabqabasho ah ay kala wareegi jireen laanta C.I.D-da iyo ciidanka RRU-da.

Madaxweyne Siiraanyo oo muddo dheer wasiir ka ahaan jiray taliskii Maxamad Siyaad Barre ayaa qaabka ay xukuumaddiisu u shaqysaa ay wax badan iska shaabahaan xukunki “Hantiwadaaga Kacaanka Somaaliyeed” xiligaas oo ay hayadahihii madaniga ahaa sida Sirdoonkka,Bilayska iyo Socdaalku(Immigration) la mid noqdeen  ciidamada qalabka sida.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS