haatuf.net
Wax Ka Ogow Dhaqaalihii Loo Ururiyey Tartankii Quraanka Kariimka Ahaa Iyo Qadarkii Yaraa Ee Sacabka Loo Saaray Ardaydii Ku Guulaysatay!!! W/Q Axmed Cismaan Oogle
July 7, 2016 - Written by Admin Two

 

Ilaahay subxaanahuu watacaala wuxuu aduunkan kusoo dajiyey kitaabki ugu qiimaha badnaa ku tubta samaawigaa ee uu usoo dajiyey anbiyadiisa, cialis kitaabkaas oo ah kitaabka Quraanka kariimka ah, islaamkuna wuxu ina farey in aynu kitaabka kor u qaadno oo aynu ciseyno oo aynu kuna dhaqano.                                                                                                                            Jamuuriyada Somaliland shacbigeedu waa shacab 100% muslim ah jecelna diintooda, waxa jirey culimo reer Somaliland ah oo abaabuley guddi tartanka xifdiga quraanka kariimka ah si ay dhalinta soo koraysa ee dalkooda, si ay ugu barbaariyaan jaceylka diinta. akhriste waxa jirey guddi madax banaan oo ka koobna dhamaan culimada reer Somaliland iyo odayaasha dhaqanka iyo ganacsato kuwaas oo sanad kasta ardeyda waqtiga ramadaanta u qaban jirey tartanka xifdiga quraanka kariimka ah shacbiga reer Somaliland na waxa uu ka marag kacey kartidooda shaqo ee ay ku wadaan tartanka iyadooy u dheerayd hufnaan iyo daacadnimo wax la idhaahdo urur diimeedna way ka fogaayeen, hadaba sannadkii 2012-kii wasiirka diinta iyo awqaafta sheikh Khaliil Abdilaahi Axmed oo sida la wada og soon yahay kasoo jeeda urur diimeedka  xag jirka ah ee Al Ictisaam iyo koox afduubtey masaajidka ugu weyn ee magaalada Hargeisa oo katirsan urur diimeed  xagjirka ah ee  Al islaax iyagoo adeegsanaya awood ay ka fara maroojiyeen culimadii qunyar socodka ahayd ee maamulaysay tartanka xifdiga quraanka kariimka.

Xubnaha ,guddidaas uu wasiir Khaliil gadhwadeenka ka yahay  kama tirsana wasaarada diinta iyo awqaafta mana aha shaqaale dawladeed  hadaba akhirste waxa lawada daawanayey raggi maamulayey tartanka xifdiga quraanka kariimka ee soddankii bishee ramadaan haysatey shaashadu ragaas waa raga uu aduun ku ku raadinyo tooshka gaar ahaan wadamada aynu jaarka nahay  iyo beesha caalamku  hadaba wararka aanu xaqiiqsaney ee nasoo gaadhaya anagoo sii wadna faaqidaadi iyo falan qeyntii iyo boobka uu wasiir Khaliil ku hayo xoolaha qaranka wararka nasoo gaadhey waxa ay xaqiijinayan in maddax tooyada iyo wasaarada maaliyaduba ay ugu tallo galeen kharashka ku baxaya tartankaa lacag dhan $120’000 oo dollar si abaal marin loo siiyo ardeyda tartameysa kuwoodi guuleysta iyo guud ahaan kharashka ku baxaya inta ay socoto hawshaasi, waxaa kale oo nasoo gaadhey qoraalo uu udirey wasiir Khaliil dhamaan xawaalada ka jirra dallka iyo shirkadaha is gaadhsiinta iyo shirkadaha diyaaradaha iyo dhamaan ganacsatada kuwooda waaweyn iyo kuwooda yaryarba oo uu kaga dalbanyo lacag ku saabsan tartanka xifdiga quraanka kariimka, waxaa kale oo uu qoraal u direy uu kaga dalbanayo lacag  ku saaban tartanka xifdiga quraanka kariimka   safaarada sacuudiga ee dalka Djibouti gaar ahaan u qaybsanaha arimaha diinta , hadaba akhriste lacagtaas faraha badan ee usoo xarootey wasiir Khaliil weliba kolka lagu darro $120’000 ee doller ee ay kuwareejisey dawladu lacagtaas oo isu geynteedu kor u dhaaftey $2’000’000 oo doller (laba milyan oo dollar ) akhristayaal waxaan idiin soo bandhige doona wixii loo qaybiyey ardeydii ku guuleysatey tartankaa, ardeygii kaalinta koowaad galey waxa la siiyey gaadhi (Noah)  oo mustacmal ah (second hand ) oo qiimahiisuna ku kaceyso $3200 oo doller ( saddex kun iyo laba boqol oo doller ) ardeydii kalena mid welba waxaa loo sudhey bac yar oo ay ku jirraan kutub adkaara iyo quraarad cadara oo nooca yar yar ah taas oo ay iyagu ku qiimeyeen todoba doller , waxa kale oo ayaan darro ah ardeydii ka timid gobalada fog fog ee dalka ayaa xaafadaha loo qeybiyey kolkii ay hoy waayeen, reeraha ayaa ay la seexanayeen oo ay lana afurayeen, hadaba waxa halkan ka cadaatey musuqa iyo boobka iyo xaaranta uu wasiir Khaliil u adeegsanayo kitaabka quraanka isagoon ilaahey ka cabsaneyn iyadoo lagu jirray markaa uu musuqmaasuqa ku fooganaa bishii barakeysneyd ee  ramadaan, kolkii la xisaabiyey kharashkii dhabta ahaa ee ku baxey (toban kun oo doller na ma uu gaadheyn ) $10 ‘000 doller, mudadii uu socdey tartankaasi. akhriste hadaba waxa is weydiin mudan lacag taas faraha badan ee uu wasiir Khaliil dadka kasoo ururiyey isagoo ku hoos dhuumanya kitaabka alle subxaanahuu watacalaa oo aad hadii xisaab gaaban la galo baaqiqa faraha badan ee isaga ku hadhey cidda la xisaab tameysa.

Akhriste waxaan halkan idiinku cadeynayaa masaajidka weyn ee ku yaalla bartamaha magaalada hargeisa tartankii lagu qabtey ee lacagtiisiina la lunsadey  masaaajidkaas oo  noqdey hoy iyo saldhig ay ku kulmaan labada urur diimeed ee xagjirka ah ee maanta dalka u taliya ( al ictisaam iyo al islaax damu  jadiid ) kulamadaas oo dalalka jaarka ah cabsi geliyey, waxa kale oo jirey nin magaciisa  la idhaahdo Maxamed Daahir oo reer Djibouti ah ninkaasi dalka isu tagga Imaraadka ayaa usoo mustaafurisey dalka Jabuuti sanadii 2014-kii dalkaasna kolkii ay waydiiyeen su’aalo kana yaabeen fikirkiisa ay xagjirnimadu ku dheehan tahay ayey iskasoo mustaafuriyeen oo ay xadka Somaliland kusoo tuureen, hadaba akhriste ninkaa ay labada dal ay xidheen hadana ay iska fogeeyeen muddo saddex billood ah ayuu  wasiir  Khaliil marti u ahaa magaalada Hargeisa gaar ahan masaajidkan hoyga u noqdey kooxaha xagjirka ah gaar ahaan danaqa sarre ee masaajidka. Hadaba akhriste ninkan Maxamed Daahir waxa la ogaadey in uu yahay agaasimaha maaliyada ee urur diimeedka xagjirka ah ee Al Islaax, waxa la yaab leh nimankan soo dhaweynaya ninkan dambiilaha ah dhamaantood waxa ay sitaan passport Djiboutian ah  oo xilligii uu Cabdoo Xaamud suldaan uu haystey wasiirka awqaafta Djibouti kuwada taxey xubnaha ururka Ikhwaanu muslimeen qeybta Somaliland iyo Somalia, wasiirkaas oo aan ogeyn khiyaaamada uu ku sameeyey madaxdweynaha Djibouti, madax weynahaas oo dadkiisa iyo dalkiisaba u wacan Ilaaheyna waafajiyey inuu iska qabto aafadaa xagjirka ah.

Gabo-gabadii waxa mihiim ah akhriste inaad ogaato inuu dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland qabsadeen kooxo xagjir ah oo ku hoos dhuumanaya xisbi xaakimka Kulmiye oo magacii dalkana sumcadiise hoos u ridey.

W/Q  Axmed Cismaan Ooglewasiir KhaliilDSC_0007-640x427

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS