haatuf.net
Garsooraha Maxkamadda Ciidanka Qaranka Yuusuf Geerash Oo Xukun Dil Ah Ku Riday 8 Dhalinyaro Ah Oo Loo Haystay Dilkii Taliyihii Qaybta Bilayska Saaxil C/risaaq Caseyr
July 24, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa July 24, therapy 2016(Haatuf)-Garsooraha Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland Yuusuf Faarax Sahrmaarke (Yuusuf Geerash) ayaa xukun dil ah ku riday dhalinyaro tiradoodu  aheyd 8  oo u xidhnaa dilkii 1/3/2016 loo geystay taliyihii Qaynbta Bilayska gobolka Saaxil Alle ha u naxariistee Cabdirisaaq Maxamad Caseyr. Eedaysanayaasha dacwaddan ayaa dhamaantood ahaa dad rayid ah oon ka tirsaneyn ciidamada, sales  taasoo sababtay in muran weyni (controversy) ka dhasho sharcinimada ay maxkamad milatari u leedahay inay kiiskan oo kale ka gar naqdo.

Maxkamaddu waxa kale oo ay xukun xadhig mudo 7 sanadood ah ku xukuntay 8 qof oo lagu eedeeyey inay faldambiyeedyo ka galeen Ceel Garde.Sideedan qof oo ka tirsan deegaanka Ceel Garde ayaa  waxay waqti hore oo sanadkan ah isku dhaceen koox halkaasi dekad ka dhisaysay.

Yuusuf Geerash ayaa ahaa garsoorihii maxkamadii ciidanka ee bishi January 1982 xukunka dilka ku ridday Gaashaanle Sare Cabdillaahi Xaaji Siciid xiligaas oo uu dhulka Somaliland xukumi jiray Sarkaal milatari oo la odhan jiray Maxamed Xaashi “Gaani” kaasoo  uu taliskii Siyaad Barre ee Somalia awood buuxda u siiyey inuu dil, xadhig iyo boob ku muquuniyo kacdoonkii waqtiyadaasi ka bilaabmay goboladii waqooyi ee lagaga soo horjeeday.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS