haatuf.net
Shir Lagaga Hadlayey Arrimaha Berbera Oo Ay Soo Qabanqaabiyeen Maamuud Xaashi Iyo Baashe Cawil Oo Xalay Lagu Kala Kacay Guriga Madaxwayne Ku Xigeenka
July 28, 2016 - Written by Admin Two

“Berbera Waxa Fidmo Ka Wada Ibraahim Dhago-Wayne Iyo Axmed Mire Ee Ha Lasoo Qabto Intaanay Buuraha Galin”

 

Hargeysa, sick July 28,2016(Haatuf) – Shir xalay lagu qabtay guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo Baashe Cawil iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ku soo bandhigeen qorshe ay damacsanaayeen in Baarlamanka lagaga ansixiyo heshiiskii wareejinta gacan-ku-haynta dekadda Berbera ee ay dawladdu dhawaan la gashay shirkadda Dubi Ports World, ayaa lagu kala dareeray  ka dib markii xubnihiii shirkaasi kasoo qaybgalay ay badankoodii shaki wayn ka muujiyeen suurta-galnimada qorshahaasi wakhtigan xaadirka ah.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Baashe  Cawil iyo Maxamuud Xaashi waxa goob joog ahaa Madaxwayne ku xigeenka Mr Saylici, guddoomiye ku xigeenka labaad ee wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan, wasiirka waxbarashada Cabdilaahi Dheere iyo xildhibaanada Cabdilaahi Balaaki, Obsiiye, Siciid Cartan, Maxamed Cali Obama iyo Nacnac.

Baashe Cawil iyo Maxamuud Xaashi oo iyagu hadalka bilaabay ayaa sheegay ‘dawladda’ ay ka go’an tahay in heshiiska DPW golaha wakiiladda sabtida la hor keeno si duuduub loogu ansixiyo isla markaana todobaadka danbe dekadda loo wareejiyo. Hase yeeshee xildhibaan Maxamed Cali Obama iyo Siciid Cartan ayaa iyagu shirka ka sheegay in bulshadda gobolka Saaxil si wayn ugu soo horjeedo heshiiska dekadda isla markaana aanay xiligan suurta-gal ahayn in mooshinka ansixinta taageero ku filan looga helo golaha wakiiladda. Mr Baashe Maxamed Faarax iyo Mr Cali Mareexaan ayaa iyaguna rayigaasi ku raacay labada xildhibaan.

Xildhibaan Nacnac oo isagu la dhacsanaa soo jeedinta Baashe Cawil iyo Maxamuud Xaashi ayaa isagu arinkii la hayey meel kale ula kacay, waxaanu yidhi “Berbera waxa fidmo ka wada Ibraahim Dhago-wayne iyo Axmed Mire ee ha lasoo qabto intaanay buuraha galin”.

Dhinaca kale magaaladda Sheekh ayaa waxay xukuumadu u dirtay 150 askari, kuwaas oo u badan beesha barriga Burco ee uu kasoo jeedo madaxwayne Siilaanyo, iyadoo dhawrkii maalmood ee u danbeeyeyna dadka iyo gaadiidkaba si qalafsan loogu baadhayey magaaladda Berbera.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS