haatuf.net
Madaxtooyada Somaliland Oo U badheedhay Dagaal Ay Berbera Ka Rido
July 28, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa,July 28,2016(Haatuf)-Madaxtooyada Somaliland ayaa u muuqata inay ka go’antahay inay dagaal ka riddo gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera si ay u meel mariso heshiiskii wareejinta gacan-ku-haynta dekadda Berbera ka dib markii uu qorshahaasi bulshada inteeda badan kala kulmay mucaaradad xoog ah iyadoo uu jiro shaki badan oo mashruucan laga qabo inuu yahay mid ay madaxtooyadu ku fushanayso dano gaar ah oo ganacsi,waxaana maanta Hargeysa ay bilaysku ku garaaceen xabsigana u taxaabeen Suldaan Cali Saleebaan Maxamed(Cali Qanjo) oo ka mid ah madaxdhaqameedka gobolka Saaxil oo isla markaana ka mid ah xubnaha gudida qabanqaabada shirka loo balansanyahay inuu beesha Ciise Muuse  dhawaan ugu qabsoomo Baxrasaafka.Iyadoo xiisadaha ka taagan gobolka Saaxil ay cirka isku shareeeen markii todobaadkii hore ay maxkamad Milatari ahi dil ku xkuntay 8 dhalinyaro reer Berbera ah oo loo haystay dilkii taliyihii bilayska gobolka Saaxil 1/3/201 ayaa hadana uu madaxweyne Siiraanyo maliintii doraad safar dhulka ah ku tagay tuulada Xamaas ee Berbera u dhaw. Inkastoo sy madaxtooyadu ujeedada socdaalkaa  ku tilmaamtay mid uu madaxweynuhu ku soo dhagax dhigayo  hawl lagu dayactirayo qayb ka mid ah wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera, hadana siday ilo xogogaal ahi sheegeen qasdiga dhabta ah ee safarkan madaxweynaha  laga lahaa waxa uu ahaa xasarad iyadoon la doonayey in  dadweynaha  ku nool degaanada ku yaala hareeraha ay wadadaasi marto ee hoosyimaada gobolka Saaxil  ku kacaan falal  ku lidi ah socdaalkaasi si ay dawladdu uga dhigato marmarsiiyo ay gobolka Saaxil ugu qaado dagaal jawaab celin ah .Waxa xusid mudan in dawladu ay falal cabudhin iyo cagajuglayn ah ay maalmahanba ka wadday magaalooyin ka mid ah gobolkaasi sida Berbera,Lafaruugiyo iyo Sheekh,falakaas oo la filaayo inay sii siyaadaan maalmaha iyo todobaayada soo socda siday sheegeen ilo ku dhaw dhaw madaxweyne Siiraanyo iyo gacanyare-yaashiisa Maxamuud Xaashi iyo Baashe Cawil .

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS