haatuf.net
Wasiiro Uu Horkacayo Baashe Cawil Oo Fadhigii Golaha Wakiilada Ee Maanta Ku Gedmaday Difaacii Heshiiskii Dekadda
August 6, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, see August 6,2016(Haatuf)-Raxan wasiiro ah oo uu hogaaminayey wiilka uu soddogga u yahay madaxweyne Siiraanyo ayaa fadhigii Golaha Wakiilada ee Somaliland ee saaka ku fashilmay inay ka difaacaan heshiiska  dekadda Berbera ee wali qabyada ah ee ay xukuumaddu dhawaan la gashay shirkadda Dubai Ports World iyadoo ay masuuliinta ay xukuumaddu Baarlamanka u diratay ay ku gedmadeen sharaxaadda heshiiskaasi iyo sababta noqulkii kama dambaysta ahaa  loo horkeeni waayey Wakiilada.

Wasiirada madaxtooyada Maxamuud Xaashi ,Khaarajigaa Sacad Cali Shire,Maaliyadda Samsam Cabdi Aadab,Qorsheynta Cali Salaan Jirde iyo wasiirul-Dawlaha madaxtooyada Maxamed Abees ayaa kala hadlay oo midwalba siday loo noqotay uun fasiraad uga bixiyey heshiiska ka dib markii ay xildhibaan Rayte iyo Siciid Cartan ku boobeen suaalo kulul isla markaana soo bandhigeen dhaliilo uga muuqday heshiiskaa.Wasiirada qaar ayaa qiray in nuqulka heshiiska ay xukuumada horkeentay Golahu yahay mid hordhac ah oon aheyn kii kama dambaysta ahaa taasoo aan hore u dhicin in golaha Wakiilada la horkeeno heshiis aan dhameystirneyn .Arinta kale ee layaabka laheyd ayaa aheyd wasiirul-dawlaha Maxamed Muuse Abees oo ku saxeexan halkii uu Maareeyihii Dekaddu ( Cali Xoorxoor )  heshiiska ka saxeexi lahaa.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS