haatuf.net
Hargeisa: Madaxweyne Ku-Xiggeenka Somaliland Oo Ka Qeybgalay Munaasibad Ay Ku Qalin Jabinayeen 715 Arday Oo Ka Tirsan Jaamacadda Gollis
August 23, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, view 23 August, medicine 2016(Haatuf)   – Waxa shalay ka qabsoomtay Hoolka weyn ee Hotelka MAANSOOR Xafdlad balaadhan,taas oo ay ku qallin-jabinayeen in ka badan 700 (Todobo boqol) oo arday,kuwaas oo ka baxay Kuliyaddaha kala duwan ee ay bixiso Jaamacadda Gollis,faraceeda Magaaladda Hargaysa.

Xafdlan oo ku kulmisay dad badan oo labbeenta Umadda ah,ayaa waxa kasoo qeyb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland,Cabdiraxmaan-Saylici,Gudoomiyaha Xisbigga mucaaradka ah ee UCID,Eng.Faysal Cali Waraabe,xubno ka tirsan Gollaha Wasiiradda,Xildhibaanno,Marti-sharaf ka socotay Haay’addo caalami ah oo ay Jaamacadda shaqo-wadaagtihiin,Waaladdiin,Ardayda qallin-jabinaysay iyo dadweyne kale oo aad u badan.

Ugu horayn,waxa halkaasi hadal dheer oo taabanaya sooyaalka Jaamacadda iyo duruufihii adkaa ay kala soo dabaasheen ka jeediyay Guddoomiyaha guud ee Jaamacadda Gollis,Prof.Siciid Axmed,waxaana halkaas ka hanbalyeeyay guud ahaanba ardayda maanta ka-qallin-jabinaysa Jaamacadda,isaga oo halkaas ka sheegay tartanka ay rabaan inay la-galaan Jaamacaddaha Waa-weyn ee ku yaalla Qaaradda Afrika,gaar ahaana kuwa ku yaalla dalalka Ethopia,Kenya iyo Uganda “ Madaxweyne,waxaan rabaa in aan halkan kaaga sheego in aannu hadh iyo habeenba aannu u taaganahay in aannu daryeelno ardayga Fasalka fadhiya,waxaanu  nidhaahnaa maadama uu Waalidku ardaygiisii ku aaminay Jaamacadda Gollis,waa in waxii uu u baahan-yahay loo dhamaystiraa” ayuu yidhi Dr.Siciid,waxaana uu intaas raaciyay inay Jaamacadoodu aqoonsiyo Caalami ah ka heshay Jaamacaddo badan oo adduunka ku yaalla.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo isna halkaas ka hadlay,ayaa goobtaas ka sheegay in Imtixaan ay dhawaan u qaadanayeen 10 Boos oo Wasaaradda Beeraha ah dadkii kusoo baxay auy 5 ka mid ahi ahaayeen Ardaydii Jaamacadda Gollis oo arday ka mid ahi uu ku jiro kuwan maanta qallin-jibinaya,taas oo ku tilmaamay inay Caalamad u tahay heerka tayadda Waxbarasho ee Jaamacadda Gollis.

Cabdirashiid Faarax oo isna ka socday Shirkadda Dahabshiil Group,ayaa ammaanay dedaalka Jaamacadda Gollis,isaga oo sheegay in tayadeeda wax-barasho ay aka muuqato Ardayda Goobaha shaqadda ugu yimaada,waxaana uu ardayda usoo jeediyay inay ka midho-dhaliyaan aqoontooda si kasta oo ay Duuruufaha shaqo-heliseed ee dalku u adag-tahay.

Guddoomiyaha Xisbigga Mucaaradka ah ee UCID,Eng.Faysal Cali Waraabe oo isna halkaas ka hadlay,ayaa sheegay in Jaamacadda Gollis iyo Xisbigga uu Guddoomiyaha ka yahay ay isku-mar qorshooda la-bilaabay,waxaana uu halkaas kaga waayo-warramay hadal dhex-maray isaga iyo Dr.Siciid Axmed Xasan oo wakhtigaas isku dayay inuu kala qeyb-galo dhisadda Xisbigga UCID,balse uu Prof.Siciid u sheegay inuu isaga dhinaca aqoonta Bulshadda ka taageerayo,isla-markaasna uu rabo inuu Dalka jaamacad ka dhiso.

Waxa kale oo uu Guddoomiyihu halkaas ka caddeeyay inuu inta badan Kormeer ku sameeyo Tayadda Waxbarasho ee Jaamacaddaha Dalka,Jaamacadda Gollis-na ay tahay mid sannad walba soo kordhisa aqoon badan oo uu dalku u baahan-yahay.

Gabo-gabaddii waxa xaflada soo xidhay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland,Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),waxaana uu dhanbaal hanbalyo ah u diray guud ahaanba ardayda qallin-jabisay,waxaana ka mid ahaa hadal kooban oo halkaas ka jeediyay “ Waa maalin ku weyn guud ahaanaba shacabka Somaliland,waxaannu ku faraxsanahay in aannu idinkala soo qeyb-galo Qallin-jabinta intan leeg ee ay ku qallin-jabinayaan ardayda ka baxday Jaamacadda Gollis,waxaanan u mahad-naqayaa maamulka iyo Macalimiinta ee dedaalka intaas leeg samaysay ee sannaba ka xiga dalka kusoo kordhinaysa waxyaabo uu u-baahan-yahay Dalku.Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa waalidiinta kusoo tabacday caruurta” ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Saylici

Ugu danbeyntiina,waxa halkaas shahaadooyinkoodii lagu guddoonsiiyay ardaydii xafladda qalin-jabinta loo qabtay,waxaana si gaar ah loo xusay ardaydii ugu saraysay guud ahaanba Jaamacadda.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS