haatuf.net
“Cali Oon Ceebi Ka Raacin” Cali Guray Oo Sheegay In Cali Xoor-Xoor Xilka Laga Qaaday Isagoo Aanay ‘Ceebi Raacin’
August 23, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, arthritis 23 August, buy cialis 2016(Haatuf)  – Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga khilaafku hagaasiyay ee UCID, Mr. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in Maareeyihii hore ee dekedda Berbera Cali Xoor-xoor uu xilkiisii waayay isagoo aan ceebi raacin. Cali Guray waxa kale oo uu su’aal ka keenay in dekedda Berberi ay ka raysan doonto iyo ay u darsan doonto, sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa Face-book-ga, waxaanu xukuumadda ugu baaqay in laga rabo casriyaynta dekedda Berbera haddii ay ka run sheegayaan heshiiska ay galeen.

“Mar haddii aan ka gabyay go’aygiiba ka qaatay maxaa iiga gidhiish ah ayuu yidhi Cali oon ceebi ka raacin. Bal aan eegno inay Dekedda Berberi ka raysato Cali iyo inay u darsato. Beddelka Cali wuxuu ku yimi ismaandhaafkii muuqday ee ku saabsanaa Heshiiskii Maalgashiga DP World ee u dhexeeyay Cali iyo madaxdiisa uga sareeysay hawsha siiba Madaxtooyada iyo intii kale ee ku lug lahayd ee xukuumadda ka tirsanayd oo looga fadhiyo isbedel la taaban karo oo ku wajahan horumarinta iyo kor u qaadista heerka awooda Dekedda Berbera.

Xukuumadda heshiiska ku gashay magaca shacbiga Somaliland ee sida hilaacana ku marisay Aqalka Wakiilada waxaan leeyahay HAATUU BURHAANAKUM IN KUBTUM SAADIQIIN. Afar kub oo laba xaad leedahay yaa Beri la idinka waayin,” ayuu yidhi Cali Guray.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS