haatuf.net
“Arrinta Saamiga Reer Awdal Waxay Dareemeen In Laga Tashanayo Oo Aanay Iyagu Taladii Qayb Ka Ahayn..”
August 23, 2016 - Written by Admin Two

“Cirro xaqayaga kamuu hadal, order maalintii isaga Baarlamaanka laga haystay waannu u hadalnay.. Muuse Biixina waa Ninka Dabkan nagu soo shidayay..” Musharraxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, medic 23 August, cheap 2016(Haatuf) – Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa dhalliilay go’aanka ay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda Somaliland dib ugu celiyeen Madaxweynaha ee Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada gobol weliba ku yeelanayo, waxaanu sheegay inay taasi keentay in Madax-dhaqameedka gobollada Awdal iyo Selel ku baaqaan Shir wada-tashi oo arrintaas la xidhiidha, ka dib markii ay u muuqatay sida uu sheegay inaan la wada-tashanayn ee laga tashanayo.

Jamaal Cali Xuseen, waxa uu Hambalyeeyey diiwaangelinta gobolka Sool oo Maanta shaqadeedu bilaabmayso, waxaanu sidoo kale sheegay inuu hambalyeynayo Madaxweynaha Somaliland socdaalka uu ku tegay deegaannada gobolka Sool iyo Gogosha nabadeed ee Beelaha Sool.

“Guddoomiyeyaashu inay Madaxweynaha dib ugu celiyaan saami-qaybsiga may ahayn, oo ay qaadan kari waayaan go’aan waa mid daciifnimo ah ayaan anigu u arkaayay, annagu haddii aan ku dhex jiri lahaa waxaan odhan lahaa Adeer aynu ka fikirno ama sidaa aynu samayno ama sidaa. Arrintaanna waxaannu ka talla galin lahayn dad ka mid ah goboladda berrigga iyo goboladda galbeedka iyo dadka cabanaya ayaynu ka tala-galin lahayn, iyadda oo aanu talo midaysan aanu haysanno ayaannu Madaxweynaha ula tagi lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal oo shalay Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa.

Waxaanu Jamaal Cali Xuseen oo sii watay hadalkiisa, waxa u uyidhi; “Saddexda nin ee Guddoomiyeyaashu waa Beeshi dhexe, Madaxweynuhu waa Beeshi dhexe, Guurtidi waa Beeshii dhexe, Wakiilladu waa Beeshii dhexe. Markaa, dadkii way cabanayaan oo waata kalliftay inay reer Awdal yidhaahdaan dadkii Wakiillada iyo Guurtidda noogu jiray waannu shiraynaayee ha noo yimaaddaan, waxay dareemeen in laga tashanayo oo aanay iyagu taladii qayb ka ahayn.”

Jamaal waxa uu dhalliilay Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo uu sheegay inaanu hal maalin ka hadal khilaafka UCID isagoo ah Guddoomiye Xisbi iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu yidhi; “Nimanka kale ee Musharrixiinta Xisbiyada kale waxaan leeyahay oo aanan runtii taageero ka helin, Xisbigga WADDANI maalin qudha Guddoomiye Cirro xaqayaga kamuu hadal, maalintii isaga Baarlamaanka laga haystay waannu u hadalnay oo maalin qudha kalmad xaqa oo toos ah kamuu odhan. Muuse Biixina waxaan leeyahay ninka dhibaatadan, balaayadan iyo dabkan nagu soo shidayay horta waa isaga.”

“Muusoow kursi laguma fuulo dadka kale in aad carqaladaysid oo aad dhibaatayso, taas micnaheedu maaha Anigaa guulaysanaya. Waxan Illaahay-baa haya, haddii lllaahay noo qorayna Annagaa helayna. Faysal-na waxaan leeyahay intaad Aniga iga qaaddid Musharraxnimo intaad halkaa la istaagtid Aniga igu doorta waa habeenkii xalay oo tegay, waxaanay taasi u dhacayn, koow waxaad taariikhda noqonaysa ninkii ugu horreeyay ee Xisbi dhaca. Soomaalida ayaa Berigii hore odhan jirtay Ninku inta uu Geela dhaco ayay meel la tagi jireen. Laakiin, weli maan arag taariikhda Adduunka nin inta uu wax soo dhaco yidhaahda wixii aan soo dhacay igu doorta.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jamaal Cali Xuseen.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS