haatuf.net
“Wasiirada Duulista Ma Madaxweynaha Ayaa Magacaaba Mise Wasiir Maxamuud Xaashi?”Cabdiraxmaan Cadami
August 27, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, sickness August 27, ampoule 2016 (Haatuf) – Guddoomiyihii hore ee hay’adda Shaqaalaha Dawladda Cabdiraxmaan Cadami, ayaa ka jawaabay su’aal ay bulshadu isweydiinayso oo ah sababta uu Madaxweyne Siilaanyo 10 bilood gudahood wasaaradda duulista ugu magacaabay wasiirkii saddexaad, halka wasiirkii ka horeeyay ee Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadda ah wasiirka awooda badan ee madaxtooyadu uu lix sannadood xilka wasaaradaas hayay.

Cadami oo inta badan si cilmiyaysan u falanqeeya siyaasadda iyo dhaqaalaha Somaliland, wuxuu isweydiiyay cidda bedesha wasiirada duulista ma madaxweynaha mise wasiir Maxamuud Xaashi,. waxaanu yidhi  “Waxa arrin xiiso leh ah, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi,  Lix-sanadood ayuu Wasiir ka ahaa Wasaarada Duulista Hawada, Markii loo magacaabay Wasiirka Madaxtooyada sagaalkii bilood ee ka danbeeyay saddex Wasiir ayaa loo magacaabay Wasaradaas. Wasiir Afar bilood ayuu joogay oo Waa Cadaani, Wasiirna Lix bilood ayuu joogay oo waa Cumar Yare, Wasiir Cusubna hadda loo magacaabay oo  kii saddexaad oo waa Farxaan Aadan Haybe.”.

Cabdiraxmaan Cadami oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. “Waxa lays waydiinaya oo aad layaab u leh oo la xiisaynayaa runtii, dadkuna aad u hadal hayaan ama xaqiiq noqotay, in Wasiirka Madaxtooyaddu Maxamuud Xaashi aanu wali ka tagin Wasaaradii Duulista iyo Hawada oo uu wali isagu ka xukumo Madaxtooyada, Wasaraduna laba Wasiir yeelan kari mayso, waxa markaas iswaydiin leh,  muxuu ugu dhegan yahay Wasiirka Madaxtooyadu Wasaaradii laga badalay ee uu tiisa ugu eekaan waayay, ee saddex Wasiir loo badalay?. Waa cadaan taasi, wuxuu ku leeyahay danno gaara iyo dhaqaale gaara, sherkado ka shaqeeya iyo dawlado la shaqeeya Madaarka ayuu danno gaara oo dhaqaale ku leeyahay.  Waxa taas oo dhan ka weyn, Madaarka Berbera sidii Dekada oo kale sherkado iyo Dawladdo ayaa laga kiraynayaa waa la ogyahay dhiilkana waxbu ka galay Maxamuud Xashi,  waxa loo hakiyay arrinta Dekada in laga horeysiiyo, taana wuu u khuurinayaa. Marka Maxamuud Xaashi labadii Wasaradoodba isaga isku haya, Wasiirkan cusub (Farxaan Aadan Haybe) haduu afgaran waayo ama sirta fahmi waayo wuxuu noqon doona  Wasiirka loogu horbadalo”.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo markale ka hadlaaya cida Wasiirada badasha wuxuu yidhi. “Waxaase lays waydiinaya markale  yaa horta badala Wasiirada?. Ma Madaxweynaha ayaa badala mise Maxamuud Xaashi ayaa badala, ileen eeriyadiisaba ninkii taga waa la badalayaaye, marka halkaasna waxa ka cad Madaxweynuhu waxba ma badalo Maxamuud Xaashi ayaa Wasiirada badala,  ama kuwan ha noqdaan ama qaar kale ha noqdaan. Waxaynu eegidoona Wasiirkii ugu danbeeyay ee hadda loo magacaabay inuu Wasiirkii Duulista Hawada noqdo iyo inuu Maxamuud Xaashu ku maamulo, oo yarkuna fahmo sirtoo ama Wasiir ku-xigeen ha noqdo ama Wasiir, Wasiir kale u shaqeeya ha noqdee ayay noqonaysaa .cadami

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS