haatuf.net
Madaxweyne Siiraanyo Iyo Wasiirkiisa Macdanta Oo Been Isugu Markhaati Furay
September 11, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, buy September 11,2016(Haatuf)-Xafladii Salaasadii dhaweyd lagu qabtay xarunta wasaaradda Macdanta ayaa wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale khudbaddii uu halkaas ka jeediyey waxa uu ku sheegay in dhammaan dhismeyaasha cusub ee wasaaradaha laga dhisay khasnadda dawladda oo sidaas darteed uu isagu ku dadaalay inuu dawladda ka furto kharashkii  ku bixi lahaa dhismaha wasaaradda macdanta oo uu ku guulaystay inuu ka helo shirkadahii shidaal baadhista .Madaxweyne Siiraanyo oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa wasiirkiisa uga mahadceliyey kuna ammaanay culayskaa uu ka dulqaaday khasnadii dawladda ee uu wasiirkii ku tilmaamay in aan lacagi ku hadhin ka dib markii laga bixiyey kharashkii lagu dhisay wasaaradaha kale.

Hadaba wasiirka iyo madaxweynuhu waxay isu fureen markhaati been ah sababto ah dhismeyaasha cusub ee wasaaradaha ee la hirgaliyey mudadii ay xukumadda Kulmiye jirtay kuma jiro mid kaliya oo kharashkii ku baxay laga bixiyey khasnadda dawladda balse waxa dhamaantood lagu dhisay mucaawimo dibadeed ( foreign aid ).Wasiir Xuseen Ducaale(Waji-xun) waxa uu sheegay in dhismaha wasaaradda ee ay ku shaqeyn jireen ahaa mid la dhisay kontomaadkii oo hadii laga tagi waayo ay xukuumadihii Somaliland ee tan ka horeeyey ku soo kordhiyeen dhisme aan quruxbadneyd .Hadaba 3 dhisme ee uu wasiirku soo bandhigay ee ay xafiisyadda  wasaaraddu ku yaalaan waxa laba ka mid ah la dhisay markii uu wasiirka macdanta ahaa Qaasim Sheekh Yuusuf.Labadaas dhisme oo marka wasaaradda la galayo kaa qabanaya dhinaca bidix waxa laga saaray daaqadihii alumunium-ka haa waxaana lagu badalay daaqado kale oo alumunium ah oo nooc kale ah.Dhismeyaal cusub oo la fuliyey waxa ah fooqa yar  iyo masaajidka kaa qabanaya dhinaca waqooyi .Dhamaan dhismeyaasha wasaaradda waxa la mariyey istambar isku midab ah(caddaan) si loo moodo inay wada cusubyihiin oo mar lawada dhisay.Wasiirku wuxu dumiyey dhismeyaal xayndaabka wasaaradda kaga yaalay dhinaca bari (logistics offices) oo lagu dhisay dhagax la qoray .Waxa kale oo uu dumiyey dayrkii  waajahadda kaasoo ka koobna dhagaxa midabka casuusta iyo dahabiga iskugu jira ee qaaliga ah.Dhamaan dhagaxi qornaa ee dhismeyaashi la dumiyey laga saray waxa loo raray jiho qarsoon.Waxase jirta in wasiirku uu guri ka dhistay kharashkii uu ka soo qaaday shirkadaha shidaal baadhista oo kala ahaa DNO, Genel Energy, Ansa Wikfs iyo RakGas.Wasiirku ma sheegin xaddiga lacagta uu shirkadaha kaga soo qaaday mashruucii dhismaha wasaaradda.Isla markaana wasiirku ma sheegin kharashkii ku baxay mashruucani inta uu leekaa.

Shirkadaha ayaa waxay sanadkii  bixiyaan oon khasnadda dawladda ku dhicin balse  ay ku wareejiyaan wasiirka Xuseen Ducaale lacag  ugu yaraan dhawr milyan oo doolar ah taasoo iskugu jirta kirada (rent) laga qaado dhulka blogyada (blocks) ee rukhsadda loo siiyey inay wax ka baadhaan iyo kaalmo (capacity building) loogu talogalay in lagu kobciyo aqoonta shaqaalahaa iyo qalabka farsamo ee wasaaradda taasoo aan marna la fulinin mudadi 6 sanadood aheyd ee uu Xuseen Ducaale ahaa wasiirka Macdanta.Dhamaan shirkadahii shidaal baadhista ee heshiisyada kula jiray wasiirka ayaa hawlahoodii joojiyey iyadoo qaar ka mid ahi ay rukhsadihii ay Somaliland ka haysteen dib uga iibiyeen shirkado kale oo  wasiirku la ogyahay.Dhammaan heshiisyadaasi lama soo marinin Baarlamanka.

Sida la ogsoonyahay dibu habeyntan lagu sameeyey xarunta wasaaradda Macadanta ayaa waxa la dhameystiray muddo hadda laga joogo sadex bilood hasa yeeshee waxa furitaankii dib loo dhigay markii ay soo shaacbaxday in dil dilaac ku yimid gidaaradi dhawaan la dhisay iyo kuwii la dayactirayba.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS