haatuf.net
Masaarida Oo Shaki Ka Galay In Wasiirka Khaarajiga Somaliland Sacad C. Shire Aaminsanyahay Gooni-isu-taaga Somaliland Iyo InKale
September 16, 2016 - Written by Admin Two

Qaahira, unhealthy September 16,2016(Haatuf)- Madax sarsare oo ka tirsan wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Masar ayaa shaki weyni ka galay aaminaadda uu wasiirka Khaarajiga Jamhuuriyadda Somaliland Sacad Cali Shire aaminsanyahay qadiyadda gooni-isu-taaga dalkiisa Somaliland ee madaxbanaanidiisii June 26,1960 la soo noqday 18 May 1991 kadib markii ay todobaadkii hore wasiir Sacad kula kulmeen caasimadda Masar ee Qaahira taasoo uu booqasho ku yimid.

Booqashada Mr Shire ee dalka Masar ayaa waxay ku timid martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda uu madaxweynaha ka yahay General Cabdul Fattaax Al-siisi taasoo dib boodhka uga tuntay siyaasadeedii ku aadanaan jirtay gayiga badda Cas gaar ahaan dhinaceesa koonfureed arimo baryahan dambe ku soo kordhay mandaqadaasi li-ajligeed ,waxaaanay markass wasiir Sacad uu diyaarisay fiiso(visa) ay ugu soo saareen baasaboorkiisa Somaliland.Hasa yeeshee sida uu noo xaqiijiyey suxufi Masri ah oo magaciisa la yidhaahdo Wahiib Magdi wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa markii uu soo gaadhay madaarka Qaahirala soo baxay baasaboor British ah waxaanu damcay inuu kaasi ku galo taasoo mran ka dhex dhalisay isaga iyo saraakiishii baratakoolka Khaarijiyadda Masar ee xilsaarnaa soo dhaweyntiisa kuwaasoo u sheegay in maa daama uu yahay wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland loo diyaariyey viso ah inuu ku soo galo baasaboorka dalkiisa balse uu Mr Sacad ku dooday in aanu u baahnayn viso maa daama uu haysto baasaboor British ah.

Inkastoo uu Mr Sacad markii danbe u hogaansamay baratakoolkii loo  diyaariyeydiyaariyey ,hasa yeeshee waxay dhacdadani masuuliinta sar sare ee dawladda Masar shaki weyn ka galisay in wasiirka Khaarajiga Somaliland uu aaminsanyahay madabanaanida uu dalkiisu sheegto iyadoo marka horeba ay Masaaridu u hayeen xogo tilmaamaya in qaar ka mid ah xubnaha xukuumadda Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo iyo xisbigiisa Kulmiye aanay aaminsaneyn madaxbanaanidii ay Somaliland la soo noqotay ee hadda 25 jirsatay.

.

 

 

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS