haatuf.net
Masuuliinta Carabtu Waxay Somaliland Ugu Sad Gooyaan Hanyarida Madaxda Somaliland Ee Ay La Kulmaan.
September 16, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra September 16, mind 2016(Haatuf)- Madaxweyne Siiraanyo ayaa lixdii sanadood ee uu talada dalka hayey aan xilba iska saarin sidii ictiraaf caalami ah loogu heli lahaa Somaliland taasoo aheyd hadafka ugu mudan ee ay shacbigu higsanayeen xaqiijintiisa tan iyo intii uu dalkani dib ula soo noqday madaxbanaanidiisii.Waliba xukuumadda Siiraanyo waxay la soo guboonaaday fursado qaaliya oo ay arintaa masiiriga ah wax kaga qaban laheyd kuwaasoo ka dhashay isbadalada iyo hirdanka sanadahan dambe ka aloosmay guud ahaan Bariga Dhexe  gaar ahaan mandaqadda Khaliijka ,Yaman iyo koonfurta badda Cas .Hasa yeeshee xukuumadda Siiraanyo ayaa waxqabad ay ku soo kordhiso arinta aqoonsiga daayo waxaaba lagu eedeeyaa inay curyaamisay xidhiidhadii diblomaasiyadeed ee u-qabsoomay xukuumadihii ka horreyey gaar ahaan horumarkii ay xukuumaddi madaxweyne Daahir Riyaale ka gaadhay arahaas marka la eego qaaradda Afrika dhexdeeda iyadoo sida la ogsoonyahay ay qadiyadda aqoonsigu Somaliland kaga xidhantahay mawqifka ay AU-du iska taagto arintaasi,inkastoo aanu madaxwryne Siiraanyo ilaa hadda booqasho rasmi ah ku tagin dal kaliya oo Afrikada madaw ku yaala marka laga reebo Ethiopia oo uu sii maro soonsa maro marka uu safar caafimaad ku tagayo Ingiriiska oo uu guri ku leeyahay iyo magaalada Juba oo uu July 2011 kaga qaybgalay xafladdi wanqalka madaxbanaanidii Koonfurta Sudaan .Dadka xukuumadda Sillanyo ku eedeeya in aanay dan ka laheyn aqoonsiga dalka ayaa waxay daliil u soo qaataan wasiirada habdhaqanka ka dhigtay inay ku dhoofaan baasaabooro ajnabi ah xataa markay martiqaad ka haystaan dalalka ay soo booqanayaan halka ay xukuumaddi Riyaale shardi kaga dhigi jirtay wasiirada inay baasaboorka Somaliland ku dhoofaan.

La soco

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS