haatuf.net
Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Kaadariyiinta Kulmiye Oo Dabada Ka Riixaya Olole Xisbiga UCID Loogu Xukumayo Faysal Cali Waraabe
September 16, 2016 - Written by Admin Two

Faro-galintan Maxamuud Xaashi Ayaa Kusoo Beegmaysa Xili Maalinta Axadda ay Furmayso Dhagaysiga Dacwada Xisbiga UCID

 

Hargeisa, prostate September 17, impotent 2016 (Haatuf) – Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo hogaanka sare ee xisbul-xaakimka Kulmiye ayaa dabada ka riixaya olole balaadhan oo xisbiga UCID loogu xukumo Faysal Cali Waraabe.  Sida ay sheegeen ilo-wareedo u dhuundaloola Madaxtooyadu qorshahan ayuu qasdigiisu yahay sidii looga takhaluusi lahaa musharaxnimada madaxwaynenimo  ee Jamaal Cali Xuseen oo ay xukuumadda iyo xisbigeedu-ba u arkaan inuu caqabad ku yahay guul ay ka gaadhaan doorashooyinka madaxtooyada ee  la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

Sidoo kale ilo-wareedadani waxay intaasi raaciyeen in culays badan ay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye-ba saareen Maxkamadda sare ee Somaliland ee iyadu ka garnaqaysa khilaafka xisbiga UCID, capsule taas oo ay bulshadda Somaliland aad isha ugu hayso go’aanka ay ka qaadato dacwadaasi, taas oo ama sii xoojinaysa kalsoonida uu shacbigu  ka qabo wakhtigan garsoor dalka ama shaki ka wayn kii hore looga qabay hay’adaha cadaaladda ku abuuri doona mujtamaca wadankan.

Dhinaca kale arrimahan ayaa kusoo beegmaya xili maalinta Axada ee 18-ka bishan ay maxkamadu dhagaysanayso dacwada xisbiga xisbiga UCID, taas oo sida la filayo isla todobaadka danbe soo saaraysa go’aanada kama danbaysta ah.

Haatuf.net kala soco wixii kasoo kordha wararkaasi.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS