haatuf.net
Masuuliinta Carabtu Waxay Somaliland Ugu Sad Gooyaan Hanyaraanta Madaxda Somaliland Ee Ay La Kulmaan Ku Arkaan(2)
September 17, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, medicine September 17, medic 2016(Haatuf)-Dawladaha Carabta gaar ahaan Masar iyo dawladaha Khaliijka iyo labadii kalidii taliye Mucamar Al-Qadaafi iyo Cali Cabdalla Saalex ee kala xukumi jiray Liibiya iyo Yaman ayaa waxay ka soo horjeedeen gooni-isu-taagii ay Somaliland May 1991 kula soo noqotay madaxbanaanideedii taasoo ay u arkayeen goosasho ama Infisaal oo ah kilmad aad u gashay qaamuuska erayada siyaasadeed ee afka Carabiga sanadkii 1961markii ay Suuriya ka baxday jamhuuriyadii ay 1958 kula midowday dalka Masar oo uu xiligaasi madaxweynaha ka ahaa Gamaal Cabdul Naaser. Hadaba dawladahii iyo xukaantii Carbeed ee sida gaarka ah uga soo horjeeday madaxbanaanida Somaliland ayaa waxa saameeyey isbadaladii iyo qalalaasihii sanadahan danbe ka dhacay guud ahaan mandaqadda Bariga dhexe gaar ahaanna Afrikada Waqooyi,Khailliijka iyo Badda Cas waxanay  taasi dawladaha mandaqadahaasi ka dhex abuurtay soo-kala-jiidasho iyo is-gashaan-buursiyo cusub .Hirdankii horee jiray ee u dhaxeeyey xulafada ay kala hogaamiyaan Sucuudiga iyo Iran iyo dagaalka sanadkii dhaweyd ka qarxay Yaman ayaa waxa ka dhashay in xoogagaasi ay usoo jeedsadaan dhinaca xeebaha Geeska Afrika gaar ahaan Somaliland oo ku taala buqcad istraatiiji ah oo laga kontarooli karo marinka koonfureed ee Badda Cas isla markaana dacalada la Account Suspended

Account Suspended
This Account has been suspended.
Contact your hosting provider for more information.
gaadha isku-darka biyaha Baxrul Carab iyo Badweynta Hindiya halkaasoo koonfurta bari kaga beegmaysa marinka isna muhiimka ah ee Hormuz.

Dawladaha Khaliijka ,Masar,Turkiga iyo Iran ayaa qolo waliba gaarkeed isugu dayday inay xidhiidho xodxodosho ah la yeelato Somaliland iyadoo qolokastaa ay ta kale ka ilaashanayso inay ka hor kasbato dalkan aan la ictiraafsaneyn  balse ahamiyadda istraatiijiyeed leh.Hasaa yeeshee tartankaasi waxa iyadoon hawl badani kaga bixin ku guulaystay Dawladda Imaaraata oo markaas ka wakiil aheyd Isbahaysiga Khaliijka iyadoo ay u suurtowday inay ka hortagto in Iran adeegsato xeebaha Somaliland si ay halkaas uga taakulayn karto Xuutiyiinta Yaman ee Shiicada ah.Masaarida oo baryahanba ka maqnaa Koonfurta Badda Cas waxay ahamiyadda ay mandaqadani u leedahay noloshooda dib ugu baraarugeen markii ay dalkooda budhcad badeedii Somalia soo gaadhsiiyey khasaare dhaqaale kadib markii ay maraakiib badani ka leexatay Khoorka Suweys(Suez Canal) waxayse ilaa hadda wadnaha farta ku hayaan iyagoo ka cabsi qaba budhcad badeednimo ka dilaacda xeebaha Somaliland taasoo hadiiba ay dhacdo uu Kanaalka Suweys iskaba xidhmi lahaa.Janaaraalka Masar ee Cabdul Fataax Al-Siisii dagaalka Yaman ee uu xagga badda ka caawiyo Isbahaysiga Khaliijka waxa walaaca uu ka qabo amaanka gaydhka koonfureed ee Badda Cas u dheer Dayib  Ordegaanka Turkiga ee gaalabaxaya dalka Somalia ee Somaliland la jaarka ah taasoo ay isaga iyo Imaaraatkuba si gaar ah  diirada ugu hayaan siiba xidhiidhka ay Turkiga iyo Qadar la leeyihiin Damul Jadiidka Akhwaanta Masar ka farcamay ee haatan madaxtooyada Somalia hoganaya.

Dawladaha Sudan,Eritrea iyo Djbouti ayaa iyagu si fiican uga faaiidaystay duruufaha siyaasadeed iyo amni (geo-politics) ee mandaqadaha ku xeeran iska badalay.Sanadkii 2015 si madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir-ka Sudan looga soo jaro Iran waxay Sucuudigu Banka dhexe ee Kharduum dhigeen 2.5 bilyan oo doolar halka hogaamiyaha Eritrea Asyas Af-warkii uu dalkiisa u soo hooyey 1.5 bilyan oo doolar isla sanadkaasi iyadoo ay labada dalba taakulayn dhaqaale oo kale sanadkan ka heleen Sucuudiga,Imaaraatka iyo Qadar .

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siiraanyo ayaan isagu fursadahan geopolitical-ka qaaliga ah uga faaiidaynin dalkiisa mudada dheer naawilayey inuu bulshada caalamka ka helo aqoonsi diblomaasiyadeed oo buuxa iyo taageero horumarineed oo balaadhan.Madaxweyne Siiraanyo iyo wasiiradiisu booqashooyinkii faraha badnaa ee ay ku tageen dawladaha Khaliijka marna kalamay hadal madaxdii ay is-arkeen arinta aqoonsiga .Sidoo kale marna ma jirin qorshe dhameystiran oo horumarineed oo ay kula gorgortameen dawladahaasi inay kharashkiisa bixiyaan.Mushkiladdu waxay tahay Mr Siiraanyo iyo kuwa ku xeerani halkii uu yoolkoodu ahaan lahaa qadiyada aqoonsiga iyo inay dhaaqaale waxtar weyn leh dhaafsadaan la safashada Isbshaysiga iyo godobta ay Xuutiyiinta iyo Iran ka tirsanayaan Somaliland ee uu hiilkaasi usoo jiiday,ayaa waxay ku mashquuleen danaysi gaar ah iyo mashruuca ay shirkadda Dp World ku maalgashanayso dekedda Berbera oo isagu ah hawl ganacsi oo faaiido doon ah.Laakiin maaha ixsaan loo falay Somaliland waayo kolay cid maalgashata dekadda Berbera lama waayeen (shalayba waxay warbaahinta caalamku sheegaysay heshiisyo maalgalin-ganacsi ah oo DPW la galaysay dekado ku yaala Equador iyo Qubrus).

Madaxda dawldaha Khaliijka iyo Masaaridu waxay fahmeen in Somaliland ay ka taliyaan dad aad u hanyar isla markaana aan aqoon u laheyn qiimeyna karin xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee mandaqadda ku xeeran ka jira.Waxay kale oo ay madaxda Somaliland kula yaabaan xataa sida aanay meel-ka-dhacba ugu haysan markay si qaldan u sheegaan magacyada iyo xilalka madaxda Carbeed ee ay la kulmaan taasoo dhaqan ahaan ay Carbtu aad u dhibsato.Carbtuna siday madaxda Somaliland moodayaan maaha ee hadii ay ku fahmaan oo hanyaraan, daciifnimo iyo badawnimo kaa dareemaan,hadh kuu jiidi mayaan ee meeqaanka aad is-dhigto ayuunbay kugula macaamilayaan.Waana sababta keentay in dawladaha Khaliijku ay Sudan iyo Eritrea siiyaan tixgalin ka badan ta ay  siiyaan Somaliland iyadoo waliba ay Somaliland ku taalo goob ka istraatiijisan labada dal ee kale oo marka lagu xisaabtamayo halka ugu haboon ee ay Iran ka taakulayn karto gurmadna uga diri karto Xuutiyiinta Yaman ay noqonayso xeebta Somaliland .

Dhammaad.

 

 

 

oo ay kula

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS