haatuf.net
Siyaasiyiinta Isbahaysiga Oo Hargeysa Isugu Wada Yimid Iyo Wada Hadaladii Gunaanadka Oo La Filayo Inay La Bilaabaan Xisbiga Waddani
September 29, 2016 - Written by Admin Two

Hargeisa, viagra pharmacy September 29, 2016 (Haatuf) – Siyaasiyiinta hore uga tirsanaa xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ee ku bahoobay isbahaysiga, ayaa hadda isugu soo ururay caasimadda Hargeysa.

Siyaasiyiintan oo muddo ku kala maqnaa dalka dibadiisa iyo gudihiisa, ayaa hadda isugu wada yimid magaalada Hargeysa, waxaana u dambeeyay oo shalay soo gaadhay Hargeysa Dr. Maxamed Biixi Yoonis.

Inta badan siyaasiyiintan ayaa shalay ka dhex muuqday soo dhawayn kooban oo madaarka Hargeysa loogu sameeyay Maxamed Biixi Yoonis.

Sidoo kale Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isna laba toddobaad ka hor ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa, waxaanay u muuqataa inay sannad ka dib siyaasiyiintan weli saaxiibka ahi soo gunaanadayaan xog ururintoodii siyaasadeed.

Waxa la filayaa inay wada hadaladii gunaanadka ahaa la bilaabaan maalmahan xisbiga Waddani oo la saadaalinayo inay ku biiri doonaan ka hor shirka golaha dhexe ee xisbigaas oo qorshaysan bisha Oktoobar.

Xisbiga Waddani oo muddo dheer guclo iyo orod ugu jiray sidii uu u soo dhawayn lahaa siyaasiyiintan oo ah rag miisaan leh, ayaa waxa hadda muuqata inay xaggiisa u soo leexdeen islamarkaana ay hadda ku gudo jiraan gunaanadka wada xaajoodkii iyo wada tashigii ay mudada dheer wadeen.

Laakiin Xubno ka mid ah ayaa ka baxay isbahaysiga, kuwaas oo dib ugu laabtay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo ay hore uga tirsanaayeen.Siyaasiyiinta Isbahaysiga Oo  Hargeysa isugu Wada Yimid Iyo Wada Hadaladii  Gunaanadka Oo La Filayo Inay La Bilaabaan Waddani

Xisbiga Waddani iyo taageerayaashiisa ayaa aaminsan in siyaasiyiinta isbahaysiga oo ku soo biiraa ay u horseedi doonaan taageero siyaasadeed oo ay haystaan.Source:Geeska.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS