haatuf.net
Xukuumadda Eithiopia Oo Madaxweyne Siilaanyo U Muujisay Siday Uga Walaacsantahay In Somaliland Saldhigyo Laga Siiyo Ciidamo Carbeed
October 30, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa,October 30,2016(Haatuf)-Xukuumadda Ethiopia ayaa Madaxweyne Siilaanyo oo booqasho ku jooga dalkeeda u muujisay sida ay uga walaacsanyihiin in dawladda Imaaraatka  saldhigyo milatari looga ogalaado dhulka Somaliland gaar ahaan madaarka iyo dekadda Berbera.Madaxweyne Siilaanyo oo shalay la kulmay Ra’iisal’wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa siday ilo u dhuun daloola boqashadiisu  ay Haatuf  ugu warameen, waxa ka mid ahaa qodobada ay ka wada hadleen arinta codsiga ay dawladda Imaaraatku dhawaan u soo gudbisay xukuumadda Somaliland in saldhig milatari looga ogolaado madaarka Berbera taasoo werwer weyn ku abuurtay  dawladda Ethiopia in ciidamo Masaari ah oo gacan saar la leh Imaaraatku ay halkaasi soo degaan. Ethiopia ayaa dhawaan dawladda Masar ku eedaysay inay ku lug laheyd shaqaaqooyinkii gobolka Oromada ee Ethiopia ka dhacay dhawrkii bilood ee u dambeeyey.Xukuumadda Masaarida ayaa ka soo horjeeda mashaariicda tamarta biyaha ee ay dawladda Ethiopia ka waddo wabiga Blue Nile kaasoo u qulqula dhinaca dalka Sudan halkaasoo u kaga darsamo Niilka Cad ee ka yimaadda harada Lake Victoria .Masaarida ayaa taarrikhiyaan marwalba ka walaacsaneyd inay biyo yaraani ku dhacdo hadii ay Ethiopia mashaariic horumarineed uga  faaiidaysato biyaha dhulkeeda .Sidoo kale dawladda Masar ayaa si ba’an uga soo horjeeday gooni-isu-taaga Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo intii ay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday 1991.Inkastoo uu xidhiidh fiicani ka dhaxeeyo Hargeysa iyo Adisababa hadana waxa dhinaca Somaliland laga qabaa aragti ah in aanay Ethiopia u hagarbixin qadiyadda aqoonsiga Somaliland.

Dhinaca kale dawladda Masar ayaa u ololaynaysa in ciidamada Amisom lagu badalo ciidamo hoos yimaadda Qaramada Midoobay oo ka soo jeeda dalal Muslim ah oo ay ka midyihiin Masar iyo dawlado carbeed oo kale iyadoo danaha ay Masaaridu arintan ka leeyihiin ay ka midtahay in ciidamadaasi la keeno laguna qabsado Somaliland .

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS