haatuf.net
Madaxweyne Siiraanyo Oo Siyaasiga Fashilmay Ee Cali Khaliif Kula Shiraya Addisababa
October 31, 2016 - Written by Admin Two

Adis-ababa October 31,2016(Haatuf)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Siiraanyo ayaa magaaladan Adis-ababa kula shiraya madaxa kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh kaasoo ay diyaaradi shalay ka soo qaaday magaalada Buuhoodle.Mr Siiraanyo ayaa bishi hore sheegay in xukuumadiisu ay wada hadalo la yeelan doonto Cali Khaliif oo ay kooxdiisu dhawr weerar oo gaadmo ah ku soo qaaday qaar ka mid ah saldhigyada ciidanka Qaranka Somaliland ku leeyahay gobolka Sool labadii sanadood ee u dambeey.Cali Khaliif oo ah nin ku fashilmay siyaasadda ayaa ku xidhay wada hadaladaasi shardi ah in lagu qabto meel ka baxsan Somaliland sida magaalada Dubay oo uu jecelyahay hudheeladeeda .iyadoo uu dhawr jeer oo hore saaxiibkii Siiraanyo kaga baxay  arimo nabadeed oo ay isla qaateen.

Waxase ra’yul caamka reer Somaliland luquz ku noqotay sababta uu madaxweyne Siiraanyo uu marwalba Cali Khalif u siinayo qiimo ka weyn ka uu istaahilo iyadoo ay waliba dalka gudahiisa ay ku suganyihiin rag ka miisaan weyn oo iyaguba ka soo jeeda gobolka Sool ee Somaliland.l isla markaana aaminsan gooni-isu-taaga Jamhuuriyadda Somaliland halka Cali Khaliif wali ku faano in aanu waligii midnimada Saaliweyn ka hadhi doonin.Waliba waxa la yaab leh iyadoo abaaro ba’ani dalka ku hubsadeen gaar ahaan  gobolada bari in ninka caynkaas ah een Somaliland waxna ku soo kordhin karin waxna u dhimi karin loo diro diyaarad khaas ah oo lagu soo kireeyey cashuurta dadka danyarta ah laga qaado.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS