haatuf.net
Xukuumadda Oo DWP Ka Ogolaatay Inay Dekadda Berbera La Wareegto Iyadoon Bilaabin Maalingalinta Qaybtii Cusbeyd Ee Ay Ku Soo Kordhin Laheyd Dekadii Hore
December 17, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, anesthetist December 17, discount 2016(Haatuf)-Xukuumadda Somaliland ayaa Shirkadda Dubai World Ports ka ogolaatay inay dib u dhigto maalgalintii ay ku sameyn laheyd dekadda Berbera taasoo khilaafsan nuxurka heshiiskii ay   dpw iyo xukuumaddu wada galeen  oo dhigayey in maalgalintu bilaabanto marka heshiiska la kala saxeexdo ee ay shirkaddu la wareegto gacan- ku-haynta dekadda.

Maaligalinta uu heshiisku shardiga kaga dhigayo dwp inay hirgaliso waxa ka mid ah qayb cusub oo ay aheyd inay ku kordhiso dekadii hore iyo qalab casri ah oo ay ku xoojinayso sida wiishashka waaweyn ee loo isticmaalo dajinta iyo rarista alaabooyinka. Hasa yeeshee shirkadda dwp ayaa ka maquuratay fulinta qodobadii maalgalinta waxaanay dhawaan xukuumadda Somaliland ku wargalisay inay hawshaasi dib u dhigayso taasoo ay xukuumaduna ka aqbashay iyadoo hawsha kaliya ee ay ilaa hadda dpw ku dhawaaqday inay qabanaysaa tahay dayr (fence ) ay uu sameyn doonto dekadda oo ay qandaraaskiisa todobaadkan ku baahisay qaar  ka mid ah wargeysyada dalka .

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS