haatuf.net
Kooxda Ku Xeeran Madaxweynaha Oo Ku Kala Jabay Falanqeyn Ay Ka Yeesheen Wixii Ay Ka Yeeli Lahaayeen Mudo-Kordhinta Dalka Ku Soo Fool Leh
December 22, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa,December 22,2016(Haatuf)-Kooxda gacanta ku haysa talada madaxtooyada Somaliland ayaa kulan ay todobaadkii hore yeesheen isku khilaafay wixii ay ka yeeli lahaayeen mawduuca mudo kordhinta xukuumadda ee dalka ku soo fool leh.Inkastoo ay isku raaceen in qabyo badani ka jirto diyaargarowgii doorashada madaxweynaha oo aanay suurtogal aheyn inay bisha March 2017 ee loo qoondeeyey ku qabsoonto,hadana waxay isku mari waayeen go’aanka ay tahay in madaxweynuhu qaataa nooca uu noqonayo iyadoo qaar ka mid ah xubnaha kooxdaasi ay ku taliyeen in madaxweynahu xaalada caafimaad ee uu ku suganyahay awgeed uu xilka ka dago oo uu ku wareejiyo madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici islaa markaana madaxweyne-ku-xigeen loo doorto mid ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda  beesha madaxweyne Siilaanyo oo sidaas xukuumadda mudo kordhin loogu sameeyo.Hasa yeeshee xubnihii kale ayaa soo jeedintaasi ka cadhooday taasoo sababtay in shirkii lagu kala kaco.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS