haatuf.net
Haatufka Maanta
December 24, 2016 - Written by Admin Two

haatufkaHargeysa,December 25,2016(Haatuf)-Waar malaha kan yar ee xidid-ku-xoolow wuu arbacuunanyahay.Hadaba miyaanu dhargaynba.Marku waxwalba dig ka siiyey ee uu xata dekadii kaliya  ee Laantu laheyd iibiyey ayuu maantana yidhi xeebta dherarkeedu 850 km waxan ka dhigaya baloodho aan ka kireeyo dawlado raba inay saldhigyo ciidan ka sameystaan.Qoodha iyo xero waa si inta meesha ciidamo la soo dhoobo hadhawna la ina yidhaahdo Xamarbaanu ogolaanshe ka haysanaa oo dabadeed la inoo qabsado.

Adeer dawladda Imaaraatka cuqdad kama qabno xumaanina nagama dhaxayn ee waxa loo baahanyahay in si ladifan loogu sheego in labada shay ee ay Somaliland dhaafsan karto saldhig ay ogolaato yihiin  iyadoo Imaaraatku Somaliland siiyaan ictiraaf ay ku ladhantahay kaalmo horumarineed oo mudakar ah iyo in aanay ciidamo Masaari ah keenin saldhigaasi.Labadaas qodob hadii ay ka soo baxayaan ,saldhig kaliya ayaad sheegaysaaye bal may toban dalbadaan in loo diido.

Hadii kale nimayahow aafadan yare madaxweynaha inanta ka qaba ee jeebkiisa u shaqeysanayaa yaanu idin wareerinine walaalayaal an kala eed la’aano.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS