haatuf.net
Warqadda Is-fahamka Ku Saabsan Saldhiga Miltari Ee Ay Somaliland Iyo Imaaraatku Wadagaadheen Waxa Si Qarsoodi Ah U Saxeexay Wasiirka Duulista Kadib Markii U Wasiirka Khaarajigu Diiday
December 24, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, ailment December 24, abortion 2016(Haatuf)-Wargeyska Haatuf waxa uu xaqiijinaya in wasiirka Duulista iyo Hawada Farxaan Aadan Haybe uu yahay sarkaalka dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland u saxeexay qoraalka Is-fahamka (Letter of Understanding) ay wada gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland  iyo dawladda Imaaraatku ee ay Somaliland  ku ogolaanayso saldhig Milatari oo  ay dalkeeda ku yeelato dawladda Imaaraatku.

Waxa kale oo ay Haatuf  xaqiijinaysaa in Is-fahamkan uu si qarsoodi ah u watay  wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Siilaanyo ee Baashe Cawil oo uu wasiirka Duulista ka saxeexay bishii September ee sanadkan kadib markii uu wasiirka Kharajiga Somaliland Sacad Cali Shire ka diiday inuu saxeexo iyadoo ay labada wasiir xiligaasi ka mid ahaayeen xubnaha wafdi balaadhan oo uu hogaaminayey Siilaanyo laftiisu oo booqasho ku joogay dalka Imaaraatka.

Dhinaca kale waxa soo shaac baxaya xogo tilmaamaya in Baashe Cawil ka dambeeyey sababta Farxaan Aadan Haybe loogu magacaabay inuu noqdo wasiirka Duulista iyo Hawada bishii August 2016 iyadoo danta uu Baashe Cawil ka lahaa aheyd in hadii uu Sacad ku dhego adaygo uu wasaaradda  Duulistaba keensado qof uu isku haleyn karo inuu ka saxeexdo ogolaanshaha xukuumadda ee ku waajahan mashruuca uu Imaaraatka la galay ee ay  ciidamadadooda cirka iyo badda ugu raadinayaan saldhig ay ku yeeshaan Berbera.

Sido kale Baashe Cawil waxa uu magaalada Dubay horaantii bishan madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaaan Saylici ka saxeexday bedelaad lagu sameeyey qaar ka mid ah qodobadii heshiiskii maalgalinta dekedda Berbera ee badhtamihi sanadkan dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Dubai Port World kadib markii uu diiday wasiirka Khaarajiga Sacad Cali Shire inuu saxeexo bedelkaasi.Ma jirin cid kale oo dhinaca Somaliland ah oo Baashe Cawil la ogeyd badelka ay isaga shirkadda DPW isla garteen in lagu sameeyo heshiiskii baarlamanku ansixiyey.Qodabada la badelay ayaa waxa ugu muhiimsan kuwii khusaynayey qayb cusub oo ay DPW ku kordhin laheyd dekadda iyo qalab culus iyo tas-hiilaatka kale oo casri ah oo ay ku xoojinlaheyd dekadda taasoo hadda noqotay wax dib loo dhigo iyo wax heshiiska laga saaraba.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS