haatuf.net
Ololahii Baashe Cawil Ugu Jiray Saldhig Milatari Oo Imaaraatku Ku Yeeshaan Somaliland Iyo Mucaaradad Ka Dhan Ah Oo Dalka Ka Aloosanatay
December 26, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa,December 26,2016(Haatuf)-Waxa dalka ka aloosmay dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo qorshe uu dabada ka riixayo wiilka uu madaxweyne Siilaanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil oo uu ku doonayo in dawladda Imaaraatka loo ogolaado Saldhig Milatari oo ay ciidamadeeda Cirka iyo Baddu ku yeeshaan  Somaliland.Inkastoo uu ololeha Baashe Cawil aanu wali dhaafin shirar uu la yeeshay xildhibaanada labada gole baarlamaan ee ka soo jeeda beeshiisa  waxa seh la filaya inuu todobaadkan gudahiisa balaadhiyo xidhiidhadiisa uu taageerada ugu raadinayo mashruuca saldhiga isagoon waxba iskaga tirineyn ra’yul caamka xoogan ee ka soo horjeeda in dalka laga sameysto saldhigyo milatari oo ajnabi ah.In kastoo mucaaradada lagu diidanyahay saldhiga  uu Baashe Cawil  ololaha ugu jiro ay guud ahaanba Somaliland ka jirto, hadana waxa si xoog leh looga sii dareemaya magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa oo ay haatan ka socdaan dhaqdhaqaaqyo lagu abaabulayo shirar lagaga tashanayo sidii loogaga hortagi lahaa arinta saldhiga.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in wasiirka Khaarajiga Somaliland  Sacad Cali Shire uu damacsanyahay inuu xilka iska casilo ka dib markii uu Baashe Cawil caadeystay inuu hawlihii wasaaradiisii  u gacan dhaafo.

 

 

 

 

oo ayxidhiidho jirfariimo uu u diray

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS