haatuf.net
Suldaan Wabar Oo Dharwanaaje Soo Degay Kana Abaabulaya Ciidan Beeleed Uu Kula Dagaalamo Somaliland
December 27, 2016 - Written by Admin Two

Borama, no rx December 27, anesthetist 2016(zHaatuf)-Ilo xogogaal ah oo kala duwan ayaa Haatuf  u xaqiijiyey in Suldaan Abubakar Cilmi Wabar uu maalmahanba ku sugnaa tuulada Dharwanaaje ee 17 km dhinaca galbeedka ka xigta caasimadda gobolka Awdal ee Boorame halkaasoo oo uu dib uga abaabulayo ciidan beeleed uu kula dagaalamo dawladda Somaliland.

Waxay aheyd dabayaaqadii 2015 markii shakhsiyaad shicib ah iyo saraakiil ka tirsan dawladda Somaliland ay iyagoo iskaashanaya waan waan iyo sulux ku soo xero galiyeen maleeshiyo beeleed falaago ah oo uu isla Suldaankaasi 2014 ka abaabulay xadka u dhaxeeya gobolka Awdal iyo Ethiopia taasoo mudadii ay jitay ku kacday falalbudhcadnimo.  Suldaan Wabar oo dawladu ka cafiday fal dambiyeedyadii loo tirinayey inuu ka masuulka ahaa mudadii uu hogaaminayey maleeshiyo beeleedka ayaa isagu dib ugu laabtay dalka Kanada halkaasoo uu qaxoontinimo ku deganaa intii aanu falaagoobin.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS