haatuf.net
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Oo Sheegay In Dalka Ethiopia Xaq U Leeyahay Inuu Ka Werwaro Saldhig Milatari Oo Laga Samaysanayo Dal La Jaar Ah
January 11, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,January 11,2017(Haatuf)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire ayaa ka garaabay in dawladda Ethiopia werwar ka muujiso saldhiga milatari ee ay dawladda Imaaraatku doonayso inay ku yeelato Berbera.Mar ay warbaahintu maanta wax ka weydiisay in Ethiopia ay ka walaacsantahay saldhigaa iyo inkale ayaa waxa uu wasiirku xaqiijiyey in walaacaasi jiro isla markaana uu garwaaqsan karo sababtiisa.Wasiir Sacad waxa uu sheegay in Ethiopia ay xaq u leedahay inay ka werwarto saldhig milatari oo laga samaysanayo dawlad la jaar ah.Wasiirku wax uu intaas ku ladhay in siday Somaliland uga xumaan laheyd hadii ay Ethiopia soo dhawayso cid khatar ku ah ayey iyaduna uga xumaan kartaa hadii ay Somaliland sidaas oo kale yeeli laheyd.

Mashruuca saldhiga ayaa waxa dabada ka riixayey wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil mana jirto cidkale oo xukuumadda madaxweyne Siiraanyo ka mid ah oo la socotaa marka laga yimaado wasiirka Madaxtooyada Maxmuud Xaashi iyo wasiirka Duulista oo iyagu Baashe la fuliya hawlaha ku tacaluqa arintan ee uu labadooda uga baahdo.Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo dawladda Imaaraatka ayaa bishii September 2016 isku afgartay in Imaaraatku ay xeebta Somaliland ku yeeshaan saldhig ciidamada cirka iyo badda ah.Isfahamkan (Letter of Understandin ) oo uu dhinaca Somaliland u saxeexay wasiirka Duulista Farxaan Cabdi Haybe ayaa waxa uu Baashe Cawil baryahanba olole ugu jiray in la horgeeyo lagana ansixiyo labada aqal baarlamaan.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS