haatuf.net
Mashruucii Saldhiga Oo Khilaaf Ba’an Ka Dhexdhqarxiyey Xukuumadda Iyo Saxaafadii Madaxtooyada Oo Weerar Ku Haysa Wasiirkii Khaarajiga
January 12, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,January 12,2016(Haatuf)-Mashruucii ku saabsanaa saldhiga milatari ee ay dawladda Imaaraatku rabto in laga siiyo dalka Somalilandoo ayaa khilaaf weyn ka dhex qarxiyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka dib markii uu wasiirka Khaarajiga Dr Sacad Cali Shire si cad uga soo horjeedsaday in la bixiyo saldhigaas. Heshiis is -afgarad(letter of understanding) ah oo dhex maray Somaliland iyo Imaaraatka oo uu dhinaca Somaliland u saxeexay wasiirka Duulista Farxaan Haybebishi September 2016 ayaa nadaxtooyada Somaliland  labadii todobaad ee u dambeeyey dalka gudahiisa ka wadday olole ay Baarlamaanka kaga doonayso ansixiinta heshiiskaasi.Hasa yeeshee wasiirka Arimaha Dibadda oon  markii horeba waxba lagala socodsiinin arintan ayaa ka cudur daartay inuu taageero   mashruucan oo uu watay wiilka madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil.

Khilaafkan oo maalmahan danbe sii xoogaystay ayaa waxa uu durtaba carqaladeeyey qorshehii uu Baashe Caawil taageerada kaga raadinayey Baarlamanka iyadoo qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland hadda laga dareemayo abaabul kale oo kaas ka dhan ah.Baashe Cawil oo ay u-qaadan-waa ku noqotay markii uu soo shaac baxay mawqifka Mr Sacad iska taagay arinta saldhiga ayaa waxa u bilaabay inuu wasiirka saxaafadda ku weeraro iyadoo maanta oo u dambaysay uu wargeyska Sahan ee loo tiriyo wasiirka madaxtooyada Maxmuud Xaashi xambaarsanaa dhaleecayn iyo dhaliil ku waajahan daacadnimada Mr Sacad inkastoo ay hadda soo ifbaxayaan warar tibaaxaya in hogaanka xisbiga Kulmiye u riyaaqay mawqifka ka dhanka ah heshiiska ee uu qaatay wasiirku taaso laga dhadhansan karo wargeyska Hubaal oo dhawrkiisii cadad ee uu dambeeyey ay ku qornaayeen maqaalo ku lidi ah mashruuca saldhiga iyo tabaha  uu Baashe Cawil adeegsanayo si uu u meelmariyo.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS