haatuf.net
Faysal Cali Waraabe Oo Taageeray In Imaaraatka Shuruudla’aan Saldhig Looga Siiyo Dalkan ,Wadani Oo Aqoonsi Ku Xidhay Iyo Xukuumadda Kulmiye Oo Ku Kala Qaybsan
January 13, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,January 14,2016 (Haatuf )-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa iclaamiyey inuu taageersanyahay in dawladda Imaaraatka saldhig milatari oo ay ku yeelato xeebta Berbera. Khudbad uu shalay ka jeediyey xaflad xisbigiisu ku lahaa magaalada Hargeysa oo uu kaga hadlay arinta saldhiga ayaa waxa uu ku tilmaamo kaga bixiyey faaiidooyinka Somaliland ugu jira ee kaga heli doonto Imaaraatka sida dhismaha wadooyinka,tababarka iyo qalabaynta ciidamada badda iyo fursado shaqo oo soo kordha.Booqor Cismaan Buur Madow oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya mashruuca saldhiga ayaa isna xafladaasi ka hadlay isagoo sheegay in sadexda murashax ee uu tartamaya jagada madaxweynaha uu Faysal Cali Waraabe yahay ninka ugu tudhaalaha badan dalka ee aan kursi jacaylku madax marin.

Dhinaca kale xisbiga Wadani ayaa shaaciyey mawqifkiisa ku saabsan saldhiga ay Imaaraatka doonayaan inay ka sameystaan Somaliland,waxaanay soo jeediyeen in aan la dhaafsan wax aan Ictiraaf buuxa aheyn halka ay xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ay ku kala qaybsanyihiin arinta mashruuca saldhiga ee uu abaanka ka yahay wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil kaasoo ficliyan la wareegay awoodii hogaankii saree qaranka oo ay haatan ka go’do talada dalku.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS