haatuf.net
Wasiirka Macdanta Oo Lunsaday Lacag Ay Shirkadaha Shidaalku Ugu Deeqeeen Gobolada Sool,Sanaag Iyo Togdheer Ee Abaartu Saameysay
January 21, 2017 - Written by Admin Two

Haatuf,January 21,2016(Haatuf)- Wasiirka Macdanta SoXuseen Cabdi Ducaale ayaa lunsaday lacag aan qadarkeeda wali la cadayn oo ay shanta shirkadood ee rukhsadaha u haysta inay shidaalka ka baadhaan Somaliland ugu deeqeen dadka xoolo dhaqatada ah ee ku abaaroobay gobolada Togdheer,Sool iyo Sanaag.

Wasiirka ayaa sanadkii hore ee 2016 mucaawino raashin iyo biyo ah gaadhsiiyey tuulooyin ka mid ah gobolada Sanaag iyo Togdheer  gaadhsiiyey dadka iyadoo uu kaalmadii uu siday xiligaasi ku tilmaamay mid “dhiig joojin ah” oo hordhac u ah gargaar weyn oo la filayo in shirkadahii shidaalku ay u soo diraan.Wasiirku mar uu dadka kula hadlayey deegaanka Saraar ayaa waxa uu sheegay inuu la xidhiidhay shirkadahii shidaal baadhista oo ay mucaawino faro guudkood ah soo direen balse ay jidka ka soo jirto taakulayn waxtar weyn u yeelan doonta  dadka ay abaaruhu saameeyeen.Mana jirto wax mucaawino ah oo danbe oo uu wasiirku gaadhsiiyey reer guuraaga abaaruhu sida xun ugu saameeyeen gobolada bari.

Hasa yeeshee ilo u dhuun daloola shirkadaha shidaal baadhista ayaa waxay hadda xaqiijinayaan inay shirkadahaasi ay taakulayn maaliyadeed oo ay ugu deeqeen dadka abaaroobay u soo direen wasiir Ducaale bishii Octobar 2016.Ilahaasi way ka gaabsadeen inay sheegaan intay le’geed lacagtaasi balse waxay ku tilmaameen inay aheyd mid mudakar ah.Waxa kale oo ay intaasi ku ladheen in taakulaynta ka sakow ay lacag aan ka yareyn hal milyan oo doolar ay shirkaduhu ku bixiyeen in lagu wacyi galiyo dadka ku nool deegaanada shidaalka laga baadhayo si aanay isaga horiman shirkadaha iyo dadkaasi.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS