haatuf.net
Wasiirka Macdanta Oo Lagu Eedeeyey Inuu Ka Masuulyahay Fadeexada Ka Dhalatay Isku-Dhac Dhexmaray Ilaaladii Shiinihii Shidaalka Sahaminayey Iyo Dadka Ku Nool Gobolka Saraar
January 22, 2017 - Written by Admin Two

Burco,January 22, 2017(Haatuf)-Madaxda dhaqanka ee gobolka Saraar ayaa wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ku eedeeyey inuu ka masuulyahay isku-dhac shalay  dhexmaray dadweynaha ku nool degaanka Qaadle iyo ilaalada koox Shiine ah oo halkaas ka waday hawlo shidaal sahamin ah iyadoo kooxdii shidaal sahaminta iyo askarti ilaalinaysayba ay Burco dib ugu soo noqdeen.

Siday ilo goobjoog ahaa xaqiijiyeen isku dhaca labada dhinac waxa uu bilaambay ka dib markii ay askartu ay lug iyo gacan isugu xidheen 6 oday oo doonayey inay saraakiisha mashruuca kala hadlaan arimo cabashooyin iyo cadaalad darro ah oo ay ka tirsanayeen hawlaha sahaminta ee laga wado deegaankooda taasoo keentay in meleeshiyo beeleed ka tirsan degaanka Qaadle ay weerar ku soo qaadaan goobti ay odeyaashu ku xidhnaayeen.

Siday ilahaasi ku warameen intii aanu iska horimaadkani dhicin waxa iyaduna jirtay in shaqaalaha sahamintu ay cagaf ku dalooliyeen bac weyn oo ah kuwa lagu kaydiiyo biyaha taasoo xoog uga cadhaysiisay xoolo dhaqatada halkaas ku nool ee abaarta dheeri ku habsatay.

Siday ilo u dhuun daloola hawlaha sahamintu sheegeen odeyaasha degaanka ayaa hore ugu wargaliyey  wasiirka  Macdanta inay wax ka badalaan qaabka ay hawsha u wadaan balse wasiirka ayaan taas dhag u dhigin isla markaana aan wax ka qaban dhaliilihii ay usoo jeediyeen sida in la dhawro deegaanka(environment) iyo in dadka degaanka laga qaybgaliyo fursadaha shaqo iyo adeegyada ay qaban karaan ee ka banaanaada mashruuca iyadoo wasiirka lagu eedeeyey inuu qaab  qabyaaladaysan oo hoose wax u qaybiyey .

Isku dhacan ayaa sababay inay istaagaan dhamaan hawlihii shidaal sahamintu iyadoo ay madax dhaqameedka degaanku sheegeen in aanay damaanad qaadi kareyn nabadgelyada cida mashruuca wadda isla markaana ay hore ugu taliyeen in aan la bilaabin intay abaartu jirto.

Wasiirka macdanta  ayaa markii hore mashruucan ku sheegay inuu yahay  mid ay shirkadda BGP ee Shiinaha laga leeyahay ku sahaminayso in shidaal ku jiro badda Somaliland iyo in kale ( off-shore ) maa daama ay jirtay shirkad Norwegian ah (TGS-Nopec)  oo hore shidaal baadhis dulka ah uga sameysay Somaliland xiligii u wasiirka Macdantu ahaa Qaasim Sheekh Yuusuf.Hasa yeeshee wali ma cadda sababta hadana shidal baadhis cusub oo dhulka ah looga bilaabay dalka iyo inay xidhiidh farsamo la leedahay tii badda ee uu wasiir Ducaale sheegay.

Wasiirka Macdanta Xuseen Ducaale ayaa sheegay inuu heshiis shidaal baadhis ah oo lagu sahaminayo badda Somaliland uu 19/11/2016 la galay shirkadda BGP ee laga leeyahay Shiinaha. Hasa yeeshee siday Haatuf  hore u sheegtay ,shirkadda BGP waxa kale oo ay dalkan kaga hawlgashaa  rukhsad ka soo baxday wasiirka macdanta ee Somalia 20/9/2015.Waxa kale oo aanu wasiir Ducaale sheegin oo wali qarsoon  cidda dhabta ah ee qandaraaska ku siisay ee bixinaysa kharashka ku baxaya shidaal baadhista ay shirkadd Shiinahu hadda Somaliland ka wado.

Waxay aheyd bishii September 2014 markii ay shirkadii Genel Energy ay dalka si kadis ah uga baxday sababo ay ku sheegtay nabadgelyo darro ka jirta Somaliland taasoo caalamku u micnaystay argagixisonimo .Hasa yeeshee sababta dhabta ah ee ku kaliftay Genel inay dalka ka baxdo ayaa aheyd isku-dhac dhex maray shirkadda iyo dadka ku nool degaanka Saraar taasoo salka ku haysay maamul xumo iyo musuqmaasuq iyo qabyaalad uu ku kacay wasiir Xuseen Ducaale iyadoo dhawrkii bilood ee ay Genel dalka ku sugneyd kharash garaysay in ka badan 50 milyan oo doolar.Ma jirin wax talaabo ah oo uu madaxweynuhu ka qaaday arintaasi fadeexada ku aheyd dalka ee waliba sababtay inuu fashilmo mashruucii ugu muhiimsanaa ee  shacbigu rajada ka qabay inuu kaga bixi doono saboolnimada iyo gaajada.

Wasaaradda Macdanta ayaa tan iyo intii loo magaacaabay Xuseen Ducaale badhtamihii 2010 caadaysatay inay si qarsoodi ah heshiisyo ku tacaluqa shidaal iyo macdan baadhisba  ula gasho shirkado shisheeye ah. Xuseen Ducaale oo lagu tilmaamu wasiirka musumaasuqa iyo lunsiga dhaqaalah qaranka ugu badan ee soo mara Somaliland ayaa waxa uu xidhiidh dhaw la leeyahay wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS