haatuf.net
Beesha Caalamka Oo Fahmtay In Baashe Cawil Awoodii Madaxweynaha La Wareegay Indho Gaar Ahna Ku Haysa Dhaqdhaqaaqiisa
January 24, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,January,2017(Haatuf)-Wakiilada beesha caalamka ee mandaqada ku sugan ayaa laga soo warinaya inay  fahmeen in talada dalka uu la wareegay wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil oo uu ku fushado dano gaar ah kuwaaso laga cabsi qabo inay xasilooni darro abuuraan.Siday ilo u dhuun daloola diblomaasiyiinta fadhigoodu yahay bariga Afrika ay Haatuf u sheegeen ,wakiilada beesha caalamka ayaa Baashe Cawil  u tirinaya inuu ka dambeeyo ama door weyn ka ciyaaro dibu dhaca kolba ku yimaadda doorashada madaxweynaha Somaliland isla markana faraha kula jiro arimo musuqmaasuq oo halis ku ah dhaqaalaha iyo degenaansha  Somaliland waxaanay haatan indho gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyadiisa oo dhan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS