haatuf.net
Sababta Wafdiga Reer Yurub Xibiga Kulmiyena Ugu Riyaaqeen Wadanina Ju Dhaliileen
January 24, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,January 24,2017(Haatuf)-Xisbiga Wadani ee mucaaridka ah ayaa u muuqda inuu waxyeeleeyey samcadii fiicneyd ee uu ku lahaan jiray wakiilada beesha caalamka u fadhiya mandaqadda dhexdooda ka dib markii uu taageeray in mudo kordhin loo sameeyo xuluumadda madaxweyne Siiraanyo taasoo u cuskaday abaarta dalka ka jirta awgeed halka uu xisbigii madaxtinimada dalka hayey ku adkeystay in doorashadana waqtigeedii lagu qabto abaartanna loo gurmaado.Diblomaasiyiinta beesha caalamka ayaa la yaabay in xisbigii mucaaridka ugu weynaa ee Wadani ee awal xukuumadda ku eedayn jiray inay carqaladaynayso doorashada uu isaga laftiisi dalbado mudo-kordhin halka xisbul xaakimki istaagay in aan doorashadu waqtigeedii ahaa 28/3/2017 dib uga dhicin oon la kordhin waqtiga xukuumadda.

Wafdiga Safiirada reer Yurub ee Somaliland booqashada ku jooga  ayaa kulamadii ay xalay la yeesheen  sadexda xisbi siyaasadeed waxa markii ugu horeysay tan iyo intii uu Siiraanyo xukunka qabtay  laga dareemayey siday deeqbixiyeyaashu Kulmiyana ugu riiyaaqsanyihiin Wadanina uga niyadjabeen.Wafdiga beesha caalamka ayaa xukuumadda u soo jeediyey in aan doorashada dib loo dhigin isla markaana wax-ka-qabashada baarta meel looga soo wada jeedsado.Wafdigu waxa kale oo ay ka digin cawaaqib xumada ay mudo kordhintu ku yeelan doonto xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS