haatuf.net
Milicsi Taariikheed: ‘Ma Darroorin Baa Aqal Loo Dunshaa’ By: A. Geeljire
November 17, 2014 - Written by Admin Two

waxaa ay soo baxday bishii September 28, erectile 2009, doctor Wakhti golayaasha iyo Xukuumaddii xiligaasi isla il-daraayeen sidda tan maanta. Qormadan waxaa diyaariyay Wasiirkii hore ee Kuluumaysiga Cabdillaahi Geeljire oo aan fillayo xillan in aanu jeclayn in dib loogu soo celiyo. Waxay se ka mid noqotay qormooyinka dhacdooyinka hadda taagan oo kale ku fiican wuxuu ka bilaabay waqtigaas Daljire sidan: Dubbe:Horta intii khilaafku socday oday guurtida ah oo kuwii Ina Rayaale sida sharci darrada ah ula socday ka mid ah ayuumbaan anigu ku qoslay isaga iyo islaantiisii waxa kala qabsaday. Doolaal:Oo muxu sameeyay? Dubbe:Markii habeenkii jimcihii arrintu kululaatay ayuu odaygu yar baqday. Islaantii tii buu u yeedhay: Odaygii:Naa Dahaboy bal kaalay. Naa caawa guri meeshaas ah oo raggii lagu ururiyay ayaan u hoyanayaa hawl baa jirta ee “dardaaran waa inta ifka la joogo eh” bal kaalay. Dahabo:Bisinka iyo yaasiinka. Ee maxaa dhacay ee la dib jiraysaan jimcayaashan galay? Odaygii:berrito salaada ayaanu mooshin gelaynaa.

Dahabo:Looshin gelaynaayaa? Looshinku ma kan la yidhi berkad baa la yidhaahdaa oo hablahan yar yar baa isku caseeya. Naa xaawalay islaameed maxaynu wax walba maqli. Ee ma da’dan baad looshin gelaysaa. Cimraagaasaan jiray oo waxaan sixin ahayn korkayga ma marin. Ee awalba jactad weyneyde yaanu dubka iyo diirku ku kala siibanin. Odaygii: Waar maxay ku hadlaysaa wuxu?Naa mooshin baanu ku nidhi. Dahabo: Mishiin aah? Maxaa mishiinkiina helay miyuu xumaaday? Odaygii:Naa mooshin baanu ku nidhi mawtal qafle ku dilye. Qoodh iyo xero dhegahay ka fayoobeyde iyana beeshay. Dahabo:Ee mush mush layne xaggaa nooga baydh oo meeshaad ku dhaxayso ku dhax. Mooshinku waa maxay? Odaygii:Naa wax garan mayside arrimaha Guurtidu ka shaqayso ayaa mooshin la yidhaadaa. Eeg. marka raggu geedka fadhiyo hawsha uu hayo “Arrin” baa la yidhaa. Marka Guurtidu xafiiska fadhidana af Carabi baa loo bedelaa “Mooshin” baa la yidhaa. Dahabo: Wegerey! Awowgay Muumin farjarow. Oo dabadeed awalba haddaa mooshineynayseen maxaa maanta dibjirnimo iyo dibbood keenay ee lala dhaxayaa? Ee muraadkaaga sheego beryahaaba inaad waxaa soo wadato waan arkaayay khuuradaada eh. Naayaadhaheen. Inaan ka sokeeyo oo aan ka shisheeyo ayaanu ogayn. Odaygii: ee iminkaad meel kale isku qaadiye , viagra 100mg gaadhi baa ii soo socda oo i qaadaya eh waxaan ku idhi . haddiiba arrinku xumaado oo wax dhacaan oo geeri loo simane waxba dhacaanba. Dhawr arrimood baan ku sii farayaa. Hortaa inankaa weyn waad ku hadal xuntay ee talada reerka faraha uga qaad oo inuu nin weyn oo 30 jir ah yahay ogow. Qoladii inanta soo doontay markay soo diyaar garoobaan dhakhso ugu rara. Ninka Cawil la yidhaado ee wasiirka ah lacag yar oo ku raagtay oo kaga hadhsanayd mooshinkii hore inanka Muxumed uga dir oo ta mooshinkana soo raaci dheh. waa mid labaduba go’anyihiin oo Madaxweynaha wuu ka soo qaadaa anagana nama soo gaadhsiiyo eh. Baloodhkii ilma Siciid Cabdi dhankan bari ka xigey file-kiisi shalay baan xoghaynta madaxweynaha u geeyey. Mooshinka dabadii baan saxeexayaa ayuu yidhi. Isna ka soo qaada. Waxa kale aan idinkala ballamayaa. Kursigaasi yuu wareegin. Nin wal oo golahaa ka baxayba inankiisii baa bedelay. Inankaa muxumed kursigaa ha ku fadhiisto. Waxa la odhan da’daadu waa intee? Yuu odhan waa sodon oo runta sheegin ee 45 inuu yahay ha ku dhaarto…. Dahabo: Bisinka, bisinka. Ma been buu dhaar iyo milad ku mari? waataan goblamaa gabbal baas noo dumaa inaanay dhacayn. Odaydgii: Naa dhegeyso waqti ma jiree. Nin waliba sidaasuu ugu dhaartay. Ina Booshcade miyaanad arag? Kulli waa waa isku mid. Waxa kale oo aad tidhaahdaa, xukuumadda ha ka hor iman. Mooshinada ay wadato, haa waxaan ahayn yaan lagaa maqlin. Mooshinadu masqare maaha. Waa kuwaan ku soo koriyay ee aan intaa ku soo leekaysiiyay. Waa kuwa waxaas oo dhul iyo hanta aan ka sameeyay. Maya yaan lagaa maqlin dheh. Gaadhi waakan. Naa waydinkaa aan isa saamaxno. Soo duceeya. Salaamu calaykum. Doolaal:Wallahi oday caqli miidhana ayuu ahaa. Dubbe:Waxa kale oo isna iigu darnaa nin mujaahidiinta ka mid oo cadhaysan ayuumbaa daf i soo yidhi anigoo meel koob shaaha ku cabaya. Kuye. “waar bal warran. Waar arrin waa xunyahay bal tali maanta Dubbow.” “oo side wax u jiraan?” Kuye: Dubbow iga su’aal Dalkaan aawadadii U dagaalamee Dhiig u daadshayee Dadkii ila dhashiyo Wuxuu diric lahaa Dab u saarayee Dambas ay noqdeen Dib haddaan mar kale Waa deeq Allee U dadaalayoo Dadku hays cafshee Nabad daajiyoo Degelkii madhanaa Dawlad uga dhisoo Kuwii ii darraa Mid ka doortayoo Daadihii idhoo Dalag raadiyoo Diihaalka reeb Daacad baan ahoo Midho duubaniyo Daray baan liqee Markuu degay kursiga Dabadii la helay Hadduu diirka sare Daahayska rogay Hadduu daallin yahay Hadduu dagay xaqii Diinlaawe yahay Daldalaaya been Hadduu yahay dillaal Hadduu doolar rabo Hadduu cunay dalkii Dekedii madhsaday Hadduu dalamsadoo Daarii Hindida Wada diray dhammaan Isagoo dibbiray Oo daaco wadhay Hadduu daalac rabo Hadduu xeer derderay Hadduu qubay distoor Hadduu daayacoo Ictiraafka dilay Duqay iyo carruur Haduu laayay dumar Dawgii wacnaa Hadduu diiday samo Doorashada xorta Durkistoo wagtiga Dheeraad ku daray Degimaayo yidhi Dulqaad iga dhamaa Waxa maanta daran Dariiq kale lahayn Dani ay tidhaa Lama sii dib dhigo Deg deg waa u qabo Ma dagaalamaa? Digtaatoor kibriyo Daaquud laysyadii Jabhaddii darrayd Ma diyaariyaa? Dirays maw xidhaa Dabka maw qubaa Duhurkaba halkaa Ma ku soo dabraa Dambiguu galayna Maw daliiliyaa Dadweynaha hortii Deldelaad sudhaay Ma ka daalibaa? Mise waan degaa Colaad la dumoo Dabkeed lama shidoo Dadka lama qaxshee Daw kalaan maraa Qaylo aan damayn Afkaan gacan daraa Dunidaay hayaay Doorkan noo kacay Diiwaangelin saxaay Doorashada qabtaay Dawan baan tumaa Doolaal:Oo markaa maxaad adigu ku jawaabtay? Dubbe:Dee anig ma gabay baan aqaan waxaan ku idhi. Waar dagaal layne ninyow meesha ha nagu cawarin aanu kaa qayilnee. Intan yarna waan u raaciyay. Dayibow jawaab Bino daarti aad Dabaqyada dhistee Duunyo waxaad lahayd Ku daqiiqday maal Deg markaad is tidhi Dusha meel hadday Ka dillaacdo oo Cirka soo da’iyo Soo dayso roob Saw inaad dawada Deg deg raadisoo Wax dabooli laa Daamur iyo camuud Doontoo heshaa Daw maaha wacan Inaad cadho duddoo Dibnaa ruugto oo Dubbe iyo birweyn La duul fuusho oo Deyrkiyo guddaa Derbiyada ku yaal Daaqad aan wax qabin Daakhilkow riddaa Dambas kaga dhigtaa Miyay kuu dan tahay Alla dooriyow Ma darroorinbaa Aqal loo dunshaa? A.Geeljire

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS