haatuf.net
Hankaaga Hogaamineed Miyaa Cid Kale Loo Daba Fadhiistaa? Qalinkii: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
November 20, 2014 - Written by Admin Two

Waxa isha lagu hayay xilliga uu muujin doonno damaciisa siyaasadeed, kiisa hogaamineed iyo ka midho-dhalinta dhawaaq hore uga soo yeedhay oo salkiisu ahaa inuu u tartamayo mansabka ugu sarreeya Somaliland. Walow uu mar hore nitaakhiyey damaciisa oo dad badanina ka cadhoodeen, haddana waxa dadka rajo iyo filasho wax-ku-ool ah ku abuuray hadallo suuqa la soo geliyey oo sheegayay inuu jiro masuul u taagan kaalintii uu lumiyey kii ka horreeyey. Waxa arrintan marqaati ka ah hadal uu dhawaan xaflad kaga dhawaaqay wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ku hal-qabsanayay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biirixi wuxuuna yidhi: “Sidaa walaalkay Maxamed Biixi Yoonis idiin sheegay waxa aynu maanta iskugu nimid in haddii warar been ahi suuqa yaallaan murrashaxa xisbiga Kulmiye ee talada dalka hayaa waa mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. isagaanu hore u soo dhisnay, isagaanu immikana dhisaynnaa, isagaanu daba taagannahay, isagaanu barbar taaganahay, isagynu dhammaanteen hiil iyo hooba horena ugu soo hurnay immikana u barbar taagnaanaynaa. Waynu iskaashanaynaa, waynu is-garabsanaynaa, waynu guulaysannay, kuwa dambena bi idmillaahi waynu ku guulaysanaynaa.” Waxa sidan yidhi nin aan rajo-weyn ka qabay inuu hankiisa hogaamineed muujin doono. Waa hadal ka soo yeedhay masuul laga filayay inuu hankiisa muujiyo, balse cid kale magan u ah. Marka hadalkiisa la saaro diiradda siyaasadda waxa ka dhex muuqda amma inuu wax damacsan yahay amma in isaga wax lala damacsan yahay.

Halkaa ku muu joogsan wasiir Samaale ee wuxuu mar kale markhaati-gashaday Maxamed Biixi, isaga oo yidhi: “Sidaas uu Maxamed Biixi Yoonis sheegay, horena waanu u caddaynnay haddana waanu ku celinaynaa inaan hunguri naga hayn kursiga madaxweynuhu ku fadhiyo inta uu ku fadhiyo, waxaanu se caddaynaynnaa isaga dabadii hanbaanu leennahay waanuna tartamaynaa, taas cidda diidan ama tartanka noocaas ah aan gali karayni saaxadda inay bannayso weeye.” Su’aashau waxay tahay kursiga dalka laga maamulo ma madaxweyne Silaanyo ayaa leh mise waa wax umadda ka dhexeeya? Taa waxa ka jawaabi doona wasiir Samaale.

Wasiir Samaale marka uu leeyahay; “Waxaanu se caddaynaynnaa isaga dabadii hanbaanu leennahay waanuna tartamaynaa.”Dadka uu hadalkan u sheegayaa waa aniga oo kale oo markii hore rajo-weyn ka qabnay inuu hankiisa hogaamineed muujin doono, balse wuxuu muujiyey in hankiisu cid ku xidhan yahay.

Wasiir Samaale, waxa aan ka mid ahaa dadka insha ku haya geeddi-socodkiisa hogaamineed iyo hankiisa siyaasadeedba ee muddooyinkan-ba korayay. Waxa looga fadhiyaa inuu ka jawaabo su’aalahan; siyaasadda miyaa la is amaahiyaa? hankaaga hogaamineed miyaa cid kale loo daba fadhiistaa? Dadka aad rajada ka madacsan tahay miyaa riyo lagu beeraa? Yaa kuu daamanad qaadanaya inaad heli doonto waxa laguu ballanqaaday?

Wasiir Samaale waxa looga baahan yahay in aanu dadka ku beerin daal-siyaasadeed oo salka ku haya degenaansho la’aan siyaasadeed. Waxaana lagu maahmaahaa; “Lama huraan waa caws jilaal.”

 

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersaremuxumed.blogspot.com/

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS