haatuf.net
Guddoomiyaha Wakiiladda Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Go’aanka Guurtidu Ka Soo Saartay Murankii Ka Taagnaa Golahooda
November 22, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, cough November 21, 2014 (Haatuf)  – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro iyo ku xigeenka 1-aad Baashe Maxamed Faarax, oo kala hogaaminayay labada garab ee Wakiiladu u qaybsanaa ayaa markii la shaaciyay Go’aanka  dhexdhexaadinta ee Guurtidu soo saartay waxay tilmaameen Mawqifyadooda Garta guurtidu qaaday, iyagoo labaduba sheegay inay aqbaleen.

Gudoomiye Cirro ayuu hadalkiisu u dhignaa sidan “Somaliland waa dalkaygii
• shacbiga reer Somaliland waa shacbigeygii
• Waxaan ahay u-adeege u daacada dalkiisa iyo dadkiisa
• Xilalka iyo danahaa gaarka waxa igala weyn qaranimada Somaliland
• Dhamaan mudanyaasha Golaha wakiilada JSL mucaarid iyo muxaafid waa mudanayaashaydii
• La dagaalanka qabyaaladu waxaa sababta ugu weyn ee loo abuuray Xisbiga WADDANI
• Arrinta maanta iyo Guurtida waxaan ka taagnahay halkii Xaaji Faarax Suusle ee uu sameeyey waxaan hore uga dhicin Somaliland iyo dadka Af Somaaliga ku hadla oo ahaa in nabadda awgeed KABAHA ILKAHA LAGU QAADO.
Anigoo aan ka garnaqsan wax igu daw ah, iyo waxaan igu daw ahayn, wax sharci ah iyo waxaan sharci ahayn , maadaama aan kalsooni siiyay guddida xeer beegtida Golaha Guurtida, danta guud awgeed waan aqbalay Go,aanka Golaha Guurtida.”

Dhanka kalena Gudoomiye xigeenka 1-aad ayaa sheegay inkasta oo aanay Guurtidu hanaan sharci marin haddana uu aqbalayo waxaanu yidhi  ”Wax walba waxaanu ka horaysiinaynaa danta qaranka.iyadaa ka wayn wax kasta oo jira,sidaa Gudoomiyuhu sheegayna wixii xeer ah iyo xeer aan ahaynba Xeer beegti ayaa dhexdhexaadinta gashay oo waa Maslaxad uun ee Guurtidu Sharcigii may marin laakiin wax kasta oo ay tahay sidaas ayaanu ku aqbalay”.

 5c44a7ad31cda12127dfd90a7dafeb9e_L

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS