haatuf.net
Madasha Wadatashiga Oo Hindisay Dhoola-Tus Farriin U Ah Dhumucdooda Siyaasaddeed, Shirkadda Quality Technology Link Oo Hirgelisay Degel Qayb Ka Ah Gulufka Mujaahidiinta
November 22, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, asthma November 22, 2014  (Haatuf) – Golaha Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland oo ka kooban duqay, aqoonyahan iyo waxgarad qiimo ku leh Somaliland isla markaana ah mujaahidiin dalka usoo halgamay ayaa markii ugu horeysay samaystay mareeg (website) ay ku gudbiyaan wararka ay bulshada u tabinayaan, kuwaasi oo isugu jira, dhacdooyinka wadanka iyo dhaliilaha xukuumada ee ubaahan in la toosiyo.

Mareegtan oo noqon doonto mid bulshadu xiisayso, sababta oo ah golahan ayaa ah golle miisaan culus leh isla markaana ay isugu tageen haldoorkii Somaliland ee u gurmaday in ay talaabooyinka ka qaloocda hogaanka dalka toosiyaan.

Muhiimada Mareegtan ayaa Noqonaysa in ay isku Xidho Bulsho waynta Somaliland iyo Golaha Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland oo Talooyinkooda Dalka iyo Dadkuba u baahanyahay.

Mareegtan ayaa ah http://www.madashasomaliland.com/ Waxaa isku Soo Duba Riday isla markaana Si Farshaxanimo leh u Farsamaysay Shirkada Caalamiga ah ee Quality Technology Link oo Fadhigeedu yahay Magaalada hargeisa.

 

Madashada

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS