SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

News File

 

 

 


Haatuf, Jan.22, 2002, Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Somaliland Forum, waa meel Xilka laga cararo lagamana yaabo inuu isu rogo

urur-siyaasadeed

 

C/Salaan Muuse Galaal (Somaliland Forum) Wareysi khaas ah

 

H arg (Haatuf): Waxa laga yaabaa in aanu ururka Somaliland Forum, marna isu

rogin urur siyaasiya, Waayo.. Sidaa waxa yidhi, Cabdisalaan Muuse Galaal oo

ka mid ah, ururka la yidhaahdo Somaliland Forum oo ay ku bahoobeen boqolaal

ka tirsan qurbo joogga reer Somaliland.

 

Cabdisalaan Muuse Galaal oo ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee ururka ka

tirsan, isla markaana waxa uu mar gudoomiye ka ahaa ururka Somaliland Forum.

Cabdisalaan, waxa uu fadhigiisu hadda yahay dalka Cumaan, isaga oo ka

shaqeeya Kembeni Batroolka soo saara. Hase yeeshee, hadda waxa uu socdaal

kooban oo shakhsiya ku joogaa Somaliland. Sidaa awgeed, Wargeyska Haatuf

ayaa Cabdisalaan Muuse Galaal, Wareysi khaas ah kula yeeshay magaalada

Hargeysa, taas oo uu Wargeysku wax ka weydiiyey arrimo badan oo la xidhiidha

ujeedooyinka ururka Somaliland Forum iyo kaalintiisa ku waajahan dalka

Somaliland.

 

Wareysigaas oo aad u dheeraa, wuxuu u dhacay sidan:

S: Waa maxay ujeeddada socdaalkaaga Somaliland?

J: Ujeeddada socdaalkaygu waxa weeye uun nin dalkiisii yimi oo doonaya inuu

ayaamo wakhtigiisa la qaato dadkiisa, waxaanan joogayaa ilaa laba Toddobaad.

S: Goorma ayaa la aasaasay ururka Somaliland Forum ee aad ka tirsan tahay?

J: Ururka Somaliland Forum, wuxuu unkamay muddo laga joogo 7 sanno, wuxuuna

labadii sanno ee hore ku koobnaa tiro yar oo meelo kala fog-fog oo dunida ah

ku kala nool, laakiin is-gaadhsiinta casriga ah ku wada xidhiidha, waxayna

ogaadeen in ay dhibaatada ugu weyn ee qurbaha ka haysataa ay tahay war

laaan, kadibna waxay bilaabeen sidii ay dalkooda hooyo uga heli lahaayeen

Warar sugan iyo sidii ay wax ugu qaban lahaayeen, sidaa ayuu ku aasaasmay

ururka Somaliland Forum, kadibna wuu sii kobcay, waxayna xubnaha aasaasay ka

koobnaayeen ilaa dhawr iyo toban xubnood oo ku nool Ameerika.

S: Wakhtigan waa imisa xubnood tirada Somaliland Forum?

J: Waxay gaadhayaan in ka badan ilaa 650 xubnood, maalinkastana wuu sii

kordhaa oo dad baa ku soo biirra.

S: Dadkaasi imisa dal bay ku kala nool yihiin?

J: waxay ku kala nool yihiin dhammaan qaaradaha aduunka, min Australia ilaa

Afrika ilaa Aasiya, Yurub oo dhan iyo Ameerika.

S: Waa maxay ujeedooyinka ururka loo abuuray?

J: Ujeedooyinka ururku waxa weeye inuu ka shaqeeyo danaha dalkiisa iyo

dadkiisa iyo sidii wax looga qaban lahaa, baahiyaha dadka reer Somaliland.

S: Ururkiinu ma urur-samofal baa mise waa urur-siyaasiya, mise waa urur

bulsho?

J: Horta ururka Somaliland Forum, waa urur ka shaqeeya danaha dalkiisa iyo

dadkiisa, haddii ay tahay dano dib-udhis iyo haddii ay tahay wax ka qabasho

dano siyaasadeed oo u baahan in wax laga qabto, waxaanuse si gaar ah

diiradda u saarnaa dib-udhiska dalka iyo sidii uu dalku u heli lahaa aqoonsi

Caalami ah.

S: Maxaad qabateen ilaa hadda?

J: Meelaha aanu wax ka qabanay waxa ka mid ah, dhinacyada Waxbarashada iyo

Caafimaadka, waxaana meelahaa ka mid ah; Dugsiga Faarax Oomaar ee Hargeysa,

Jaamacadda Hargeysa, Cusbitaalka Burco, Dugsiga Sare ee Ceerigaabo iyo

Dugsiga Agoomaha ee Berbera oo aanu hadda gacanta ku hayno caawimo loo

fidiyey, taas oo dhowaan la soo gaadhsiin doono. Waxa kale oo qorshaha

Mustaqbalka noogu jirta in aanu wax ka qabano meelo ay ka mid yihiin,

Jaamacadda Hargeysa iyo Boorama iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin, Gobolka

Sool iyo meelo kale.

S: Marka aad arrinta aqoonsiga ka shaqaynaysaan, yaad la xidhiidhaan, mase ka gaadhaan wax guul ah?

J: Waxaanu la xidhiidhnaa Nimanka Siyaasiyiinta ah ee Qaramada Midoobey iyo

dawladaha reer galbeedka, sida Maraykanka iyo Ingiriiska, waxaanuna ka

shaqaynaa ama kala hadallaa sidii loo gelin lahaa Qaddiyadda Somaliland iyo

sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland, taasna waxaanu ka gaadhnay natiijo wax

ku ool ah, cid walibana maanta way u soo joogsataa qaddiyadda aanu ka

hadlayno, waana laga dheregsan yahay xaaladda Somaliland, taas oo la odhan

karo way bisishahay Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland, waanuna wadaynaa

ololahayaga Aqoonsi-raadinta ilaa inta aanu ka midho dhalinayno oo aanu ka

gaadhayno natiijo kama dambays ah.

S: Hawsha aqoonsi raadinta ee aad wadaan, dawladda Somaliland xidhiidh ma ka

leedihiin?

J: Waxaanu ku dedaalay in aanay hawshayada aqoonsi-raadintu noqon wax ka

duwan rabitaanka dadka reer Somaliland iyo Siyaasadda dawladda,

Madaxweynahana markii aanu kula kulanay Maraykanka, awood ayuu noo siiyey in

aanu hawshaa wadno, annaga oo ku hadlayna Codka ummaddayada, una doodayna

xuquuqdooda.

S: Maadaama aad dalal iyo meelo kala fog-fog joogtaan, sidee u wada shaqaysaan?

J: Mucjisooyinka ururka waxa ka mid ah, in aanaan dadkayagaa ururka ku wada

jiraa is-aqoon, tusaale ahaan, anigu xubnaha ururka 10% in yar baan aqoon u

leeyahay, laakiin aragtidayada ku saabsan danta dalka iyo ummadda Somaliland

ayaa na walaalaysay oo naga dhigtay ardaa qudha.

S: Qaadhaanka dhaqaale ee aad Caawimooyinka ugu talo-gashaan, sidee baad u

ururisaan?

J: Qorshaha noo degsani waxa weeye in aanu sannad kasta dalka ka fulino laba

mashruuc. Sidaa awgeed, waxa loo saaraa guddi hoosaad ay xubno ka yihiin dad

aqoon u leh, nooca ama arrinta wax laga qabanayo, kadibna marka ay soo

diyaariyaan waxa la qabanayo ayay soo hordhigaan ardaaga, kadibna ardaaga

ayaa ogolaada, intaa kadibna qofkasta oo ardaaga ka mid ahi, wuu ka soo qayb

galaa qaadhaanka, iyadoo aan loo xadidayn inta uu bixinaayo, waxaana lacagta

lagu shubaa gudoomiyaha guddi hoosaadka Mashruucaa loo xilsaaray, kadibna

wuxuu ku wareejiyaa guddiga sare ee ururka. Waxa kale oo iyaguna

Caawimooyinka iyo waxqabadka dalkooda ka qayb qaata, dadka reer Somaliland

ee debedaha ku nool ee aan ku jirin Somaliland Forumka, kuwaas oo mararka

qaarkood nagala qayb qaata wixii dhaqaale ee aanu ururinayno. Marka horena

waxqabadkayagu wuxuu ku salaysan yahay daraasad, kadibna waxa la isku saleeyaa baahida meesha taal iyo dhaqaalaha la ururinayo.

S: Qaab dhismeedkiina Maamul waa sidee?

J: Qaab dhismeedkayaga Maamul wuxuu ku qeexan yahay Xeerka noo degsan,

waxaana na hogaamiya guddi sannadkiiba ma la soo doorto oo ay ka mid yihiin;

Gudoomiye, Gudoomiye-kuxigeen, Xoghaye, Khasnaji iyo Nin la-taliye ah, hase

yeeshee gudoomiyaha, gudoomiye-ku xigeenka iyo Xoghayaha ayaa ah guddiga ugu

sareeya, waxaana weheliya labo xubnood oo khasnadda ah iyo nin la-taliye ah,

waxa kale oo aanu leenahay 7 guddi-hoosaad oo rasmi ah, kuwaas oo kala

qaabilsan arrimo kala duwan sida: Caafimaadka, Waxbarashada, Xoolaha,

Dhaqaalaha, IWM.

S: Sidee u doorataan Madaxdiina?

J: Sannadkiiba waxa la doortaa Madax cusub iyo gudoomiye cusub. Afartii

sanno ee u dambeeyeyna waxa isbedelay afar gudoomiye oo uu kii u dambeeyey

hadda xilka hayo, laakiin Somaliland Forum, waa meel xilka laga cararo ee

aan lagu soo cararin, ragga xilalka soo qabtayna mid walba waa lala baryey

ama lagu khasbay.

S: Qorshaha ma idiinku jirtaa in aad Lixdiina boqol ee Somaliland Forum, hal

mar meel isugu timaadaan?

J: Aad baanu arrintaa uga doodnay, una jeclaysanay in aanu dadka iska barano, laakiin ilaa haddana nooma suurta-gelin, waxaase laga yaabaa in ay

mar uun noo suurta-gasho.

S: Shuruudaha ururkiina lagu soo geli karo, maxaa ka mid ah?

J: Labada Shuruudood ee ugu horreeya waxa weeye, in aad u dhalatay dalka

Somaliland iyo in aad aaminsantahay qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland iyo

Ta saddexaad oo ah, in aad ku dhaqmayso ama u hogaansamayso xeerarka iyo

mabaadiida ururku leeyahay.

S: Ma noo sheegi kartaa tiradii ugu badnayd ee Somaliland Forum ah ee meel

ama kulan isugu timaadda?

J: Marka laga yimaaddo dadka magaalo ku wada nool ee gooni isu yaqaan,

tiradii ugu badnayd ee dalal kala duduwan ka kala socda, waxa igu maqaalo ah

in ay ku kulmeen Hargeysa, ayna ahaayeen Shan xubnood oo ka kala yimi Yurub

iyo Ameerika, haddii ay tiro intaa ka badani jirtana, koleyba kama badna

toddoba ilaa sideed qof.

S: Ma laga yaabaa ururkiinu inuu mustaqbalka dhow u xuubsiibto

urur-siyaasadeed?

J: Marka hore, waxaan leeyahay lagama yaabo in ay taasi dhacdo, waayo haddii

ayba dhacdo in la soo jeediyo aynu urur-siyaasadeed noqono, waxa imanaysa in

aanay dadka maanta ururka ku jira intooda badani diyaar u ahayn taa, maxaa yeelay? Waa dad kala duruufo duwan, shakhsiyan iyo feker ahaanba, sidaa

awgeed ururku diyaar uma aha inuu isu rogo urur siyaasadda u ban-baxa.