SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf, Cadadki 35-ad, Feb.10, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Ahmed Siiraanyo oo dalka ku soo laabtay: Jawigii soo dhoweyntiisa iyo

Dareenka uu la soo gurya-noqday

 

Harg (Haatuf): {Intay isku soo boodeen ayey gaadooyinka isku dhirbaaxeen,

kadibna gacmaha iyo luqunta ayey sida Caynka iyo Baydda isu sudheen, waxayna

isku marnaayeen qadar hal miridh ka badan}. Sidaa waxa yeelay Axmed

Siilaanyo iyo Xubin ka mid ah Masuuliyiinta sar-sare ee Somaliland oo isku

qaabilay Madaarka Hargeysa.

 

Warar badan baa iigu dhiman xaaladda Wadanka, markaa waxaan doonayaa in aan

wax iska hubsado. Sidaas waxa yidhi, Siyaasiga Caanka ah ee reer Somaliland

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo shalay Madaarka Hargeysa uu ka soo

degay, ugu waramay Weriyayaal ka tirsan Haatuf, isaga oo ka soo kicitimay

magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu ku sugnaa muddo sannad ka

badan, kadib markii uu dabayaaqadii sannadkii 2000, iska casilay Xil

Wasiirnimo oo uu ka hayey Maamulka Somaliland.

 

Axmed Siilaanyo, wuxuu markaa u kicitimay dalka Britain, waxaana ka soo

yeedhay inuu ka nasan doono hawlaha Siyaasadda. Hase yeeshee, wareysiga uu

shalay Haatuf siiyey waxa uu ku sheegay inuu mar kale dib ugu soo noqday

hawlaha Siyaasadda, taas oo uu carrabka ku dhuftay inuu wakhtigan xaadirka

ah diyaar u yahay inuu doorkiisa ka qaato dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee ka

socda Somaliland, isaga oo marxaladda ay hadda Somaliland marayso ku

tilmaamay, marxalad Siyaasadeed oo xasaasi ah.

 

Axmed Siilaanyo, waxaa Madaarka ka hor tegay dad badan oo soo dhaweeyay,

isla markaana waxa ka muuqatay shucuur cusub, sidaa darteed Xog-wareysiga uu

Haatuf la yeeshay, Jawigii soo dhaweyntiisa iyo Shucuurtii muuqaalkiisa,

waxaanu idiinka diyaarinay warbixin, waana tan:

Intay isku soo boodeen ayay labada gaado isku dhirbaaxeen, kadibna gacmaha

iyo luqunta ayay sida Caynka iyo Baydda isu sudheen, waxayna si farxadi ka

muuqato isugu marnaayeen muddo hal miridh ka badan. Sidaa waxa yeelay Axmed

Siilaanyo iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Wakiiladda Somaliland, Md.

C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde, waxayna goortaasi ahayd Duhurnimadii shalay,

wakhtigaas oo uu Siilaanyo ka soo degay Diyaarad Ethiopian Airlines ah.

Mudane C/Qaadir oo ka mid ahaa dadkii Siilaanyo soo dhaweeyay, waxa uu ahaa

qofkii u horeeyay ee ay Axmed Siilaanyo is gacan qaadaan markii uu

diyaaradda ka soo degey, iyada oo ay C/Qaadir iyo Siilaanyo isku qaabileen

salaan gaado isa-saar ah, kuna kulmeen caga-dhiga albaabka diyaaradda ee

laga soo baxo, halkaas oo ay C/Qaadir iyo Xubno kale ugu sii diyaar ahaayeen

soo dhaweynta Siilaanyo.

 

Mudane C/Qaadir Jirde iyo Cismaan C/Laahi Jaamac (Saylici), oo Xukuumadii u

horeysay ee uu Madaxweyne Cigaal dhisay markii Boorama lagu soo doortay

1993-kii, ka noqday Wasiirkaa Arrimaha Dibadda, ayaa Axmed Siilaanyo ka soo

daadihiyey Afaafka albaabka diyaaradda ilaa qolka nasashada ee Madaarka,

halkaas oo ay ku sii diyaar ahaayeen kooxo kale oo ka tirsan dadkii ka hor

tegay Siilaanyo, iyada oo ay markii dambana Axmed Siilaanyo dhinaca

magaalada u soo hor kaceen dad iyo baabuur badan oo soo dhaweynayey.

 

Axmed Siilaanyo, wuxuu ku xaragoonayey labis ka kooban Shaadh Cad, Surwaal

midabka kaakiga leh, Koodh madow iyo Necktie qoorta ka lusha, wuxuuna u

muuqday nin soo nastay oo ay Jidhkiisa iyo dareenkiisuba jimcoon yihiin,

kamana ay muuqan diiftii ka muuqatay sannad iyo badh ka hor, wakhtigaas oo

uu Maamulka Somaliland ka hayey Jaggada culus ee Wasaaradda Maaliyadda, isla

markaana ay xaaladiisa Siyaasadeed ka dhignayd; Hal laba midigoodle

dhengadeeyay dhinacna uma bed qabo. Waayo, dhinaca Maamulka waxa uu ka ahaa

Wasiir uu Madaxweynihiisu baqo Siyaasadeed ka qabo oo la leeyahay inaga

raba, halka ay kooxaha Mucaaradka oo ay u badnaayeen Saaxiibadiisii SNM, u

arkayeen Abaanduule weyn oo hore uga mid ahaa, kadibna uga tallaabay Furin

dagaal oo ka soo horjeedda, taas oo keentay in ay Cannaanta u badiyaan,

wuxuuna Axmed Siilaanyo xaaladda noocaas ah kala kulmay cagaag badan. Hase

yeeshee, shalay wuxuu u ekaa nin wax badan ka soo kabtay diiftii ka raacday

muddo afar sanno gaadhaysa oo uu badhtanka ugu jiray Culays Maamul iyo

Hirdan Siyaasadeed, waxaana ka muuqday Weji farxad leh iyo diir jiidh

qabsaday.

 

Axmed Siilaanyo mar la weydiiyay dareenka uu la soo guryo noqday iyo halka

ay ujeeddadiisa Siyaasadeed daaran tahay, inkasta oo uu ku af gobaadsaday in

uu wax iska hubsanayo, haddana ma qarsan hungurigiisa Siyaasadeed ee

wakhtigan xaadirka ah, wuxuuna yidhi: Marka hore soo noqoshadaydu waa

caadi, waayo, xagaa (Ingiriiska) waan gaadhay, laakiin Socdaalkayga wakhtigan aniga oo wakhti ka dambeeyaba iman kari lahaa waxaa ugu muhiimsan,

waanigii markii aan Somaliland ka tegayay muddo hore sheegay in aan hawlaha

Siyaasadda ka nasan doono, balse intii aan debadaha ku maqnaa waxa gudo iyo

dibadba aad iila soo xidhiidhayay dad farabadan oo reer Somaliland ah oo cid

walba leh, waxayna iga codsanayeen in aan hawlaha Qaranka iyo arrimaha

Somaliland waajibkayga ka guto, kana qayb-galo. Midhkaasina wuxuu iila

muuqday mid gar ah. Mida kale dalku wuxuu galay wakhti aad moodo in ay

jiraan xasaasiyado dhinaca Siyaasadda ah, hawlahaasina ma aha kuwo laga

maqnaan karayo, markaa maadaama ay talada iyo arrinku halkan (Somaliland)

yaaliin waxay tahay in aan imaado oo dadka kala qayb-galo wixii hawlo ah ee

jira, taas ayaana isoo celisay.

 

Axmed Siilaanyo mar la weydiiyay inuu damacsan yahay inuu isku taago Kursiga

Madaxweyne-nimada Somaliland iyo in kale, wuxuu ku jawaabay: Warar badan

baa iigu dhiman xaaladda Wadanka, balse mar haddii aan soo noqday ummadda

waan kala qayb qaadanayaa wixii hawlo ah ee jira, laakiin siyaalo farabadan

baa hawsha looga qayb-geli karaa, sidaa darteed aniga musharaxnimada waxa

igala muhiimsan ama igala weyn, sidii wax looga qaban lahaa xasaasiyado iyo

arrimo badan oo taagan, taas oo ah mar haddii aynu marxalad ka baxayno oo

marxalad kale u gudbayno, waxa loo baahan yahay sidii loo ilaalin lahaa dalka

nabad-gelyadiisa iyo wada-jirkiisa, loogana wada-tashan lahaa arrimahainagu

soo fool leh ama inoo yaal, waana taa ta aan is leeyahay waxay u baahan tahay

in marxaladan culayska la saaro. Ta kale, imikaba way jirtaa afkaar aan qabaa,

laakiin waxaan jeclahay in aan xog qaato oo aan dalka iyo dadkaba waraysto,

waayo waxa la yidhi; Hubsiimo hal baa la siistaa.Sidaa darteed, inta aanan

qardo-jeexin oo aanan meelo badan jibaaxin, waxaan doonayaa in aan wax

iska hubsado.

 

Axmed Siilaanyo, waxa kale oo la weydiiyay dalalka dibadaha ee uu tegay iyo

shirar uu ka qayb galay waxa ay ku saabsanaayeen iyo in dhaqdhaqaaqyadiisa

Siyaasadeed ku lug lahaayeen, wuxuuna ku jawaabay; Runtii may jirin hawlo

badan oo Siyaasadeed oo aan ku jiray ama aan ku maqnaa, laakiin meelo badan

ayaanu dad reer Somaliland ah ku kulmaynay, wayna jireen Shirar sabab uun

loo qabanayay oo aan aniguna ka qayb-galayay. Waxa kale oo jirtay marar kale

oo odaynimo la iigu imanayay oo aanu dad sheekaysanayay, balse ma jiraan

shirar gaar ah oo aan anigu qabtay.

 

Waxa kale oo Axmed Siilaanyo la weydiiyay, wakhtigan xaadirka ah sida

Qadiyadda iyo Xaaladda Somaliland looga arko dibadaha, gaar ahaan dalalka

reer galbeedka ee uu ka yimid, wuxuuna yidhi: Kolay dareenka jira anigu

wixii aan arkayay iyo wixii aan maqlayay marka la isku geeyo, ugu horeyn

arrinta Somaliland marka laga hadlayo meel aad loo qiimeeyo weeye, marka loo

eego Mandaqadda aynu ku nool nahay, waxaana jira ixtiraam badan oo loo hayo

Xasiloonideeda iyo horumarka ay gaadhayba, balse waxaad moodaa mudooyinkan

dambe ee uu dhaqdhaqaaqa Siyaasiga ahi ina soo galay in ay dadka qaarkii

welwel ka qabaan xaaladeena, taas oo isha ay adduunyadu inagu eegaysaa tahay

in la hubsado, bal in aynu si wacan oo degan uga gudubno marxaladdan iyo in

ay wax inagu iman karaan, waxaanse ku kalsoonahay Insha Allaahu, haddii

aan dadkeena aqaano in aynu si wacan uga gudbi doono imtixaanka ay dunidu

ina eegayso bal sida aynu uga gudubno.

……………………………………………….

 

Maxaa u sabab ah Burburka Dhaqaale ee Soo wajahay Dowladda Somaliland

 

Harg (Haatuf): Hannaanka dhaqaale iyo ganacsi ee dalka oo awalba ku jiray

xaalad aad u liidata, ayaa haddana dawladda dhexe oo lagu leeyahay deyn tiro

badan oo Balaayiin Shillin gaadhaya, waxay dhawaan soo bandhigtay

Miisaaniyadda sannadkan 2002, oo gaadhaysa 104 Bilyan oo Sh.Sl. taas oo ka

badan tii sannadkii hore. Isla markaana waxay Xukuumaddu bedeshay qiimihii

sarrifka doollarka ee lagu salayn jiray Cashuuraha, kaas oo hore u ahaa

halkii doollarba 2500 Sh.Sl, balse hadda laga dhigay hadba qiimaha uu

sarrifka doollarku ka marayo suuqa xorta ah.

Goaankan cusub ee Xukuumaddu ku bedeshay qiimihii ay ku salayn jirtay

Cashuuruhu, markii lagu dhawaaqayba wuxuu saamayn taban oo xoog leh ku

yeeshay hannaankii ganacsi iyo habkii dakhli ururinta dawladdaba. Waxaana

maalmahanba aloosnaa xaalad dhaqaale oo qasaawe-salan gelisay hab

nololeedkii dhaqan/dhaqaale ee bulshada, oo markiisii horeba ahaa mid

raaf-dilaacsan oo basaas iyo busaarad dugsanayay. Haddaba, si wax looga

ogaado; sababaha dhaliyay goaankan cusub ee kordhinta sicirkii doollarka ee

lagu salayn jiray Cashuuraha, odoroska Miisaaniyadda 2002, xaaladda dhaqaale

ee lagu jiro iyo guud ahaanba hannaanka Siyaasadeed ee dawladdu ku maamusho

dhaqaalaha, wuxuu Haatuf ka soo diyaariyay Faaqidaaddan oo iftiiminaysa

marxaladda dhaqaale ee lagu jiro, taas oo uu Wargeysku mudooyinkanba daymo

gaara ku eegayay, kuna ogaaday arrimo badan oo loo aanayn karo in ay

alooseen xaaladdan.

 

Inkastoo Somaliland weli ku jirto xaalad gaar ah, oo aqoonsi la’aantu ay ka

hor taagan tahay helista kaalmooyin Caalami ah, oo qayb ka qaata horumarinta

dalka, haddana taasi maaha mid iska hor taagaysa wax qabsigeeda gaar

ahaaneed, oo ah ka ay weli ku dhisantay Jamhuuriyaddani dhaqaale ahaan.

Sidaa daraadeed, wuxuu dalkani marka horeba ahaa mid kaalmo laaan taagnaa,

oo ku xisaabtamayay hayntiisa, iyadoo ay weliba u weheliso wakhtigan

xayiraadda saaran ganacsigii dhoofka xoolaha oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha

dalka. Markay sidaas tahay ee aad ku xisaabtamayso Jeebkaaga oo keliya,

waxay guushaada iyo guul-daradaaduba ku xidhnaanayaan, hadba hannaanka

Siyaasadeed ee aad ku maamusho dakhliga yar ee aad haysato.

 

Haddaba, mar xooluhu dhoofayeen iyo hadda oo ay xayiran yihiinba, horayso

iyo dambaysaba, waxa la aaminsan yahay in hannaanka Siyaasadeed ee dawladdu

ku hagayso dhaqaaluhu uu ahaa, haddana yahay mid aan lahayn qorshe cad oo

isu dheeli tiraya haynta iyo baahida, taasina waxay ka dhigtay Maamulka

Somaliland mid loogu ab-tiriyo musuqmaasuq. Inkastoo la rumaysan yahay in

habkaasi wiiqay dakhliga dawladda, haddana wakhtiyadii hore waxaa xaqiiqda

qarin jiray dakhligii dhoofka xoolaha, oo yara asturi jiray suuqyada

ganacsiga iyo dawladdaba. Hase yeeshee, waxaa markastaba farta lagu fiiqayay

in dakhliga dhabta ah ee soo baxaa aanu si toos ah ugu wada-dhicin Khasnadda

dawladda. Dekedda Berbera, Kirada Haamaha Shidaalka Berbera, Cashuuraha

Shidaalka ee Total qaado iyo goobo kale oo dhawr ah ayaa ka mid ah meelaha

lagu tilmaamo in dakhligoodu garab maro khasnadda dawladda. Xisaabaha

dakhliga goobahani, sida qaalibka ah ka muuqdo hannaanka Xisaabeed ee

Wasaaradda Maaliyadda, siday iftiimiyeen warar lagu kalsoon yahay oo

arrintaas ku saabsan. Masuuliyiin dhawr ah oo Wasaaradda Maaliyadda isaga

dambaysayna, marnaba may caddeyn dariiqa uu maro dakhliga goobahaasi, balse

waxay qaarkood hore u tibaaxeen in dakhliga Dekeddu ka Madaxbanaan yahay

Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda ee hadda xilka hayaana, mar wax

laga weydiiyay arrintaas wuxuu hadalkiisa sumad uga dhigay, in Dekeddu tahay

Hayad Madaxbanaan oo qorshayaasheeda Xisaabeed xor u ah, Miisaaniyadda

dawladda dhexena ku kabta Hal Bilyan oo Shillin oo caawimo ah. Hase ahaatee,

wuxuu Wasiirku xusay in ay meelaha kale dakhligooda Cashuureed ka helaan.

Si kastaba ha loo dhigee, sida ay sheegayaan Xogo aanu ka helnay illo u

dhuun-daloolla arrimaha dhaqaaluhu, dakhliga dhabta ah ee soo baxaa ma aha

mid si toos ah ugu wada-dhaca khasnadda dawladda. Sidaa daraadeed, waxay

taasi sababtay in Wasaaradda Maaliyaddu aanay tirsan qaybo dakhliga ka mid

ah, miisaaniyaddana ay ku salayso uun goobaha dakhli ee u soo hadhay.

 

Siday xogahaasi iftiimiyeen, iyadoo taasi meesha taalo, ayaa haddana waxa jira

Isu dheeli-tir laaan xoog leh oo la xidhiidha dakhliga iyo kharashka dawladda

dhexe galayso. Tusaale ahaan, Miisaaniyadii sannadkii 2000, waxay dhammayd

74-Bilyan oo Shillin, Tii sannadkii 2001, waxay gaadhaysay 78-Bilyan oo

Shillin, hase ahaatee labadaa sannadoodba kharashka ay dawladda dhexe gashay

waxa la sheegay inuu aad uga badnaa qoondaynta Miisaaniyadahaa. Inkastoo

arrintan Xukuumaddu ku macnaysay mid iska caadi ah, muddo-na la sheegay in

ay isa soo taraysay, haddana waxay wararku sheegeen in labadii sannadood ee

u dambeeyay ay dawladdu kharash-garaysay lacag xadigeedu badan yahay, iyada

oo ay faaruq yihiin Khasnaddaheedu oo aanay wax ugu jirin, taasina ay ka mid

tahay arrimaha wax-dhimaalka ku keenay sicirka sarrifka lacagta adag ee

suuqa xorta ah. Wararku waxay intaa ku dareen in sidaa aawadeed lacagtaas oo

lagu qiyaasay in ku dhow 30-Bilyan oo Shillin ay tahay deyn dawladda dhexe

gashay oo lagu leeyahay. Taas oo ay qaybo ka mid ah dad shacbi ahi

leeyihiin, qaybo kalena la sheegay in ay horumarin ahaan uga sii qaadatay

Baanka. Dawladdu wax way ka amaahan kartaa dadweynaha, mar walbana wax

siyaado ahi way soo baxaan, laakiin wax sidaa u weyn oo laga qayliyaa ma

jiraan, Baankana wax waa noo yaaliin. Sidaa waxa yidhi Wasiirka Maaliyadda,

Xuseen Faarax Doodi, mar uu dhawaan Shir-jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa oo

wax laga weydiiyay amuurtaas. Wasiirku wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi:

Dadweynaha biilashoodii la yaalay Xisaabiyaha Guud, ma yaallaan hadda ee

xaga Baanka ayaanu u dirnay, waxaanu ku dedaalaynaana inuu Baanku bixiyo.

 

Doodda Wasiirka ka sokow, siday iftiimiyeen Warar lagu kalsoon yahay oo

dhinacyo kale oo Maaliyadda xogo-gaal u ah ka soo baxay, waxa weli la yaalla

Xisaabiyaha Guud Foojaro door ah oo lagu qiyaasay ilaa 250-Foojar, kuwaas oo

ah deynta taagan, lana sheegay in ay xambaarsan yihiin lacag gaadhaysa ilaa

3-Bilyan oo Shillin, kuwaas oo la sheegay in qorshahooda lagu daray

Miisaaniyaddan cusub, dadkii lahaana sidaa loogu wargeliyay. Wararkaasi waxa

kale oo ay tibaaxeen in tiro kale oo foojaro ah oo tiradooda lagu qiyaasay

in ku dhow 1300-Foojar, iyana loo gudbiyay dhinaca Baanka dabayaaqadii

sannadkii tegay, kuwaas oo la sheegay in ay ku qorshaysnaayeen Miisaaniyadii

sannadkaa.

 

Dhinaca kale, waxay wararku intaa raaciyeen in Xisaab-xidhkii labadii

sannadood ee tegay (2000 iyo 2001), aan weli la samaynin, iyadoo labadii

sanno ee ka sii horeeyay (1998 & 1999), iyana Xisaab-xidhkoodii loo gudbiyay

horaantii bishan. Sannadkan imika dhammaaday lagama gaadhsiin karo

Xisaab-xidhkiisa, kii labada kunna naga diyaar buu ahaa aniga ogaalkay.

Sidaa waxa yidhi Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Faarax mar wax laga weydiiyay

arrintaa. Dhan kale marka laga eego, Sharciga Maaliyaddu wuxuu dhigayaa in

sannad kastaba Xisaab-xidhkiisu diyaar ahaado ugu dambeyn bisha 4aad ee

sannadka ku xiga. Sidaa aawadeed, waxa muuqata in iyadoo aan si rasmi ah loo

ban-dhigin Xisaab-xidhkii sannadahaas, haddana la diyaariyay Miisaaniyaddan

cusub. Xisaabiyaha Guud, Daahir Salaan, wuxuu ku dooday in aanay isku

xidhnayn Xisaab-xidhka iyo Miisaaniyaddu, mar laga wax laga weydiiyay

qorshaha ay ku saleeyeen samaynta Miisaaniyadda cusub. Daahir Salaan, wuxuu

intaa ku ladhay oo uu yidhi: Xisaab-xidhka Riboodhka la soo saaraa buug

dhan weeye, laakiin waxaanu haynaa oo aanu ku siin karnaa tiradii soo gashay

iyo tiradii soo baxday.

 

Siday tibaaxeen warar laga soo xigtay illo ku dhow-dhow Xafiiskaasi, waxa badi xafiiskaa ka maqan dadkii khibradda u lahaa arrimaha diyaarinta Xisaab-xidhka,

kuwaas oo la sheegay in meelo kale loo bedelay qaarkoodna ay iskaga tageen

shaqada, isla markaana gunooyin ay qaadan jireen shaqaalaha diyaariya

Xisaab-xidhka, ayaa iyana la tuhunsan yahay in ay xisaab xumaysteen. Arrimahaas

iyo qaar kale oo la xidhiidha, ayaa ka mid ah qodobbada loo aanaynayo in ay lugta jiideen diyaarinta Xisaab-xidhka.

 

Si kastaba ha lagu macneeyee, marka la isku daro arrimahaa kala duwan ee

aynu soo xusnay, waxa muuqata in aanay jirin Siyaasad Jiho cad leh oo

Maaliyadeed, balse uu xaalku yahay mid marba dhan loo dhigayo. Taasina ay ka

dhigtay, Hayadaha Maaliyadda ee is ilaalin lahaa, siday qabaan aqoonyahano

badan oo dhinaca dhaqaalaha ku xeel-dheeri, qaar isku murugsan oo aan

isticmaalin awoodahoodii dastuuriga ahaa, balse adeegsada Nidaam Xeer-jajab

ah. Kaas oo la aaminsan yahay inuu meesha ka saaray in la sameeyo qiimayn

dhab ah, oo ku salaysan waaqaca dhaqaale ee jira, Miisaaniyaddana lagu

saleeyo.

 

Haddaba, iyada oo ay arrimahaasi badka yaaliin, ayay haddana dawladda dhexe

jeedaalisay dakhli door ah oo ay u baahan tahay in ay ku hawl-gasho wakhtiga

dhow ee socda oo la filayo in dalku galo hir-gelinta marxalad cusub. Sidaa

aawadeed, waxay dadka dhaqaalaha u kuur-galaa ku macneeyeen goaankan cusub

inuu yahay, mid ay dawladdu ku doonayso in ay ku hesho kharashkaa badan.

Ujeeddayadu maaha in aanu dadweynaha wax ku qaali garayno ee rag kale

ayaanu wax ka dhacsanaynaa, ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu, mar wax laga

weydiiyay ujeeddada goaankan cusub. Hadalka Wasiirka waxa laga dhadhansan

karaa in cidda dawladdu wax ka dhacsanaysaa ay yihiin ganacsatada, hase ahaatee

waxa muuqata in aan lagu xisaabtamin waxa ay ka dhacsadaan in ay

saaran yihiin Shacbiga dan-yarta ah, taasina ay muujinayso cidda dhibaatadu

ku dhacaysaa in ay tahay ummadda, balse aanay ganacsatada waaweyn oo marar

badan Cashuur-dhaaf loo siiyo deymo lacageed oo uu Maamulku ka qaato, aanay

tani waxba yeelayn.

 

Arintu si kastaba ha ahaatee, waxay dadka arrimaha dhaqaalaha fiirada u lihi

ka warwarsan yihiin, xaaladda khatar ah ee dhaqaale ahaan uu dalku ku sugan

yahay, Miisaaniyaddan cusub-na waxay in badani ku tilmaameen in ay tahay mid

aan cilmiyan, si xeel-dheer loo darsin, isla markaana aanu goaanka cusub ee

Xukuumaddu noqon doonin mid horumar aan jirin siyaadiya, balse uu yahay uun

mid sii naaxiya Fayraska Musuqmaasuq ee ragaadiyay Maamulka Somaliland.

…………………………………………..

 

Guddiga la-dagaalanka Dhaqan-xumada oo ka hadlay Xadhigga Guddoomiyahooda ^ึ

X.Dool

 

Hargeysa (Haatuf):- Guddoomiyihii guddiga wanaag-farista iyo xumaan joojinta

Xaaji Ibraahim Dool ayay ciidanka B oolisku xabsiga u taxaabeen habeenimadii

Arbacadii ee 5/02/2002, iyaga oo ka soo qabtay gurigiisa oo ku yaala

xaafadda Cabbaaye ilaa iyo haddana ma cadda sababta keentay xadhiggiisa,

dawladduna wax war ah kamay soo saarin.

 

Shir-jaraaid oo ay shalay gelinkii dambe ku qabteen xaruntooda xubnaha

guddigaasi waxa ay ku sheegeen inay la-yaab ku noqotay xadhiga

guddoomiyahooda Xaaji Ibraahim Dool oo aanay garanayn sababta loo xidhay

markii ay dawladda la xidhiidheen aan wax war iyo tafaasiil ah laga siin

masuuliyiintii ay la xidheena ay ka gaabsadeen sababta xadhigiisa keentay

iyo cidda uu u xidhan yahayba.

Waxaase intaas oo dhan ka daran ayay ku yidhaaheen  shirkooda jaraa^าid in

Xaajiga oo xabsiga ku jira loo diiday in wax cunto iyo dawo ah loo geeyo iyo

in la arkaba, isaga oo Xaajigu qaba xannuunka macaanka da^าdiisuna ay aad u

weyn tahay isaga oo ah 75-jir.

 

Bilad sharaf baa la idin siin oo abaalmarin baydin heli mooyee marna

ismaanu lahayn xadhig baa la idiinku abaal gudi, sidaa waxa yidhi Xaaji

Cawl Xuseen Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga wanaag-farista iyo

xumaan joojinta oo shirka jaraaid ka hadlay, isaga oo intaa ku daray in

hawsha ay hayeen oo ah wanaaga oo dadka la faro xumaantana laga joojiyo ay

dawladda iyo dadweynuhuba ogyihiin. Taas oo dan u ah dadka iyo dalkaba,

intii ay hawsha wadeena laga gaadhay faaiidooyin badan.

Marka la eego dhinaca sharciga, waxa uu sheegay inay bilawgiiba hawshooda la

socodsiiyeen wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Somaliland markii uu wasiirka

awqaaftu arkay hawlaha ay qabanayaana uu siiyay qoraal uu kaga codsanayo

wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxda gobolada iyo degmooyinka inay gacan

ku siiyaan hawshooda. Qoraalkaasi oo loo qaybiyay saxaaafadd, uuna ku

saxeexan yahay wasiirka diinta iyo awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Muxumed,

soona baxay 27/12/2002. waxa raacsan qoraal kooban oo uu raaciyay taliye ku

xigeenka Booliska Siciid Ismaaciil oo uu Booliska kaga codsanayo inay

culimadan gacan siiyaan.

 

Ugu dambayn waxa ay dawladda ka codsadeen in Xaaji Ibraahin Dool loo

oggolaado in cuntada iyo daawada loo geeyo iyo in la booqan karo lana arko

xaaladdiisa. Waxaa kale oo ay codsadeen in si caddaalad ah arrintiisa loo

baadho.

 

Xaaji Ibraahim Dool oo guddoomiye u ah guddigan waxa la sheegay inuu markii

hore ahaa ganacsade, dhawaana uu ka soo wareegay magaalada Muqdisho oo uu

goobo ganacsi ku lahaa intii uu Hargeysa ku sugnaa, waxa uu abaabulay

guddigan  wanaag-farista iyo xumaan joojinta oo ka shaqeeya la dagaalanka waxyaabaha liddiga ku ah shareecada iyo dhaqanka sida mukhaadaraadka,

sinada, fiidyawyada lagu daawado aflaamta xun-xun iwm.

Marka laga reebo caasimadda Hargeysana waxay laamo ku leeyihiin qaar ka mid

ah gobolada iyo degmooyinka dalka oo ay ka hawlgaaan.

…………………………………..

 

 

Dood Cilmiyeed lagu gorfeeyey suurtagalnimada Doorasho xalaal ah oo ka

dhacda Somaliland

 

Harg (Haatuf):- Dood-cilmiyeed ku saabsan baaxadda hawsha hortaala gudida

doorashooyinka iyo baahida loo qabo sidoo loo heli lahaa doorashooyin

madax-bannaan oo xaq ah ayaa habeenimadii Jimcihii 6-dii  February 2002

lagtu qabtay Hotelka Ming-sing ee Hargeysa.

 

Dood-cilmiyeedkaas oo uu soo diyaariyay Akaademiga Nabadda iyo horumarinta

(A.P.D), waxa lagu lafo-guray baaxadda ay leedahay hawsha culus ee u taal

guddiga doorashooyinka, caqabadaha ka hor iman kara qabashada doorashooyin

madaxbannaan oo Somaliland ka dhaca, xilka iyo waajibaadka guddida.

Qodobadii kale ee lagaga hadlay madashii shirkaa waxa ka mid ahaa waxyaabaha

ilaa hadda qabyada ka ah, doorashooyinka iyo sidii loo dhammaystiri lahaa.

Sidoo kale waxa la isla qaatay inaan dadka intiisa badani fahamsanayn

hannaanka wax loo doorto.

 

Doodaas waxa inteeda badani dhexartay guddiga doorashooyinka, ururada

siyaasada, xubno ka socday xukuumadda. Waxa kale oo iyana ka qaybqaatay

guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada C/qaadir Jirde, siyaasiyiin iyo

aqoonyahano madaxbannaan.

Xubnaha guddida doorashooyinka oo ka koobnaa shan qof oo kala ah;

Cabdillaahi Cabdi X. Cumar (C/llaahi Jawaan), Shukri X. Ismaaciil, Axmed

Aadan Cali Goodir, Maxamuud Garaad Maxamed iyo Maxamed Cabdillaahi.

Waxay ka hadleen caqabadaha ugu waaweyn ee ka hor imankara surtogalnimada

in la qabto doorashooyin xaq ah oo dalkaka dhaca. Guddiga oo farta ku fiqaya

qodobada ugu muhiimsan ee ilaa hadda ka dhiman shuruudaha doorashooyinka,

ayaa sheegay inay xukuumadda iyo Baarlamaanka ka sugayaan xeerarka ay ka

midka yihiin; xeerka gobollada iyo degmooyinka, xeerka jinsiyadda iyo xeerka

doorashada wakiillada.

 

Qodobada kale ee guddigu tilmaamay waxaa ka mid ahaa, in wacyigelin

ballaadhan oo lagu baraarujinayo dadweynaha la sameeyo, si dadku u fahmo

hannaanka doorashooyinka iyo in si degdeg ah loo soo dhammaystiro arrimaha

kale ee weli ka dhiman guddiga, sida qalabkii doorashooyinka, xarun lagu

kaydiyo agabyada kala duwan ee doorashada, iyo kharashkii shaqada lagu qaban

lahaa. Guddigu waxa kale oo uu caddeeyay baahida loo qabo sahamin degdeg ah

oo lagu xaqiijinayo goobihii doorashooyinku ka dhici lahaayeen iyo

diwaangelin lagu sameeyo dadka ka qaybgelaya doorashooyinka.

 

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka golaha wakiiladda Somaliland Md.

Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo kaalintisa ka qaatay dood-cilmiyeedkaas, ayaa

si weyn uga hadlay dhibaatooyinka ka hor iman kara doorashooyin xaq ah oo

dalka ka dhaca ayaa sheegay in shacbiga reer Somaliland ku kala qaybsan

yihiin dhinaca fikradda doorashootyinka iyo dhinaca degaanka intaba.

Md. Cabdiqaadir wuxuu sheegay in caqabadaha qaarkood ay ka dhalan karaan

dhinaca is-gaadhsiinta, wuxuuna Md. C/qaadir tilmaamay inay jiraan dad badan

oo reer-guuraa ah isla markaa dhulka qaarkii aanay lahayn waddooyin loo

maro, taasina ay adkayn karto in si fudud loo gaadhsiiyo agabka

doorashooyinka. Isaga oo arintaa tilmaamayana wuxuu yidhi; Way adagtay inay

si siman xaqooda u helaan qofka jooga miyiga u dhaxeeya Buraan iyo Qardho.

Iyo qofka jooga magaalo.

 

Md. Jirde, wuxuu intaa ku daray in marka laga tago dhulka miyiga ah, aan

dadku si u wada arag doorashooyinka. Marka laga tago dadka magaalooyinka ku

nool, xataa Hargeysa ayaan isku mid ahayn, xaafadaha qaar baan danba ka

lahayn, qaarna way u heelan yihiin, ayuu ku daray Cabdiqaadir.

Md. Cabdiqaadir, wuxuu caddeeyay in loo baahan yahay xaqsoor caddaalad ku

dhisan iyo daacadnimo hawsha lagu wado, taas oo uu ku tilmaay inay keeni

karto inay ku dhiiradaan ka qaybgalka doorashooyinka. Waxa kale oo uu Md.

Jirde ku taliyay inaan guddida loo gacan dhaafin hawsha loo igmaday oo aanay

jirin cid gudub carartaa, sidii buu yidhi dhacday waqtigii ay socotay

Aftidii distoorka loo qaaday.

 

Md. Jirde, wuxuu ka digay inaan dhinacna isku deyin sidii ay doorashooyinka

ugu mari lahayd waddooyin khaldan. Waxyaabaha dhibta keeni karaa, ku

shubasho keliya uun maaha, balse waxa dhici karta dadka oo kharash lagu

kaxaysto oo cod-bixiyuhu u raaco hadba meesha u dakhliga roon, ayuu ydihi Md. Cabdiqaadir.

 

Waxa kale oo dood-cilmiyeedkaa ka qaybgalay qaar ka tirasn ururada

mucaaridka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen SAHAN, UCID, BIRSOL, UMAD

IYO ururka Dawladda ee UDUB, kuwaas oo nuxurka dooddooda intiisa badani ku

saabsanaa sida ay xukumaddu ugu takri-fasho hantidii ummadda ka dhaxaysay oo

ay tilmaameen in ay si gaar ah ugu maalgeliso ururka UDUB.

 

Madaxda ururadu waxay tibaaxeen inaan doorasho xaq u dhacdaa ka suurtogeli

Karin xukuumadda talada haysa.

Qaar ka tirsan ururada ayaa walaac ka muujiyay degmooyinka xad-dhaafka

ah ee xukuumaddu bixisay oo aan weli xuduudo cayiman loo samayn.

Mucaaridku waxay guddida doorashooyinka waydiiyeen inay leeyihiin awood ay

ku ilaaliyaan in hantida qaranka cid gaar ahi ku tagri fasho, taas oo

guddidu caddaysay inaan dastuurku xaq u siin dabagalka arrimaha dhaqaalaha,

balse u xilkoodu ku kooban yahay ilaalinta iyo dabogalka aftida

doorashooyinka. Dhinaca kale xubno ka socday UDUB, ayaa iska difaacay eedaha

mucaaridku u soo jeediyay, iyaga oo dhinacoodana sheegay in doorashooyinku

si xaq ah u dhici karaan, haddii si wadajir ah looga halgalo.

 

Sidoo kale Caasha Geelle Diriye oo sheegtay inay xubin ka tahay Baarlamaanka

maamul-goboleedka Puntland, oo ka tirsanayd martisharafkii kulnkaa, ayaa

guddida doorashopoyinka iyo xukuumadda weydiisay suaal ku saabsan muranka

la xidhiidha gobollada Sool iyo Sanaag, oo laba dhinacba ay maamuladooda ku

darsadeen marka ay ka hadlayaan dhulka ay xukumaan. Suaashaasina waxay u

dhignayd sidan:

 

Labada gobol ee Sool iyo Sanaag oo degaan ahaan Somaliland ka mid ah,

haddana ay labada dawladoodba sheegtaan, arrintaa ma ka soo saarteen xal cad

oo lagu kala baxo?

 

Suaashaas oo ahayd mid aancidina filayn waxa jawaab ka bixiyay wasiirka

waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale oo yidhi, Caasha waxaan leeyahay Sool iyo

Sanaag waa Somaliland cid kalena waxba laga weydiin maayo.

……………………………………………………

 

Urur-Siyaasadeedka ASAD oo ka jawaabay eedaymo loo jeediyey

 

Harg (Haatuf):- Urursiyaasadeedka ASAD, ayaa si kulul uga jawaabay eedayno

kala duwan oo ay u soo jeediyeen madaxda sarsare ee xukuumadda Samaliland

iyo Xoghayahya guud ee ururka UDUB.

 

Urursiyaasadeedka ASAD, waxa kale oo uu cambaareeyay tallaabada kordhinta

qiimaha cashuurta ee dhawaan xukuumaddu ku dhaqaaqday.

 

Warsaxaafadeed uu ururka ASAD kaga hadlayo arrimahaas, wuxuu u qornaa sidan:

Beryahan dambe waxa warbaahinta Hargeysa ka muuqday warar dacaayad ah oo

aan sal iyo raad toona lahayn oo shaacinayaan madaxda sare ee xukuumadda iyo

ururkooda UDUB ee ay isku dhafan yihiin. Wararkaa waxa ka mid ahaa waraysi

uu bixiyay Xoghayaha guud ee UDUB February 1 2002, kuna soo baxay wargeyska

Haatuf, lagana baahiyay Tv-ga Hargeysa.

 

Hadalladiisaa waxa ka mid ahaa ASAD distoorkii way diideen, dadkana way

diideen markaa Ilaahayna way diideen. Isla markaana xoghayaha UDUB  wuxuu

tibaaxay inay ASAD ka dambeeyeen qaraxyadii loo geystay xafiisyada UDUB.

Arrinta labaad waxay tahay hadal uu madaxweyne Cigaal Berbera ka jeediyay

kulan uu yeeshay odayaasha degaankaas, taas oo uu sheegay inuu gaashaanka ku

dhuftay goaan ay ASAD iyo SAHAN ku sheegeen inay u hawgelayaan dhisidda

dawlda distoorka waafaqsan, isla markaana wuxuu xusay inay rag siyaasiyiin

ahi ku hanjabeen in dagaal dhacayo iyo inay ciidan saarayaan, isaga oo farta

ku fiiqay degaanka Burco iyo degaamo bari ka xiga.

Madaxweyne ku xigeenka ayay isna ka soo yeedhay munaasibaddii aasaaska

ciidanka qaranka, inay ciidamadu u diyaargaroobaan wax ka qabashada nimanka

dagaal wadayaasha ah.

Sidaas darteed waxaad moodaa madaxda xukuumadda iyo bahdooda UDUB inay

Caado u noqotay beenta qaawan ee ay faafinayaan, iyaga oo isticmaalaya

Warbaahinta la wada leeyahay, habdhaqankooduna waa mid ka tagsan asluubta siyaasadda iyo dhaqankeena wanaagsan, waxaanu se leenahay isbahaysiga ASAD

marna ma wado dagaal iyo rabshad, kamana dambeeyo qaraxyada xafiisyada UDUB, Xaasha, isla markaana dhaqamada noocaas ah isbahaysiga ASAD ma samayn, mana samayn doono.

 

Xoghayaha UDUB, waxaa afkiisa laga hayaa inuu garanayo cidda wax qarxisay ee

ASAD ka tirsan, bale haddii aanay taasi beenti ahayn muxuu ugu gudbin waayay

xeer-ilaalinta iyo maxkamadda, caddayntiisana u geyn waayay sharciga hortiisa.

Ta kale waxa aan muran ku jrin in kuwa Ilaahay diiday, taladii dadkana

diiday, dastuurkana diiday ay yihiin xukuumadda iyo bahdooda UDUB, waxaana

markhaati u ah taas beenta aad dadka la hortaagan tihiin iyada oo kitaabkii

Ilaahay la idinku dhaariyay, ku tasarrufka hantida ummadda, caddaalad

darrada, talo maroorsiga iyo distoorka ummadda ka dhaxeeya oo aad danahiina

ku fushanaysaan, waana taa ta ASAD idinku diidan yahay, wuxuuna ASAD

aaminsan yahay inay xukuumaddu ku fashilantay inay dalka gaadhsiiso doorasho

xalaal ah, fashiladaasina waa ta keentay inaad bahdiina isugu abaal-guddaan

muddo-kordhin hal sano ah, idinkoo iska indho saabay sharciyaddii innaga

dhaxaysay iyo talo-wadaagii Jamhuuriyaddan lagu unkay.

 

Isbahaysiga ASAD wuxuu aaminsan yahay in xukuumaddu waddo qorshe ku

Abbaaran cabbudhinta xorriyatul qawlka iyo cabiridda rayiga, waxaanuna ka

Digaynaa dagaal baa la wadaa iyo waa la inagu soo duulayaa ay xukuumaddu ku

hadaaqayso inay keeni karto sii kala fogayn iyo isku dhacyo bulshada

dhexdeeda ah. Qorshaha midaynta qiimaha sarifka dollarka ururka ASAD, wuxuu

u arkaa inay tahay dhaqaale urursi ku salaysan Ka uruuso waxna ha u qaban,

ay ku ilaashanayaan danahooda gaarka ah.

 

Xukuumaddu waxay sare u qaaday qiimihii sharciga ahaa ee taagnaa 2,500 Sh.Sl. ah, waxayna gaadhsiisay kii suuqa madow oo uu halka dollar yahay

7,000 Sh.Sl. sidaas darteed shay kasta oo maanta la cashuurayo waxa ku

kordhay 300% (boqolkiiba saddex boqo), caalamkana laguma arag cashuur mar

kaliya saddex laab la korodhsado.

Xukuumadu waxay goaankan ku kacday iyada oo og duruufta nololeed ee dadkani

ay ku sugan yihiin, waxaana cad sidii caadada u ahayd inaanay xukuumada ceeb

ku ahayn inay sharciga ka tallaabsato, waayo goankan oo kale waxay ahayd in

laga ansixiyo wakiillada, balse toos bay xukuumaddu u dhaqangelisay, taasna

waxa ka dhashay qalalaase iyo is-baacsi, waxaana muuqata inay xukumadda iyo

bahdooda UDUB wadaan burburinta nabadgelyada iyo degganaanshaha aynu ku

jirno, waxaanu se leenahay waa in laga digtoonaado inay arimahaas oo kale

fowdo inagu geliyaan iyo xaalad-abuurka ay kolba meel kula kufayaan iyo

fadeexadaha ay kolba cid marmarinayaan.

Ayay ku soo af-jareen qoraalkooda.

…………………………………………………..

Badhasaabka Saaxil oo ka hadlay markab Denmark leedahay oo ku xayiran

Berbera

 

Berbera (Haatuf):- Badhasaabka gobolka Saaxil, isla markaana ah Maayorka

magaalada Berbera Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadhweyne), ayaa sheegay

inaanay jirin ujeedo iyo dano gaar ah oo laga leeyahay qabashada markab laga

leeyahay dalka Denmark o dekedda Berbera ku xayiran mudo siddeed bilood ku

dhow, balse wuxuu ku dooday in markabkaa dhex loo hayo, kadib markii dadkii

markabkaa lahaa uu dhex maray muran ku saabsan lahaanshaha markabka.

Xasan Gadhweyne waxa uu ka jawaabayay waraysi uu wargeyska Jamhuuriya siiyay

guddoomiyaha jaaliyadda reer Somaliland ee Denmark Muuse Sh. Axmed oo ka

hadlay markabkaa iyo sababaha loo haysto. Sidaa darteed Xasan Gadhweyne

war-saxafadeed u soo saaray Khamiistii February 5, wuxuu iskaga duway

dhaliilo uu guddoomiyaha jaaliyadda reer Somaliland ee Denmark haysashada

markabkaa uga jeediyay masuuliyiinta Berbera, taas oo uu xusay inay

ujeeddooyin weecsan ka leeyihiin xayiraadda markabkaas.

 

Hase yeeshee, maayorka Berbera wuu beeniyay eedayntaas, wuxuuna hadalka

gudoomiyaha jaaliyadda ku tilmaaamay mid ka durugsan xaqiiqda arrinta

markabkaas.

 

Xasan Gadhweyne wuxuu sheegay inay arinta markabkaa galeen laba guddi oo

kala ah guddi wasiiro ah iyo guddi heer gobol ah si ay u soo afjaraan

muranka markabkaas, isla markaana wuxuu tilmaamay inay dawladda Somaliland

arrinta markabkaa u gudbisay dawlada Denmark, ugana warrantay xaalkiisa.

Waxaan ogaysiinayaa guddoomiyaha jaaliyadda inay dekeda Berbera bil kasta

ka gooshaan boqolaal maraakiiib iyo doonyo ah oo uu mid waliba hawshiisa si

caadi ah u dhammaysto, iyada aan cidi qabsan ama aan lagu farogelin

hantidooda, ayuu yidhi Mayorka Berbera, wuxuuna ku celceliyay inuu

markabkaasi meesha u yaal, loona hayo ciddii iska lahayd, balse aanay jirin

sabab iyo dan gaar ah oo loo haystaa.