SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadki 36-aad
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Tabashada Dib-u-qaramaynta Dekedda Berbera iyo Danaha Siyaasadeed
ee
Xukuumadda
Dekedda Berbera, waa bogcad aan muran ku jirin in ay tahay muraayad ka dhex
iftiimaysa Geeska Afrika iyo Somaliland gaar ahaan, walalacda dhalaalkeeduna
uu soo jiito indhaha iyo kalsoonida bulsho badan oo Caalami ah. Ka sokow,
istaraatijiyadda ay kaga taallo Badda Cas oo ay noqotay marin dhow oo isku
xidha gobolka Saliidda ku hodmay ee Gacanka iyo Afrika qaybteeda Bari. Waa
dekedda keliya ee ka nool ama si hannaansan uga shaqaysa dekedaha dalkii
Soomaaliya la odhan jiray oo dunida u ah dal keliya oo dib u soo celinta
dawladiisii loo caal waayey, taas oo ay ku mutaysatay ammaan badan. Hase
yeeshee, aragtideeda gudeed ma aha mid sidaa u nuuraya, waxaana ka jira
mugdi iyo murug badan oo ku gedfan guud ahaanba hannaanka Maamul,
dhaqaaleiyo hawleed ee dekedda, kuwaas oo u dhisan qaab aan si sahlan loo
qeexi karin, loona fahmi karin oo lagu tilmaami karo Caalam kale. Waxa iyana
ku xeeran dekedda oo dugsanaya cabashooyin iyo tabashooyin muddo dheer soo
jiitamayey oo ku saabsan cadaalad-darro iyo dulmi is dul baxay oo ka jira u
sinnaanshaha manaafacaadka masuuliyadaha muhiimka ah iyo fursadaha shaqo ee
dekedda.
Mushkiladaha Maamul iyo tabashooyinka bulshada ee dekedda oo ah kuwo guud,
ayaa gaar ahaan dhinaca deegaanka Berbera xasaasiyad weyn ka leh, iyada oo
lagu saleeyo qaab beeleed darteed, waxana uu arrintan dareenkeedu oogsaday
toddobaad ka hor markii uu Madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamed
Ibraahim Cigaal, booqashada khaaska ah ku tegay Berbera, iyada oo la filayey in
La gaadhay wakhtigii uu wax ka qaban lahaa tabashooyinkaas oo qaarkood ay soo
jireen Sagaalkii sannadood ee uu talada hayeyba, sida uu sheegay Maareeyaha
Dekedda Berbera, Inj. Cali Xoor-xoor.
Madaxweynaha Somaliland, Md. Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo laftiisu ka soo
jeedda beesha ugu ballaadhan dhinaca deegaanka Berbera, ayaa la rumaysan
yahay inuu isagu si gooni ah gacanta ugu hayey talada dekedda Berbera tan
iyo January 2000, markii booqasho sidanoo kale khaas ah uu ku tegay
magaaladaas, halkaasna uu ku goaamiyey in ay dekeddu noqoto hayad iskeed
u madaxbanaan oo si toos ah u hoos tagta Madaxtooyadda, halkii ay ka ahayd
waax ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga oo lagu magacaabi jiray; Wasaaradda
Ganacsiga, Dekedaha iyo Wershadaha. Goaankaas oo aan si rasmi ah loo
faafin, isla markaana aan la marin golayaasha Sharci-dejinta, waxa loo arkay
mid uu Mudane Cigaal ku ururinayay talada Maamul ee Dekedda oo aanay hadda
jirin cid u dhexaysa Maareeyaha ilaa Madaxtooyadda, taasina ay lagama
maarmaan kaga dhigtay inuu fara-geliyo, kana odayeeyo markasta oo qaylo ka
soo yeedho dhinaca dekedda.
Sidoo kale, safarada khaaska ah ee uu sida kediska iyo keli-socodnimada ah
ugu tago Berbera oo kani u dambeeyey uu ahaa kii saddexaad ilaa sannadkii
2000, ayaa looga bartay inuu ku fara-geliyo arrimaha dekedda. Socdaalkiisii
dhowaana, wuxuu soo kiciyey gufaacada dareen ku saabsan inuu Madaxweyne
Cigaal, wax ka qabanaya xaaladihii markaa ka aloosnaa magaalada oo ay ugu
waaweynaayeen cabasho mid ka mid ah beelaha deegaanku hore ugu gudbisay
Madaxweyne Cigaal oo ay ka dalbatay in saamigooda laga siiyo shaqaalaha
dekedda Berbera iyo guud ahaanba maamulka gobolka iyo degmada iyo
hayadaha kale ee dawladda. Iyo arrinta kale oo ahayd xiisad iyo buuq ka
dhashay khilaaf dhexmaray ganacsade X. Cabdi Cawed Cali (Indha-deero)
iyo gaadiidleyda xamuulka ee dekedda wax ka daabulla.
Cabashada beesha oo ah beesha Muuse Cabdalle (H/Yoonis) oo muddo
dheerba soo jirtay, ayaa la sheegay in hore Madaxweynaha loogu gudbiyay,
ballanqaadna uu ka sameeyey. Hase yeeshee, Mushkiladda gaadiidlayda iyo
ganacsaduhu waxay ahayd mid si ku talo-gal aan ahayn uu ugu soo beegmay,
taas oo ka dambaysey markii ganacsade, Indho-deero uu daabulka
badeecadihiisa u diidey gaadiidka rayidka, iskuna fillaysiiyey baabuurta uu
isagu leeyahay oo horeba hawsha daabulka uga qayb-geli jirey. Waxa kale oo jira
xogo sheegaya in ganacsade indha-deero oo ah Maalqabeenka ugu horeeya xaga isticmaalka dekedda uu sidaa u yeelay, isaga oo ka cadhooday lacag dheeraad ah
oo lagaga kordhiyay khidmadda adeegga dekedda, iyada oo horena dekedda loogaga cabanayey adeegyo tirobadan oo mushqaayadooda laga qaado weelasha dekedda ku
soo xidha, balse aan la qaban, lacagtaana cid qaadata aan la aqoon.
Arrimahan oo xasaasiyadooda is-tartay, si weyn-na looga dareemay Berbera,
wuxuu Madaxweyne Cigaal dib uga soo laabtay isagoo aan wax muuqda ka qaban
midna, waxaana kadib shiiqiyey meeshana ka saaray hadal-hayntoodii goaankii
Golaha Wasiiraddu saddexlaab ku kordhiyey cashuurta, maalin kadib markii
Madaxweyne Cigaal ku soo laabtay Hargeysa. Goaankaas oo af kala-qaad ku
noqday bulshada, albaabadana u xidhay dhaqdhaqaaqii dekedda.
Maareeyaha Dekedda Berbera, Inj. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) oo
4-tii February, Xafiiskiisa ugu waramay Weriyayaal ka socday Wargeysyada
Haatuf iyo Himilo, ayaa xaqiijiyey in ay jirto cabashada la sheegay in
beeshaasi u gudbisay Madaxweyne Cigaal, isagoo sheegay in cabashadaas ay
gacanta ku hayaan, ayna ka fiirsanayaan siday suurta-gal u tahay.
Waxa jirta Wadanka waxa ka taagan shaqo laaan, iminkana sidaad ogtihiin
shaqadu way yar tahay. Shaqaalaha anaga habeen iyo maalin dad shaqo doon ahi
way joogaan oo waa joogto, ayuu yidhi Cali Xoor-xoor, isaga oo ka
jawaabayay suaal laga weydiiyay cabashadaas beesha. Arrinkaasi annaga wuu
na soo gaadhay aad sheegaysaa iminka, laakiin dekedda ilayn badeecad cusubi
ma imane nin shaqaale ahna (nin kale) loogama eryayee, wixii ka suura-gala
cabashadaa ay keeneen qoladaasi in wax laga qabto waxaanu ku jirnaa
eegisteedii, in ay suurta-gal tahay iyo in aanay suurta-gal ahayn, ayuu
raaciyay Inj. Cali Xoor-xoor, isagoo u dayrinaya.
Maareeyuhu waxa uu sheegay in dekeddu tahay hayadda labaad ee shaqaalaha
ugu badani ka hawl-galaan laamaha dawladda Somaliland oo dhan oo ay ku xigto
Wasaaradda Gaashaandhigga ama Ciidamada, waxaana uu sheegay in ay hayso
900 (sagaal boqol) oo qof oo shaqaale ah, mararka qaarkoodna ay u baahdaan
shaqaale kale oo dheeraad ah oo ay dibadda ka soo qortaan. Shaqaalahaasi,
waxa uu sheegay in ay yihiin kuwa muruqmaalka ah oo isugu jira Xamaaliinta
Maraakiibta Gudahooda gala iyo kuwa sagxadda dekedda ka xamaalla. Isla
markaana Inj. Cali Xoor-xoor, isaga oo u dayrinaya beeshaas, wuxuu yidhi;
Iminka sow idinmaan lahayn shaqaale dheeraad ah baanu qoranaa, waxa weeye
goormay dhacdaa, waa markay dekeddu shaqo badani timaado. Laakiin, markay
caadiga tahay ee badeecaddu sida caadiga ah u socoto dee intii ku fillayd
ayaa joogta. Runtii dekedduna ma aha dawladii hoose oo shuqul beeleed kama
dhex jiro, ayuu raaciyay.
Inj. Cali Xoor-xoor, waxa uu aad isugu deyey inuu beeniyo cabashooyinka ku
saabsan in dekeddu aanay Qaramaysnayn, inta badan shaqaalahaas muruqmaalka
ah iyo kooxo kale oo badan oo adeegyo magacuun ah dekedda wax kaga qaataaba
ay ka soo jeedaan hal beel, taas oo beelaha kale ee deegaanku ka tirsadeen
cadaalad-darro.
Hase yeeshee, waxa uu qiray in beeshaasi ay ku cabanayso shaqaale dekedda ka
tegay wakhtigii dagaalada sokeeye ka jireen dalka (1992 -1993 ama 1994 -
1997), markii dambena aan fursad u helin in ay dib shaqada u galaan, qaar
dhintay oo aan meelahoodii la buuxin iyo in shaqaale dheeraad ah loo
kordhiyo, waxana uu yidhi Inj. Cali Xoor-xoor, isagoo waxyaabaha ay beeshu
ku cabanayso faahfaahin ka bixinaya; Waxa jira, dagaaladii sokeeye ee dalka
ka dhacay dad ka tegay shaqada oo markii dambena sida la sheegayo ma hubo
jaanis aan u helin in ay boosaskoodii ku soo noqdaan, taasi waa ka mid.
Shaqaalaha muruqmaalka ah, waxa jira qaar facaygaba ka hormeeyay anaga oo
boosaska kala leh oo si (Tradition) dhaqan ah u shaqeeya, taasina beel kuma
xidhna e waa nin iyo booskii. Markaa cabashooyinka waxa ka mid ah dad
dhintay oo aan boosaskoodii la buuxin oo Wakhtiyadii is-bedeladu ay jireen
ay ku lumen, dad aan dadba ka tegin baa jira iyaguna oo dhintay oo
xamaaliyiinta ka mid ahaa, waxa jira baadi-doon korodhsi. Markaa dadku
shaqada waa wada doonayaa, laakiin wixii suura-gal aah ayaa meelmar
noqonaya.
Inj. Cali, dhinaca kale wuxuu sheegay in aanay wax lala yaabo ahayn in
shaqaaluhu ay u bataan beel ama dhinac, isaga oo taasna ku sababeeyay in
deegaanku uu u suura-geliyay in ay bursadaan shaqada. dadku, Somaliland
sida loo kala deggan yahay si fiican baad u garanaysaan, ayuu yidhi Inj.
Cali Xoor-xoor. Waxa laga yaabaa ninka Hargeysa dul joogga ee adhigiisa
ku raacda, marka kuuli ka soo baxo hargeysaa inuu Hargeysa ka helo shaqadii.
Shaqadaa kuuliga ahi hadday Berbera noqotay ninka Berbera Xeebteeda yaallaa..
oo shaqadiina shaqo waxoogaa sii soconaysa ay noqotay oo xamaalis ah, taasi
Horta wax lala yaabo maaha, ayuu raaciyay, waxana uu sheegay in aanay ahayn
arin si gaar ah loogu qoondeeyey, isla markaana waxa uu sheegay in aanay jirin
cid la takooray dhinaca shaqo qorista, isaga oo yidhi; Waxa ugu yar beelaha
beesha Gabooyaha oo shaqaalaha dekedda beel waliba way ku jirtaa. Laakiin
midhka muhiimka ahi waxa weeye, ayuu yidhi; Maanta shaqo cusub oo
dekedda. ee tan waxa keenay uun waa Caano jiillaal canba can u tiri.
Shaqaalaha muruqmaalka laftooda ayaa iyaga laftoodu aan cabasho laayn oo
dulmi iyo musuqmaasuq ka tirsanayey Maamulka Dekedda. xamaaliinta iyo
muruqmaalka kale ee dekeddu, waxay ka cabanayeen in khidmadooda oo
dekeddu ugu qabato doollar ahaan, laakiin iyaga lagu siiyo Shillin Somaliland,
iyadoo halkii doollar ($1) loogu qiimeeyo sarrifka Baanka oo ahaa 4,500
Sl.Sh halkii doollar. Waa cidda keliya ee iminka ku faraxsan goaankii
dhawaan Xukuumaddu ku kordhisay qiimaha doollarka cashuurta dawladda, iyo
sarrifka Baanka oo lagu saleeyay sarrifka suuqa xorta ah oo ah 7,000 Sl.Sh,
taas oo sababtay in cashuurta dawladdu kacdo 280% (in ku dhow saddex laab).
Waxa kale oo jirtay in ilaa dhawaan dawladdu ka goosan jirtay halkii tanba
hal doollar, kaas oo xamaaliyiintu ugu deeqeen dawladda dhexe, wax yar kadib
markii lagu soo dhisay Boorama 1993-kii.
Dhinaca ganacsatada-na, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ganacsade
Indho-deero iyo Maamulka dekedda Berbera, ay isku maandhaafeen koox
Shaqaale cusub ah oo dekedda laga meeleeyey, dekedduna khidmad u saartay maraakiibta. Wararkaasi waxay sheegeen in Indha-deero uu ka codsaday in
kooxdaas laga saaro meesha, balse uu maamulka dekeddu ku adkaystay.
Waxa kale oo ay ilahaasi tibaaxeen in badiba tijaarta waaweyn ee dekedda
isticmaashaa ay horeba uga cabanayeen kooxaha faraha badan ee dekedda ku
lacag qaata, iyo weliba qalabkii adeegga dekedda oo laga kireeyo.
Hase yeeshee, Maareeyaha Dekedda Inj. Cali Xoor-xoor, wuu beeniyey
cabashooyinkaas ganacsatada, waxana uu sheegay in wax adeegga dekedda lagu
kordhiyey aanay jirin, xooggana ay saareen sidii badeecadda Berbera ka soo
degtaa aanay suuqyada kaga qaalisanaan badeecadaha meelaha kale ka yimaadda.
Waxaana dekedda ka muuqday dhaqdhaqaaq iyo badeecado bagaash ah oo ka soo
degay, kuwaas oo hore uga qaxay adeegga iyo cashuurta qaaliga ah ee dekedda
iyo dhinaca wakhtiga badeecaddu ku jirto dekedda oo hadda aad loo
fududeeyey.
Si kastaba ha ahaateee, Madaxweyne Cigaal oo ka soo jeedda beesha loo
tirinayo dekedda Berbera, isla markaana la rumaysan yahay inuu isagu u
jiheeyo arrimaha dekedda iyo wax ka qabashada tabashooyinka ka jira
dekedda iyo maamulka deegaankaba, qaab ku salaysan danihiisa iyo
duruufihiisa Siyaasadeed ee markaa horyaalla, ayaa sababta ugu weyn ee
safarkiisii u dambeeyey looga eegayay xalka taboshooyinkaasi waxay ahayd
xilliga geba-gebada ah ee Xukuumadiisa iyo mucaaridka qaab-beeleedka kula
loolamaya ee ka soo horjeedda, taas oo isla markaana ah ta dhiiri-gelinaysa in
qaab qabali ama beeleed loo eego Mushkiladda ama loo xisaabtamo, iyada oo
laga filayey in uu tixgelin siiyo tabashooyinkaas. Hase yeeshee, waxa jira xogo
muujinaya in beesha cabashada gudbisay ay dalbatay in dekedda laga siiyo in
ka badan boqol shaqaale ah iyoi qayb weyn oo ah manaasiibta muhiimka ah ee
gobolka iyo degmada, taasina ay ku noqotay laba daran mid dooro, uuna ka
baqay in haddii uu tallaabadaas oofiyo uu lumiyo kalsoomida beeshiisa, iyada
oo dhinaca kalena uu jiro olole kaga socda mucaaridka isla beesha oo
faafinaya afkaar ay beesha ugaga digayaan in Siyaasadda Madaxweyne Cigaal
ay dhaxalsiin karto cadaawad iyo nacayb uu bulsho weynta Somaliland ugu reebo.
Mudane Cigaalna dareensanaantiisa ololahaas ku lidka ah waxa uu ku muujiyay
hadal uu ka jeediyay Dacarbudhuq, dabayaaqadii Oktoobar, isaga oo ku jiray
socdaal kedis ah oo ugu sii jeeday Berbera.
.
Boorama (Haatuf): Shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawl-gala Cusbitaalka guud ee
magaalada Boorama, ayaa ku dhaqaaqay shaqo-joojin guud oo ay hakiyeen
dhammaanba hawlihii ay hayeen.
Shaqo-joojintan ay ku kaceen dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyaasha caafimaad ee
ka shaqo gala Cusbitaalka guud, ayaa lagu sheegay mid ay ku muujinayaan
cabashooyin la xidhiidha, maamul-xumo dhinaca Cusbitaalka ah oo mudooyinkan
dambe ragaadisay hawlihii adeegga dhinaca Caafimaad.
Warku wuxuu intaa ku daray in muranka arrintan oo in muddo ahba ka taagnaa
magaalada uu sii xoogaystay, markii ay soo baxeen warar sheegaya in la
lunsaday qalab caafimaad oo Cusbitaalku lahaa, kaas oo lagala baxay
Bakhaarka alaabtu taalay.
Weriyaha Boorama, Maxamed Cumar oo warkaa noo soo diray ayaa sheegay in aan
shaqaaluhu in muddo ah wax mushahaar ah qaadan, kadib markii Hayadda COOPI
joojisay mushahaarka shaqaalaha Cusbitaalka iyo weliba daawooyinka oo ay si
joogta ah ugu kaalmayn jirtay Boorama. Hayadda COOPI, waxay goaanka ay mushahaarooyinka shaqaalaha ku joojinayso qaadatay markii sida la sheegay ay saluugtay Maamulka Madaxda Cusbitaalka, isla markaana wax is-daba-marin lagu sameeyay lacago ay hayaddu ugu deeqday Cusbitaalka Boorama.
Madaxda Maamulka gobolka iyo xubnaha laamaha dawladda ayaa qaaday
tallaabooyin lagu af-jarayo shaqo-joojinta shaqaaluhu ku kacay, waxaana la
qabtay shir lagu gorfaynayo sidii xal looga gaadhi lahaa sababihii keenay
shaqa-joojinta, iyo sidii xal kama dambays ah loogu heli lahaa cabashooyinka
shaqaalaha.
Gudoomiyaha gobolka Awdal oo ka hadlay Shir lagu qabtay xarunta Cusbitaalka,
ayaa shaqaalihii shaqo-joojinta sameeyay ka codsaday in ay dib ugu laabtaan
hawlihii ay u hayeen dadka bukaan-socodka ah.
Gebo-gebadii shirkaasna, waxa la isku afgartay in arrinta loo saaro guddi
soo baadha Maamul-xumada iyo musuq la sheegay inuu muddoba ka jiray
Cusbitaalka, iyada oo dhinaca kale la isku af-gartay in ay wax ka jiraan
cabashooyinka shaqaalaha.
Warku wuxuu intaa ku daray in marar dhawr ah la isku deyay, sidii loo toosin
lahaa Maamulka Cusbitaalka, balse aan ilaa hadda arrintaa wax xal ah laga
gaadhin.
Xukuumadda iyo Ganacsatada oo Jilibka isla dhigay Wadahadal
Natiijadiisu
laalan tahay
Harg (Haatuf): Ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa ilaa shalay
wada-hadal jilbaha is-daray, wada-hadaladaas oo ku saabsan sidii la isula
meel dhigi lahaa , xalna looga gaadhi lahaa qiimaha sicirka Cashuurta ee ay
dawladdu kordhisay dhawaan, taas oo khilaaf weyni ka aloosan yahay muddo
toddobaad ka badan, kadib markii ay Xukuumaddu si lama fillaan ah ugu
dhawaaqday goaan ay ku kordhisay heerka sarrifka doollarka ee ay ku
qiimaysnayd Cashuurta dawladdu.
Tallaabadan oo kordhisay 280% Cashuurta marka loo eego Shillin
Somaliland-ka, ayaa horseeday jaha-wareer soo waajahay ganacsiga dalka iyo
hannaanka dakhli ururinta dawladda, kadib markii ay ganacsatadu ku gacan
saydheen goaankaa, isla markaana ay hakiyeen ganacsigoodii.
Sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ahi, wada-hadalo labadii maalmood ee u
dambeeyay u socday Xukuumadda iyo ganacsatada ayaan ilaa hadda wax natiijo
ahi ka soo bixin, balse weli socda, waxaana la sheegay inuu dhinac waliba
goonidiisa ugu adkaysanayo mowqifkiisa.
Wada-hadaladani waxay bilaabmeen kadib markii ay ganacsatadu ay
Madaxweynaha u direen fariin ay kaga codsadeen in ay iska arkaan tallaabada ay xukuumadiisu ku dhaqaaqday, kana wada-hadlaan sidii xal looga gaadhi lahaa
xiisadda ka dhalatay qiimaha cashuurta ee kordhay.
Madaxweyne Cigaal, isaga oo ka jawaabaya dallabka ganacsatada ayuu
magacaabay guddi wasiiro ah oo la xaajooda ganacsatada, waxayna fadhigii u
horeeyay ku yeesheen dorraad Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.
Wada-hadalkaas oo wakhti dheer qaatay ayay warar u dhuun-daloollaa tibaaxeen
in lagu kala dareeray, iyada oo aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, balse
dib loo ballamay, waxaana la sheegay in guddiga wasiiradda ahi ku tiraabeen
in ay la tashi kula noqonayaan Madaxweynaha.
Sidoo kale, guddiga ganacsatada ah ee wasiiradda la kulmay ayay iyagana
dhinacooda ka soo baxeen warar is khilaafsan, kuwaas oo ay qaarkood
tibaaxeen in la isla gaadhay gorgortan ku saabsan heerka suura-galka ah ee
la kordhin karo qiimaha cashuurta, halka ay warar kalena sheegeen in gebi
ahaanba la is mari waayey.
Mid ka mid ah xubnaha guddiga ganacsatada ee wada-xaajoodka ka qayb-galay
ayaa u sheegay Telefiishanka madaxabanaan ee Somaliland, in ay ku adkeysteen
mowqifka ganacsatada ee ah in aanay ogolaan goaanka Cashuur kordhinta.
Waxa kale oo uu Ninkaasi Telefiishanka u sheegay in ay ka war sugayaan
Xukuumadda, isla markaana haddii ay Xukuumaddu jawaab bixin waydo ay
qabanayaan Shir-jaraaid oo ay arrintan ku faahfaahinayaan.
Dhinaca kale, Fadhiga caadiga ah ee Golaha Wasiiraddu isugu yimaadaan maalin
kasta oo Isniin ah, ayaa Isniintii shalay wakhti dheer qaatay, waxayna warar
u dhuun daloollaa tibaaxeen in laga shawrayay mowduuca ku saabsan korodhka
qiimaha cashuurta iyo wada-hadaladii dhexmaray gudiyada labada dhinac ee
Xukuumadda iyo Ganacsatada.
Shirka Golaha Wasiiradda oo furmay barqadii hore, waxa lagu gaadhay wakhti
dambe oo gelinkii dambe ah, mana jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay,
waxaase la rajaynayaa in ilaa maanta uu Xukuumadda war ka soo baxo, iyadoo
warar aan la xaqiijin tibaaxeen in ay gudiyadii labada dhinac Xukuumadda iyo
ganacsatadu xalay mar kale wada-hadal isugu soo noqdeen.
Dhinaca kalena, warar ka yimid dhinaca dekedda Berbera, ayaa sheegay in
badeecadihii dekedda soo gaadhay intii ka dambaysay Isniintii toddobaadkii
hore oo ahayd wakhtigii goaanka dawladdu soo baxay iyo badeecadihii dekedda
hore u yaallay ay weli xaniban yihiin oo aanay cidina dekedda wax kala
bixin. Magaalada Berbera oo ay nolosheedu aad ugu xidhan tahay dhaqdhaqaaqa
dekedda ayaa goaankani saamayn weyn ku yeeshay xaaladeeda, kadib markii uu
istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo isu socodkii badeecadaha Baayacmushtarku.
.
Xafiiska ama waaxda xisaabiyaha guud ee qaranku wuxuu ku shaqo leeyahay
hawsha lafdhabarta u ah fulinta ujeeddada maaliyadeed ee ay ka masuulka
yihiin haydaha dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ee dakhliga ururiya iyo
kuwa kharashyada isticmaala ee ay dawladnimadu ku dhisan tahay. Hase
yeeshee, fulinta hawsha lafdhabarta u ah ujeedada maaliyadeed waxay la
xidhiidhaa in aanay jirin wax kasta oo loo aqoonsan karo musuq ama tagrifal.
Sidaa awgeed, xafiiska xisaabiyaha guud wuxuu ku sifoobayaa halka ama meesha
keliya ee ay ka dhismi karto ama ka baabii karto dawladnimdu.
Marka lagu tilmaamayo halka lafdhabarta u ah dawadnimada, waxa laga hadlayaa
inay xafiiska xisaabiyaha guud ka jirto farsamadii suurogal ka dhigi lahayd
inay dawladdu soo xaraysan karto 100% dakhliga sharcigu waajibiyay; inay
dawladdu u gasho kharashyada kala duwan habka ugu macquulsan marka laga eego
geesta faaiidooyinka dhaqaale ee ay dadku helayaan, iyo inay hayadaha ka
mas^าuulka ah fulinta ujeedada maaliyadeed ay habka ugu habboon dhinaca
xisaabinta hawshooda u gutaan ama u wadaan.
Dhinaca kale, fulinta ujeedada maaliyadeed waxay khusaysaa arrimo kala duwn
oo kuwa ugu muhiimsan ay ka mid yihiin:
1. Qorshaynta miisaaniyadda qaranka:
Qorshaynta miisaaniyaddu waa habka taranta (Quantitave) ee lagu soo bandhigo
sida wax loo qabanayo iyo weliba farsamo loogu talogalay inay caawiso isku
dubaridka iyo hirgelinta hawsha qaranka.
Xaashiyaha shaqada (source documents) iyo diiwaanada xisaabinta (Ledgers),
ayaa suurogal ka dhiga in la ururin karo natiijooyinka hawgalada kala duwan.
Warbixino ku saabsan siday wax u dhaceen ayaa qiimayn ku sameeya wixii la
qorsheeyay ee miisaaniyadda lagu muujiyay iyo natiijada dhabta ah ee ka soo
baxay hawlgalada.
Fahamka ama sugida waxa sababay inuu jiro faraq u dhaxeeya qorshaha
miisaaniyadda iyo xaaladda dhabta ah ee jirta ayaa mutaysanaysa in lagu eego
indho feejigan iyo arrimaha sidii loo qorsheeyay u socda in layska dhaafo.
2. Maaraynta maamulka:
maaraynta maamulku waa farsamadii suurogal ka dhigi lahayd in la qorsheeyo
shaqaalihii ka hawgeli lahaa hayadaha dakhliga ururiya iyo shaqaalihii ka
shaqeyn lahaa waaxaha maaliyadda ee hayadaha dawladda dhexe iyo dawladaha
hoose ee kharashyada isticmaala. Waxa kale oo maaraynta maamul khuseeya in
la qorsheeyo qalabka xafiisyada iyo qalabka xisaabinta iyo goobaha shaqada ama xafiisyada ee hayadaha dakhliga ururiya iyo kuwa kharashyada
isticmaala.
Sidoo kale, maaraynta maamulku wuxuu dhigayaa in la dejiyo qaab ay leeyihiin
xaashiyaha shaqadu oo bixin kara ama laga heli karo macluumaad qaraaro lagu
gaadhi karo.
Ugu dambayn, inuu jiro qaab-dhismeed suurogal ka dhigi inay wada shaqayni ka
dhaxayso hayadaha dakhliga ururiya, kuwa kharashyada isticmaala, xafiiska
agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda, waaxda xisaabiyaha guud iyo
hantidhawrka qaranka ayaa ka mid ah maaraynta maamulka.
Marka laga reebo labada qaybood ee aynu ka soo hadalnay, xafiiska
xisaabiyaha guud wuxuu ka masuul yahay arrimo badan oo la xidhiidha
maaliyadda oo ay ka mid yihiin:
- Qorshaynta iyo dabogalka hannaanka xisaabinta iyo maamka,
kharash-bixinta
iyo dakhli xaraynta.
- Warbixinta iyo sharaxaada xaaladda maaliyadeed ee dawladda.
- Maamulida cashuurta kala duwan ee dawladda.
- Diiwaangelinta hantida raagta ee dawladda.
- Qiimaynta iyo talobixinta la xidhiidha hanaanka xisaabinta ee
hayadaha dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ay ku shaqeeyaan.
Baaxadda masuuliyadda iyo muhiimadda uu xafiiska xisaabiyaha guud u
leeyahay dawladnimada ayaa kellifay inay ka hawlgalaan dad aqoon sare u leh
cilmiga xisaabinta (Accounting), tirokoobka (Statistics), dhaqaalaha iyo
weliba maaraynta maaliyadda. Sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in dib u
eegid iyo dib u habayn lagu sameeyo qaab-dhismeedka aqoonta masuuliyiinta
sare, xirfadda shaqaalaha kalkaalinta, hannaanka hirgelinta hawlaha, qaabka
xaashiyaha shaqada, qiyaasta ama cabirka xafiisyada, tayada qalabka
hawlgalada iyo guud ahaan habsami u socodka shaqada si aynu u xaqiijin karno
dawladnimada aynu isbidnay.
Waa in la adeegsadaa farsamo-yaqaanka Systems Analyst iyo dad aqoon sare u
leh maaraynta shaqaalaha haddii la doonayo inay Somaliland yeelato dhaqaale
taabogal ah iyo dawlad fulin karta wixii loo aasaasay.
C/raxmaan Siciid Maxamed,
Hargeysa.
Marka u horraysa waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa bahda wargeyska
Haatuf ee sida hagar laaanta ah bulshada ula socodsiiya wararka gudaha iyo
dibaddaba, markaan u soo laabto dulucda odhaahdayda waxaan ahay hooyo aad u
jecel nabadda iyo horumarka Somaliland, waxaanan ka mid ahay dumarka ka
ganacsada Jaadka ee nolol maalmeedkooda iyo daruuriga kala soo baxa. Waxaan
maanta jeclaystay inaan ka hadlo khilaafka iyo khalkhalka maalmahan ka
taagan magaalada ee u dhaxeeyay xukuumadda iyo ganacsatada qaadka ee ka biyo
diiday sixirka cashuurta.
Run ahaanti anigu kama hadlayo nidaamka cusub, hase yeeshee waxaan ka
hadlayaa arrin ka dhacday 9kii February caasimadda oo aan waxba ka duwanayn
sidii faqashtu dadka u jidh-dili jirtay, taas oo koox Boolis ahi ay wiil
dhallinyar ah oo ka shaqeeya shirkadda qaadka 571 ay si waxashnimio ah ugu
garaaceen qoriga dabadiisa iyaga oo aan u aabe yelin markii dambena la
xidhay. Haddaba waxa ayaan-daro ah in maanta Booliskeenu u dhaqmo sidii
raggii Doolow ka iman jiray ay dadka u dili jireen.
Haddaba waxaan leeyahay falalkan argagaxa ahi waxay umadda xusuusinayaan
wixii laga dagaalamay iyo heeryadii nidaamkii Siyaad Barre ee waxaan odhan
lahaa aragtidayda (Nabaddu waa dharage hana-dhay-lulina). Sidaa darteed
waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa inaanay abuurin fawdo hor leh, waa inay
ka shaqaysaa nabadgelyada iyo ilaalinteeda.
Haddaba waxaanu leenahay haddaanu beesha jaadka nahay, Suquuqulkii jaadka
sas baanu ka qaadnaye, nabaddu toosin mooyee tabcayn uma baahna.
Waxaan ku soo gebogebaynayaa, waa iga dardaaran hooyoe ee yaan loo daymma
laaan.
Allow xaqa na waafajib iyo nabadgelyada.
Xaliimo Cisaan Raage,
Hargeysa.
Afrika: Cilladda Hoggaaminta iyo Hootada sita
Dawladaha waaweyn-
4. Maaraynta iyo fulinta wacadka Jaatarka Afrika, waxa wiiqay oo curyaamiyay
hoggaanadii OAU-da, kuwaas oo ku shaqeeyay aragtiyaha siyaasadeed ee
madaxweynayaasha iyo dawladaha ay ka soo jeedaan, taasina waxay lumisay
hankii weynaa iyo rajadii looga fadhiyay ururka OAU-da.
Ururka IGAD:
Muran kuma jiro in OAU-du tahay midhihii ka dhashay falsafadda
Pan-Africanism, kadib dhalashadii gobanimada ummadaha Afrika, laakiin ururka
IGAD, waxa uu ka dhasay naafaynta OAU-da, oo dacarta is-hirdiga ka yimid
dagaalkii qaboobaa. Maxaa yeelay qaybi oo xukun ama qodob awooda iyo codka
diblomaasiyadeed oo lagu hadheeyay mucaawimadii ku soo shubmi jirtay sidii
tog jabay Afrika.
Urur-goboleedka IGAD, waxa uu aasaaskii ku bilaabmay lix dawladood oo geeska
Afrika ka mid ah oo hadana xubno ka ah OAU-da.
Sannadkii 1992, waxa 7-da ku noqday dalka Eriteriya oo isku sannadkii 1991
wada noqdeen ummado ka xoroobay Addis iyo Muqdisho Eriteriya iyo
Somaliland, laakiin SLR kamay noqon xubin sababta oo ah afar dawladood oo ka
mid ah 7-da dawladood oo xubno ka ah ayaa ka mid ah dalalka duudsiyay xaqa
J/S/land u leedahay, inkasta oo ummadda Somaliland ku leedahay abaalo
taariikhi ah. Sidaas oo kale ayaa OAUda loogu tilmaamay Hootonimadeeda iyo
Ilko laaanta IGAD arrimaha xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo
xaajooyinka qaarada weyn ee ay ka xaqsoori kari waayeen ee Afrika iyo
gobolka Geeska Afrika.
Waxay IGAD ku kala qaybsanaayeen aragtiyaha siyaasadeed ee ku saabsanaa
jabhadihii kala duwanaa ee gobolka Geeska Afrika sanadihii dagaalka qabow.
Waqtigan bilowga qarniga 21aad dawladaha IGAD waxay had iyo jeer isku
maandhaafsan yihiin xaajooyinka siyaasadda iyo colaadaha dhex taagan geyiga
ay shucuubta IGAD ku nool yihiin, sida dagaalka Eriteriya ku qaaday
Itoobiya, khilaafka Sudan iyo Ugaandha, aragtida dib-u-heshiisiinta kooxaha
Soomaaliya, khilaafka gadhoodhsan ee biyaha Naylka iyo qaddiyadda xuquuqda
ummadda Somaliland oo waafaqsan Jaatarka OAUda.
Ujeedooyinka loo abuuray IGAD, waxa lafdhabar u ahaa horumarinta
is-gaadhsiinta gaadiidka dalaka, degenaanshaha gobolka, kobcinta suuq
ganacsi ka dhexeeya iyo ilaalinta degaanka (Environment) dhammaan dalalka ay
IGAD ka kooban tahay. Hase yeeshee IGAD dalalka xubnaha ka ah himilooyinkii
loo igmaday inay rumeeyaan waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay, maxaa yeelay
khilaafaadka dhex yaala dalalka IGAD waxay noqdeen xaajooyin xal, xaqsoor
iyo gorfayn, ku dhac maarayn lagu daawayn kari waayay si IGAD ugu midho
dhaliso ujeedooyinka waraaqaha Jaatarka ku qoran ee gobolka ka dhigi lahaa
hodan.
Sidaa awgeed IGAD waxay iska beddeshay oo keliya Qurux-xilliyeed shir
(annual cosmetic institution), sidii OAUda.
Dhammaan shucuubta IGAD way ka quusteen ururka. Waxa kale oo ka niyad jabay
dawladihii waaweynaa ee hodanka ku aha dhaqaalaha sancada casriga ah ee
galbeedka (G8), kadib markay ogaadeen karti laanta musuqa, dagaal
oogayaasha iyo xasuuqyada lagu sameeyo guud ahaan qaaradda Afrika iyo IGAD,
gaar ahaan.
Xaaladda IGAD ee maanta bilowga qarniga 21aad, waxa uu ugu bilaabmay madaxda
dawladaha xubnaha ka ah nasiib darradan iyo xaajooyinkan soo socda:-
1. Madaxda qaran ee IGAD waxay isku eegaan indho-indho kubadeed arag (eye
ball to eye ball) markay shirarka fadhiyaanee la is dhaafsanayo khudbadaha
lagu soo tafaftiray caasimadaha dalalkooda.
2. IGAD waxay ku hafatay dhibaatooyinka dhaqaale, siyaasadeed iyo
dagalaada
faqriga keenay ee ku habsaday dalalka IGAD.
3. IGAD waxay ku hafteen walaaca iyo qalbi-jabka ka haysata isdabool
laaanta ka dhaxaysa habdhaqanka dhaqale ee dawladuhu waayo araga u
lahaayeen iyo habka cusub ee caalamiyaynta dhaqaale (globalization) ee
dawladaha 8-da ah ee galbeedka oo aqoonyahanada caalamka 3aad ee ku kala
qaybsan yihiin.
4. Dawladaha IGAD waxay niyad xumo iyo madaxwareer kala kulmeen shuruudaha
adag ee caqligalka ah ee 8da dal ee waaweyni ku xidheen maalgelinta iyo
mucaawino la siiyo. Shuruudahaa waxa ka mid ah: ladagaalanhjka musuqa,
xuquuqda aadamiga, ganacsi furan, maamul hufan.
Hootanimada OAUda ee soo taxnaa 40-ka sano, waxa fajiciso hufan ay ku
noqotay hoggaamiyeyaal badan oo qaaradda Afrika ah, kadib fikradda
madaxweyne M. Kadafi, markii uu u hawlgalay waxkabeddelka habdhaqanka
siyaasadeed, dhisme nidaam dhaqaale, maxkamd u dhaxaysa iyo isgaadhsiinta
qaaradda Afrika. Shaki iyo taxaddir badan markay fikradda Qadaafi la
kulantay ee miisaanka saarnayd muddo dha4r sano ah, waxa noqotay xaajo
markii lagu duugay saxeexa madaxweyneyaal tiro badan oo joogay shirkii May
2001 ee OAUda. Magacii OAU waxa loo beddelay AU (African Union).
Laakiin naqshada siyaasadeed ee qaarada uu Qadaafi ku fikiraayo in lagu
guulaysto oo Afrika u aydo midhaheeda, iyo hooga colaadeed ee ku habsaday
Afrika isma dabooli karaan. Maxaa yeelay waxa fure u ah xaqiijinta
himilooyinka Qadaafi iyo guddi-qaaradeed madax-bannaan oo dhexmaaxa habka
xalka colaadaha cadaawadda, dhiiga daadanaya maalin kasta iyo kiala
fogaanshyaha dalalka ku wada jira AU ee Afrika ku wada nool ee jaararka ah.
Sidaasi oo kale, hanka, rajada iyo xushmadda loo hayay ururka IGAD markii la
aasaasay, maanta ummadaha gobolka IGAD waxayka quusteen waxqabad iyo maareyn
khilaafaadka daashaday dalalka. Taasi waxay noqotay GAD oo karaamadii iyo
hankii loo qabay ku wayday kadib ilka la^าaanta ka muuqata iyo karti xumada
ujeedooyinka iyo himilooyinka loo igmaday inay xaqiijiso ee khuseeya gobolka
dalalka IGAD.
Sidaa awgeed, rajo ummadaha dalalka xubnaha ka ah IGAD ma ka qabaan in
dib-u-habayn lagu daweeyo xaaladda ururka ee awoodi kari weyday xal ama
isu-soo dhawayn walaalnimada nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Marka la isku soo xooriyo aayaha mustaqbalka IGAD, ku dhax laaanta
xaqiiqada xalka xaajooyinka isku wada dhex gadaaman, danaha waddamada
xubnaha gaarka u ah, gacmaha shisheeye ee dahsoon iyo daqaale burburka
haystay muddo sanado ah iyo kaalmadii hawlo socodsiinta ee dawladaha reer
galbeedku joojiyeen, kadib dhammaadkii dagaalka qabow 1990. waxa lagama
marmaan ah in ururka IGAD hawl goboleedka loo igmaday dib loogu celiyo
urur-qaaradeedka AU-da dib loo dhisay. Waayo marka hore IGAD waxa loo
sameeyay feedh jeexa iyo seetaynta OAUda.
Cumar Aadan Cawaale (Historian), Hargeysa.