SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 38-aad

                                      Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

                                      E-mail: haatufnews@hotmail.com

Maxaa loo  Baylihiyay Bogcadihii Taariikhda Jacaylkii  Cilmi Boodhari?

Wasaaradda Dalxiisku ma Madaxtooyadda ayay u taqaannaa goob dalxiis”

By A.A.Garas

 

"Sidii ood go’aygii tahiyo

Macawiistaan goostay,

Ama aad godkii aakhiriyo

Geeri iga baajin,

Ama Aabahay oo goblomay

Iga gar-gaarayso,

Gar dariye maxaan Hodan Cabday kaga gam’i waayay.”

 

Ereyadaasi, waxay qalbiyada dadka Soomaaliyeed xusuusinayaan Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari) iyo jacaylkiisii Maqrib iyo Mashriq-ba maqalkiisu ka dhacay.

 

Akhriste, waxaad ka marag tahay in Cilmi Boodhari lahaa Taariikhda jacayl ee geeska ugu ballaadhan, taas oo lagu suntay qoraalo badan, buuggaag iyo suugaan intaba. Sidaa aawadeed, toddobaadkan waxaan qormadan si kooban ugu eegaynaa baylahda ka muuqata Bogcadaha Caanka ah ee Boodhari ku caan baxay.

 

Arooryo hore, waxaan soo booqday Moofada Furinka ee qadiimka ah, taas oo ah Meheradii uu Cilmi Boodhari ka shaqayn jiray ayna ka unkantay Jacaylkii uu la god galay ee Hodan Cabdille Walanwal. Moofada oo ku taal badhtamaha dhisme gudban oo ku yaalla Xaafadda Daaroolle ee Berbera. Albaabka Moofada, waxa ku dhegsanaa Boodh gaboobay oo ay ku qoran tahay Moofada Boodhari, waxaana horteeda yaallay qadar Xaabo ah, halkaas oo ahayd meesha keliya ee qoraal Cilmi lagu xusuustaa ku yaallo.

 

Gudaha  markaan galay, waxaan ku arkay Maraaqa moofada oo shidan, laba nin oo ku hawlan cajiinka budadda roodhida laga sameeyo. Nuur Heebaan oo gacmaha budadda kula jira, ayaan kala sheekaystay waxna ka weydiiyay, Cilmi iyo moofadan uu magaciisu ku qoran yahay, maadaama uu halkii uu ka shaqayn jiray ka shaqeeyo, isaga oo hawshiisii iska wata, wuxuu yidhi; “Walaahi, anagu Cilmi ismaanu soo gaadhin, taariikhdiisana rag iiga xog rooni way joogaan.” Nuur Heebaan, wuxuu si kaftan ah iigu sheegay in isaga laftiisa, jacayl fara baas ku hayo, waxaanu yidhi: “Ha igu soo qaadin, Jacayl tuu aniga ii geystay ilaa imika xumadiisii way I haysaa, laakiin anigu sidii Cilmi ma ihi Abwaan Gabayo ku sawiri kara Jacaylkiisa.” Inkastoo uu Nuur ka gaabsaday inuu sheego gabadha uu jecelyahay, wuxuu isagoo Cilmi u calaacalaya yidhi: “Iga daa, ha igu soo qaadin, haddii meesha rag joogo ma Cilmi baa jacayl dilli lahaa.”

 

Agagaarka Moofadu, waa meel aanad marnaba u arkaynin meel caan ah, waxaanay ka mid tahay dhismayaasha duugoobay, inkastoo ay Moofadu tahay mid shaqaynaysa, taas oo lagu tilmaami karo Moofooyinka ugu da’da weyn leh magaalada Berbera oo cimrigeeda lagu qiyaaso in hal Qarni ka badan, waxay imika soo saartaa Furin aan badnayn, waxaana dhaqaale ka hela dad aan badnayn, haddiise laga dhigi lahaa goob dalxiis, waxa laga yaabaa in laga heli lahaa dhaqaale ka badan ka ay maanta soo saarto.

 

Sidoo kale, waxaanu booqanay guri qadiim ah oo ku yaalla Koonfurta magaalada, gurigaas oo la sheegay inuu yahay gurigii ka dhacay arooskii Hodan Cabdille Walanwal iyo Maxamed Shabeel. Gurigaa markii aan tagnay, waxaanu kula kulanay qoys degan. Sacdiya Dhamac oo ahayd Marwo gurigaa degan oo aanu weydiinay inuu gurigani yahay kii Hodan lagu aroosay iyo in kale, ayaa tidhi: “Walaahi, anigu sannad iyo badh baan degenaayoo, anigu ma ogi inuu yahay kii Hodan lagu aroosay iyo in kale.” Sidoo kale, waxaanu booqashadaa ku gaadhnay, xeeliga Badda ee Batalaalle loo yaqaano, maanu ku arag sumad lagu aqoonsado meeshaasi in ay tahay Batalaalle iyo in kale, marka laga reebo Taanbuug dhawaan loo sameeyay Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo tiro-ba laba jeer nasasho ku qaatay halkaas.

 

Bogcadahaas Batalaalle oo ah, dhul u hannaansan hab dalxiis iyo nasasho, balse aanay jirin cid ka faa’iidaysatay, iyadoo dawlad iyo shicib-ba tahli-waa ka muuqdo in taalo laga sameeyo oo taariikhdii Cilmi, Gabayadiisii iyo Buuggaagtii laga qorayba la dhigo. Inkasta oo dhammaanba dhulka Somaliland ee qadiimka ahi ama dalxiiskaba ku habooni, wada baylahsan yahay, haddana waxa xoolo-moogaantaas loo aanayn karaa Wasaaradda Dalxiiska iyo Fanka oo iyadu goob dalxiis u taqaanna Aqalka Madaxtooyadda oo keliya.

..............................................................................

 

Wasiirka Hidaha iyo Suugaanta oo ugu Baaqay Shaqaalaha Caafimaadka Boorama in aanay Tuhun ku joojin Shaqadooda

 

Boorama (Haatuf): Wasiirka Hidaha iyo Suugaanta, Maxamed Cali Bille, ayaa ugu baaqay shaqaalaha Caafimaadka Boorame in aanay shaqadooda ku joojin arrimo tuhun la xidhiidha iyo cid nacaybtoona. Sidaana wuxuu ka sheegay Wasiirku, kulan ay shalay kula yeeshay Xarunta Cusbitaalka, Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Awdal, Masuuliyiinta Cusbitaalka Boorame, Dhakhaatiirta iyo Shaqaalaha Cusbitaalkaa.

 

Wasiirka Hidaha iyo Suugaantu, wuxuu u sheegay ka qayb-galayaasha kulankaa in Sharciga la hor keeni doono cidda ay ku caddaato, hanti la sheegay in Cusbitaalku lahaa oo la lunsaday, taas oo sababtay in shaqaaluhu shaqo-joojin sameeyaan iyo khalkhal Maamul oo arrimahaa ka dhashay. Wasiirku wuxuu ka dalbaday Shaqaalaha Caafimaadka in aanay shaqadooda u joojin arrimo la xidhiidha tuhun iyo qof nacaybtoona.

 

Siduu noo soo tabiyey Weriyahayaga Gobolka Awdal, Maxamed Cumar, Wasiirku wuxuu kulankaa ku dhegaystay War-bixino tabashooyin ah oo shaqaalaha Caafimaadku Shirkaa ka sheegeen, kuwaas oo ay ku muujiyeen, hanti lacageed oo 30,000 oo doollar gaadhaysa oo Hay’adda COOPI ku taakulaysay Cusbitaalka Boorame. Shaqaaluhu, waxa kale oo ay sheegeen in ay waayeen Mushaharooyinkoodii ilaa haddana aan xal loo helin. Intaa ka hor, waxa isna halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Axmed Maxamed Maxamuud (Af-weyne) oo sheegay in la buunbuuniyay tabashooyinka shaqaalaha Cusbitaalka, balse loo baahan yahay in xal loo raadiyo murug maamul oo beryahan dambe hadheeyay Cusbitaalka Boorame.

............................................................................................

 

Sarkaalka Nabad-gelyada u qaabilsan Q. Midoobay oo loo qabtay in uu 24 Saacadood Wadanka kaga baxo

 

Harg (Haatuf): Xukuumadda Somaliland ayaa shalay soo saartay Amar ay dalka kaga mustaafurinayso, Sarkaalka Nabad-gelyada u qaabilsan Hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalka ka hawl-galla, Mr. George Bloch.

 

Sida ay sheegeen warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo xoggo-gaal ah, Xukuumadda Somaliland waxay shalay gelinkii hore ku war-gelisay Sarkaalkaas in uu dalka kaga baxo muddo 24-Saacadood gudahood ah. Amarka mustaafurintiisana, waxa la sheegay inuu ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha. Xukuumaddu si rasmi ah daboolka ugamay qaadin, sababaha mustaafurinta Sarkaalkaa dhaliyay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Cumar Cige, oo aanu xalay Telefoonka kula xidhiidhnay isaga oo joogga gurigiisana, wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin buuxda ka bixiyo, waxaanu si kooban u yidhi: “Arrintaa weli go’aan kamaan gaadhin, iminkana war kama bixinayo.” Wasiirku wuxuu intaa ladhay inuu maanta Saxaafadda war buuxda ka siin doono arrinta mustaafurinta Sarkaalkaas, waxaanu cudur-daar ka dhigay oo uu sheegay in Sharciga dawladdu dhigayo in wixii war ah ee dawladdu bixinaysaa, uu marka hore ka baxo Idaacadda, ka hor intaan loo gudbin Jaraa’idka Madaxabanaan.

 

Inkastoo Wasiirka Arrimaha Guduhu uu sidaa uga gaws-qabsaday inuu xog buuxda ka bixiyo arrintaa Sarkaalkaa, haddana siday sheegeen xoggo muhiim ah oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo u dhuun-daloolla, Sarkaalku wuxuu Khamiistii shir u qabtay hawl-wadeenada Ajaanibka ah ee Hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalka joogga ka hawl-gala, kulankaas oo uu ku siiyay War-gelin la xidhiidha xaaladda Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka la gaadho 23-ka bishan oo ah xilliga uu ku buuxo wakhtigii rasmiga ahaa ee Madaxweyne Cigaal loo igmaday inuu Jagada Madaxweynenimo hayo.

 

Wararku waxay intaa ku dareen Mr. George Bloch, uu ku kulankaa ugu sheegay shaqaalaha Ajaanibka ah ee Qaramada Midoobay in ay feejignaan iyo taxadir dheeraad ah galaan ilaa inta ay xaaladda kala miir-dilaacayso. Siday wararkaasi tibaaxeen Xukuumaddu, waxay ku eedaysay Sarkaalkaasi inuu ku war-geliyay shaqaalaha Qaramada Midoobay oo yidhi; “Inqilaab ayaa ka dhacaya Somaliland February 23.” Balse, siday wararka qaar sheegayaan Sarkaalkaasi, wuxuu u sheegay Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Ajaanibka ah, isagoo ka duulaya hanjabaadaha xoogga leh ee Xukuumadda iyo Mucaaridku is-dhaafsanayeen in ay dhici karto in dawladda la mijo-xaabiyo marka la gaadho taariikhdaas, isla markaana ay suura-gal tahay in aanay waxbaba dhicin, sidaa aawadeedna uu faray in ay taxadir dheeraad ah galaan.

 

Wararku waxay intaa raaciyeen, in sidoo kale Xukuumaddu ku eedaysay Sarkaalkaa inuu xidhiidh qarsoodi ah oo dhow la leeyahay, Mucaaridka Maamulka ka soo hor jeedda oo uu la qayilo, iyo inuu shaqaalaha Qaramada Midoobay kula taliyay in ay Somaliland ka baxaan.

 

Sida warku sheegay, waxa la filayaa in maalinta Salaasada ah ee soo socota uu Hargeysa yimaado, Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, Mr. Rendolph Kent, oo isla markaana ah Isu-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalkii hore laysugu odhan jiray Soomaaliya, si uu Madaxda Somaliland wada-xaajood ugala yeesho arrinta mustaafurinta Mr. Bloch. Waxaanay wararku intaa ku dareen in Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay uu hore ugu dhexeeyay, Heshiish aan rasmi ahaan soo shaac bixin, oo nuxurkiisu la sheegay inuu yahay; in aanay dawladda Somaliland qaadan karin go’aan ay dalkeeda kaga eryayso Madaxda UN-ka, ka hor intaanay wada-hadal kala yeelan arrintaa Madaxda Sare ee Qaramada Midoobay ee Xafiiska Nayroobi.

 

Somaliland ayaa ku jirta wakhtigan, xaalad Siyaasadeed oo uu sii adkaanayo khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo Mucaaridku. Labada urur ee Mucaaridka ah ee ASAD iyo SAHAN, ayaa iyaguna hore u sheegay in aanay aqoonsanayn muddadii sannadka ahayd ee dhawaan Guurtidu u kordhisay Xukuumadda Madaxweyne Cigaal, taas oo ay ku tilmaameen mid Sharci-darro ah, isla markaana ay ku hanjabeen in Xukuumadda Sharcigeedu ku egyahay February 23, wixii ka dambeeyana aanay ahayn Xukuumad Sharci ah, sidaa aawadeedna ay ku baaqeen qabashada Shirweyne Qaran, sheegeena in ay u hawl-gelayaan sidii Xukuumad cusub loo soo dhisi lahaa.

 

Dhawaaqyadaas, waxay Xukuumaddu kaga jawaabtay hadalo culculus oo werwer dagaal iyo hanjabaad xambaarsan, kuna muujisay mowqifkeeda iyo in ay diyaar u tahay in ay iska caabido isku-day kasta oo ay Mucaaridku soo abaabulaan-ba. Hanjabaadii ugu dambaysay ee dhinaca Xukuumadda ka soo yeedhayna, waxay ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdillaahi Cumar Cige oo Shir-jaraa’id oo uu Khamiistii Toddobaadkii hore qabtay ku cadeeyay in aanay Xukuumaddu u dulqaadanayn, dhaqdhaqaaqyada ururada ASAD iyo SAHAN oo uu ku tilmaamay kuwo xasilooni-darro abuuraya.

 

Siday wararku sheegeen, hanjabaadahaa Siyaasadeed ee qalafsan ayaa walaac geliyay Saraakiisha Qaramada Midoobay, sidaa darteed waxa la sheegay, Sarkaalka Hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalka ku sugan u qaabilsan arrimaha nabad-gelyadu, inuu war-bixin xaaladdaa ku saabsan siiyay shaqaalaha Qaramada Midoobay, sidaas darteedna iyadoo la dabaqayo Nidaamka Nabad-gelyada UN-ka u dhigan la goostay in aan shaqaale 38 Qof ka badan oo Qaramada Midoobay ahi joogin dalka. Wararku waxay intaa ku dareen in ujeeddada taa laga leeyahay ay tahay, in laba Dayuuradood oo UN-ka u shaqeeyaa ay qaadi karaan 38 Qof, sidaas darteedna uu Madaxa Nabad-gelyada u qaabilsan Hay’adaha Qaramada Midoobay Mr. Bloch, uu go’aansaday in qaar shaqaalaha ka mid ah loo qaado Nayroobi.

 

Mr. George Bloch oo ah Sarkaalka ay Xukuumaddu go’aanka Mustaafurinta ah ku soo rogtay, wuxuu ahaa nin aad u dhex galay Xukuumadda iyo Mucaaridkaba, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay Sarkaalkii ugu firfircoonaa ee ka socda UN-ka ee dalka yimaadda. Mr. Bloch oo ay dhalashadiisu tahay Maraykan, waa nin Muqayil ah, waxaanu inta badan la qayili jiray Wasiiradda dawladda. Maaha markii ugu horeysay ee ay Xukuumadda Somaliland soo saarto, go’aan ay dalka kaga mustaafurinayso Sarkaal Qaramada Midoobay ka tirsan, waxaana jirtay dhowr jeer oo hore oo ay tallaabooyin noocaas ah qaaday.

.......................................................................................................

Wararka Gudaha

 

Xukuumadda Somaliland oo Qiimo cusub u goysay Sarrifka Doollarka Cashuurta lagu Saleeyo

 

Harg (Haatuf): Xukuumadda Somaliland ayaa Qiimo cusub u goysay sicirka sarrifka doollarka ee cashuuraha dawladda dhexe lagu saleeyo, isla markaana ka noqotay go’aankii ay dhawaan soo saartay ee dhigayay in cashuuraha lagu saleeyo qiimaha sarrifka suuqa xorta ah. Sidaana waxaa shaaca ka qaaday, Wasaaradda Maaliyadda oo shalay soo saartay War arrintaa ku saabsan.

 

Siduu sheegay warkaa Wasaaradda Maaliyadda ka soo baxay, sicirka sarrifka doollarka ee lagu sargooyo cashuuraha oo uu hore ugu qiimaysnaa halkii doollar 2500 Sh.Sl, waxaa laga dhigay 3500 Sh,Sl halkii doollarba. Go’aankan cusub ee Xukuumaddu, wuxuu meesha ka saaray go’aankii hore ee dhawaan Xukuumaddu soo saartay ee dhigayay in Cashuuraha lagu saleeyo qiimaha sarrifka doollarka ee suuqa xorta ah, kaas oo dhaliyay qalallaase dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsigaba ah, isla markaana ganacsatadu ay kala hortageen diidmo xoog leh, oo sababtay in ay hakad galaan hawlihii Cashuur-ururinta ee Kastamadu, kadib markii ay gacmaha ka taageen in ay shixnadahooda ku cashuurtaan qiimaha sarrifka suuqa xorta ah.

 

Diidmadaa iyo dhaleecayn xoog leh oo dhinaca aqoonyahanada dhaqaalaha kaga timi go’aankaasiba, waxay sababeen markii dambe kulamo ay isku hor-fadhiisteen Xukuumadda iyo ganacsatadu, kuwaas oo ay ka odayaynaysay Rugta Ganacsigu. Hase yeeshee, weli ma cadda in go’aankan cusubi yahay mid ay ku qanceen ganacsatadu, kuwaas oo taagnaa markii hore ee dooduhu socdeen in gebi ahaanba la laalo go’aankaa hore, qiimaha sarrifka doollarka ee Cashuurta lagu saleeyana loo daayo halkiisii hore.

.......................................................................................

 

Maraakiib ka soo tallawday Puntland oo duullaan ku qabsaday Xeebta Laas-qoray

Laas-qoray (Haatuf): Iska hor-imaadyo iyo qallaanqal ayaa lagu soo waramay inu ka aloosan yahay xeebta degmada Laas-qoray ee Gobolka Sanaag, bariga Somaliland, kadib markii koox Maraakiib Kalluumaysi ah oo ka soo talawday badweynta Hindiya ee Soomaaliya ay xeebta bariga Somaliland ka qabsadeen, doonyihii kalluumaysi ee deegaankaas.

 

In ka badan 70 doonyaha kalluumaysiga ah oo deegaanka Laas-qoray iyo Maydh laga leeyahay, ayaa joojisay shaqadoodii caadiga ahayd ee kalluumaysiga. Saddexdii maalmood ee tegey, sida ay sheegeen wararka deegaankaas ka imanaya, iyaga oo badda uga caagay Maraakiibtaas.

 

Sida ay sheegeen Odayaal ay ka mid yihiin, Cabdirisaaq Maxamed Ducaalle iyo Axmed Cabdiraxmaan Jaamac oo shalay aanu kula xidhiidhnay Raadiyowga (HF) ee Fooniyaha loo yaqaano, maraakiibtaas oo gaadhaya ilaa lix Markab, waxay xeebta Laas-qoray soo galeen muddo hadda laga joogo toddobaad, waxayna weerareen doonyihii badda ka kalluumaysanayey oo ay badankooda ka goosteen Shabaagtii Kalluumaysiga. Sidoo kalena, waxay sheegeen in ay rasaas oodda kaga qaadeen doonyaha markii ay isku dayeen in ay u dhowaadaan Maraakiibtaas.

 

Lama aqoonsan Maraakiibtaas iyo cidda leh toonna, Odayaashuna waxay sheegeen in ay ogyihiin in Maraakiibtaasi ay ka soo tallaabeen dhinaca Badweynta Hindiya ee Soomaaliya, balse aanay suura-gelin in ay aqoonsadaan, iyaga oo aan loo dhawaan karin darteed, isla markaana Kalluumaysatada deegaanku aanay lahayn awood ay iskaga caabiyaan hubka culus ee ay adeegsanayaan Maraakiibtu.

 

Hase yeeshee, Odayaashu waxay rumaysan yihiin in Maraakiibtaasi ay ka soo duuleen xagga Maamul-goboleedka Puntland.

 

Magaalada Laas-qoray, ayaa dhawaan dib loo furay Wershaddii Kalluunka.

....................................................................................

 

“Ma jirto cid xasilooni darro ka wadda gobolka Awdal”

 

Taliyaha Booliska Awdal, Maxamed Cabdulle Xasan

Boorama (Haatuf): Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Awdal, Maxamed Cabdille Xasan, ayaa sheegay in boqolkiiba shan iyo sagaashan (95%), nabad-gelyada gobolku sugan tahay, isla markaana aanay jirin cid Qarannimada dalka cadow u ahi xasiloonidarro ka waddo.

 

Taliyaha oo shalay (Doraad) ka waramaye guud ahaan arrimaha Nabad-gelyada iyo xasilooni-darrada beryahan ka jirtay Boorama, wuxuu sheegay in tabashada Shacbiga ee maamulka dawladda gobolka iyo degmada ay fure u yihiin dhibaatooyinka beryahan ka dhaca Boorama oo iyadu noqotay tan ugu Nabad-gelyada xun, guud ahaan gobolka Awdal.

 

Taliyaha oo ka hadlay doorka Ciidankiisa ee adkaynta nabadgelyada, wuxuu sheegay in dhibaatooyinka iyo tayada Ciidanka ay u suurta-gelin weyday in ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda. “150-ka nin ee Ciidanka nabadgelyada Boorama lagu sheego, 35 waa haween lagu bedelay ragoodii ama inamadoodii, 45 waa Odayaal soo shaqaynayey ilaa xilligii gumaysigii Ingiriiska, 20 waa Arday, 28-na waa Naafo iyo Bukaan-socod. Inta soo hadhay, ma u qaybsami kartaa dakhli ururina, gurmad ama maamul Ciidan?” ayuu yidhi Taliyuhu, waxana uu intaa ku daray in magaaladu hal Saldhig leedahay. Waxa kale oo uu ku cawday Taliyuhu, gaadiid xumo.

 

Taliyaha Boolisku, wuxuu mahadnaq u jeediyay Cutubka Ciidanka Qaranka ee Boorama deggan, kuwaas oo uu sheegay in ay si weyn uga taakuleeyeen dhinaca sugidda ammaanka Boorama.

 

Taliyaha Booliska Boorame ayaa la sheegay in beryahanba ay isku murugsanaayeen oo uu khilaaf u dhexeeyay, isaga iyo maamulka gobolka iyo degmada. Warar aan la xaqiijin oo soo baxay hadalkiisaa, kadibna waxay sheegeen in la bedelay Taliyaha Booliska Gobolka, Maxamed Cabdalle Xasan iyo Taliyihii Laanta Baadhista Dembiyada ee Booliska Gobolka (CID), khilaafka maamulka darteed.

.....................................................................

 

Abwaan, Xaaji Gujis oo Geeriyooday

 

Alla ha u naxariistee, waxa shalay oo bishu ahayd 15/02/2002, magaalada Hargeysa ku geeriyooday abwaanka Soomaaliyeed ee Caanka ah, Xuseen Jaamac Rooble (Xaaji Gujis).

 

Abwaanku, wuxuu ka mid ahaa shakhsiyaadka fara ku tiriska ah ee ku caan baxay ama koobsaday noocyada kala duwan ee Masraxiyadda Fanka Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan wuxuu si weyn ugu caan baxay dhinaca Mu’alifnimada, wuxuuna sameeyay Heeso kala duwan oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay dalka oo dhan. Waxa kale oo si weyn loogu yaqaanay Jilidda Sheekooyinka iyo Majaajilada oo uu ahaa haldoor laga daba dhacay.

 

Alla ha’u naxariisto, oo ha’u nuuro Xabaashee, Xaaji Gujis, wuxuu ahaa Abwaan dareen dheer oo meel fog wax ka suureeya, taasna markhaati cad u ah qaybtii uu ku lahaa Halgankii Xornimadoonka Somaliland, oo uu ka mid ahaa raggii carabkooda kaga biyo gaadhay.

 

Taariikhdii Abwaan Xaaji Gujis oo faahfaahsan, waxaanu idiinku soo gudbin doonnaa Cadadyada soo socda ee Wargeyska Haatuf.

Haddaba, Bahda Saxaafadda, gaar ahaan Qorayaasha Wargeysyada Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatif Al-Carabi, waxay Tacsi u dirayaan dhammaan Shacbiga reer Somaliland, gaar ahaana Qoyskii uu ka geeriyooday Alla ha’u naxariistee Abwaan Xuseen Jaamac Rooble (Xaaji Gujis).

..............................................................................................

 

“Waxaanu ka codsanaynaa xukuumadda inay dhakhso loo sii daayo Xaaji Dool”

 

Bayaan - Guddida Wanaag-farista iyo xumaan-reebista Gobolka Togdheer

 

Burco (Haatuf): Guddi lagu magacaabo Guddiga wanaag-farista iyo xumaan-reebista gobolka Togdheer, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si degdeg ah u sii dayso Xaaji Dool oo guddoomiye u ah Guddiga wanaag-farista iyo xumaan-reebista ee gobolka Hargeysa, oo dhawaan jeelka loo taxaabay ilaa haddana ku xidhan xabsiga dhexe.

 

Siduu noo soo tebiyay weriyahayaga gobolka Togdher Liibaan Maaweel Shire, xubnaha guddiga wanaag-farista iyo xumaan-reebista gobolka Togdheer shir ay yeesheen daboyaaqadii toddobaadkii tegay waxay kaga wadahadleen xadhiga Xaaji Dool, kadib waxay kulankoodaa ka soo saareen Bayaan ay xukuumadda kaga dalbanayaan siidaynta Xaajiga, kuna sharxeen hawlaha ay qabtaan iyo sharciyadoodaba. Bayaankaas oo uu saxeexay guddoomiyaha gudigaas ee gobolka Togdheer, Aadan Ibraahim Mire, oo weriyahayagu noo soo gudbiyeyna wuxuu u dhignaa sidani:

 

“Haddii aanu nahay guddiga wanaag-farista iyo xumaan-reebista gobolka Togdheer - Burco.

Waxaanu aad uga xun-nahay xadhiga Xaaji Dool oo ka tirsan guddiga wanaag-farista iyo xumaan-reebista Hargeysa, iyada oo aan la sheegin wax sabab ah oo lagu xidhay, isla markaana aanu ku aragnay jaraa’idka in loo diiday cuntadi iyo daawadi, iyada oo uu Xaajigu yahay qof da’ ah, isla markaana xanuunsanaya, iyada oo aanay qabin shareecadeena muqaddaska ah iyo dastuurka aynu dhiganay midnaba. Sidaa darteed waxanu codsanaynaa in Xaajiga loo sii daayo xoriyaddiisa si dhakhso leh.

1.       Aas-aaska hawlgalka guddiga wanaag-farista iyo xumaan-reebista G. Togdheer waxa uu bilowday 18/Oct/2001, oo waafaqsan 2/08/1422 Hijrada.

2.       Guddidani waxay ka hawlgashaa Somaliland oo dhan sida gobollada Awdal, Hargeysa, Saaxil iyo Togdheer. Sool iyo Sanaag waa la gaadhsiinayaa.

3.       Guddidani waxay ka ansaxsan tahay hay’adaha dawladda ee lugta ku leh shaqooyinka ay qabanayso sida Wasaradda Awqaafta, Arrimaha Gudaha, Taliska ciidanka Boolisa iyo dhammaan dawladda oo dhan sida golayaasha qaranka iwm.

4.       Sidaa waxa la mid ah gobollada dalka qaybaha ka hawlgala waxay ka ansaxsan yihiin maamulka gobolka maayorka degmada, badhasaabka gobolka, taliyaha ciidnanka iyo dhamman guddiga nabadgelyada gobolka.

5.       Iyada oo ay intaas oo dhami jirto, ururkan iyo hawlihiisu waxay ka madaxbannaan yihiin arrimaha la xidhiidha ururada siyaasadda iyo qabiilka.

6.       Hay’adani ama ururkani waxay isu xilsaartay inay sugto wax kasta oo wanaag ah iyo inay baabiiso ama ay la dagaalanto wixii xumaato ah ama fawaaxish ah, arrinkan oo ay dani ugu jirto shacabka oo dhan iyo dawladba.

7.       Hay’addan ama ururkan qodobada aas-aasiga u ah ee ay ka duulaysaa waa sidan hoos ku qoran:

·     In la ilaaliyo caqiidada islaamka ah ee muqaddaska ah, si aan loo fidin diin aan ta islaamka ahayn sida dastuurkeenuba qorayo iyo in aan la aflagaadayn diinta islaamka.

·     In la ilaaliyo nasabka dadka islaamka ah lana joojiyo wixii nasabka wax u dhimaya sida sinnada, in la joojiyo lana hor-istaago wado kasta oo ay u fidayso sida; inaanay bannaanayn inay is-raacaan laba qof oo aan isu maxram ahayni, in la duro waxna laga sheego nasabka qofka muslimka ah, in la ilaaliyo caqliga dadka lagana ilaasho wixii doorinaya sida mukhaadaraadka oo dhan, in la ilaaliyo nafta qofka muslimka ah, laguna dilin xaq-darro iyo in laga digo wixii khatar gelin karta nafta si loo sugo amniga iyo amaanka qofka muslinka ah, wax allaale wixii macaasi ah oo dhan in laga horgtago fididooda.

8.In dadku iska ilaaliyo wixii hantidooda xaaraan gelin kara, sida ribada miisaanka oo la musqaamiyo, dhul-boobka iyo iibka mukhaadaraadka.”

.............................................................................

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Hadalka C/Laahi Cadde yaan loo fasiran, Sidii Koofiyadii ka dhacame

 

Waxaan ku bilaabayaa ujeedadayda Qoraalkan Tix Gabay ah oo uu lahaa Dhirbaaxo Jin, isagoo ka cabanaaya dareen xaajo, wakhtigaas oo ahaa waagii ay baxday Jabhadii (SSDF), lana odhan jiray Soodaf. Wuxuu yidhi; “Soodaf, Waddada ay martay iyo Weecsimaha suunta.

Kuwaa waashay anigoon koley wehel ku raacaynin,

Anigoon kursiga kaa wadayn, weedhna kugu raacsan,

Anigoo wadani baad tahee jecel, inaad waarto.

Anna waayahaygoo dhan, baan kuu waramayaaye..”

 

Haddaba, aniga oo ka soo horjeeda shir-beeleed iyo qabyaalad kala qaybisa ummaddan walaalaha ah. Iyada oo ay jirto in aanu Muxaafidnimadayda aan Xukuumadda sida weyn u taageersanahay ay sababtay in aanu isku dhacno, Madax-dhaqameedyo iyo Siyaasiyiin aanu markii hore aad isugu dhowayn. Waxaan u qabaa in aan Shacbiyad weyn ku helay Badheedhihii iyo halgankii na dhexmaray.

 

Haddaba, waxa igu dedejiyay qoraalkan iyo in aan ka hadlo dhaliilaha Xukuumadda ama Xisbiga, anigoon jeclayn masuul ama nin madax ii ah in aan ku gefo, haddana masuulkaan arko in hadalkiisu kala didinaayo ummadda, waa waajib in aan saxo dhaliisha saaxiibaday, sida aan u difaaco marka iyaga iyo sharcigaba lagu gefo. Waayo, kelmadda masuulku waxay keeni kartaa dhib aanu keeni karin qof caadi ah. Maahmaah Soomaaliyeed baa tidhi; “Nin weyn oo qawl ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday.” Mar haddii aanan ogolayn in lagu gefo dastuurka, waxaan aaminsanahay halka maanta Jamhuuriyaddu marayso ee ah dawladnimo, doorasho, xisbiyo. Waxana aanu isku qabiil nahay ninka intaa aaminsan. Waxaanu colnahay ninka aaminsan in dib loo noqdo iyo khalkhal gelinta nabadda, ninka wada taas waxa iila mid ha masuulka Xukuumadda ee aaminsan in Qabiil loo noqonaayo.

 

Haddaba, waxa ila xumaaday ama ii cuntami waayey hadalkii ku soo baxay Jaraa’idka February 15-keedii ee saaxiibkay C/Laahi Cade ku sheegay, in hadiiba dagaal dhaco nin waliba Qabiilkiisii noqon doono iyo hadalkii Cawl ee nuxurkiisu ahaa Hargeysa anigaa u dhashay ee Caynab ha tago Bari.

 

Haddii aan mid walba wax yar ka idhaahdo, aniga oo labada masuulba ixtiraamaya. Hadalka C/Laahi Cade, wuxu Tafsiirkii ka xumeeyey hadalkii Madaxweynaha ee ahaa, haddii laysu dilo Muxaafid iyo Mucaarid waa laysku jabayaaye ina daaya. Markaa waxaan leeyahay akhristayaasha Saxaafaddu yaanay u qaadan hadalka C/Laahi Cade, sidii loo fasiray Koofiyadii Ka-dhacame.

 

Ka-dhacame, wuxu ahaa nin Canfar ah oo taageera Cali Caarif, reer Jabuutina waxay ku kaftami jireen Siyaasadda Cali Caarif, waxa laga gartaa Koofiyadda Ka-dhacame.

Hadalka Cawlna, waxaan u arkaa in aanu la hadlin Caynab ee uu leeyahay ina Cigaal Hargeysa uma dhalane Berbera ha tago. Haddaba, waxa la gudboon Madaxweynaha, cidda masuulka ah ee duminaya Qaranka in aanu u dulqaadan ee uu tallaabo ka qaado lagu qanco.

 

Waxa wax lagu qaataa ama lagu cimra qaataa dhacdooyinkii hore ee ina soo maray. Anigu waxaan badanaa muraajaceeyaa ama ku cimri qaataa, wixii daraawiishii ku hore martay, iyada oo dadku badow yahay maamulkeeduna ku hana qaaday iyo wuxuu ku jabayba. Waxaan ku talin lahaa Wasiiradda ama Masuuliinta kale; waxa la gudboon in aanay yeelin sidii darwiishkii ahaa khusuusida ama la-taliyaasha Sayidka ee la odhan jiray (Dhabac), kaas oo gabay kaalintiisii maalin adkayd oo daraawiishi qabyaaladii kala kaxaysay, waana tan dhacdadii:

“Nin qiimo badan oo ay Seyidka isku reer ahaayeen baa waxa dilay nin aan u qalmin, oo reer Garoowe ah deegaan ahaan. Daraawiishtii gacan ku dhiiglihii way soo qabatay, hase yeeshee Seyidka ayaa maalintaa cadkii Qabyaaladda Shaydaanku tusay, mar qudha buu yidhi; waar Bah Geri iigu yeedha. Waxa soo raacay Beeshii Seyidka (Dhabac) oo ahaa darwiish madax ahaa, laakiin laga fiicnaa, Seyidkii isaga oo aan odhan, cidi ma idin wehelisaa ayuu yidhi; waar ninkii Abshir dhegay baa u qalmee ha loogu aaro.

 

Markii la dareeray baa lagu yidhi Seyidi, nin aan beesha ahayn baa nagu jiray oo daraawiishi way furfurmaysaa, dabadeed wuxuu yidhi Seyidkii, waar waa dhabacoo waxba sheegi maayee Toban faras siiya, ilayn Xaajigii colkiisa wuu yaqaanaaye, madaxina wax ka nacas jecele. Sidii baa la yeelay, markaas dhabac waxa seegay laba talo; inuu Seyidka la hadlo oo yidhaahdo Seyidi daraawiish ha kala saarin ee qabiil iskaga dhig, iyo inuu u digo Abshir dhegay. Midna ma yeelin ilayn waa ……”

 

Haddaba markaan isku soo xooriyo, Wasiirku yaanu noqon Seyidkii, anigoo kale oo Muxaafid ahina yaanan lay arkin, sidii Abshir Dhegay oo yaan nin Mucaarid ah laygu aarin, ilayn haddii ninba qabiil noqdo oo dawlad iyo denbiile la kala garan waayo, waa la mide. Masuuliyiinta kalena yay aamusin, sidii dhabac ee hala hadlaan ninka Qaranka dhisaya iyo kan dibin-daabyaynaaya Madax iyo Minjaba.

 

Guntii iyo geba-gebadii, ragga ku hanjabaya sida Wasiirkuba ka hadlayey, ilayn hadalka uun baa ka baydhaye in ay majaxaabinayaan Maamulka, magaca ay doonaanba ha sheegteene kuma talin soo jeed ee riyo ama qaraw.

 

Haddii ay filanayaan in beeli raacaysana, ma dhacayso kalsooni ay helayaana ma jirto. Sharcigana cid ka horjoogsanaysaa ma jirto, wixii gaadhana cid loo aanaynayaa ma jirto, cidna yaanay u taline naftooda haw taliyeen. Ninka Siyaasiga ah ee raba inuu xil qabto ummadeed wuxuu la mid yahay nin guurdoon ah, bulshaduna waa xididkii, xididkuna ninka ay bartaana inantooda ma siiyaan. Markaa iyagana waxaan leeyahay nin waliba ha ka fekero, wixii lagu aqbali lahaa. Aniguna Mucaarid ma ihi ee waxaa la mid ahay ninkii daraawiish ugu run badnaa ee la odhan jiray (Ganbool), dabcan waxaan ahay Ganboolka UDUB, ee xisbiyadda kalena ha yeesheen Ganbool toosiya khaladkoodana u sheega.

 

Waxan kaga baxayaa maaha nin walba qabiilkiisuu noqonayaaye, waxa weeye halkaynu maraynaa, nin waliba xisbigiisa iyo mabda’iisa ayuu noqonayaa.

Cismaan Aw Maxamud (Buur-madow), Hargeysa.

 

.........................................................

 

Ina Guunow, Ragga “Aniga” looga Wanaagsan

 

Tixraac Maqaal Jimcihii February 15, 2002 ku soo baxay Wargeyska Haatuf, Cinwaankiisuna ahaa; “Haddii Muuse Xisbi la soo celiyo, Cismaan Shunuu hala soo celiyo.” Qoraha Maqaalkaas oo magaciisa ku sheegay C/Raxmaan Maxamed Guun, Saaxiib ugu horeyn, ha isweydiin sababta in laguu jawaabo keentay, balse waxaa isweydiin mudan fikir intee le’eg ayaa lagaa qaadan karaa, markaad qorto mawduucan oo kale, hana ku daalin isweydiintaas, waanad arki kartaa cid ku soo dhawaysa iyo cid ku mucaaridda-ba, waana sababta aad ku keentay in aad dhammaan bulshada u bandhigto.

 

Malaha Inanyahow, waxa aad kala garan wayday sifaha sharci ama sharci-darro (Waxaad naftaada u sheegtay been “Khiyaali” aad isugu macnaysay in wax lagaa weydiin karo hawsha Qaranka. Ta kale, Golayaasha Qaranka kama masuul tihid ee ku dedaal sidii aad naftaada dayaca uga ilaalin lahayd “Tiisaba daryeellaa tu kale ku darra”).

 

Anoo Saaxiib magacaagu aanu igu cusbayn, kana tirsan bahda Saxaafadda, waxaan ku odhan lahaa haka dheerayn guuxaaga, Fikirkaaguna ha ku qotomo anshaxa wanaagsan.

 

Waxaad marar badan af iyo adinba xumaan iyo samaanba ku garab istaagi jirtay Maamulka dalka ka taliya, waxa kaloo aad dhawr jeer wax ka sheegtay Madaxda maamuuska badan ee u guntaday, sidii loo hagaajin lahaa, waxa kaloo xusid mudan in aad Qoraalka cadow kula ahayd cidda ka damqata “Booba yaa wadanida dalka ka socota.” Waxase aan ku weydiiyay ma gunadii ayaa lagaa gooyay, mise wixii aad ugu sacabo tumi jirtay ayaad weyday? “Waa su’aal Jawaabteeda mudan.”

 

Magaca rag la yidhi; is-faanin, is-muujin iyo anaaniyo intaba looga wanaagsan, waxaanse ku odhan lahaa; ha ku saxan fahamka oo ninba wax buu ku wanaagsan yahee, iska qor - iska qor uun sheekadaada jacaylka ah ee ku soo bacda Wargeyska Maandeeq, malaha taas aad khabiir ku tahaye. Haddii kale “Giib noom taani”

Mawliid Saleebaan Gaboobe (Mawliid Ilka case), Hargeysa.

..........................................................................................................