SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 39-aad
Shir wadatashi oo wakiilo
ka kala socda Dalalka Geeska Afrika oo ka furmay Hargeysa
H |
arg (Haatuf) :- Shir hawleed wadatashi ah oo ay ku kulmeen madaxda barnaamijka ladagaalanka Gudniinka Fircooniga ah ee dalalka gobolka Geeska Afrika, ayaa shalay ka furmay cusbitaalka dhalmada ee Edna (Edna Maternity Hospital), ee magaalada Hargeysa.
Shirkaas oo qaadanaya muddo saddex maalmood ah
(19-22/2/2002), waxa ka soo qaybgalay wakiilo ka kala socda waddamada Djabuuti,
Itoobiya, Soomaaliya iyo Somaliland. Shirkaa wadatashi ee ururada gobolka ee u
dhaqdhaqaaqa dabargoynta Gudniinka, waxa qabanqaabiyay, isla markaasna
martigeliyay ururka SIHA ee Somaliland (Somaliland Initiative for Health
Acticities), oo ay gacan weyn ka siisay hay’adda CARITAS, waxaana lagu gorfaynayaa
lagagana wadatashanayaa dhawr qodob oo kala ah:
Shirkaas waxa furay, hadalana ka jeediyay ka soo
qaybgalayaasha, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha caafimaadka iyo diinta iyo
Awqaafta, Axmed Cabdi Jaamac iyo Sh. Maxamed Axmed Cali, oo sharaxay sida ay u
soo dhoweynayaan dedaalka noocan ah ee lagula dagaalamayo gudniinka haweenka oo
ay qireen waxyeelada caafimaad ee uu ku hayo bulshada, gaar ahaan haweenka iyo
sida aanu diinta islaamka ugu bannaanayn dhaqankaasi. Waxa kale oo iyaguna ka
hadlay furitankii shirkaas madaxda hay’adda CARITAS ee Somaliland, UNICEF, iyo
Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna madax ka ah ururka SIHA ee qabanqaabiyay
shirkaas.
In ka badan 30 ergay oo ka kala yimi Djabuuti,
degaanka Soomaalida ee Itoobiya, maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya,
Muqdisho iyo Somaliland, ayaa ka qaybgelaya shirkaas, kuwaas oo isugu jira
hawlwadeeno caafimaad, culimaa’udiin iyo dhaqanyaqaan, waxaana uu shirku xooga
saarayaa sidii mushkiladda looga eegi lahaa saddexdaa dhinac ee waaweyn,
kadibna la isula meeldhigi lahaa sidii xalka loo baadi dooni lahaa si isku
xidhnaan iyo wadajir ah.
……………………………………………………………………………………..
Wefti Liibiyaan ah oo Socdaal ku
yimi Hargeysa
H |
argeysa (Haatuf): Wefti Liibiyaan ah
oo afar Xubnood ka koobnaa oo Isniintii yimi magaalada Hargeysa oo aan la
sheegin ujeeddada Safarkooda, ayaa shalay ka ambabaxay dalka una kicitimay
dhinaca G/Waqooyi Bari ee Soomaaliya iyo dalka Djabuuti.
Xubnaha Weftigan, waxay laba ka mid ahi ka
yimaadeen sida warku sheegay dhinaca magaalada Muqdisho, kuwaas oo magacyadooda
la kala yidhaahdo; Ciisa Rabiica Cashur oo sheegtay inuu yahay Safiir iyo
Maxamed Cali oo isna sheegtay inuu yahay Qunsul-safaaradeed. Halka labada
xubnood ee kale oo magacyadooda lagu sheegay Jamaal Al-Mahdi iyo Gomased Lytah
ay ka soo duuleen, sida la sheegay magaalada Djabuuti. Siday Warar lagu kalsoon
yahay tibaaxeen, labadan nin ee dambe muddo hore oo aan fogayn ayay fiiso
la’aan ku soo galeen dalka, kadibna waxa la sheegay in la musaafuriyay oo
diyaarad loo saaray dhinaca Sucuudiga, halkaas oo lagu xidhay, balse ay wararku
sheegeen in markii dambe dawladoodu ka furdaamisay. Haddana waxay ka soo
duuleen magaalada Djabuuti Hargeysa kaga biireen labada xubnood ee kale oo ay
isku xilli, Duhurkii Isniintii wada yimaadeen Hargeysa.
Dhinaca kale, lama oga ujeeddada rasmiga ah ee
socodka xubnahan oo ku degay Hotel Maansoor, waxaanay Wararku sheegeen in aanay
jirin cid dawladda ka tirsan oo qaabishay, Wasiirka Arrimaha Dibadda C/Xamiid
oo la sheegay inuu Madaarka ku bariidiyay mooyaane. Gelinkii dambe ee Isniintiina
inta badan kamay bixin Hotelka mar mooyaane, markaana lama xaqiijin meel ay
tageen iyo cid ay la kulmeen in ay jirto toona.
Sidoo kale, ma cadda in ay habeenimadii cid la
kulmeen iyo in kale, hase yeeshee waxay warar lagu kalsoon yahay oo aanu helay
tibaaxeen in Xukuumaddu dhabarka u sii jeedisay xubnahan, maalintaana aanay
jirin cid qaabishay. Wararkaasi, waxay intaa ku dareen in afarta xubnood ay
shalay Diyaarad u raacaan dhinaca magaalada Boosaaso iyo Djabuuti. Xubno
Xukuumadda ka tirsan oo aanu la xidhiidhnayna, waxay noo sheegeen in aanay ka
war-haynin.
………………………………………………………..
Reer Allaybaday
oo Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
A |
nigoo uga Wakiil ah Hambalyada, waxay dadka reer
Allaybaday aad ugu farxeen magacaabida degmada cusub ee Allaybaday loo
aqoonsaday oo uu 12/2/2002, ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/Laahi
Cumar Cige.
Degmadaasi oo dadka reer Allaybaday ka sugayeen
Xukuumadda muddo dheer, taasi oo ay u arkayeen haddii ay degmo gaar ah noqdaan
in ay hawlo badan oo gaabis ku dhacay ay wax ka qaban lahaayeen, sida arrimaha
bulshada, ha ugu sii darnaato dhinaca waxbarashada oo aan sagaalkii sannadood
ee ugu dambeeyay wax laga qaban. Waxaa jirta saddex Iskuul (Schools), oo
NGO-yada degaanku muddo ku hawloonayeen dib-u-dhiskooda, Iskuuladaasi oo kala
ah; Geed-abeera 1995, Teysa 1997 iyo Allay-baday 1998, iyadoo hore loogu
gudbiyay UNHCR iyo Wasaaradda Tacliinta, sannad walbana qoraal cusub ayaa loo
geynayay, si loo xusuusiyo.
Haddaba Madaxweynaha, waxaanu leenahay adigoo ku
mahadsan, sida sharafta leh ee aad noo qadarisay, nooguna magacowday degmo
cusub, in saddexdaasi School ee aan soo sheegayna wax nalagala qabto, sababtoo
ah waa laf-dhabarta da’yarta ama dhalinyarada. Mustaqbalkoodii mar haddii ay ka
gaabisay Wasaaradda Waxbarashadu, waxaananu nahay dad heegan u ah in ay dhisaan
dalkooda kana hortagaan wixii hagardaamaynaya.
Aadan Ismaaciil Yoonis (X. Geydh), Hargeysa.
……………………………………………………………………..
Shir-jaraa’id.
H |
argeysa (Haatuf): Guddi Odayaal ah oo
beryahanba ku hawlanaa, hawl-gal ay qaadhaan ugu ururinayaan dhismaha Waddada
isku xidha Dilla – Boorame, ayaa Isniintii Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen
Hargeysa ku sheegay in ay taageero xoog leh uga heleen shicib iyo dawlad-ba,
dib-u-dhiska wadadaas oo ay tijaabo ahaan markii hore u bilaabeen laba
shirkadood oo wadani ah oo laysku yidhaahdo Shaafici, kuwaas oo tijaabo ahaan u
dhisay hal kilomitir iyo badh waddadaas ka mid ah.
Xubnaha guddigaa odayaasha ah oo ay ka mid yihiin,
Sh. Muuse Jaamac Goodaad, X. Daahir Cilmi iyo X. C/Raxmaan Ibraahim Illeeye oo
dhammaantoodba ka mid ah duqayda caanka ah ee Somaliland, gaar ahaan gobolka
Awdal, waxay ku sheegeen Shirkaa Jaraa’id in hindisaha dib-u-dhiska waddada ay
bilaabeen dhalinyaro reer Boorame ah oo uu hormood u yahay ganacsade dhalinyaro
ah oo lagu magacaabo Axmed Sh. Cali Ayaanle. Waxay intaa ku ladheen in
dhalintaas ay iskaashadeen Shirkadda dhismaha ee Horn Co, isla markaana u dhiseen
1.5 km waddadaas ka mid ah, hawshaas oo ay bilaabeen Janruary 16, 2002,
dhameeyeena Janruary 27, 2002, waxay odayaashu sheegeen in ay tijaabadaasi
dhiiri-gelisay, kadibna ay shiriyeen bulshada Boorama, layslana qaatay in loo
kaco dib-u-dhiska Waddadaas oo dhan 28km. “Markii laysla qaatay waxa la saaray
guddidan, si ay ugu ololeeyaan dhaqaalihii dib loogu dhisi lahaa waddada,
markaas sidaas ayay odayaashu ku yimaadeen 31 Janruary, halkan.” Sidaa waxa
yidhi Sh. Muuse Jaamac Goodaad oo guddigaa ka tirsan, oo ka hadlay shirkaa
Jaraa’id. “Dawladda Hoose ee Hargeysa ku yaboohday Cagaf weyn, shidaalkeeda iyo
lacag aan weli naloo sheegin cadadkeeda. Dawladda Hoose ee Gebilay, ayaa iyana
ku yaboohday kaalmo oo nala ballantay.” Sidaa waxa isna yidhi Xaaji Daahir Cilmi
oo odayaashaa ka mid ah.
Sh. Muuse Jaamac Goodaad iyo Xaaji Daahir, waxay
labadooduba sheegeen in ay taageero wanaagsan uga heleen waddada dawlad iyo
shicib, intii ay hawlaha qaadhaan ururinta ah ka wadeen Berbera iyo Hargeysa.
“Si fiican baa wax naloo siiyay ninba karaankii, qaar 1500-qardaas oo sibidh ah
bixiyay, waa xoolo 8-kun oo doollar gaadhaya, qaar 4-kun bixiyay, qaar 2-kun
bixiyay….” ayuu yidhi Sh. Muuse Jaamac Goodaad. Wuxuu intaa ku ladhay in
dawladdana ay la kulmeen oo ay u sheegtay odayaasha in ay la wareegayso xilka
dib-u-dhiska waddada. “Dawladda waanu aragnay, waxay yidhaahdeen anagaa xilka
idin kala wareegayna, waxaana loo xilsaaray, Hay’adda Wadooyinka, waxayna
dirayaan Injineero soo eegga oo soo qiimeeya kharashka waddada ku baxaya,” ayuu
yidhi Sh. Muuse.
Labada Odayba, waxay cadeeyeen in ay guul weyn ka
gaadheen ololahooda qaadhaan ururinta ah ee ay ugu gurmanayaan dhismaha
waddadaas, waxaanay tibaaxeen in dhaqaale iyo dhiiri-gelinba ay ka heleen
qaybihii bulshada ee ay la kulmeen.
“Madaxweynuhu ballan cad ayuu noo qaaday, waanu ku
farxay hawsha aanu wadno. Guurtida iyo Wakiiladduna si fiican ayay noo soo
dhaweeyeen,” ayay yidhaahdeen.
Sh. Muuse iyo Xaaji Daahir, waxay labadooduba
cadeeyeen in si dhakhso ah loo bilaabi doono dhismaha waddadaas, Ciiddal-udxaha
dabadeedna ay dib u bilaabayaan ololaha qaadhaan ururinta, si laysugu geeyo oo
hawsha loo bilaabo. Waxay intaa ku dareen oo ay sheegeen in ay dib ka soo
saarayaan dadka deeqaha bixiyay. “Annagu, waxaanu ku dhaqaaqnay waa dagaal aynu
dalkeena ku dhisayno,” ayuu yidhi Sh. Muuse.
Shirkaa Jaraa’id kadib, waxa xubnaha guddigaas la
weydiiyay dhawr su’aalood, kuwaas oo u dhacay sidan:
S: Hay’adaha Samafalka Caalamiga ah ee dalka
ku sugani, iyaga wax yabooh ah ma ka hesheen, mase u tagteen?
Sh. Muuse: Hay’adaha, waxaanu la
sugaynaa kolka aanu isu soo ururina qaadhaankan aanu wadno, si aanu u nidhaahno
qiimihii waddadu ku kacaysay waa intaa, markaa intaasaanu haynaa ee wixii kale
dhamaystira. Waayo, haddii aad tidhaahdo waxanaan haysataan waxa laga yaabaa in
lagu caawiyo. Sidaa darteed, ayaanu dib ugu dhignay, si waxaanu helay aanu
saami ahaan ugu qiimayno.
S: Dawlada iyada, maxaa ka haysaan?
Sh. Muuse: Madaxweynuhu, wuxuu nagu
yidhi anagaa kafaala qaadayna oo xilkeedii qaadanayna.
S: Maamul ahaan yaa Maamulaya hawsha dhismaha
Waddada?
Sh. Muuse: Horta anagu odayaal baanu
nahay abaabulaya deeq bixiyayaasha, laakiin farsamadeeda iyo xal-xaalideeda
dawladaa leh, maamulka guudna dawladdaa leh.
Xaaji Daahir: Dawladdu imika Injineero
ayay diraysaa, iyagaa keenaya Waddada wixii ku baxaya.
Qaybo kale oo hawl-galka Waddadan lagu dhisayo ka
mid ah, la soco Cadadyada dambe…
Odhaahda Akhristaha
Xiisihii Doorashadii Cigaal ee 1993 iyo Waxqabad la’aantii 9 sanno ee uu Madaxweynaha ahaa
M |
aalmihii doorashadii Cigaal ee Boorame 1993, dadku
way so dhaweeyeen badankoodu, sannadana dawladda Cigaal waxay ku cabanaysay
dhinaca waxqabad la’aanta horumarineed in la galay dagaalo sokeeye, haddaba
markii ay dhammaatay hawshii dagaalada sokeeye, ayaa dadka Somaliland is
qabsadeen gacmaha noqdeena, qaar ilaashanaya jiritaanka dalkooda iyo guud ahaan
nabadooda, marka laga soo bilaabo muddadaa dawladdu waxay ahayd mid ay dadku
jecelyihiin una hogaansan yihiin, laakiinse nasiib darro Maamulka Cigaal oo
aanu ku cadayno in uu yahay mid caan ku ah Musuqmaasuq iyo qaataye qaado,
looguna soo hal qabto sida Maamulida gaar ee Shirkadda Total iyo dekedda oo si
toos ah u hoos timaada cidina aanay xisaabteeda ka dhex galin, ayana caddayn u
tahay odayaynta uu ka odayeeyo marka ay xamxami ka timaado xageeda, noqdayna
mid dadkii u horseeday shuuqsiga aan distoorka waafaqsanayn, aamuska awood
la’aaneed ee guurtida iyo baarlamaanka iyo waxqabad la’aanta Wasiiradda iyo
Maayaraduba ay noqotay mid dhalaanku wada ogyahay.
Madaxweyne Cigaal-na, waxaan u arkaa in uu yahay
nin kursiga Madaxnimada ee kharashka weyn leh aad u jecel, dadkana aanay muuqan
waxay qabsadeen mooyee wax uu u qabtay, balse baaqigii ka soo hadhay xabbadii
Faqashta wax uu u tara daayo ay moraal xumada lunsiga hantida Qaranka ay wada
waasheen, taas oo malaha ma ogee ka muuqata bulshada magaalooyinka dalka oo
dhan.
Sidaa daraadeed, ayaanu Madaxweynaha waxaanu u soo
jeedinay Madaxweyne wixii aad qaban wayday 9 sanno maanta garan mayside,
baaqiga ha waalin.
Maxamed Jaamac, Hargeysa.
………………………………………….
Eedaysanoow waa lagu ogyahay
A |
nagoo ah Haweenka u dhashay G/Awdal, waxaanu ka
xunahay dhibaatooyinka soo waajahay G/Awdal, waxa beryahan dambe ay
dhibaatooyin lixaad leh soo food saareen gobolkan ayna fuliyaan dad u dhashay
ahna masuuliyiin sare oo matasha G/Awdal, kuwaas oo rag iyo dumar leh oo xilka
aan u kala sarayn. Waxa jirta in la iska horkeeno dad wada dhashay oo reer
Awdal, sababta nagu kaliftay in aan soo qorno maqaalkan eedaysanoow waa lagu
ogyahay, waa waxyaabaha xun xun ee ka dhacay G/Awdal.
Haddaba, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa; “Meyd
waxaa ugu dambeeyay kaa la sii sido.” Haddii aan wax ka soo qaato dilalkii ugu
dambeeyay ee foosha xumaa, dilkii ka dhacay UNHCR horteeda iyo kan u dambeeya
ee dhibtiisu taalo Boorame, haddii ay maamulka gobolka iyo ka degmada ay wax ka
qaban lahayeen ay ka cabsi qabaan maamulka sare. Waxa kale oo jirta labadii
sanno ee ugu dambeeyay laga badalay shan Taliye Qaybeed, taas oo la raadinayay
mid danahooda gaar ahaaneed u fuliya ama mid ka taliya maslaxadda G/Awdal la
rabin.
Tusaale waxaa nagaga filan T/Qaybta G/Awdal Maxmed
Cabdille Xasan oo ah ninka kaliya ee Cadaaladda ku maamulay dhinaca
nabadgelyada, taas oo beelo badan oon hore u iman jirin Saldhigyadda oo u
arkayay meel Cadaaladdu ka fog tahay, si rasmiya imika u tagaan, dacwadoodana
ay ugu dhiibtaan dabadeedna lagu qabsaday maxaad u arkaysaa maqaarsaarkayaga.
Haddaba, waxaan si nasteexo leh ugu sheegaynaa in
ay dheguhu u furmaan, waanadana u qaato, haddii kale waa nasiib-darro.
Xaawo
Maxamuud Cali,
Cutub
Bille Cabdi,
Sahra
Yuusuf Samaale,
Maryan
Xasan Bade iyo
Xaliimo
Cali Boqore,
Boorame.
………………………………………………………………………..
U coddee Xisbigii Qaadi kara Nabad-gelyada
M |
uddaba waan la socday Siyaasadda Somaliland,
waxaanan xog waraysanayay Shacabka somaliland, wax garadka, dhalinyarada,
caruurta iyo dumarkaba. Kuwaas oo aan ka dareemay in aanay u diyaar ahayn
barakac dambe. Haddaba, waxaa ayaan-darro ah, kuwa fursaddaa dahabka ah ku
doonaaya in ay qaxiyaan Maatada mar labaad. Ninkii doonaya in uu ka qayb qaato
Siyaasadda Somaliland, waa in uu soo maro habkeedii oo ay ku dheehantay
degenaan.
Markaa ha noqon, sidii Xisbigii SAHAN ee
Kheyriyadda ka hadlay ee yidhi; “Saaxil waxay Gobol tahay, inta uu ina Cigaal
joogo.” Miyaanay ahayn ayaan-darro iyo khalkhal la kala dhex dhigaayo Shacabka
Somaliland. Ma kaas ayaa horumar u haya bulshada Somaliland.
Ku codee maskax caafimaad qabta oo aan khalkhal
gelin bulshada iyo nabadooda. U codee Xisbigii qaadi kara nabad-gelyada.
Raadiyow Ma Qalloocshe
H |
alkani waa Raadiyow ma Qalloocshe oo aydin ka dhegeysataan Mawjadaha kaftan yaqaanka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaqyahanka. Akhyaartayada indhaha cas-casow, iminkana waxa soo socdaa waa warkii dunida, waakan weriye Mr. Gawsa-dhuub.
Dawladda Lix karoonlaan ayaa subax dhowayd isla
kala jiiday, wax hangool iyo udub loo kala garan waayay, waxaanay dhanka buuran
ugu dhufatay cashuurta shaari-shaarida laga qaado. Shuqulkaasna waxa isu
gaabiyay baa la yidhi, Ministarada iyo macal aabahood.
Cashuurtaas caynka hoosta laga geliyay, waxay
saliid kaga keentay dhammaanba uur-kuusanayaasha shaari-shaarida, kuwaas oo la
sheegay in ay tijaar badani cadho daraadeed sida jinac-duullaanka u ureen.
Madaxkuuska lixkaroonta iyo uurkuusyada tijaarta ayaa shirar la qarsaday isku
soo afgartay in aan cashuurta dhanka buuran loogu dhuftay dadku u taaghayinin.
Sidaa la ajligeedna cashuurta loogu dhufto dhanka bagafsan oo ballaciisu yahay
350 Giraam ilaa inta dadku dhiigeysanayo.
Cashuurta cagabidhyaysay ayaa la ii sheegay in ay
ka dhalatay farsamada qiimaha doollar-shilin-saarka oo la sheegay in doollarku
ka gurguurtay halkii shillinka laysku fuushiyay kal shanaad markii mayayga
beenta ahi arlada ka da’ay ee dalka maansheeyey.
Wasiirka dukhul-daakilka dawladda shankaroonlaand
ayaa subax dhowayd si la fajacay ugu cawaandi gareeyay mucaaridka dawladda ka
maadsada. Cawaandaddaa ministarku wuxuu qumaati u hulluuqsiiyay qaar ka mid ah
ururada dayr-dhaladka ah, kuwaas oo ayaan dhowayd sheegay in ay caashaqa kala
noqon doonaan dawladda ciida carrafo kadib.
“Nimanka mucaaridka sheeganaaya ee halkan ka
had-hadlayaa malaha xishoodkayaga ayay dawlad moodayaane Wallaahi in aanu
beel-beel kula qasan oo intaan beeshayada u yeedho ay buutooy-buuto wareen ka
dhici doonto.” Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen cawaandiyayntii minister
daakhilka.
Ministarku isagoo cawaandiyayntiisa sii wata, wuxuu
sheegay in nimankaasi hadday ciyaar seel-seelida joojin waayaan in aanay ka
baqan doonin ee ay kax bannaan isugu soo baxaan, kooda ciidda la cunsiiyo.
Gebagebadii cawaandinimada, ministarkii wuxuu
sheegay in ay dawladdu dalbatay shixnad qabyaalad ah, taas oo uu sheegay in
qabyaalad cusubi miyi uga imanayso, shixnaddii ugu horeysayna cagafyo lagaga
soo raray Harta Sheekh Axmed oo ay jidka ku soo jiraan.
Weriye ka mid ah raggii warboobayaasha ahaa ee uu
caynkaa ugu sheekeeyey ayaa weydiiyay oo yidhi; “Wasiir, Cigaal baan kugu
dhaariyeye ma caynkaasaa kaa dhab ah?”
Wuxuuna ku jawaabay ministarku; “Nacam, Cigaal baad
igu dhaarisee waa caynkaa.”
Qaarka mid ah ragga mucaaridka ee cawaandiyayntu ku
dhacday ayaa hadalkaa wasiirka ku tilmaamay af-dhanaanaan aan geedna loogu soo
gaban.
Ciyaal kale oo aanan garanayn cid ay yihiin ayaa
sheegay in ay in yar ka dhega-diideen cawaandiyaynta wasiirka, iyagoo yidhi;
“Cawaandiyaynta waanu doonaynay, laakiinka laxanka qabyaaladda ee uu ku ladhay
ayaa heesta kharibtay.” “Macnose malaha oo waxa laga yaabaa in wasiirku yahay
fannaaniinta cusub ee dhawaan Siyaasadda la qoray,” ayay sii yidhaahdeen
Xujaas reer af-bagastaan ah ayaa maalin dhoweyd
waxay hurdub iyoi feedh jilib ku dileen wasiirkii samada iyo arlada diyaaradaha
ee af-bagastaan.
Xujaajtaas oo reer Gaaldhibaan ahi, wuxuu Ninkaasi
ku waryeeshay markii ay waayeen gaadiid ay xajka u raacaan, kuwaas oo markii ay
wax duullaba waayeen, ku dugleeyay wasiirkii duulista. Waxaana xantu lahaayeen,
wuxuu xujaajta ka duuliyay diyaaraddii ay raaci lahaayeen, kadibna xayraankii
ay isagii dhegaha soo qabteen oo yidhaahdeen; “Adba duul,” waxayna damceen baa
la yidhi in ay wasiirka ballaadhiyaan oo intay baalal u sameeyaan xajka ku
gaadhaan, laakiin markii uu u ballaadhan waayay ay beerka ku dhufteen, Sidaana
digta kaga jareen.
Walaalayaal, dhegaystayaal, maanta warka halkaa dhaafin
maayo, waxaanse gawda idiinkaga saari doonaa hees qaali ah oo aanay idinka
mooyee cid kale iga qaadeen. Waatan fannaanaddii carrabka lagaga gubtey,
Salaado musbaaro oo idiin maroojisaa ee dhadhan wanaagsan.
Dhirin..dhirin… dhish..dhax..
Shabkax… Shabkax….
Gabayada macaaniyo
Aan soo cashuuree
Sida wiil badraan dhalay
Ama baashe meel yaal
Ma idiinku saydhaa
Degmayahay islaameed
Doon heeso lagu guray
Markii aan dorraad galab
Damcay in aan cashuuro
Dekedaha ka soo rogo
Qiimihii cashuurtaa
Igu qaaliyowdee
Bal qasaarahaa daya
Tijaar iyo dilaal baa
Dowladdii malmalayoo
Hadalkaan macneeyay
Murtidii cashuureen
Tijaarkiyo mallaalkuba
Wuxuunbay mallaalaan
Xoolahayga weeye
Sow xaaji maan ahi
Sidii xaqa rubaabidii
Dunidaba xaqii tidhi
Anna xoolahaygii
Dadku igama xadayaan.
Sida dawlad beelo ah
Oday uu ka madax yahay
Iyadoo dastuurkii
Doorashooyin lagu simin
Shicibkuna cashuurtiyo
Cabashooyin joogaan
Ururkii is-waalee
Odaybaa dhacaayiyo
Egesbaayir weeyaan
Laga maqlo afkiisana
Waa in udub dhexaadiyo
Diga-xaadho lala dhaco
Horta guurtidaydani
Kookiyo ma faantaa
Mise seben abweeyaan
Ma bilaale shaahiyo
Ciir lagu walaaqaa
Sannad waa salleelee
Toban waaba sahalee
Miyaa lays cawarayaa
Runba naago diidee
Qushbal ururadaan idhi
Haddaad qaadan weydaan
Qaacida sideedii
Hanjabaadna maahee,
Meeshu beelo weeyaan.
Bil amaara tarariis
Looma baahna weeyaan.
………………………………………………..
Is-gaadhsiintii Dibadda ee
Telesom oo dib loo furay
H |
argeysa (Haatuf): Maamulka Shirkadda
Is-gaadhsiinta ee Telesom (Ex-Globetel) ayaa shaaca ka qaaday in dib loo furay
khadkii Isgaadhsiinta dibadda ee dirida Telefoonada, Shalay laga bilaabana ay
dadku dibadda u diran karaan Telefoonada, toddoba cisho gudahoodna lagu
dhammaystiri doono khadka soo dhicida Telefoonada dibadda laga soo dirayo.
Siduu sheegay War-Saxaafadeed uu soo saaray Maamule
ku-xigeenka Shirkadda Telesom Mr. Maxamuud X. Aadan Xadeed, waxa kale oo ay
Shirkaddu 50% hoos u dhigtay qiimihii Internet-ka oo laga dhigay 1.50 Doollar
Saacadiiba, halkii uu markii hore ka haa $ 3-Doollar Saacadiiba.
Hoos-u-dhiga qiimaha Internet-ka, wuxuu ka
bilaabmaya 01/03/2002. Shirkaddan oo ah tii ugu horaysay ee dalka keenta
adeegga Internet-ka, sababta ay hoos ugu dhigeen qiimaha khadka Internet-ka
waxay ku sheegeen in ay ugu talo-galeen, sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen
dhammaan qaybaha bulshadu maadaama dunidu maanta marayso cahdigii Kumbuyuutarka
iyo Teknilojiyada Casriga.
Maamulka Shirkaddu, waxay War-saxaafadeedkooda ugu
mahad celiyeen macaamiishooda oo ay ku hambalyeeyeen, siday ugu dhabar adaygeen
muddadii uu Shirkadda ka maqnaa khadka dibaddu, waxaanay u ballan qaadeen in ay
ka heli doonaan una fidin doonaan adeeg tayo leh.
Shirkaddan oo ah ta ugu ballaadhan kuna shaqaysa
qalab casri ah, waxa khadka Telefoonka dibaddu ka go’ay markii uu Maraykanku
xayiraad ku soo rogay Shirkadii loo yaqaanay Barakaat 13-kii Nofember 2001,
taas oo keentay in ay kala baxaan Barakaat iyo Globetel oo haatan la baxday
Telesom Co. Xayiraadaasi waxay saamayn weyn ku yeelatay bulshada.
………………………………………………………………………………..
Sarkaal Q. Midoobay ee la
Musaafuriyay oo Dalka ka baxay
H |
argeysa (Haatuf): Sarkaalkii dhinaca
Nabadgelyada u qaabilsanaa Hay’adaha Q. Midoobay ee dalka joogga Mr. George
Bloch, ayaa Isniintii ka dhoofay Madaarka Hargeysa, kadib markii Xukuumaddu ku
amartay inuu 24 Saacadood Gudahood kaga baxo dalka.
Siduu shaaca ka qaaday War-saxaafadeed uu soo
saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Laahi Cumar Cige, Xukuumaddu waxay ku
eedaysay Sarkaalkaa inuu galay arrimo lid ku ah Qaranimada Somaliland, hase
yeeshee muu saafin Wasiirku arintaas, hase ahaatee wuxuu ku xusay qoraalkiisa
oo la siiyay Warbaahinta dawladda, in Sarkaalkaasi ku war-geliyay shaqaalaha Q.
Midoobay in ay dalka ka baxaan, sababo ammaan-darro awgood, sidaas darteedna
loo musaafuriyay, looguna amray inuu 24 Saacadood gudahood dalka kaga baxo.
Dhinaca kale, siday sheegeen warar madaxbanaan oo
arintaas la xidhiidhaa, Mr. George Bloche, waxaa lagu qoonsaday kulamo uu la
yeeshay qaar Madax-dhaqameedka ka tirsan, iyo xubno Mucaaridka ka mid ah,
kuwaas oo uu wax ka weydiiyay xaaladda adag ee Siyaasadeed ee dalku ku jiro.
Sidoo kale, waxa loo aaneeyay War-gelin uu shaqaalaha Ajnabiga ah ee UN-ka,
taas oo gundhigeeda lagu sheegay in ay ahayd mid uu shaqaalaha ugu sheegay in
ay taxadir dheeraad ah galaan, inta ay xaaladda Siyaasadeed ee dalku xasilayso.
Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta waaweyn ee Mucaaridka iyo Salaadiinta oo ka hadlay
qadiyadda Sarkaalkaa ayaa iyana lagu musaafuriyay mid khalad ah, haddii
ujeeddadu tahay kulamadda uu Mucaaridka iyo Salaadiinta la yeeshay.
…………………………………………………….
Ururka SAHAN oo Xukuumadda ku
Eedeeyay in ay Dalka ka Abuurayaan Colaad Dagaal
H |
argeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka
SAHAN ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay isu-diyaarinayso, sidii dagaal Wadanka
uga dhici lahaa, isla markaana ay abaabulayso Mudaharaadyo ay khalkhal ku
gelinayso nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirta.
Ururka SAHAN oo Galabnimadii shalay, Xafiiskiisa
Hargeysa ku qabtay Shir-jaraa’id oo ay kaga hadlayaan dhinacyo badan, waxa kale
oo ay si weyn u cambaareeyeen Golaha Guurtida iyo Maayarka Caasimadda oo ay
iyana ku eedeeyeen in ay yihiin kuwo abuuraya xaalado nabadgelyo xumo oo aan
dalka ka jirin. Ururka SAHAN, wuxuu sheegay in Xukuumadda, Guurtida iyo Dawladda
Hoose, ay si wada-jir ah u abaabulayaan kacdoon shacbi oo ay ku qarinayaan
gefafka Dastuuriga ah ee ay galeen, kaas oo uu ururku ku tilmaamay mid si
ula-kac ah loogu soo beegay Xuskii 20 bisha Feberweri oo lagu xusuusto,
kacdoonkii Shacbiga reer Somaliland kala hortageen Taliskii Siyaad Barre, oo
cadaadis iyo lugooyo joogto ah ku hayey.
Hadal Qoraal ah oo ururka SAHAN, ka akhriyay
Shirkaa Jaraa’id, wuxuu u dhignaa sidan:
“Mowqifka Siyaasadeed ee ururka SAHAN, waa mid ku
salaysan nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka, waayo haddii nabad la waayo,
waxay keenaysaa in horumar la waayo oo dhibaato iyo khalkhalna dalka ka
abuurmo. Dadkuna wuxuu soo maray dagaalo iyo colaado keenay in ay qaarkood
qaxootinimo ku joogaan Qaaradaha dunida, gaar ahaan Yurub iyo Waqooyiga
Ameerika. Siyaasadda SAHAN, waxay ku qotontaa nabad-gelyada iyo Jiritaanka
Somaliland, cidina ugama lexojeclo badna dadka iyo dalka Somaliland, wax alla
wixii waxyeelayana wuu ka soo horjeeddaa.”
Ururka SAHAN, oo ka hadlay khalkhalka iyo colaadda
uu sheegay in ay Xukuumaddu diyaarinayso, ayaa carabka ku dhuftay in ay
Xukuumaddu wado khudbado hanjabaad iyo caga-juglayn u badan oo ay ku
iftiiminayso tallaabooyin dagaal. “Waxa jirtay khudbad Madaxweynuhu akhriyay oo
uu ku sheegay in reer-reer loo dagaalamayo, oo marba qolo la eryanayo oo aan la
kala adkaanayn. Waxa kale oo jiray in Wasiirka Daakhiligu sheegay, in dagaalo
dhacayaan oo ay diyaar u yihiin. SAHAN-na ma wado dagaal, Mucaaridkuna iyaga
ayaa Xukuumadda ka jecel nabadda. Waxaa Xusid mudan in nimankii shalay inoo
yimi ee markii dagaaladu socdeen debedaha ka shaqaysanayay, ayna yidhaahdaan;
anagaa dalka idinka lexojeclo badan.”
“Waxa
kale oo jira Odayaal xaafadaha loo diray oo yidhaahdo; belaa dhacayse
hebelkiina qabsada. Waxa kale oo jira dad masaakiin ah oo la abaabulo oo ay ka
mid yihiin; Ciyaalka Iskuullada iyo Islaamo dadka laga horgeeyo, waxaa ugu
dambeeyay markii dhawaan Odayadii dhaqanka loo adeegsaday ardaydii dugsiyada,
halkaana ay qaarkood ku dhinteen,” ayuu ku daray ururka SAHAN.
Ururka
SAHAN, wuxuu kaloo cambaareeyay tallaabadii dhawaan Xukuumadda dalka kaga
eriday Sarkaalkii Qaramada Midoobay, Nabad-gelyada u qaabilsanaa.
Shirka
Jaraa’id kadib, ayay Weriyayaashu weydiiyeen su’aalo la xidhiidha arrimihii ay
shirkaa Jaraa’id kaga hadleen, su’aalahaasina waxay u dhaceen sidan;
S:
Waxaa jirta baqdin iyo walaac xoog leh oo ay Xukuumaddu ka muujisay idinka
(SAHAN) iyo ASAD, markaa ma waxa jira hub iyo Ciidamo idiin gaar ah oo aad
diyaarsateen?
J:
Ma jiraan waxaanu diyaarsanay iyo dagaal aanu wadnaa midna, balse waxaanu ku
loolamaynaa Siyaasad, waana ta aanu isu-diiwaan gelinay, haddaanu nahay SAHAN.
Siyaasadii ayaa noqotay in ay ku qariyaan marka ay wax qaloociyaan, dadkana ay
ku khalkhaliyaan. Waxaad ka soo qaaddaa, Ciidamada la dhigay Wadooyinka u
dhexeeya magaalooyinka ee lagu dilayo dhaxantaa, waxaan leeyahay waa in laga
daayaa, tacadiga lagu hayo.
S: Waxaa muuqata xaalad khatar ah oo dalka ku
soo fool leh, oo ka dhalatay hadalalada kulkulul ee ay isdhaafsanayaan
Xukuumadda iyo Mucaaridku, taas oo baqdin badan Shacbiga ku abuurtay markaa
idinku maxaad xal u aragtaan in arintaa lagaga bixi karayo?
J: Horta Xukuumaddu, iyada ayaa abuuraysa waxaan jirin oo ka sii hadlaysa waxaan weli lagaadhin (Qaybka), wax dhibaato ah oo soo socdaan ma aragno, waxaad in badan ka maqasheen Madaxweynaha oo leh, anagu diyaar baanu nahay, iyada oo aan la magacaabin gudidii doorashooyinka oo aan la saamayn Shuruucdii iyo qawaaniintii ka dhinayd Shuruudaha doorashooyinka ee kala xadaynta degmooyinka iyo goboladu ka mid ahayd, ee diiwaan gelinta lahayd, ee tiro-koobka lahayd. Taasi waxay ku tusaysaa, inuu Madaxweynuhu doonayay inuu doorashada ku shubto, waayo wuxuu iska samaystay sanaaduuqdii, shaambadihii iyo qalabkii kale ee doorashada, ta kale wax nabadgelyo xumi ahi ma jirto, waxaana ka markhaati kacay Wasiirka arrimaha gudaha oo xalay (Habeen hore), Telefiishinka ka sheegay in ay nabadgelyadu taam tahay.
Xukuumadda maanta jirtana sharcigii ay ku fadhiday,
wuxuu kaga egyahay 23 bishan, anaguna waxaanu qabnaa in sharciga la raaco oo
laga hawl-galo, oo dadka lagala tashado, sidii dib loogu soo celin lahaa
sharcigii dalkana loogu saamayn lahaa Xukuumad gaadhsiisa doorashooyin xaq ah
oo dalka ka dhaca.
S: Waxaad ka hadasheen eriga Sarkaalka Q.
Midoobay, ee Xukuumaddu ay ku eedaysay inuu fara-gelin ku sameeyay Siyaasadda
dalka, idinku maxaad u difaacaysaan haddii uu arrimo khaldan galay?
J: Anagu ninkaa difaaci mayno, balse xaqa
ayaanu difaacaynaa; markay Guurtidu tidhi, nabad-gelyo darraa jirta oo uu
maqlayay hanjabaadii Madaxweynaha, tii Wasiirka arrimaha gudaha iyo tii
Guddoomiyaha Guurtida ee ay lahaayeen, waanu dagaalamaynaa, xaq buu u leeyahay
inuu u digo dadka xilku ka saaran yahay. waayo, nabad-gelyada ayuu u qaabilsan
yahay, haddii uu yidhaahdo waar bal is yar ururiya, muxuu sameeyay.
Berigii hore, marka Milaterigu dagaal gelayo, waxa
la afuufi jiray bahal Bigil la yidhaahdo, iminka Xukuumaddu waxay afuuftay
Bigil, waxa ugu horeeyay Madaxweynaha oo markii uu ka hadlayay Berbera yidhi;
“Haddii la islaayo, la kala macaashi maayo’e maalinba reerbaa la eryaynayaa.”
Waxa ku xigay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo yidhi; “Haddii dagaal dhaco, qof
waliba reer buu noqonayaa.” Markaa ma jirto cid kale oo dagaal sheegtay,
dawladda ayaa keligeed wada. Waxa jira Mudaharaad ay Dawladda Hoose wado oo
berito (Maanta) ka dhacaya Hargeysa, Maayarka ayaana u aabo ah, waxaan Maayarka
ku odhan lahaa intaad waxaan jirin abaabulayso, Caruurta u ammaangeli garoomada
ay ku ciyaarayaan iyo surimadii ay mari lahaayeen ee aad ka awdayso.
S: Waxaa jira, warar sheegaya in Xukuumaddu
qorshaynayso sidii ay u xidh-xidhi lahayd xubno ka mid ah ururada SAHAN iyo
ASAD, arrintaa maxaad ka ogtihiin?
J: Waxa nagu jira qaar Xukuumadda u tegay oo
ku yidhi; hadaad hebel iyo hebel xidh-xidhaan, anaga xagayaga waa ka fasax.
Waxaan qabaa in ay ku dhaqaaqeen, sidii af-miishaar waiba Xukuumadda isu
jeclaysiin lahaa, laakiin xadhiga ragbaa loo sameeyay, Somaliland-na xadhig wax
ka adag baanu ugu badheedhnay, dil baanu ugu beegsanay. Maantana haddii xaqa
nalagu xidhayo waxba kama qabno, waa nin iyo waagii, waxaanuse anagu qabnaa in
aanaan ku kacayn waxaan sharci ahayn.
S: Guurtidu, waxay yidhaahdeen cidii wax ka
qabta Muddo-kordhinta Xukuumadda ee Qod. 83aad, dacwadooda ha geysato
Maxkamadda dastuuriga ah, idinku maxaad taa ku diidan tihiin?
J: Dacwadii waa noo qoran tahay, waanuna
haynaa, balse waxa is-weydiin leh meeday Maxkamadii dastuuriga ahayd, xagee
baanu ugu hagaagnaa.
S: Had iyo goor ururada Mucaaridku, inta aanay
xilka hayn waxay tilmaamaan dhaliilaha Xukuumadda, idinku hadaad talada dalka
ku guulaysataan ma kaga dhabaynaysaan waxqabadka aad sheegtaan?
J: Haa, waa himiladayada, waana ujeeddada iyo
Siyaasadda ururka SAHAN, marka aanu talada dalka qabano idinka ayaa arki doonna
in aanu ballantaa fulino iyo in kale.
S: Waxaad sheegteen in barito la qabanaya
Xuskii 20-ka Feberweri, Khayriyaddana waxa ka hadlayo Guurtida, markaa xagee
lagu qabanayaa Xuskaa?
J: Guurtidu way ku gabanaysaa, umana badheedhi
karto. Xuskani, waa mid Qaran loomana baahna in lagu khaldo Siyaasadda. Waxay
ahayd in Guurtidu aanay carsha-carshayn, khudbadeedana ay ka dhigato maalin
kale.
S: Waxa jirta in Axmed Siilaanyo,
dhex-dhexaadin ka dhex wado Mucaaridka, markaa idinku mala kulanteen?
J: Horta dhex-dhexaadinta ururada, cid samaysa
anagaa ugu horaynay, saddex bilood baanu wadnay, si aanu meesha uga saarno kala
qaybsanaanta bulshada, taasi may dhicin oo way kala yaaceen. Qaar waxay
noqdeen, sida UCID oo uu ka lumay kanfaskii ay ku kala garan lahaayeen cidda ay
wax ka doonayaan tii kale, halkii ay Xukuumadda ka dhaliilli lahaayeen ay kaga
dhegtay hebel baa shanqadhaya. Siilaanyo iyo is-aragiisana waxba kama qabno,
waa Nin Oday ah oo dalka xaq weyn ku leh, haddii uu noo yimaadana ma diidayno.
S: Xukuumaddu, waxay ku adkaysanaysaa in ay
sharci tahay muddada loo kordhiyay, idinka iyo ASAD-na waxaad hore u soo
sheegteen in aad soo dhisaysaan dawlad dastuurka waafaqsan. Haddii labadiina
dhinacba aad tanaasul diidaan, maxaa xal noqonaya?
J: Dawladdu talada ma maroorsan karto, sharci
darrana dalka kuma dhiqi karto, waxaan doonaan yeelayaana mid suura-gal ah
maaha, arrintuna waa mid u taal cid kasta oo sharciga jecel, waxaanu qabnaa in
ay waajib tahay in la samaysto dawlad sharci ku dhisan.
……………………………………………………………………………………………
Ururka jaaliyadda Somaliland ee UK oo ku baaqay in la dhowro go’aankii Guurtida
L |
ondon – Harg (Haatuf) :- Ururka Jaaliyadda Somaliland (Somaliland Society – UK), ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedyada ururada siyaasadda iyo dawladdaba, inay xaq-dhawraan go’aankii golaha Guurtida ee muddada sannadka loogu kordhiyay xukuumada talada haysa. Sidaana wuxuu ururku ku caddeeyay Bayaan uu ka soo saaray magaalada London.
Bayaankaa ururku soo saarayna wuxuu u dhignaa
sidan:
Ururka Jaaliyada Somaliland (Somaliland Society -
UK) Isagoo garanaya xaaladaha ka dhalan kara geedi socodka, koritaanka qaabka
siyaasada iyo maamulka dalka;
Anagoo Xusayna waxqabadka iyo guulaha uu dalku
gaadhay tan iyo intii laga xoreeyay gumeysigii nacabka ahaa, taasoo ay libteeda
leeyihiin, shacabka reer Somaliland, goloyaasha iyo xukuumaduba;
Anagoo ka warwarsan muranka soo afjarmi waayey ee u
dhexeeya dawladda, Madax-dhaqameedyada, Xisbiyada Siyaasiga ah ee dalka ka jira
iyo dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba. Murankaas oo haatan
isu bedelay middi-middi ku taag iyo kala xantaysi, waxaanu ugu baaqaynaa
dhamaantood qodobadan hoos ku qoran:
………………………………………………………………………………….
H |
argaysa
(Haatuf) Muuse Jaamac Maxamed, waxa uu ahaa xubinta keliya ee ay
Golaha Wakiiladdu ansixintiisa ganafka ku dhufteen, kadib markii ay ansixiyeen
lixdii kale ee Toddoba xubnoood oo ay guddiga doorashooyinku ka koobnaayeen.
Haseyeeshee
markale ayuu Muuse xisbi beegsanayaa in dib loo ansixiyo ka dib markii uu
Madaxweyne Cigaal Golaha wakiilada ku soo cayntaariyey waraaq qoraal ah oo uu
kaga dalbanayo inay Muuse xisbi dib u ansixiyaan, islamarkaana ay Xukuumaddu ku
dhaqaaqday kaambayn ay golayaasha baarlamaanka cadaadis ku saarayso inay ninkaa
ansixintiisa dib u meelmariyaan si uu uga mid noqdo guddiga Doorashooyinka.
18-kii
Diisambar ee sannadkii ina dhaafay ee 2001 ayuu Madaxweyne Cigaal markii u
horaysay Golaha wakiilada u soo gudbiyey magacyada toddoba xubnood oo guddiga
doorashooyinka ah si ay u ansixiyaan.
32-Maalmood
ayey aqalka wakiiladu u fadhiisteen ansixinta guddigaa, iyadoo hal-hal loogu
codeeyey. Haseyeeshee, Muuse Maxamed Jaamac (Muuse xisbi) ayaa noqday xubinta
keliya ee la diiday ansixintiisa, halka lixdii kale la ogolaaday, waxayna
Wakiiladdu diidmada Muuse Xisbi u cuskadeen inuu buuxin waayey qaar ka mid ah
shuruudihii looga baahnaa xubinta ka mid noqonaysa guddiga doorashooyinka,
waxaana shuruudahaa ka mid ah; in aanu ahayn shaqaale dawladeed. Haseyeeshee,
Wakiiladdu waxay sheegeen inuu Muuse Xisbi yahay shaqaale dawladeed, oo uu
xataa bishii u dambaysay ee la soo magacaabay saxeexay mushahar.
Diid-mada
Muuse xisbi, waxay dhalisay xiisad Siyaasadeed oo si weyn u dhex-xushay
Golayaasha dawladda, min Baarlamaan ilaa Xukuumadda ilaa Aqalka Madaxtooyadda.
Saddex
ka mid ah toddobada xubnood ee guddiga doorashooyinka, waxa magacaabidooda soo
xulay Madaxweyne Cigaal, labo ka mid ah-na waxa soo xulay Golaha Guurtida,
halka laba xub-nood-na ay soo xuleen ururada mucaaradka ahi. Sidaa awgeed,
Muuse Xisbi, waxa uu ka mid ahaa labada xubnood ee dhinaca guurtida ka yimi.
Sida
ay tibaaxeen warar xog-ogaal ah oo la xidhiidha arintan, markii ay Golaha
wakiiladu diideen Muuse xisbi, Golaha Guurtidu waxay miiska soo dhigeen xubin
kale oo ay ugu talo-galeen in ay noqoto xubinta ka dhimman guddiga
doorashooyinka. Xubintaas oo sida la sheegay ahayd, Nin lagu magacaabo Axmed
Xaashi oo mar Agaasime Guud ka ahaa Wasaaradda Caafimaadka. Odayaasha
Shir-gudoonka Guurtida uma ay suuro-gelin in ay magacaabidiisa meel mariyaan,
iyadoo la sheegay in ay taasi ka suuroobi wayday cadaadis ka yimi dhinaca
Xukuumadda iyo Aqalka Madaxtooyadda iyo weliba urur-siyaasadeedka UDUB, waxayna
wararka arrintaa u dhuun-daloollaa si gaar ah farta ugu fiiqeen Madaxweyne
Cigaal iyo Wasiirkiisa Waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale, taas oo la sheegay in
ay yihiin labada Oday ee shidhka ugu jira dedaalka la doonayo in mar kale dib
loogu ansixiyo Muuse Xisbi, Sidaana uu kaga mid noqdo guddiga doorashooyinka.
Wasiirka
Waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale, oo ay Muuse Xisbi isku degaan ka soo
jeedaan, ayaa si weyn uga cadhooday diidmada Muuse Xisbi ee Golaha Wakiiladda,
taasina waxay keentay in aanu Axmed Yuusuf Ducaale qarsan dareenkiisa ah, inuu
ka dagaalamayo diidmada Muuse Xisbi, kadibna wuxuu qaaday olole af iyo adinba
leh oo uu ku beegsanayo in waxkasta oo ay ku kacayso uu Muuse Xisbi ka mid noqdo
guddiga doorashooyinka, dibna loo ansixiyo.
Madaxweyne
Cigaal, ayaan isna qarsan sida ay uga go’an tahay inuu Muuse Xisbi ka mid noqdo
guddigaa, kadib markii uu Golaha Wakiiladda ku soo cayntaariyay waraaq uu
leeyahay waa in Muuse Xisbi sidiisa lagu ansixiyaa. Waraaqda Madaxweyne Cigaal,
waxa iyana ka dhashay dareen dood abuuray. “Hadii ay Golaha Wakiiladdu, Muuse
Xisbi soo celiyaan waa in ay Cismaan Shunuuna soo celiyaan.” Weedhani waxay
cinwaan u ahayd, Maqaalad uu Wargeyska Haatuf ku qoray nin la
yidhaahdo C/Raxmaan Maxamed Guun oo ka hadlay arrintaa. Hase yeeshee,
Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka arrimaha Shuruucda ee Aqalka Wakiiladda, Mudane
Maxamed Xuseen Dhamac, ayaa isna ka hadlay waraaqda Madaxweynaha, wuxuuna
yidhi; “Isma buuxinayaan Nuxurka Qoraalka Madaxweynaha iyo Cinwaanka farta
waaweyn ku qoran ee ku yaalay Jamhuuriya. Waayo, Dekreetada uu Madaxweynuhu ku
soo magacaabay xubinta Koomishinka (Muuse Xisbi), haba yaraatee kuma jiro,
erayga duuduub ku ansixiya. Ansixintuna, waa xil uu Golaha Wakiiladdu leeyahay
distooriyan.”
Arinta
Muuse Xisbi, Golaha Wakiiladdu waxay u saareen Guddi Hoosaadka arrimaha
Shuruucda, hase yeeshee waxa la sheegay in aanay guddigaasi soo helin
Qiil-shilis oo lagu meel marin karo Muuse Xisbi, kadibna mar kale ayuu goluhu arintaa
u saaray guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee Wakiiladda, si ay talo uga soo
bixiyaan, kuwaas oo aanay weli jawaabtoodu gole iman.
Gudoomiye
Ku-xigeenka Koowaad ee Wakiiladda, wakhtigana ah Kusimaha Guddoomiyaha Mudane
Cabdiqaadir Jirde oo arintaa ka hadlaya ayaa si kooban u yidhi; “Waa la soo
celin karaa, laakiin goluhu cod buu u qaadayaa, codkaa ayuuna nasiibkiisa ka
qaadayaa.”
Muuse
Xisbi laftiisa oo aanu waydiinay, rajada uu ka qabo inuu golihii hore u diiday,
haddana ansixinayo ayaa ku jawaabay; “Waan ku rajo weynahay in la I ansixin
doono.”
Wakhtigan
Xaadirka ahna, waxa socda kaambayn ay dabadda ka wadaan Xukuumadda iyo Xisbiga
UDUB oo is huwan, taas oo ay u ololaynayaan sidii ay u suurto-gelin lahaayeen
ansixinta Muuse Jaamac, waxaana maalmihii ina dhaafay ilaa hadda socday kulamo
gaar-gaar ah oo lala yeelanayo Mudanayaasha Golaha Wakiiladda, si loogu
bisleeyo ansixinta Muuse Xisbi.
Lama
oga taageerada shilis ee uu Muuse Xisbi ka haysto Aqalka Xukuumadda, halka ay
daaran tahay, waxaase loo malaynayaa in aanay ka badnayn Masaaliix gaar ah oo
Siyaasadeed.
Ugu
dambayn, bal aynu ka war sugno, halka ay ku gudho sheekada Muuse Xisbi.
…………………………………………………
TAARIIKH NOLOLEEDKII
MARXUUM ABWAAN GUJIS..
A |
lla ha u naxariistee, waxaa habeenmadii sabtidii ku geeriyooday gurgiisa oo ku yaala xaafadda Hal-wadaag ee magaalada Hargeysa marxuum Abwan Xusen Jaamac Rooble (X. Gujis), waxaana meydkiisa lagu aasay xabaalaha xaafada Daloodho, isla subaxnimadii sabtidii oo ahayd 16/02/2002.
Abwaan Xaaji-Gujis, Alla ha u naxariistee wuxuu ka
mid ahaa laf-dhabarta fanka Soomaalida, wuxuuna doorweyn ku lahaa ku
wacyigelinta bulshada ee dhinaca nabadda. Sidaa darteed waxaanu doorbidnay
inaanu bulshada u soo bandhigno qayb ka mid ah taariikh-nololeedkii
Xaaji-Gujis.
Waxaana ka sheekeeyay dad badan oo kala duwan oo ay
ka mid yihiin, Axmed Saleebaan Bidde, Fannaanka caanka ah ee Rashiid Bullo,
Ismaaciil Sh. Axmed Cagaf, Muuse Cali Faruur oo ah Abwaan iyo khabiir ku
xeel-dheer taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida iyo Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe),
oo ah qoraa inta badan wax ka qora dhinacyo kala duwan oo uu fanku ka mid
yahay, waana tan taariikhdiisii oo koobani:-
Alla ha u naxariistee Abwaan Xuseen Jaamac Rooble
(X.Gujis), wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa waqti lagu qiyaasay ilaa
sannadkii 1934, halkaas oo yaraantiisii uu ku soo barbaaray. Abwaan Xaaji
Gujis, wuxuu la barbaaray jacaylka uu fanka u qabay, wuxuuna aad u jeclaa inuu
ka agdhawaado goobaha iyo majaalistiisa ay fadhistaan fannaaniinta Soomaalidu,
gaar ahaan magaalada Hargeysa oo xarun u ahayd fanka.
Markii uu yaraa wuxuu ka shaqayn jiray baabuurta oo
uu ka bilaabay daba-kafuul, ama waxay Soomaalidu u taqaan Geerash-booy. Inkasta
oo aanu soo marin waxbarasho sare haddana wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu aqoonta
dheer fannaaniinta, wuxuuna si fiican ugu hadli jiray afafka Carabiga,
Ingiriisiga iyo afkiisa Hooyo.
Abwaanka caanka ah Axmed Saleebaan Bidde, oo ka mid
ah shakhsiyaadkii ay isku kacaanka ahaayen, muddo badana ay ku wada noolaayeen
hargeysa ayaa ka mid ahaa dadkii wax laga weydiiyay taariikhda Xaaji-Gujis.
Axmed oo u warramay Idaacadda Raadiyow Hargeysa wuxuu yidhi’ “Waxa jirtay mar aanu yaryarayn oo aanu labadayaduba ka
wada cuntayn jirnay guriga walaalkii oo la odhan jiray Axmed Goodmorning oo ku
yaalay xaafadda Hindiyalaynka (Indian line).”
Axmed Saleebaan Bide, oo tilmaamo ka bixinaya
shakhsiyaddii Xaaji-Gujis, ayaa ku tilmaamay nin bashaash ah oo aad u
firfircoon, isla markaana Eebe ku manaystay maskax furan iyo degganaansho.
Bide oo wax ka sheegay hab-dhaqankii iyo waayihii
uu fanka la jaan-qaaday, ayaa ku sifeeyay Xaaji-gujis in uu ahaa Johoraddii
fanka Soomaalida.
“Wuxuu ahaa mu’alif hal-abuur ah, mulax hannaaniya
hab-dhaca muusikada loogu jaan-gooyo heesaha, Heesaa iyo weliba mumasil
(Jilaa). Wuxuu ahaa koosaarka fanka,” ayuu ku daray Bidde.
Alla ha u naxariiistee, Xuseen Jaamac Rooble
(X.Gujis), wuxuu ahaa bulshaawi kaftan badan oo dadku ku soo ururo markasta iyo
meelkasta oo uu joogaba.
Xaaji Gujis, wuxuu ka tegay dhaxal aan duugoobayn
oo baaqi ku noqon doona guri kasta oo Soomaaliyeed, inta dunidu taagan tahay.
Marka laga tgo mudadii uu fanka ku hawlanaa, waxaa si gaar ah murtidiisa loo
dhegaysanayay amaba loo daawanayay muddo afartan (40) sannadood ah.
Akhristayaal, fanka Xaaji Gujis, maaha mid lagaga
geyoonayo qalin iyo waraaq la isdul dhigo, hase yeeshee waxaanu maqaalkan
idiinku soo gudbinaynaa qaybo yar oo ka tirsan taariikhdii fankiisa.
Riwaayadihiisii oo aad u badnaa waxaa ka mid ah,
Ragba ficilkii haween Rookee. Gardiid waa Alla diid. Diinkuba illeyn danihiisa
waw dunkukuuraa, iyo qaar kale oo badan.
Marka laga hadlayo fanka, abwaanka X.Gujis, waxa
heesihiisa ka mid ah “Gaasire” oo ka mid ah heesaha uu ku luuqeeyo fannaanka
caanka ah Alla ha u naxariistee Axmed Mooge Liibaan. Miyaad talo ku weyn tahay,
Haween waa u samir, ama waa ka samir. Wallee anigu goornaba kuma naco
gobaadeey, iyo kuwo kale oo camuudaa ka badan.
Xuseen Jaamac Rooble, wuxuu si buuxda dhaqdhaqaaqa
fanka u bilaabay markii ay dhawaatay gobonimada Somaliland oo ku beegnayd daboyaaqadii
sanadihi 50-aadkii. Sida ay taariikhdu qorayso abwaanimada marxuumku waxay
baarka la baxday sannadkii 1962. waqtigaas oo uu soo saaray riwaayaddisii ugu
horreysay oo la odhan jiray Gardiid waa Alla diid. Taarikhda fanka ee Xaaji
Gujis, dadkii wax laga weydiiyay waxaa ka mid ahaa fannaanka caanka ah ee
Rashiid Bullo, oo isagu sheegay inuu wax ka qoray qaar ka mid ah
riwaayadihisii, kuwaas oo kala ahaa; Ragba ficilkii haween rookee, iyo Gardiid
waa Alla diid. Rashiid Bullo, oo ka warbixinaya sifooyinkii abwaan Xaaji Gujis
wuxuu yidhi, “Wuxuu ahaa, nin gacan furan oo jecel fanka iyo fannaaniinta.”
Ismaaciil Sh. Axmed Cagaf, oo ka tirsan abwaanada
caanka ah, oo ay aad isu yaqaaneen marxuumka ayaa isna sheegay in ay
isyaqaaneen tan iyo sannadkii 1967, markaas oo ay isku barteen Gaafkii aroska
marxuumka oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Ismaaciil Cagaf wuxuu marxuumka ku
tilmaamay deeqsi aan dadka kala jeclayn. “Waxaanu isku baranay arooskiisii, oo
markaa laga qaadayay heesta Maydal qoor dheer, oo ammintaa ku luuqaynayay Alla
ha u naxariistee fannaankii Cabdalle Sag-saag.” Erayadaasi waxay ka mid
ahaayeen jawaabihi uu ka bixiyay Ismaaciil Cagaf. “Aniga oo yar oo aan Itoobiya
joogo ayaan maqli jiray heesaha uu qaado ama uu sameeyay, waana layaabi jirey,
laakiin nasiib-wanaag waxaa ii suurtogashay inaan beri dambe waxa dhigay
riwaayad la yidhaahdo Diinkuba illeyn danihiisa waw dunkukuuriyaa, oo uu
sameeyay marxuumka Xaaji Gujis,” weedhahani waxay ka mid ahaayeen jawaab uu ka
bixiyay wixii uu ka xusuusto taariikhdii marxuumkaas.
Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka mid ah dadka
qora taariikhda, ayaa isna ka hadlay qoraalo uu marxuumka ka reebay waqtigii uu
noolaa, wuxuuna sheegay qaar ka mid ah erayadii halhaysta u ahaa oo sida uu
sheegay ay ka mid ahaayeen “ma nin baan Hargeysa ku dhalan oo isu haysta inuu
dhashay.”
Boobe, wuxuu sheegy inuu goobjoog u ahaa markii
marxuumka uu soo gaadhay dhaawac gubasho ahaa, oo uu muddo sanooyin ah u jiifay
cusbitaalka guud ee Hargeysa, wuxuuna intaa raaciyay in Marxuumku muddo sannad
ah cusbitaalka isaga oo ku jira xaalad miyir doorsoon ah (koomo). Wuxuu kaloo
intaa ku daray inu mudo ka shaqaynayay qaybta sawirada ee cusbitaalka.
“Xaaji Gujis, wuxuu ka mid ahaa dadka tirada yar ee
uu kulmiyo dhammaan qaybaha fanka, wuxuuna la mid ahaa Cabdillaahi Qarshe,
Cumar Dhuule iyo Maxamed Mooge. Wuxuu ahaa nin xishood badan, aadna u
xaragooda, isla markaaan aad u garasho badan,” ayuu yidhi Boobe.
Cabdi Yuusuf Ducaale oo sheegay inuu hayo ugu
yaraan 50 heesood oo uu ka duubay sannadkii 1993, ayaa marxuunka ku sifeeyay
mid fanku hiwaayad u ahaa, balse aan shaqo ka dhigan jirin.
Alle ha naxariistee marxuumku wuxuu waqtigan ku
hawlanaa arrimaha nabadgelyada waddanka, wuxuuna diyaariyay barnaamijyo tayo
sare leh, oo dagaalada iyo colaadaha lagaga baraarujinayo guud ahaan dadka
Soomaalida ah.
MAANSO Baroor-diiq
Xishood caado u ahaa,
Astan xarrago u ahayd,
Kiiyoo cida aan xagxagan,
Xaqdhowr baa lagu yaqiin.
Fankuu xakab aan jabayn,
Xuladka loo qiijiyiyo,
Baryada aan xeerinine,
Xalaal-maal uu ahaa,
Xariif kaftan uu lahaa,
Xaruuraa loo yiqiin,
Xiloodinta uu lahaa,
Siduu xididka u yiqiin,
Saaxibada ugu xidhnaa,
Dadkaa xigto u ahaa,
Dalkaa xudduntii ahaa,
Xarun na Herer buu lahaa,
Hargeysuu xiise badan,
Xusuus-hilow uu jeclaa.
Midhaa laxaw loo xigtiyo,
Muxuu sida xabag-barsheed,
Xiddaynta alxaanta iyo,
Codkaba xarakayn ogaa,
Miyuusiga ku xadfanaa,
Xantiyo been muu aqoon,
Runtaanu ka xeeban jirin,
Xaraar nin butaystayoo,
Xifaaliyo dood badheedh,
Nimaan loo duur-xuleyn,
Haasaawaha lagu xadayn,
Kasmada xilal loo igmado,
Xumaa ka sarriigta oo,
Colaad ka xanaaqa oo,
Dalkoo xasilana jeclaa,
Nabadda u xishuu ahaa,
Nin xeerka daneeya oo,
Xad-gudub neceb buu ahaa,
Xistiga wuu ka caaganaa,
Xoolaha wuu bixin yiqiin,
Muxuu doobi xoor lahaa,
Qof baahan xigsiin ku habay?
Niman xakamaba sudhayn,
Keenada aan ku xasillayn,
Xorriyad u hadluu ahaa,
Nin sheekada soo xigtoo,
Ku xiiqa mid aanu curin,
Xaasha’e, ma ahayn gulaan,
Doobtiisu na xoorino,
Raakadana aan xunbayn,
Haddaan la is-xaasidayn,
Abaabulka xiin aan damin,
Ordoo xusul-duubka jarin,
Xadkuu gunto aan la furin,
Xeer-beegtiya buu ahaa,
Fankeena xaskii la dhigay
Nin xooxsaday uu ku furay,
In uu xaadho wuu jeclaa,
Xaglaa kama laaban jirin,
Xanuunka dilaa ku helay,
Xiiqdii kala soo tegyaa,
Xuurtaynrii xijaabayaa,
Magaca xaajiguu ahaa,
Xag loo dayo wuxuu ahaa,
Nimuu fanku aad u xulay,
Xeel-dheerida loo ogyahay,
In uu xubnihiisa badan,
Horyaal xul ah uu ka yahay,
Taariikhdu xuseyso abid,
Xishmayntana loo ogyahay,
Suugaanta xurmeynta mudan,
Sheekooyin xariirta hilanta,
Alxaanta xaadda taabatoo,
Xiskaagaba taabta iyo,
Maalmuu dhaxal ay xaleen,
Xareed ah muxuu ka tegay,
Xabaashaada nuur hadhe,
Cadaab Eebbe kaa xoree,
Jannada goob lagaaga xaadh,
Ilaahay xuural-cayn,
Xilahaad rabtay kaaga yeel.
Boobe Yuusuf Ducaale.