SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 40-aad
Haatuf, Feb.22,
2002, Cadadkii 40-aad,
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Shirkadda jaadka Barako B611, oo shixnad Adhi ah
ugu deeqay cusbitaalka Qaaxada Hargeysa
Harg (Haatuf) :- Mulkiilaha
shirkadda Qaadka Barako (B611), Maxamed Cabdi Shire, ayaa toban neef oo Adhi
ah, ugu deeqay cusbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa. Deeqdan adhiga ah oo
ka kooban toban neef oo ah nooca Ahminka loo yaqaan, waxay shirkadda B.611, ugu
talogashay in ay kaga farxiso dadka bukaanka ah ee qaba cudurka qaaxada, si ay
farxadda ciida Adxa-da ula qaybsadaan muslimiinta. Agaasimaha cusbitaalka
qaaxada Hargeysa Dr. Ismaaciil Adan Cabdillaahi, oo deeqdaa guddoomay ayaa ka
mahad celiyay kaalmada loo fidiyay bukaan- jiifka lagu daweeyo dakhtarka qaaxada
ee uu mas’uulka ka yahay.
Dr. Ismaaciil, wuxuu deeqdan ku tilmaamay kuwii ugu
horreeyay ee ay cusbitaalka u fidiyaan shirkadaha yaryar ee waddaniga ahi.
wuxuuna shirkadaha kale kula taliyay inay tallaaban oo kale qaadaan, taas oo
sida uu sheegay suurtogal ka dhigi karta in lagaga maarmo baahida debedda.
“Markii hore cidda keliya ee aanu kaalmada ka heli jirnay waxay ahaayeen
hay’adaha, laakiin hadda waxa muuqata inay qayb libaax ka qaadan karaan
shirkadaha wadaniga ahi. Taasi waxay suurtogelin kartaa in aynu kaga maarano
caawimooyin aynu debedda ka sugno,” sidaa waxa yidhi agaasimaha cusbitaalka Dr.
Ismaaciil.
Waxa
muuqata inay qayblibaax ka qaadan karaan shirkadaha waddaniga ahi, taasi waxay
suurtogelin kartaa inaynu kaga maarano caawimooyin aynu dibedda ka sugno,”
sidaa waxa yidhi Agaasimaha cusbitaalka Dr. Ismaaciil. Waxa kale oo halkaa ka
hadlay mid ka mid ah bukaan-jiifka lagu daweeyo cusbitaalka qaaxada Hargeysa,
oo sheegay inuu muddo bil ah ku jiray, wuxuuna mulkiilaha shirkadda B.611, uga
mahadceliyay kaalmada uu ugu deeqay oo uu ku tilmaamay mid ay aad ugu baahan
yihiin.
.................................................................................
Boorama (Haatuf) :- Madaxweyne ku xigeenka
Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, ayaa maalintii shalay booqasho ku tegay
magaalada Boorama ee magaalo madaxda gobolka Awdal.
Madaxweyne ku xigeenka oo gurigiisa Boorama ugu
warramayay warfidiyeenada, ayaa sheegay inay booqashadiisu la xidhiidho laba
arrimood oo kala ah; inuu munaasibada ciidul-Adxada la ciido dadweynaha Boorama
iyo inuu xog-ogaal u noqdo xaalada guud ee dadweynaha gobolka Awdal. Isaga oo
intaa ku daray inay booqashadiisu ku egtahay magaalada Boorama.
Dhinaca kale, sida uu noo soo sheegay weriyahayaga
gobolka Awdal, Maxamed Cumar, wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland
iyo Soomaaliya Kent, oo isna booqasho ku jooga magaalada Boorama, ayaa kulamo
la yeeshay qaar ka mid ah duqeyda, wax-garadka iyo maamulka Jaamacadda Camuud.
Warku wuxuu sheegay inaanu wax kulamo ah la yeelanin maamulka gobolka Awdal.
Mr. Kent, waxa uu khudbad (Lecture) ka jeedijyay
Jaamacadda Camuud, isaga oo ka warramay waxa caalamku la qaban karo Soomaaliya
iyo Somaliland. Isaga oo intaa ku daray inuu talooyinkiisa u gudbin doono
Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo cid kasta oo danaynaysaba qadiyada
Soomaalida.
.................................................................
Habane oo xilkii kala wareegay
Ismaaciil Shaqale
Wax lala yaabo maaha inan
an-na xilka ku soo noqday, maantoo Cigaal iyo dawladdaba haddana lo kordhiyay.
Xasan Yoonis Habane.
Harg (Haatuf) :- Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka
Xasan Yoonis Habane ayaa shalay xilka kala wareegay taliyihii hore ee xilka
laga qaaday Ismaaciil Shaqale, waxaana uu sheegay in aanay wax lala yaabo ahayn
inuu markale xilkan oo uu hayay afar sannadood ka hor qabto.
Xasan Yoonis Habane oo mar ahaa taliyaha ciidanka
badhtamihii sagaashanaadkii, waxa uu madaxweyne Cigaal dib ugu magacaabay
xilkaas Arbacadii dorraad. Waxaana uu shalay xilka kala wareegay talihiyii afar
sannadood kahor ka tirsaday. Ismaaciil Shaqalle oo isaga xilka laga fadhiisiyay
dorraad.
Labada taliye, Xasan Yoonis Habane iyo Ismaaciil
Shaqalle, waxay xilka kula kala wareegeen xaflad lagu qabtay xarunta taliska
guud ee ciidanka qaranka Somaliland, taas oo ay ka qaybgaleen madaxda
hoggaanada iyo taliyeyaasha laamaha ciidanka qaranka, wasiiro, wasiir-kuxigeeno
iyo mas’uuliyiin kale.
Taliyaha cusub, Mr. Xasan Yoonis Habane oo
magacaabistiisan iyo markii hore ee uu xilkan qabtay oo ahayd 1996-98, ay
labaduba ku beegmeen xilli markasta waqtiga xukuumada madaxweyne Cigaal
gabaabsi tahay, ayna aloosan yihiin xaalado siyaasadeed, ayaa dib u
magacaabistiisa waqtigani waxay soo kicisay faaqidaad dareen gelinaysa ujeedada
dib-u-magacaabistiisa waqtigan, oo ay dad badani ku macneeyeen tallaabo
siyaasadeed oo uu madaxweyne Cigaal uga gol-leeyahay inuu ugu caga-jugleeyo
dhaqdhaqaaqyada mucaaridka aan ayidsanayn muddadii sannadka ahayd ee golaha
Guurtidu dhowaan u kordhiyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Isla markaana waxay dib-u-magacaabistan Xasan
Yoonis timi, iyada oo xukuumaddu ay muujisay baqdin weyn oo ay ka qabto
abaabulada mucaaradka oo sheegay in aanay aqoonsanayn dawladda marka la gaadho
Feb. 23, oo uu ku egyahay muddadeedi rasmiga ahayd. Xasan Yoonis Habane, oo ka
hadlay xafladdaas shalay, kadib markii taliyihii hore Ismaaciil Shaqale, uu
jeediyay warbixinta xil-wareejinta, kuna soo dhaweeyay xilka, waxa uu xusay in
marxaladdan aanu jeclayn inuu xil qabto.
Xasan faahfaahin kama bixin sababta, waxaana uu si
kooban u yidhi; “Marxaladda waqtigan ah inaan amba xil qabto way igu adkayd run
ahaantii.”
“Hase yeeshee, wixii qaran ee lagaala maarmi waayo
dee wuu ku qabsan yahay mawaadin kastaa wixii uu ku biirin karo,” ayuu raaciyay
Xasan Yoonis.
Taliyaha cusub, Xasan Yoonis, waxa uu muujiyay inuu
dareensan yahay fursadaha ka dhashay dib-u-magacaabistiisa oo dood ku saabsan
ka dhex aloosnayd bulshada tan iyo barqadii Arbacadii, markii xeerka
magacaabista taliyaha cusubi ka soo baxay madaxtooyada.
“Waxa iyana aan wax layaab leh ahayn ‘anna waykan
haddana…’” ayuu yidhi Habane, isaga oo ka hadlaya dib ugu soo noqoshada xilka,
waxaana uu raaciyay isaga oo dhex raacinaya qosol uu la wadaagay madasha.
“…. Oo xilkii la igu soo celiyay, maantoo Cigaal
iyo dawladdiina haddana loo kordhiyay, dee wax lala yaabo maaha, waa caadi.”
Xasan Yoonis, is-difaaciisa erayadaa kaftanka ah ee
dadka ka qosliyay kagama hadhine, waxa uu ku daray hadalo hanjabaad ah oo
inkasta oo aanu si cad u sheegin cidda uu ula jeedo iyo waxa uu uga jeedo,
balse ku xidhiidhsan dareemada ka dhashay magacaabistiisa. Waxaana uu yidhi;
“Taasna ku dhegganaanshihiisu wuxuu u muuqan karaa inay gacmo kale inagu jiri
karaan qaran ahaan. Ka looga baahan yahay inuu difaaco aafo gudeed iyo mid
dibadeedba waa ciidanka qaranka iyo ciidamada kale ee nabadgelyada. Siduu
taliyuhu ii sheegayna kalsooni baan ku qabaa inaan xilkaa - haddii ay nala soo
deristo uu ciidanku si fiican u gudan doono.”
Xasan Yoonis, magacaabistiisa waxa uu fiirada
gaarka ah u yeeshay, iyada oo mucaaradku xukuumaddu baqasho weyn ka muujisay ay
saamayn weyn ku leeyihiin saraakiil hore oo ay SNM wada ahaayeen, balse ay
muddo dheer iskaga soo horjeedeen dhinaca siyaasadda, taas oo aakhirkii
sababtay iska-horimaadkii qabaa’ilka isu rogay ee ka dhexqarxay
maleeshiyooyinkii SNM, waqtigaas oo uu Xasan Yoonis hoggaaminayay malleeshiyo
taageerayay maamulkii SNM ee Cabdiraxmaan Axmed Cali.
Taliyaha cusub, Mr. Xasan Yoonis Habane, waxa uu ka
marag-kacay oo uu qiray wax-qabadka iyo horumarka ciidanka qaranku gaadhay
mudadii afarta sannood iyo bilaha ahayd ee uu xilka hayay Ismaaciil Shaqale, oo
warbixintiisa ku sheegay in xilka uu taliyaha cusub ku wareejinayo kayd
shidaal, kayd sannadeed iyo mid maaliyadeed iyo mid taakulayn.
“Waxaa sharaf noo ah inaanan taliyaha dayn ku
wareejinayn lagu leeyahay ciidanka qaranka. Haba yaraatee wax
Shillin-Somaliland ah oo ciidanka lagu leeyahay oo aan kugu wareejinayaa ma
jiro,” ayuu yidhi Ismaaciil Shaqalle, taas
oo uu sheegay inay ka turjumayso wareegto uu
madaxweyne Cigaal soo saaray oo faraysay hay’adaha dawlada inay isku
filaysiiyaan miisaaniyadda loo qoondeeyay.
Waxa kale oo uu sheegay in ciidanku u dhismay
dhinaca kala dambaynta iyo anshaxa. Xasan Yoonis-na waxa uu sheegay in
tallaabadaas isku filaysiinta miisaaniyaddu ay tahay mid muujinaysa horumarka
talisku sameeyay, marka loo eego sidii xaaladdu ahayd, markii uu ka tegay.
“Waxaa ka mid ah guulaha la gaadhay isku
fillaysiinta wixii qaranku u qoondeeyay oo maanta weliba uu kayd ka tegayo oo
igu wareejinayo,” ayu yidhi Habane. Isaga oo raaciyay; “Halka anigu aan kaga
wareejiyay kaga wareejiyay deyn badan iyo meel madhan. Waxaana uu sheegay
Habane inuu halkaa ka sii wadi doono, korna uga sii qaadi doono. Isaga oo
ballan-qaaday inuu dhammaystiri doono muddada uu xilka hayo waxyaabaha qabyada
ah, joogitaanka ciidankana uu gaadhsiin doono dhammaan xuduudaha dalka.
Taliyeyaashu, waxay markii u horreysay qireen in
ciidanka qaranku aanu gaadhin qaybo ka
mid ah, waxayna xuseen in aanu ciidanku gaadhin Sanaag bari iyo qayb ka mid ah
gobolka Sool, taas oo uu taliyaha cusub balanqaaday inuu gaadhsiin doono
ciidanka.
Xafladdaas, waxa kale oo ka hadlay
wasiir-kuxigeenka Gaashandhigga Md. Maxamed Cali Maydhax, waxaana uu ammaan
badan iyo bogaadinba u jediyay taliyaha la beddalay. Ismaaciil Shaqalle oo uu
sheegay inuu u qalmo bilad sharaf uu ku mutaystay horumarka uu gaadhsiiyay
ciidanka qaranka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Cumar
Cige, ayaa isaguna hadal uu xafladdaas ka jeediyay kula dardaarmay taliyaha
cusub Mr. Habane.
“Xasan Yoonis Habane, waxaan leeyahay xil weyn baa
ku fuulay, sababtu wada weeye, waxaad mas’uul ka tahay nabadgelyadii qaranka oo
dhan kol haddaad taliyihii ciidanka qaranka noqotay,” ayuu yidhi wasiirku.
“Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu xilka kugu asturo,” ayuu raaciyay.
Dhinaca kale wasiirku waxa uu tilmaamay taliyaha
dhibaatooyin dhaqaale iyo khataro badan dalka ku xeeran, kuwaas oo uu ku
booriyay inuu adkaysi u yeesho.
Xoolihii baa la inga xidhay, cidhiidhi badan baa ina haysta, cadow farabadan baynu leenahay, cid walba dab-baa inagaga shidan..” ayuu yidhi, isaga oo ku adkaynaya inay halkaa ka sii wadaan, iskuna deberaan waxa yar ee loo qorsheeyay. Waxa kale oo uu ku celceliyay in xukuumaddu ku kalsoon tahay in ciidanka qaranku yahay mid ku filan cadow gudeed iyo mid dibadeedba.