SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 42-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland

 

Cadadkii 42-aad, Vol. 01                Salaasa                February 26, 2002

 

WARARKA    >>     GUDAHA

Haatuf, Feb.26, 2002, Cadadkii 42-aad,

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

 

 

 

Axmed Siilaanyo oo Caddeeyay in uu Hindisihiisii Dhexdhexaadinta kaga Guul-darraystay Dhinaca Xukuumadda

 

H

Hargeysa (Haatuf): Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shaaca ka qaaday natiijada wadahadalkii uu Xukuumadda la yeeshay ee uu ugu ololaynayay, sidii wadahadal loogu soo dabaali lahaa khilaafka Siyaasadeed, waxaanu sheegay in hantaaqo kaga timi arrintii uu waday, dhinaca Xukuumadda oo ay ka diideen in wadahadal bilaa shuruud ah laysku soo hor-fadhiisto. Sidaana wuxu ku cadeeyay, Shir-jaraa’id oo uu shalay gurigiisa ku qabtay.

Axmed Siilaanyo shirkaa jaraa’id, wuxuu ku sheegay in hindasaha dhexdhexaadinta ah ee uu bilaabay uu yahay mid uu ugu danaynayo dalka iyo dadka, sidaa awgeedna uu ugu dhiiraday uguna hawl-galay. Wuxuu intaa raaciyay, in dhinaca Mucaaridka iyo Salaadiintuba ogolaadeen in wada-hadal bilaa shuruud ah iyo wada-tashi lagu soo dabaalo, is-maan-dhaafka Siyaasadeed ee jira.

 

Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi: “Intaa kadib, waxaan u hawl-galay in aan Madaxweynaha si degdeg ah u arko, maalintii Ciidda ayay ii suuro-gashay in aan arko, iyadoo ay igala hawl-galeen Sh. Ibraahim iyo rag kale oo Wasiiro ah oo dawladda ka tirsan. Madaxweynuhu, si wacan buu gurigiisa iigu soo dhaweeyay aad baanu u sheekaysanay, warar fara badan baanu isa siinay oo intooda badan aanu ka midaysnayn, marxaladda dalku marayo, xaga dunida marka la eego qiimaynta wanaagsan iyo qaddarinta laynoo hayo, iyo sida aynu ugu baahanahay in aynu sii xoojino horumarkeena iyo wada-socodkeena. Madaxweynaha, waxaan u sheegay arrintii aan waday, waxaanan ka codsaday inuu iga aqbalo ergada dhexdhexaadinta ah ee aan la socday. Madaxweynuhu, xaqiiqatanse arrintaa iigama aanu diidin, wuxuu igu yidhi mabdi’iyan waan kaa aqbalay Axmedow ergadaa, balse waxoogay shuruud ah baan doonayaa in aanu caddayno oo ay ka mid yihiin; in aanaan Shir-beeleed iyo wax caynkaas ah diyaar u ahayn iyo kordhintii oo iyana aanay arrini ka furayn. Markaa waxaan ku idhi, Madaxweyne aad baan ugu mahadsantay ergada aad iga aqbashay, balse waxaan isleeyahay dantii waxay inoogu jirtaa in aynaan wax shuruud ah wada-hadalkeena ku xidhin, sida dhaqankeenuba uu yahay, arrimahaa qaarkood waa kuwa laga wada-hadlayo laftooda. Madaxweynuhu, wuxuu markaa igu yidhi, bal rag baa tallo naga dhaxaysaaye aan la soo tashado, dhakhsana waan kuugu soo war-celin doonaa.”

 

Md. Axmed Siilaanyo, isagoo wada-hadalkaa uu la yeeshay Xukuumadda ka sii hadlayo, wuxuu yidhi: “Maalintii ku xigtayba, waxaa halkan igu soo booqday dhawr Wasiir. Inta aanan arrinta Wasiiradda u gelin, dad badan oo gudaha iyo dibaddaba war iga sugayay, waxaan ku war-gelinayay warkaa naruurada leh ee aan Madaxweynaha ka maqlay. Markaa ayaantan dambe, waxaa ii yimi afar Wasiir oo aanu si wacan isu wada-naqaano oo uu Madaxweynuhu ii soo diray siduu ballan qaaday, galabtii baanu wada-fadhiisanay, si wacan baanu isu waraysanay, warar badan waxaanan ogayn iyo waxaan ogaaba way ii sheegeen, aragtiyo badan oo aanu in badan iskaga mid ahayna waanu is-weydaarsanay, balse arrintii dhuuxa u ahayd ergada aan la socdo ee ahayd in wada-hadal laysugu yimaado, waxay ku xidheen shuruudihii uu Madaxweynuhu markii hore soo qaaday oo ah, kuwii ay iyaga laftoodu warbaahinta siiyeen, waxaanay ku dareen ururo aan sharci ahayn oo aanu arkaynaa ma jiraan, dalkana dawlad baanu u nahay, wixii noo imanaya ama Salaadiin ha noqdeen ama cid kale ha noqdeene, waa u furan tahay, ayay I yidhaahdeen. Waxaan soo jeediyay, waar arrintii mabda’ ahayd ee aynu isla qaadanay aynu dadka maqashiino, balse aynu nidhaahno hawlo farsamo ah ayaa noo hadhsan, laakiin taasina iimo suuro-gelin.”

 

Axmed Siilaanyo, wuxuu xusay in markii kulankaasi uu dhamaadayba ay la soo xidhiidheen Weriyayaashu, balse uu balamo kale u qabtay oo aanu war ka bixinin natiijadii wada-hadalkaa; “Waayo , markaa arrinta waanan ka quusan, waxaanan islahaa soo bixitaankoodu kolay waxoogaa niyad-jab ah wuu keenayaa, wax lagu deg-dego maaha, markaa bal hawl dambe gal oo khaasatan Madaxweynihii aan waxoogayga debeca ah ka dhadhansaday hadalkiisa, isagaa Madaxweynihii dalka ah, hadalka kama dambaysta ahna leh ee xidhiidh la yeelo. Ilaa intii waan raadinayay, waraaqna waan u qoray, waanu ii soo jawaabay xalay (habeen hore) lafteeda ayuu ii soo jawaabay. Isagana, Mowqifkii Wasiiraddu is-taageen ayuu istaagay, markaa waxaa ii muuqatay in arin laysku ogaa ay tahay. Horta arintu halkay maraysaa halkaa weeye.” Md. Siilaanyo, wuxuu intaa ku ladhay inuu ka xun yahay sidii loo dhigay warkii Xukuumaddu ka baahisay Warbaahinta, kaas oo uu sheegay in loo qaadan karo inuu difaacayay Shir-beeleed, Maamulkuna uu ka diiday.

 

“Anigu, horena mowqifkayga ugamaan hadal, waanan sheegoo waxaan idhi, anigu waxaan ra’yiyan qababa, imika dhexdhexaad baan ahay. Markaa anigu wax gooniyana ma daafacayn. Aniga Mowqifkaygu, wuxuu ku cad yahay oo uu yahay halaysu yimaado oo hala wada-hadlo,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Wuxuu intaa ku ladhay in arrintan uu wadayo oo aanu ka hadhaynin, waxaanu xusay arrintan inuu u arko mid dan ah dhammaan dhiniciisa iyo dhinaca dadkaba, sidaa aawadeedna aan looga hadhaynin. “Arrintani, waa mid hiil u baahan, hay’adaha Warbaahinta, dadweynaha, waxgaradka, odayaasha, masuuliyiinta, kuwa golayaasha ku jira iyo kuwa dawladda mid walbaba. Anigu waxaan leeyahay, mabda’aa wada-jirka iyo wada-tashigu waa mid hiil u baahan, waa mid ku qotoma danteena, waana mid ku qotoma dastuurkeena.”

 

Wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi: “Waxa kale oo aan leeyahay ummaddu isu-keen bay u baahan tahaye, had iyo gooraale dhinac kastaba haka timaadee luqadda sii kala fogaynaysa ee luqatu cunfiga ah halaga digtoonado. Ummaddu, xaq bay u leedahay in ay wada-jirkeeda iyo horumarkeeda ka shaqayso. Waxaanu leeyahay Waayeelka, waxgaradka, warbaahinta iyo inta dadka wax u sheegi kartaba, xil baa inaga saaran sidii aynu bulshadeena isugu soo dhawayn lahaa in aynu ka shaqayno. Waxaanan idinka codsanayaa oo aan leeyahay, arrintaa waan-waanta ah haloo hiiliyo, taasaanan taaganahay oo aan ku shaqaynayaa ururada Mucaaridka ah oo nabad-gelyada adkaynteeda iyaguna ku baaqay.”

 

Hadalkaa Jaraa’id ee Axmed Siilaanyo, kadib waxay Weriyayaashu halkaa ku weydiiyeen su’aalo la xidhiidha mawduucaa. Su’aalahaa iyo jawaabihii uu ka bixiyayna, waxaa ka mid ahaa:

S: Dawladdu, waxay tidhi muddo-kordhinta sannadka ah lagama hadli karo, ururada qaarkoodna sida ASAD, waxay sheegeen in aanay aqoonsanayn muddo-kordhinta, markay labadaa kala taagan yihiin, sideed isugu soo dhawayn kartaa?

J: Horta, wax layaable maaha arrimaha Siyaasadda in laysku qabto, waa dabiici. Aragtiyaa kala jiraya, dadku isku si wax uma wada arkayo, laakiin mabaa’diida aynu ku shaqaynaynaa waa in ay noqdaan qaar aan kala fogaynayn. Anigu taan qabaa taa weeye, oo aan leeyahay halaga wada-hadlo arrimaha jira oo imika cid aan anigu teeda taageerayo oo aan leeyahay, taas hala qaato ma lihiye, waxaan leeyahay arrimaha ina kala fogayn kara halaysugu yimaado oo halaga wada-hadlo. Marka miiska laysugu yimaado dabcan waa la garanayaa, dastuurkaa la soo qaadayaa, waa laga doodayaa, markaa waxaynu doonayno in aynu gaadhno waa (consensus) in wax laysku raaco oo lagu heshiiyo oo si aan colaadin ku jirina aynu marxaladdan uga baxno.

S: Mar hadday tallaabadii horeba xagga Xukuumadda ka cakirantay, sidii aad adba sheegtay waa maxay tallaabada labaad ee aad qaadi kartaa?

J: Tallaabadaa labaad ee aan qaadayaa waxa weeye, waan wadayaa, dad badan baanu wada xidhiidhnay oo odayaal leh, Guurti leh, waxgarad leh, qurba-joog leh, oo aan ku balanay in aan arrintaa laga hadhin ilaa laga gaadho oo wax la taaban karo aynu ka gaadhayno.

S: Siduu hadalkaagu u dhadhamayo in Xukuumaddu kugu gacan saydhay ayuu u muuqdaa, markaa tan aad leedahay waan sii wadayaa, ma waxaad ula jeeddaa, wixii soo hadhay dadka ayaan ka sii dhex wadayaa, si ay u wada-hadlaan?

J: Maya, xagga Xukuumaddd iyo dawladda lafteeda waan ka sii wadayaa, intii suura-gasha. Anigu ma qabo, wax bir lagu gooyaa in ay jiraan. Dadku waa bani-aadmi, wax baa inaga wada dhexeeya, dal baynu nahay, ummad baynu isku nahay, wada-hadalku ma go’o, aniguna waan wadayaa, mana lihi anigoo keliyaa wadayee, waanigaa idinku guubaabinaya ee cid walba ku guubaabinaya in arrintaa loo hiiliyo.

S: Shuruudahan Xukuumadda marka la eego, miyaan la odhan karin dawladdu way diiday wada-hadalkii?

J: Dee Horta maan qarin oo aniguba, waanigaa idiin sheegay wixii dhacay, balse intii intaa ka dambaysay dad badan oo masuuliyiin ah oo xilkas ah oo dawladda ka mid ah, oo Guurtida ka mid ah, oo waxgarad kale ah, oo aanu isu nimi oo aanu ku balanay in hawshaa la sii wado oo la dhirin-dhiriyaa way jiraan, markaa anigu arrintu in ay xidhanto ma qabo.

………………………………………………………………………………………………………..

Haatuf, Feb.26, 2002, Cadadkii 42-aad,

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

 

Ururka ILAYSKA Somaliland oo ka dayriyay Boob lagu hayo Goobaha Danta Guud ee Burco

 

B

Burco (Haatuf): Ururka ILAYS-ka Somaliland, ayaa ka dayriyay dhul-boob lagu hayo dhismayaasha dawladda iyo goobaha kale ee danta guud ee magaalada Burco.

 

Gudoomiyaha ururka ILAYSKA Somaliland ee gobolka Togdheer, C/Raxmaan Maxamed Cilmi, ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu kaga hadlayo arrinta dhul-boobka ah, oo sida qoraalkiisa ku cad si weyn looga dareemay magaalada Burco, kaas oo sida uu sheegay si qarsoodi ah looga iibinayo ganacsato, meelihii laf-dhabarta u ahaa adeegga bulshada, sida Garoomada Ciyaaraha ee Bacadlayaasha iyo Bakhaaradda wax lagu keydiyo.

War-saxaafadeedkaas uu soo saaray Gudoomiyaha ururka Ilayska Somaliland ee gobolka Togdheer, wuxuu u qornaa sidan:

 

“Waxaa aad u naxdin badnayd, markii ardaydii iyo macalimiintii dugsiga khasabka oo xiisadihii ku jira la soo weeraray, kadibna ay yaaceen sidii waraabe adhi ku dhex dhacay, waxa taas ka sii darayd 17/02/2002, markii ay Ciidanka Boolisku ay tageen Xeradda Enjida, halkaasna Muraayadihii baabuurtii ay wateen lagaga jejebiyay, kadib nimankii la rabay in ay nabadgelyada wax ka qabtaan ay si yar oo fudud cagahooda wax uga dayeen, Ciidanka qabsaday guryaha Enjidu waa Mujaahidiintii u soo dagaalamay Xorriyadda aynu maanta ku faanayno. Mujaahidiintu, waxay xerrada degeen markii dalka la soo galay, kadibna wuxuu Maayorkii Maxamed Xuseen markuu deegaanka Burco qabtay ku yidhi Mujaahidiinta, ka guura xerrada, dhul bedel baa laydin siinayaaye, halkan waxaanu ka dhisaynaa bacadlayaal, sidii bayna uga guureen iyagoon wax dhul ah la siin. Imikan nimankaas Mujaahidiintu, waxay xerradan ugu soo noqdeen markii ay ka war heleen in ay D/Hoose ee Burco ay iibinayso Xerradan, iyagoo ka iibinaya Niman ganacsato ah iyo shicib, sidaas bayna ku qabsadeen. Waxa haddaba la yaab leh guryahaa Enjida, markii la dhisay ee M. Xuseen Maayorka ahaa, wuxuu sameeyay bakhtiyaa-nasiib, dadkii helay waxa laga qaaday lacag, waxana la siiyay Jiwano oo loogu ballan qaaday in la siinayo guryahaa qofkii jiiwankaas haysta.

  1. Maxaa loo iibiyey rugihii Cashuur ururinta D/Hoose ee Burco, ay ku qaadi jirtay, sida rugtii xaafadda Faarax Oomaar oo dhawaan la iibiyey
  2. Maxaa guryaha Enjida loogu qaybin waayey, dadkii bakhtiyaa-nasiibka galay ee jiiwanada haystay.
  3. Maxaa loo iibiyey meelihii muhiimka ahaa ee ay dawladdu wax ku kaydsan lahay, sida tii ku dhegsanayd Xarunta MCH-ka dhexe ee Burco, Hangaradaas oo laga iibiyey niman ganacsato waaweyn ah.
  4. Maxaa loo iibiyey goobihii loogu talo-galay Ciyaaraha Kubadda ee Iskuulada, sida garoonka boodhle ee ka dambeeyay dugsigii sare ee Sheekh Bashiir, dhulkaas oo hoos taga Maamulka Gobolka Togdheer (Badhasaabka).

 

Haddaba, anoo ku hadlayo magaca Xisbiga ILAYKA Somaliland ee Gobolka Togdheer, waxaanu u soo jeedinaynaa dawladda dhexe in ay la socoto waxa ka dhacaya magaaladan Burco, ayna talo wax ku ool ah iyo wax ka qabadba ka geystaan. Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa reer Burco ama ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo anshaxa wanaagsan, si midaysan oo cadaaladi ku jirtana dulmiga iyo xumaanta maamulka maanta jiray ay uga hortagaan, iyaga oo xaqa ku taagan.”

C/Raxmaan Maxamed Cilmi

Gud.  Xisbiga ILAYSKA Somaliland ee Gobolka Togdheer

……………………………………………………………

Haatuf, Feb.26, 2002, Cadadkii 42-aad,

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Maxay qabataa Shirkadda Caymiska ee Badbaado?

 

Harg (Haatuf) :- Waxa dhawaan dalka ka hirgashay shirkadda caymiska gaadiidka ee ‘Badbaado’, oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee dalka ka hawlgasha, waana shirkad gaar loo leeyahay, oo ay aasaaseen muwaadiniiin reer Somaliland ahi.

 

Shirkadda oo faa’iido ballaadhan u leh gaadiidleyda, rasmi ahaana loo sameeyay 13 May, 2001, si sharci ahna dalka uga hawgashay, muddadii intaa ka dambaysay waxa u qabsoomay iyo ilaa hadda waxyaabaha ka dhiman waxaanu ka warsanay Mr. Maxamuud Nuur Ducaale (Xariif), oo ah guddoomiyaha shirkadda caysmiska gaadiidka ee ‘Badbaado’. Ugu horrayn isaga oo faahfaahin ka bixinaya aas-aaskii shirkadda iyo sidii ay ku hirgashay waxa uu yidhi; “Hindisaha aas-aaska shirkaddu waxa uu bilaabmay bishii May sannadkii 2000, rasmi ahaanse waxaa loogu dhawaaqay 13 May 2001, muddadaa sannadka ahna waxaanu ku hawlanayn dejinta qorshaha shirkadda, sida samaynta xeerarkeeda, is-abaabul iyo diiwaangelinta shirkadda, taas oo markii dambe lagu guulaystay in si rasmi ah ay u hawlgasho.”

Mar uu ka hadlayay ilaa hadda meelaha ay xafiisyo ka furteen waxa uu yidhi; “Ugu horrayn waxa aanu xafiis ka furnay Hargeysa, maadaama ay tahay caasimaddii dalka, dhinaca kalena gaadiidka ugu badan ayaa ku sugan gobolka Hargeysa, kuwaas oo lagu qiyaasi karo 60%-70% gaadiidka dalka. Waxaa kale oo aanu xafiis ka furnay Berbera, oo ay ka soo degaan gaadiidka dalku, dhawaana waxaanu ku talo-jirnaa inaanu xafiisyo ka furano Burco, Boorama, Laas-caanood, Gebilay, Ceerigaabo iyo dhammaan degmooyinka kale ee dalka.” Waxaanu intaa ku daray inuu caymisku leeyahay faa’iidooyin badan, isaga oo qofku helaaya dammaanad buuxda.

 

“Caymisku waa dammanad. Waxaanu ka dammaanad qaadaynaa inuu qofku kaga maarmo qaadhaanka magta ama shilka uu geysto baabuurkiisu, iyada oo laga bixinayo kharashka khasaaraha ku yimaadda, reerkiisana aan loo raacin,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

 

Isaga oo ka hadlaya sida ay gaadiidlaydu ilaa hadda u fahmeen qiimaha iyo faa’iidada caymiska waxa uu sheegay inay maalinba maalinta ka dambaysa ay sii kordhayso dadka doonaya inay baabuurtooda caymiyaan dawladduna ay dhawaan soo saartay amar arrintaa ku saabsan, taas oo lagama maarmaan u ah caymiska, marka wax la cayminayana waxa uu sheegay in la gelayo heshiis iyo kontaraad dammaanad u ah labada dhinacba. “Halkii Shilka u baabuurkaagu geysto looga soo xaraashi lahaa qofka neef xoolo ah ku haysta miyiga, waxa habboon inaad baabuurkaaga caymiso, taas oo adduunka oo dhan ka jirta lagagana dhaqmo,” ayuu intaa ku daray.

Mar uu ka hadlayay qaybaha caymiska waxa uu tilmaamay inuu noocyo badan yahay, waxyaabo badana loo eegayo, sida nooca gaadhiga, inta uu shaqaynayay, marka la isku duuduubana waxa ay noqonayaan 12 shuruudood, qaabka caymiskuna wuxuu sheegay inuu u kala baxo mid lix biloodle ah iyo mid sannadle ah.

 

“Dhinaca qiimaha aad ayaanu ugu dedaalnay inaanu hoos u dhigno. Tusaale ahaan qiimayaasha ugu hooseeya waxa ka mid ah $130-140. kuwa ugu sarreeyaana waxay gaadhayaan $300, sannadkii. Iyada oo loo eegayo shuruudaha aynu soo sheegnay,” ayuu yidhi, isaga oo ka hadlayay noocyada qiimaha ay wax ku caymiyaan oo gaadhaya 18 nooc.

Mar la weydiiyay inay jiraan ilaa iyo hadda baabuur ay caymiyeen oo laga bixiyay khasaare shil uu galay, waxa uu sheegay inuu jiro hal bas oo ah kii ugu horreeyay ee la caymiyay, khasaarihii uu geystay mar shil ku dhacay in si fiican loogu dhammeeyay.

Ugu dambayna waxa uu u soo jeediyay guddoomiyuhu gaadiidlayda inay caymiyaan baabuurtooda si ay uga baxaan dhibaatada ka soo gaadha marka uu shil ku yimaado gaadiidkooda, iyada oo mararka qaarkood uu ku caymin karo baabuurkiisa qiime u dhigma Litir shidaal ah.

…………………………………………………………………………………………………………………………………………………

 

Odhaahda Akhristaha

 

 

Haatuf, Feb.26, 2002, Cadadkii 42-aad,

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

 

Ninkii ina Cigaal mucaarid ku noqdaa dagaal ma wado

SAHAN,iyo ASAD, Waa xusbiyo dumuqraadiya, oo si dumuqraadiya uga soo horjeeda dawlada, isla markaana waxay u tartamayaan si dumuqraadiyada, maka la helo Gudi doorasho, oo si cadaalada ugu xaqsoorta, ama garsoorta,dhamaan xusbiyda, tartamaaya oo dhan.
SAHAN iyo ASAD, ma haystaan, hub, saanad, iyo ciidan, midna, Waa xusbiyadii u soo dagaalamay wadanka, keenayna gobonimadan maanta aynu haysano (Waar ha ,ilaawina geesiydiinii ee xusa, oo karaamada, haka qaadina.)

 

Waa xusbiyo uga, laxejeclo badan wadanka, xusbi wal oo kalaba.

Waa xusbiyo ka madax banaan, qabyaalad, gobolaysi, iyo nin jacayl.

Waa xusbiyo ku guulaystay, ama hantiyey, oo qaatay, maskaxdii iyo qalbigii dad waynaha, reer somaliland ee jecel, dumuqraadiyada, wadninimada, horumarka.

 

Waa xusbiyo, ictiraaf iyo kalsooni ka helay Suldaanada, iyo Madax beeleedyada reer somaliland ee ka madaxa banaan, laaluushka, musuqmaasaqa,qabiilaysiga, iyo nin jacaylka.

 

Waxa jira oo aad ka digtoonaantaa, xusbiyda, aan mucaarad, ahayn, ee hadana matala, ama iska dhidhiga, mucaarad, xusbiyadaa waxa ay la hal maalaan, xusbiga "UDUB" ee lagu dhisay booliga qaranka iyo xoolaha agoonta, iyo maatada, waxaana keliya oo loo sameeyey xusbiyadaa, si loogu khalkhaliyo, ama shaki loogu galiyo, dadwaynaha reer Somaliland, ee jecel, dumuqraadiyada, cadaalada, iyo xaqa,isla markaana sii xoojiyaan, ama u sii dheereeyaan, xukunka dawlada, ina Cigaal ee aan matalin, ama ka turjimin, gobolada, reer Somaliland, isla markaana, gabtay, ama ku saaqiday, hawshii dadwaynaha reer Somaliland u dirteen.

 

xilku waa meerto, ma aha dhaxaltooyo. Ninkii ina Cigaal mucaarad ku nuqdaana dagaal ma wado.( Kala barta farqiga u dhaxeeya gobolka iyo waddaninimada, ama dawladnimada.)

 CABDI QAADIR JAAMAC ISMAACIIL ( DACAR)
 U.S A. C.A. OAKLAND

 

…………………………………………………………………………………………………………………………………….

 

Haatuf, Feb.26, 2002, Cadadkii 42-aad,

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

 

Inta Somaliland ka dhab tahay xaqa ha u hiiliyaan

Dhamaan inta jecel wanaaga iyo horumarka somaliland waa wax dhaba inay ka damqanayaan xaaladaha kala guurka ee hada ka taagan dalkii hooyo.  Hadaba waxaa iyana muhiim ah maxaa heerkan ina gaadhsiiyey. Se aniga waxay ila tahay waxay Somalidu ku maahmaahdaa {ceel dad liiqa ulbaa lays kaga dayaa} hogaanka talada haya mal iswaydiiyey awoodiisa kartinimo,daacadiisa in somaliland noqoto qaran jira oo meel taagan , iyo cadaaladiisa markay timaado bulshada reer Somaliland. Aniga waxaay ila tahay qaranimada Somaliland waxay inoogu fadhidaa wax aad u wayn ,sababtoo ah waa laga warhayaa kumanaankii u shahiiday xoraynta dalkan iyo inay mugdiga ka saraan , kuwii sidaa hamigoodu ahaa ubadkii iyo hooyooyinkii ay ka tageen ma la abaal mariyey? Jawaabtu waa maya kun jeer. Walaal akhristoow bal ila eeg maansadan:

 

Ninkii balankaaga qaaday

ka baaqday xilkaad u dhiibatay

Ka baydhay u jeeda’daada

ku boobay adoo sabool ah

Ku wiirsaday baaba’aaga              

adoon bogan waayey taada

Ninkii u busaylay raaxo 

huwaday bulbushii libaaxa

Buurtuu koray waari mayso

kub iyo bowduu ka jabi

Ugu danbayntii waxaan u soo jeedin lahaa ururada somaliland ee sida indho la’annta ah u taageeraya Cigaal iyo xukuumadiisa u badan faqashtii dalka laga xoreeyey ha ka fiirsadaan waxay qorayaan ummadani taag uma hayso keligii taliye maroorsada xukunka mar labaad.

Xasan X. Maxamed - UK

……………………………………………………………………………………………………………………………………………………

 

Haatuf, Feb.26, 2002, Cadadkii 42-aad,

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

 

“Diyaar baannu u nahay wadahadal inaan la galno Salaaddiinta iyo Mucaaridka Goboblka”

Badhasaabka Awdal

Weriye Maxamed Cumar

Boorama (Haatuf) :- Guddoomiyaha gobolka Awdal, Axmed Maxamuud Maxamed (Afweyne), ayaa sheegay in maamulka gobolka iyo kan degmooyinkiisuba ay diyaar u yihiin inay wadahadal la galaan salaadiinta iyo ururada mucaaradka ee gobolka ka jira. Guddoomiyuhu waxa uu hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta dawladda hoose ee Boorama. Guddoomiyaha gobolku, isaga oo ka warramay guud ahaan xaaladda gobolka waxa uu sheegay in gobolka iyo degmooyinkiisuba ay xasilooni buuxdaa ka jirto, ciidamada nabadgelyada ee habeenkii wareega suuqyada Booramana ay yihiin kuwa sidii caadiga ahayd u gudanaya waajibaadkooda, balse aanay jirin hawgalo dheeraad ah oo cid loola dan leeyahay ama nabadgelyada lagu wiiqayo.

 

Mudane Afweyne oo ka warramay warar la xidhiidha tuhun iyo shaki soo kala dhexgalay xukuumada iyo salaadiinta oo sheegay in xukuumadu isku dayday in lasoo qabto suldaan Xasan Xaddi (Baadi), basle ay suurtogali weyday waxa uu sheegay in tallaabada lagu tegay guriga suldaanku ahayd dedaal la doonayay inay kulmaan madaxweyne-xigeenka iyo salaadiinta oo ay salaadiintu hore u codsadeen, balse haddana ay ka caga-jiidayaan, kadibna gaadhigii loo diray oo ay saarnaayeen ilaalada duqa magaaladu laga arga-gaxay, suldaankuna ka shakiyay in la qabto.

 

Guddoomiyaha oo ka warramay arrimaha horumarineed, wuxuu caddeyay in mashaariicda ay ka mid yihiin jidka Dila-Boorama, Dekedda Saylac iyo Biyo ballaadhinta Boorama ay caadi u socdaan. Wuxuu beeniyay guddoomiyuhu hadalada ah in xukuumaddu daan-daansi waddo.

 

Dhinaca kale duqa magaalada Boorama, Maxamed Daheeye oo ka jawaabayay su’aalo la xidhiidha dabacsanaanta maamulka iyo nadaafad-xumada magaalada Boorama, waxa uu sheegay inay Boorama ka soo baxaan 80,000 (siddeetan kun) oo kiiloo oo xashish iyo qashin ahi, isaguna uu haysto hal iska-rogo, markaa siday iigu suurtogeli inaan maalin walba qashinkaa ku qaado halkaa gaadhi ee 6-da tan ah? Sidaa dareedna wuxuu codsaday in gacan laga siiyo, loona garaabo.