SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 45-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Mashruuc Biyo Ballaadhin ah oo
ka Socda Buro
Dhulkii Beebabka la dhigi
lahaa iyio dhulkii Ceelashaba waxa ku habsaday dad dhul-boob ah
B |
urco (Haatuf): Masuuliyiinta Maamulka
Gobolka Togdheer, Madaxda Hay’adaha, Wakaaladda Biyaha, Madax-dhaqameedyada
reer Burco iyo ururada Bulshada, ayaa shalay isugu yimi Shir ballaadhan oo
lagaga wada-hadlayey, sidii caqabadaha iyo qodoxda looga xaadhi lahaa
Mashaariic ballaadhan oo lagu ballaadhinayo Biyaha magaalada Burco iyo guud
ahaanba Gobolka.
Shirkan oo lagu qabtay Xarunta Gobolka, ayna ka
qayb-galeen Badhasaabka Gobolka, Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, Saraakiil
ka socotay hay’adaha HABITAT, UNDP iyo OXFOM UK, Aqoonyahanno, Waxgaradka
bulshada oo uu ka mid ahaa Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Masuuliyiin kale,
waxa uu ka dambeeyay baaq cabasho ah oo ka soo yeedhay Masuuliyiinta Wakaaladda
Biyaha Burco iyo hay’adaha Caalamiga ah ee ay wada-shaqeeyaan oo hadda gacanta
ku haya fulinta Mashaariic ceelal biyood lagaga qodayo Burco, kuwaas oo ay
caqabado kaga yimaadeen bulshada.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco, Mr. Maxamuud
Yaasiin Maxamed oo xog-warran siinayey dadkii shirkaas ka soo qayb-galay, ayaa
ugu horrayn ugu bushaareeyay dadweynaha reer Burco, laba Ceel ay
maal-gelintiisa ugu deeqday dawladda Holland, kuwaas oo qodistooda la bilaabay
toddobaadkan, iyadoo ay fulinayso hay’addda Qaramada Midoobay u qaabilsan
horumarinta deegaanka ee HABITAT. Ceelashaas, waxa weheliya sida uu sheegay
Maareeyuhu, beebabkii hore oo la dayac-tirayo qaarkood iyo kuwo cusub oo la
dhigayo. Waxa kale oo ku jira Mashruuca, dib-u-habayn iyo dayac-tir la doonayo
in lagu sameeyo Taangiga weyn ee ku yaalla Sheekh Bashiir oo kayd u noqon doona
magaalada.
Maareeyuhu, wuxuu intaa ku daray in labadaas Ceel
oo mid laga qodayo Xarunta Wakaaladda Biyaha Burco, ka kalena laga qodayo meel u
dhow gurigii hore ee Martida Burco (Ex State House), laga filayo in ay
laban-laabaan biyaha magaaladu hesho wakhtigan, marka hawshoodu dhammaato.
Hase yeeshee, waxa uu Maareeyuhu soo bandhignay
Mushkilado caqabad ku ah shaqadooda, waxaanu sheegay in dhulkii beebabka ama
tuubooyinka biyaha ee hore ay mari jireen la degay oo dhismayaal laga bineeyay,
beebabka cusubna aanay hayn meel ay mariyaan, si magaalada oo dhan biyaha loo
wada-gaadhsiiyo, iyada oo Mushkiladdu tahay dhul-boobka. Waxa kale oo uu sheegay
in laba Ceel oo kale oo mid qodan yahayna ay dad qabsadeen oo dul degeen,
waxana uu codsaday in dadkaa laga kiciyo dhulkaas.
Dhinaca kale, qoraal uu shirkaas ka akhriyay
Xisaabiyaha Wakaaladda Biyaha, Muuse Cabdi Ismaaciil ayaa Wakaaladdu ku soo
bandhigtay cabasho ku saabsan dayn laxaad leh oo ay Wakaaladdu ku leedahay
Hay’adaha Dawladda. Sida Warbixintu sheegtay, Wakaaladda waxa deyn kaga maqan
lacag gaadhaysa Sl. Sh. 97,575,108, taas oo ay ku tilmaameen 25% wax-soo-saarka
bishii ee Wakaaladda, halka Wakaaladdana lagu leeyahay $15,000 (Shan iyo Toban
kun oo doollar). Waxana ay warbixintu aad ugu nuux-nuuxsatay duruufaha haysta
Wakaaladda wakhtigan oo ay sheegeen in hay’adda HABITAT-na ay ku hayso baadhis
xisaabeed, duruufahaasina ay ku kelifeen in ay dadweynaha iyo dowladdaba ay u
qaylo-dirsadaan. Waxa isaguna xog-warran ka jeediyay, Madaxa Hay’adda HABITAT,
Mr. Marco oo ka waramay waxqabadka hay’adda iyo duruufaha horyaalla.
Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maxamuud Aadan Dheri,
ayaa isagu ku bogaadiyay Wakaaladda iyo Hay’addaba waxqabadkooda, waxana uu
amray hay’adaha dawladdu in mid kastaaba ay iska bixiso lacagta biyaha.
“Caqabadahan kale, Dawladda Hoose ayaa dhulka u xil
saaran waa in ay wax ka qabataa, oo ay heshaa dhul beebabka la mariyo, si
biyuhu magaalada u wada gaadhaan,” ayuu yidhi Badhasaabku.
Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo halkaa ka hadlay,
ayaa isna uga garaabay Wakaaladda dhibaatooyinka haysta, waxana uu ku baaqay in
si wada-jir ah loogu hawl-galo, sidii caqabadahaas looga xaadhi lahaa biyo-gelinta.
………………………………………………………………………………………….
Wefti
Talyaani ah oo Socdaal ku yimi Somaliland
Hindisaha Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya
H |
arg(Haatuf) :- Ergayga dawladda Talyaaniga u
qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Carlo Ungaro, ayaa shalay socdaal hawleed ku
yimi dalka.
Mr. Ungaro, waxaa safarkiisa ku weheliyay sarkaal
kale, waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiiru-dawlaha arrimaha
dibedda Qaasim Sh. Yuusuf iyo saraakiil kale.
Mr. Ungaro, wuxuu weriyeyaal kula kulmay madaarka u
sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay mid xaqiiqo-raadis ah oo uu doonayo inuu
ku ogaado xaaladda dalka, waxaanu intaa ku ladhay, inuu kulamo la yeelan doono
xukuumadda Somaliland, wadahadalna ay ka yeelan doonaan sidii iskaashi wax-wada
qabsi ah ay u yeelan lahaayeen labada dhinac.
Hase yeeshee, siday tibaaxeen warar laga soo xigtay
ilo diblomaasiyadeed, socdaalka Mr. Ungaro, wuxuu dabada ku hayaa arrimo ku
saabsan dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.
Sidaa aawadeedna waxay wararku sheegeen inuu u
ololaynayo qorshe uu Talyaanigu wato oo ammuurtaa la xidhiidha.
Dhinaca kale, waxaan fulin ballan-qaadyo ay hore
dawladda Talyaanigu u qaaday, oo nuxurkoodu yahay inay ka kaalmaynayaan
Somaliland dhinacyo dhawr ah.
………………………………………………………………………………………..
Mayor
cusub oo loo magacaabay degmada Taleex
H |
argeysa (Haatuf): Wasiirka Arrimaha
Gudaha, Cabdillaahi Cumar Cige, ayaa
shalay soo saaray magacaabista Maayor cusub oo uu u magacaabay degmada Taleex.
Wasiirku qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu
u magacaabay Cali Ibraahim Xasan inuu ahaado, Maayorka degmada Taleex ee
gobolka Sool.
…………………………………………………………………………………………………………..
A |
dis Ababa (Haatuf): Shir la damacsan
yahay in lagu heshiisiiyo kooxaha ku hirdamaya Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inuu
bisha March ee aynu ku jirno ka dhaco magaalada Nayroobi ee Caasimadda Kenya,
waxaana hadda socda hawlo qaban-qaabo ah oo loogu googol xaadhayo qabashada
Shirkaa, iyadoo ay qaban-qaabada Shirkaa wada-jir gacmaha ugula jiraan dalalka
Urur-goboleedka IGAD, gaar ahaan saddexda dawladood ee Itoobiya, Kenya iyo
Djibuuti.
Wararka Shirkaa la xidhiidhaa, waxay qaarkood
tibaaxayaan in lagu magacaabayo dawlad cusub oo Soomaaliya ah, waxaana muuqda
duruufo Siyaasadeed oo guud ahaan ku gedfan hawlaha shirkaa iyo xadhig-jiidad
ay dawladaha mandaqaddu ugu xusul-duuban yihiin, sidii ay mid waliba mindida
daabkeeda u qaban lahayd, suurta-galna uga dhigi lahayd in ay meesha ka soo
baxdo dawlad u nasteex ahi, iyadoo ay hadda dalka Itoobiya ku sugan yihiin
Kooxda la magac baxday SRRC oo ay ku bahoobeen hoggaamiye-kooxeedyada ka
horjeedda Maamulka C/qaasim.
Weriye Maxamed-rashiid oo Haatuf ka
tirsan, ayaa daboyaaqadi bishii January booqday dalka Itoobiya, gaar ahaan
magaalooyinka Adis Ababa iyo Jig-jigga, kana soo laabtay Khamiistii
toddobaadkii hore, kadibna warbixin ka diyaariyay arrimahaas iyo saamaynta ay
ku yeesheen hogaamiye-kooxeedyada is-bahaysiga SRRC, iyo weliba Maamulka
C/qaasim, wuxuuna Warbixintiisa ku bilaabay: “Laga soo bilaabo horraantii
bishii Febarweri ilaa daboyaaqadii isla bishaa, waxa soo if-baxayay dareemo
shaki leh oo la xidhiidha shirka dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaaliya ee lagu
wado inuu bisha March ka dhaco dalka Kenya, iyadoo uu shakigaasi si gaar ah u
saameeyay, hogaamiye-kooxeedyada Itoobiya ku sugan qaarkood.
Dareenka ugu weyni, wuxuu soo if-baxay kadib markii
uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Males Senawi booqashada ku tegay dalk
Faransiiska bishii January, wuxuuna safarka Mr. Males ka dambeeyay Casuumad uu
u fidiyey Madaxweynaha Faransiiska Mr. Jacquas Chirac, wuxuuna Madaxweynaha
Faransiisku ku guulaystay inuu heshiis ka dhex rido Ra’iisal Wasaare Males
Senawi iyo Madaxweynaha Kenya Mr. Moi, oo si weyn isugu qar-dhaafsanaa
hindisaha Shirka dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaaliya, iyadoo uu Ra’iisal
Wasaaraha Itoobiya, aqbalay inuu ka qayb-qaato hawlaha qaban-qaabada shirkaa.
Mr. Males Senawi, waxa la aaminsan yahay inuu si
weyn dabadda u hayey qabsoomidda Shirka Kenya, hase yeeshee Mr. Senawi, markii
uu ka soo laabtay Paris, wuxuu la soo guryo noqday aragti cusub oo ku waajahan
Shirka Nayroobi, waxaana dhaq-dhaqaaqiisa laga dareemay inuu hadda taabacsan
yahay Shirkaa.
Ra’iisal Wasaare, Males oo markii uu Paris ka soo
noqday Baarlamaanka iyo Golaha Xukuumadiisa u sheegay in aanay dawladda
Itoobiya hadda diyaar u ahayn in ay daboolka ka qaado Mowqifkeeda ku waajahan
Shirka Kenya, ilaa inta ay dhinac u dhacayso Natiijada Shirku, hadalkaana waxa
loo qaatay labo mid uun; Inuu Males Senawi, ka baqsan yahay inuu Mowqifka
cusubi waxyeelo u geysto qaban-qaabada Shirka oo ay kooxaha qaar ka didaan iyo
inuu Mowqifkiisa la sugayo Natiijada Shirka oo haddii ay anfici waydo uu hadhow
yidhaahdo, awelba waan ka aamusay.
Hase yeeshee, aragtida cusub ee Males Senawi, waxay
sas iyo didmo ku abuurtay hogaamiye-kooxeedyada SRRC ee Itoobiya ku sugan,
sida: Xuseen Caydiid oo hadda ah Gudoomiyaha Golaha SRRC.
Ra’iisal Wasaare Males, wuxuu tibaaxay in ay
kooxaha kala duwan ee Soomaaliya, ula macaamili doonaan si hoos-hoos ah,
wuxuuna Febarweri 18, 2002 magacaabay Safiir uga wakiil ah Soomaaliya, taas oo
loo qaatay inuu Mr. Males Senawi, ka soo debcay Mowqifkiisii diidmada Maamulka
C/qaasim, waxayna taasi ku soo beegantay xilli uu Maamulka C/qaasim dawladda
Itoobiya ku eedaynayo in ay dabadda hayso hawsha dib-u-heshiisiinta
Soomaaliyeed, iyadoo uu Ra’iisal Wasaaraha Maamulka C/qaasim, Mr. Xasan Abshir,
dhawaan dawladda Itoobiya ku eedeeyay in ay taageero af iyo adinba leh, siiso
kooxaha hubaysan ee Soomaaliya, isla markaana ay dawladda Carta la dabo-joogto
Ashkato.
Hase yeeshee, Dawladda Itoobiya kama jawaabin
dhaleecayntaa u dambaysay ee ka soo yeedhay Maamulka C/qaasim, waxayna taasi
dadka qaar ugu muuqatay in ay dawladda Itoobiya, hadda qaadatay Mowqif
dhex-dhexaad ah oo ay doonayso in ay dhex u noqoto kooxaha Soomaaliya ku
hirdamaya, halkii ay awel aad uga soo horjeeday Maamulka C/qaasim.
Xuseen Caydiid oo hadda ku sugan Itoobiya, Wareysi
uu Febarweri 2, 2002 siiyey Wakaaladda wararka ee IRIN, wuxuu ku sheegay inuu
ka shaqayn doono midaynta Soomaalida ku dhaqan dhammaan dalalka Mandaqadda,
isaga oo sheekadiisa ku daray in ay dawladda Itoobiya ogoshahay in ay
Soomaalida Kililka 5aad iska saarto, sida Ereteriya. Hase yeeshee, Xuseen
Caydiid wuxuu ku beeniyey Wareysi uu Feberweri 3, 2002 siiyey Jariiradda
Reporter oo ah, Toddobaadle ka soo baxa Itoobiya, waxayse taasi u muuqatay
dafiraad, waayo way caddayd inuu hadalka hore yidhi. Hase yeeshee, dadka
arrimaha Siyaasadda u dhuun-daloollaa, hadalada Xuseen Caydiid waxay ku
macneeyeen, kalsooni-darro uu ka qaaday saaxiibkiisii Itoobiya, kadibna ay
taasi tahay haddii lay nacay, aniguna meel kale ayaan ka fad ku dinayaa oo
xitaa haddii ay Kooxda Carta ii ogolaato Ra’iisal Wasaare ama Madaxweyne waan
taabacayaa, iyadoo ay weliba taa u weheliso Golaha SRRC ee uu Gudoomiyaha u
yahay oo badhkood hore uga jabeen, kana qayb-galeen Shirkii hore ee Nayroobi,
balse ujeedaddu waxay doonto ha ahaatee waxay dad badani la yaabeen, weedhaha
is-burinaya ee sida lama filaanka ah uga soo yeedhay laba maalmood oo is-xiga.
Hase yeeshee, 18-kii January 2002, oo aan tegay
Caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa, waxaan ilo xog-ogaal ah oo aad ugu dhow-dhow
Xuseen Caydiid ii tibaaxeen in ay isaga iyo Janaraal Gabyow, dalka Itoobiya ka
haysato dhibaato ba’ani, taas oo u qaybsan dawladda Itoobiya oo saartay
cadaadis dheeraad ah, kuna qoob-xidhay dalkeeda iyo duruufo dhaqaale oo haysta.
Diblomaasiyiin Soomaali ah oo aan Adis Ababa kula
kulmay, ayaa ii sheegay in ay Nimankani u rahman yihiin dawladda Itoobiya oo
doonaysa in ay ku gorgortanto oo ay dunida tusto in ay gacanta ku hayso Golaha
SRRC, kuna khasabto Shirka Nayroobi.
Xuseen Caydiid, wuxuu hore u sheegay kooxaha
argagixisadu in ay Saldhigyo Milateri ku leeyihiin Soomaaliya, balse waxa taa
beeniyay Wefti Sirdoonka Maraykanka ah oo bishii hore booqday Soomaaliya,
kadibna sheegay in aanay jirin kooxo argagixiso, ururkii Al-itixaadna uu
baaba’ay, qaar ka tirsan Nimankii saamiga ku lahaa Shirkadii Al-Barakaat oo aan
Adis Ababa kula kulmay, ayaa ii sheegay inuu Xuseen Caydiid ahaa dadka ugu
badan ee ku eedeeyay argagixiso, Maraykankuna u maqlay, waxayna nimankaasi ii
sheegeen in ay Xuseen Caydid ku leeyihiin lacag dayn ah oo tiradeedu tahay
$168,000 USD, ayna ku ashkataynayaan.
Gabyow iyo Xuseen oo ay Itoobiya ku haysato duruuf
dhaqaale, dawladda Itoobiya kama helaan wax ka badan Sariirta Hotel gion iyo
cuntada saddexda wakhti. Waxa la rumaysan yahay in aanay dawladda Itoobiya,
rajo badan ka qabin sida ay ugu qanci karto natiijada Shirka, waxayse dawladda
Itoobiya soo bandhigtay sheekooyin loo qaatay in ay Kenya taageerayso, waxaana
ka mid ah: Heshiiskii Ra’iisal Wasaare Males iyo Madaxweyne Moi, ku dhexmaray
Paris iyo hadalkii C/Majiid ee uu yidhi, cidii aan ogolayn in ay Soomaaliyi isu
timaado way iska tegaysaa.
Inkasta oo ay dawladda Itoobiya u muuqato in ay
nasteex u muujinayso Shirka Kenya iyo Maamulka C/qaasim, haddana waxay dad
badani leeyahay weli lama gaadhin qotoda Itoobiya, waxayna taatigal ugu jirtaa
sidii ay tallaabo kale u qaadan lahayd, haddii uu shirka Nayroobi fashilmo,
iyadoo isu muujinaysa in ay inta badan kooxaha Soomaaliya gacanta ku hayso,
taas oo markay u baahato ay sida ay doonto uga faa’iidaysan karto.
Shirka Kenya oo ay wada-jir u qaban-qaabinayaan
dawladaha Kenya, Itoobiya iyo Djibuuti, Inkasta oo ay Beesha Caalamku cadaadis
saartay in ay mowqif midaysan ka yeeshaan Shirka Kenya, haddana ma qarsoona
loolanka ku waajahan Soomaaliya ee ka dhexeeya dawladaha Mandaqadda, taas oo ay
dawlad waliba goonideeda taatigal ugu jirto in ay mindida daabkeeda qabato,
iyadoo dawladda Itoobiya isu aragta in ay tahay odayga gobolka, isla markaana
aanay cidina kaga saamayn badnayn arrimaha Soomaalida, sidaa darteed ay mudan
tahay in loo daba-fadhiisto, balse dawladaha Kenya, Suudaan iyo Djibuuti ayaa
iyana mid walba goonideeda isu bidaysaa.”
…………………………………………………………………………………..
Maxkamadda Boorame oo Xukuntay Dad Khamri lagu Qabtay
B |
oorama (Haatuf): Maxkamadda Degmada
Boorama, ayaa shalay ku xukuntay midkiiba saddex bilood oo xadhig ah, laba qof
oo lagu soo eedeeyay in ay Khamri gaadhaya ilaa boqol litir isku dayeen in ay
3dii bishan soo geliyaan Boorama. Maxkamaddu, waxa kale oo ay labadaa eedeysane
iyo gaadhigii siday Khamrigaa ku ganaaxday lacag dhan 150,000 (Boqol iyo Konton
kun) Sl. Shillin midkiiba. Maxkamaddu, waxay sii deysay laba qof oo lagu waayey
dembigaa.
Dhinaca kale, wejigii labaad ee dhismaha Jidka isku
xidha Boorama – Dila, ayaa ka bilowday Boorama.
Munaasibad shalay ka dhacday Koontoroolka Boorama
ee dhinaca Hargeysa oo ay ka soo qayb-galeen, Xubno ka tirsan Golaha Guurtida,
Madax-dhaqameedyo, iyo marti-sharaf kale ayaa lagaga hadlay dhibaatooyinka
dhinaca dhaqaalaha ee soo waajahay, Xubnihii ka tirsanaa Shirkadda Shaafici ee
isku xilqaantay bilowga jidka isku xidha Dila – Boorama oo ka soo bilowday
dhinaca Dila, kaas oo haatan joogsaday. Xubnaha Guurtida iyo
Madax-dhaqameedyada halkaa ka hadlay, ayaa waxa ay sheegeen in sababta haatan
Boorama uga bilaabeen ay tahay in dadweynaha reer Boorama kala qayb-qaataan, si
iska wax-u-qabso ah socodsiinta Jidka. Waxa kale oo ay mahad gaar ah u
jeediyeen, ururka Haweenka Gobolka Awdal oo si aan kala joogsi lahayn wax ula
wada, Inkasta oo maamulka dawladdu aanu siinin dhiiri-gelin, iyagoo dhinaca
kalena dadweynaha reer Boorama ka codsaday in ay xoojiyaan taageerada Jidka
xoog iyo xoolaba.
………………………………………………………………………………………………………………..
Amarro uu soo saaray
Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Gobolka Togdheer
B |
urco (Haatuf): Guddi lagu magacaabo
Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ee Gobolka Togdheer, ayaa soo saaray
go’aano lagu xakamaynayo anshaxa goobaha aflaamka lagu daawado ee magaalada
Burco, isla markaana lagaga hortegayo dhaqan-xumo ka dhacda goobahaa.
Guddigaas oo beryahan dambeba waday, hawl-gal uu la
kaashanayay Ciidan Booliska oo lagula dagaalamayay dhaqan-xumadda, laguna wacyi
gelinayay bulshada. Qoraal uu soo saaray guddigaasi oo uu saxeexay Guddoomiyaha
Guddiga Aadan Ibraahim Mire, wuxuu sharaxaad kaga bixiyay hawl-galada Guddigaa
iyo Awaamiirta cusub ee ay ku soo rogeen goobaha aflaamta lagu daawado.
Qoraalkaas oo uu guddigu ogeysiin ku siiyay, masuuliyiinta Maamulka Gobolka
Togdheer, degmada Burco, Taliyaha Booliska, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo
hay’adaha Garsoorka, waxa uu u dhignaa sidan:
“Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Gobolka
Togdheer Burco, iyada oo tixraacaysa bayaankii lifaaqiisu ahaa GWFXR/B/1/2001
ee ku taariikhaysnayd 31/10/2001 oo ay ku caddayd sida wax looga qaban lahaa
dhaqan xumada, guud ahaan ay ku soo koobtay guddidu Qaybta koowaad toddoba
dembi oo waaweyn, ahna qodobadda fawaaxishta iyo dhaqan xumada.
Sidaas darteed, waxaa Guddida wanaag farista iyo
xumaan reebistu mar labaad ay soo jeedinayaan in si gaar ah xoogga loo saaro
qodobka sideedaad ee qodobadda fawaaxishta iyo dhaqan xumada, kaas oo ah
Fiidyowga, una qoran sidan:
Qod. 8aad
1.
Fiidyowyadu
wakhtiga ay soo jeedi karaan waa (4 Galabnimo ilaa 10 habeenimo)
1.
Waxaana
lagu saamayn doonaa kaantarool ama ka war hayn filimada lagu daawado, cidii ka
leexatana wakhtiga loo qorsheeyay, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo gannaax ah
oo dhan 300,000 oo Shillin Somaliland ah.
2.
Fiidyowgii
daawadsiiya dadka cajaladaha dhaqan xumada ah ama ay ku jiraan waxyaabo
dhaqan-xumo ahi, waxaa la xidhi doonaa muddo sannad ah iyo qalabka oo laga
xereeyo.
Waxaa kale oo bayaankan la baahinayaa uu xambaarsan
yahay, sidan soo socota:
1.
Dadkii
Fiidyowga meheradda ka dhigtay in ay doontaan meherad dhaanta oo aan dembi uga
iman.
2.
Waa
in loo sameeyo laydh gudaha ah.
3.
Waa
in la kala saaro ragga iyo dumarka ama ay kala wakhti noqdaan.
4.
Waa
in aanu ka horrayn 4 galabnimo, kana dambayn 10-ka habeenimo.
5.
Waa
in aan codka waxa la daawanayo laga maqal dibadda ama aanu sameecad ku xidhan
dibadda, si aan dadku u dhibsan.
Waa in uu Illaahay ka baqaa meel uu joogaba, kana
baxo fasaadka iyo fasahaadinta ummadda, gaar ahaan ubadka, Illaahna uu
weydiisto meherad xallaal ah oo dhaanta ta fiidyowga.
Sidaa darteed, waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo ku
haboon, cidii ka dhega-adaygta in ay fuliso qodobbada loo soo jeediyay oo ah,
joojinta fool-xumada oo dhammaanteen dan inoo ah.”
Dhinaca kale, waxaa la sameeyay hawl-gal habeenkii
ah laga bilaabo 15/1/2002 ilaa 20/2/2002, waxaa habeen walba odayaasha iyo
booliisku ay soo qabtaan gabdho iyo wiilal, dhallinyaro ah oo ku soo jeedda
seesaska kharaabadaha xun-xun, luuq-luuqyada madow, kuwaas oo samaynaya
anshax-xumo badan, Maxramna aan isu ahayn. Waxaa la qabtay dad gaadhaya 150
Qof, dadkaas oo la hayo 24 Saacadood, kadibna la waaniyo, lana sii daayo marka
waalidkood u yimaado, waana hawl socota.
Waxaan Wacyi-gelin siinay 10 iskuul oo ku yaal
Burco, oo inta badan ay xukunto W.W.B, waxaana laga hadlaayay;
1.
Dhiiri-gelinta
Waxbarashada.
2.
Waxyaaaha
Anshax-xumada keenaya, sida; Sinada, Khamriga, Xashiishada, Fiidiyayaasha
Cajaladaha xun-xun lagu daawado, iwm.
3.
In
ay iska illaaliyaan xannuunka dilaaga ah Aids iyo wax kasta oo Islaamkooda
xumaynaya.
……………………………………………………………………………………….
Xukuumadda oo Ku Dhawaaqday Halista Cudurka
AIDS-ka oo ku sii Fidaya Dalka
H |
ar(Haatuf) :- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa shalay mar kale ku celiyay bayaan ay xukuumadda Somaliland hore u soo saartay oo ay ku caddaysay mawqifkeeda ku wajahan cudurka khatarta ah ee HIV/AIDS.
Md.
Cabdillaahi, oo shalay ka hadlay xidhitaankii siminaar saddex maalmood uga
socday xarunta Radiyow Hargeysa koox suxufiyiin ah oo kala socday saxaafadda
madaxa bannaan iyo ta dawladda oo ku saabsanaa halista cudurka AIDS-ka.
Wuxuu
sheegay in xukuumada Somaliland mar horeba go’aamisay inay daboolka ka qaado la
dagaalanka cudurkaas, kaalinta ugu horreysana ka gasho sidii looga hortegi
lahaa.
“Waxaan
doonayaa inaan mar kale ku celiyo bayaankii xukuumadu ku cadaysay jiritaanka
cudurkaas,” ayuu yidhi wasiirku, waxaana uu intaa raaciyay in madaxweynuhuna
amar ka bixiyay oo uu u saaray shan wasaaradood inay ka wada hawlgalaan la
dagaalanka cudurkaas iyo ka hortaggiisa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen
wasaaradaha caafimaadka, Hiddaha iyo Suugaanta, Diinta iyo Awqaafta.
“Arrinkaasi
wuxuu u baahan yahay dagaal adag in loo galo,” ayuu yidhi Md. Ducaale, isaga oo
beesha caalamka ugu baaqay inay ka caawiyaan dawladda Somaliland cudurkaas.
Badhtamihii
1999-kii, ayay xukuumadda Somaliland caddaysay in cudurka AIDS-ku ka jiro
dalka. Hase yeeshee, wasiir ku xigeenka caafimaadka Maxamuud Faarax Warfaa iyo
Dr. Maxamed C/raxmaan oo wasaaradda Caafimaadka u qaabilsan cudurka AIDS-ka,
ayaa iyagu walaac ka muujiyay xawliga uu cudurkani ku fidi karo, waxayna ku
qiyaaseen in laba sano kadib baadhis hore loo sameeyay oo lagu ogaaday in
boqolkiiba hal (1%) uu saameeyay cudurku, hadda uu noqon karo 2.5%, marka la
eego ayay yidhaahdeen xuduudaha dalka iyo sida uu isku-socodka dadku ugu furan
yahay waddamada deriska ah ee cudurkani sida xun u aafeeyay, gaar ahaan
Itoobiya iyo Jabuuti oo uu faro baas ku hayo.
“2%
nagama go’i karaan oo dal yar baynu nahay,” sidaa wasiirka warfaafinta oo
dareen yax-yax leh ka muujiyay khatarta cudurkani ku hayo dalka.
Wasiir
ku xigeenka caafimaadka ayaa isna sheegay in wasaaraddu afar waadh u diyaarisay
dadka xannuunkan aan daawada lahayn uu soo rito, kuwaas oo ku kala yaala
Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Laas-caanood, looguna hayo waxoogaa daawo ah oo
dalka la keenay.
Siminaarkan
waxa soo qabanqaabisay hay’adda ICD, waxaana gacan ku siiyay wasaaradaha
warfaafinta iyo caafimaadka, waxaana lagaga dooday macluumaad ku saabsan sidii
saxaafadu door uga qaadan lahayd ladagaalanka cudurkaas.
……………………………………………………………………………
Cigaal oo
Istiqalad ka aqbalay Wasiirkii Boosta iyo Is-gaadhsiinta
H |
argeysa (Haatuf): Madaxweynaha
Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa ka aqbalay wasiirkii Boosta iyo
Is-gaadhsiinta, Dr. Cabdi-jibaar Maxamed Cabdi, istiqaalad uu hore ugu faafiyay
wargeyska Jamhuuriya, oo uu iskaga casilay xilkii wasiirnimo ee uu hayay.
Sidaana waxaa shaaca ka qaaday war-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka
Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale.
Warkaa uu soo saaray Af-hayeenku wuxuu xusay in
madaxweynuhu aanu qoraal ka helin wasiirka is casilay, hase yeeshee uu is
casilaaddiisa ku qoray wargeyska Jamhuuriya, sidaa aawadeedna wuxu sheegay
madaxweynuhu inuu ka oggolaaday istiqaaladdaa, dhakhsana uu nin cusub ugu
magacaabi doono wasaaradda.
……………………………………………………………………………………………
“Wuxuu ahaa Weerar Cad oo lagula dagaalamayay
MUDDO KORDHINTA”
War-saxaafadeed Xoghayaha
Guurtida
I |
yadoo uu shirgudoonka Golahu ka soo saaray war cad oo saxaafadeed arrintii ku soo baxday Wargesyska jamhuuriya ee 1735 aad ee arbacadii bishu ahayd 27/02 /2002, ahaydna Golaha Guurtida oo Guddi ergo ah u magacaabay Madaxweynaha, si ay ugala soo xaajoodaan abaal marin lacageed oo uu hore u ballan qaaday.
Si haddaba aanu dadweynaha ugu sammayno faah-faahin
la xidhiidha arrintaas oo dheeraad ah, ayaan halkan ku muujinayna arrintaas:-
Sidii ku caddayd war saxaafadeedkii hore, waxan
jecelnahay inaanu si kooban u tilmaano raad la’aanta warkaas aan jirin
laf-ahaantiisa ee iska hor-imaanayey isna burinayay:-
1.
Sida
ka muuqata ciwaanka wargesyka cadadkiisu yahay jamhuuriya 1735, wuxuu
tilmaamayaa Guurtida oo Guddi u saartey arrinta aan ka hadlayno, sawirka ay soo
daabaceen ee ay ku muujinayaan marag ahaan, hadaa eegtaan waa sawir hore loo
qaaday oo isugu jira saddexda gole, ahaydna waqtigii la furayay aqalka
odayaasha, waxaana ka arki karaysaan xubno Golayaasha kale ah (Siiba Golaha
Wakiilada) isla sawirka hoostiisa, waxa ku qoran “fadhiga Golaha wakiilada oo
lagu magacaabay ergo loo direy Madaxweynaha.”
2.
Goluhu
wuxuu u saaray laba guddi oo kala ah:- Guddiga dabagalka &kormeerka ee la
socodka hawlaha dhamaystirka u baahan doorashada ka hor, sida la ku cadayd
go’aankii Guurtida ee 12/01/2002. guddigaas oo ka kooban 9 xubnood, wuxuu
xaqiijinayaa hubinayana Go’aamadii la socday muddo kordhinta ee la xidhiidhey
dhammaystirka hawlaha qabyada ah ee looga baahanyahay habsami-u-qabsoomida
doorashooyinka iyadoo lagala xidhiidhayo dhinacyada ay khuseeyaan ee kala
duwan. Guddiga labaadna, wuxuu ahaa, Guddi ka kooban lix xubnood (6xubnood)
kuwaasoo oo tallo ka soo bixinaya arrimo Golahu leeyahay ahaana xeerarkiisa.
3.
Waxa
go’aan ah oo intaas weheliyay oo fadhigii Golaha lagaga hadlay ama laga soo
saaray ma jirin, magacyada Guddiyada, qaar baan ahayn xubno ka tirsan Golaha
Guurtida sida:-
Ø
Sh.
Xirsi xasan
Ø
Sh.
C/raxmaan mukhtaar
3.
C/raxmaan
Ducaale
4. Hawsha Guddiyadaasi loo diray ee ay soo qabanayaan way ka been-abuureen, iyagoo u dhigay sidii wax ay Guurtidu go’aankeedii ka noqotay oo ay dib-u-eegayso. Haddaba waxaan dadweynaha xusuusinaynaa oo u sheegaynaa in waxa Wargeysku farta-waaweyn uu ku qoray uu yahay weerar cad oon daliil lahayn, cid kastaba ha ka dambaysee.waxa lala dagaalamayaa laguna weerarayaa muddadii kordhsiimada ee go’aanka ahayd. Iyadoo ay sharci ahaan & dastooriyan ahayd xil Gole Guurti, haddana wuxuu ku tiirsanaa talooyin ay soo jeediyeen ururo Siyaasadeed, qaybaha bulshada ee kala duwan, wuxuuna ku fadhiyay doonista Shacbiga Somaliland, wuxuuna xal u ahaa su’aal taagnayd oon loo hayn jawaab kale oo looga wareego. Waxa inagu filana cid kastaba ha hadashee taageeradii Shacbigu bixiyay gudo & dibadba. Intaas marka laga yimaado, arrintaa aan hada ka hadlayno ee taagan xalkeedu kuma jiro qoraal la isku waydaarsado Saxaafadda oo weerar & difaac ah, balse waxay u baahantahay, mar haddii ayna arrintu ahayn wax fudud in lagu kala baxo sharciga lana helo cadaymaheeda.
In badan ayaynu aragney cinwaan & nuxur aan
is-buuxinayn oo lagu iib-geeyo muraad gaar ah oon dadku wada ogayn,
madaxbanaanida oo ay u macnaystaan si aad u fog dhaqanka saxaafada &
sharciga & xuquuqaadka aasaasiga ah ee Bulshada kala mudantahay, dhawris
ahaana waxbaba loo aabo yeelin qiimo kastaba ha ku jooge, oo aanay jirinba wax
la wada ilaashado amba la wada xeeriyo. Arrintani iyada ah, waxay u micnaystaan
iyagoo isku dayaya dadka in ay khaldaan dhinaca ra’yiga, waxay xidhaan
dhinacyada kale oo ay ku dedaalaan in ay ka tarjumaan af-kooxeed (faction) amba
ku hadlaanba, waxayna ku buuxiyaan khasnadaasi oo ay ehel uga dhigaan waxyaabo
an laaqiba ahayn, oo damiirka qofka caaddiga ahi uu diidi karo. Waxay ka
faa’iidaystaan waa Wargesyka jamhuuriya’e, dadkeena oon intooda badani u
fiirsan wax badana aan ka daba tagin amba aan is-weydiinba. Waxay ku
hawlanyihiin duminta, deganaanshahs & Maamulka, waxayna doon-doonayaan
Dawlad kale oo ayan garanayn sifaha sharci ee ay ku imanayso. Iskuma haysataan
in ay leeyihiin tan ay duminayaan amba wax ku leeyihiin waa Dawladda’e, balse
su’aashu waxay ay tahay ayaa leh? Jawaabtaas dadwaynaha ayaan u daynayaa.
Arrinta wargayska jamhuuriya inaga oon ku dheeraanayn tafaasiisheeda, waxan u
daynaynaa dadka aad wax u daneeya ee xafida qoraalada, Taariikhda &
waayaha. Waxa is-waydiin mudan cayda qaawan ee wagarta loogu dhuunto, ee waliba
shakhsiyaadka wax lagaga sheego. Ayaa fasaxaasi siiyay? Maxkamadeese u
jidaysay? Taasi miyaanay keenay in lagula kaco dagaal af & gacan & in
suuqyada lagu caytamo, waayo aflagaadooyinkaasi kuma ekanayaan qoraal keliya. Gunaanadkii
Jamhuuriya Wargeyska la baxay, wuxuu shabahaa
Joornaalada lagu caytamo ee ay ku raaxaystaan dabaqaddaha aan muxtarimka ahayn
ee Reer galbeedka, taasi ma tahay mid halkani ka soconaysa oo ay sii wadi
karaan? Ma u cuntamaysaa, mujtamaca aynu ognahay xaaladiisa?
Cabdilaahi Ibraahim Habane
Xoghayaha Guud ee Golaha
Guurtida JSL.
………………………………………………………………………………………………………………..
ODHAAHDA AKHRISTAHA
ALLOW GUURTI ROON IYO GURI BARWAAQO
GUULOOW
M |
arka hore waxaan bogaadinayaa Wargeyska Madaxabanaan ee Haatuf, kaas oo looga bartay soo bandhigida xaqaa’iqa ka jira Wadanka. Haddaan u daadego ujeedadayda gaarka ah, maahmaah ayaa tidhaahda; “Alifka kaa xumaadaa albaqra ayuu kugu dhibaa.” Waxaynu la wada soconaa in shirkii beelaha uu muran xooglihi ka dhexdhashay, sidii ay beel waliba u soo xulan lahayd shakhsigii uga qaybgeli lahaa golayaasha Qaranka, gaar ahaan Guurtida. Sababtu waxay ahayd, Xukuumadda oo ku dedaalaysay sidii ay ula soo bixi lahayd dad gaara oo ay markaa iyadu mudnaanta siinaysay, waxaanay Xukuumaddu faro galisay iyada oo aan wax tixgalin ah siinin mudnaanta uu leeyahay kursiga sharafta mudan ee goluhu. Shakhsiga oo looga baahan yahay sida uu dastuurku dhigayo inuu ku sifoobo.
B. Inuu diinta aad yaqaano,
T. In lagu yaqaano daacadnimo,
J. Iyo inuu yahay nin aqoon u leh dhaqanka
dadwaynaha Somaliland, taas oo ay shaqadoodu ugu muhiimsanina tahay nabagelyada
iyo kolba waxa dhibaato ah ee dalka soo foodsaara xalintooda, iyagoo u maraya
wadada toosan ee ay ugu horayso daacad ka noqoshada arrinta, iyagoon dhinacna u
xaglinayn, mucaarid iyo muxaafid.
Haddaba waxaa la yidhi; “Canaan ka yaab reer ma
doojo.” Waxaa jirta qodob dastuuriya oo dhigaya inay Golaha guurtidu yihiin
hayada ugu saraysa qodobkaasoo aad is odhanayso malaha hoosba umay eegin, haday
u eegaana malaha Cigaal baabay qodobkaa awooda badan ka iibiyeen. Sababtoo ah
kumay socdeen odayaashu kolba wixii looga soo laqimo madaxtooyada. Tusaalena
waxaa inoogu filan wararka dhawaan soo baxay ee sheegaya in ay Madaxweynaha iyo
odayaashu isku khilaafsan yihiin balanqaad lacageed oo uu Madaxwaynuhu ugu
balanqaaday waxyar ka hor muddo kordhintiisa, imikana aad moodo in markii ay
dantiisu u fushay uu dhabarka u jeediyay odayaasha. Laakiin, waa nasiib darro
mar haday haleeli waayeen Nootaayo sharciga ka qorta cadadka iyo muddaba uu
bixinayo lacagtaa la sheegayo ee muddo kordhinta.
Akhristow, mala odhan karaa maah-maahda aynu
maqaalka ku bilownay, ayaa maanta oo aynu albaqra marayno qalooceedii inagu soo
baxay. Taasina waata maanta ragga qaarkood la qaylinayaan iyagoo ku doodaya
Shirweyne Qaran hala qabto si uu alifkii inaga qaloocday inoogu tooso. Taana
waxaan u malaynaya in ay dhaanto sanadkaas oo la iska samro, si ay u kala
miiranto una noqoto macal-cune soo bixi doonaa. Waxaase Guurtida la gudboon in
ama sanad ha kordhiyaan ama imikaba ha kala soo noqdaane ay ogaadaan in ay
iyaga iyo dadwaynuhuba wada fuushan yihiin dooni kaliya oo haday degtana la
degayaan, hadday badbaadaana la badbaadayaan, waxaase fiicnayd odayaashu in ay
dhagaystaan heesta caanka ah ee ay qaado fanaanada Caasha Cige ee tidhaahda
1.
Qarka
goolan haay iyo
Sida qoorigoo kale
2.
Haday
laba quruumood
Qalabka isku haysataan
3.
Oo
guurti qaadiyo
Guddi qaybsan loo diro
4.
Iyagoon
gartii qalin
Haddii ay si qaab daran
5.
Qalin
ugu saxeexaan
Qalalaase mooyee
6.
Nabad
laguma qaato.
Illaahay ha inaga hayo qalalaase iyo dhibtaba.
Mudanayaal, waxa jirtay waxyaabo badan oo aad hore usoo qabateen laakiin intan
danbe farbaa idinku godan waxa la idiinka baahanyahay in aad ka fogaataan wixii
idin dhex dabaalsiinaya Siyaasadda, ururada Mucaaridka ah iyo Xukuumaddana dhex
u noqotaan, cidii is-haysana Miiska nabadda soo wada fadhiisisaan o
Madaxweynuhu dalka, dadka iyo diintaba wuxuu kaga gar-daran yahay, cidii
qabanaysaa idinka noqoto.
Waxay ila tahay, sidaa si aan ahayn in aanay sharaf
ku yeelanayn Koofiyadiina, Cumaamadiina Rishwaaniga ah iyo waliba Bakooradiina
xaradhka leh. Haddii kale, waxaa hubaalla in aad la mid noqon doontaan Caaqilkii
isagoon la hubsan garaadkiisa, la caleemo saaray ee maalintii dambe loo keenay
Ceesaan madaxa la gashay dheri ee lagu yidhi; Caaqilow, kala badbaadi ceesaanta
iyo dheriga, ee intuu meel fagaare ah dadkii isugu yeedhay amarka ku bixiyay in
horta ceesaanta la gawraco, markii la gawracayna yidhi: dheriga jabiya.
Dherigiina, la jabiyay. Kadibna, intuu Khudbad la sara kacay yidhi; waxaan aad
uga xumahay, haddii ay maanta geerida xaqa ihi ii timaado cidda aayhihiina ka
talin doonta. Isagoo isku haysta inuu arrintii lagu tijaabinayay uu ku
guulaystay, halkaana ay cumaamadii kaga dhacday xilkiina lagaga qaaday
Cabdi Xuseen Ismaaciil (Cabdi-Madoobe), Hargeysa.
……………………………………………………………………………………….
Golaha Wakiiladdu
yaanay Aqbalin Miisaaniyadda Ciidamada iyagoo Hubiya mooyee
W |
axaynu maqalnaa sannad kastaba, marka ay
Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyaddu soo bandhigto in Miisaaniyadda dalka 70% ku
baxaan Ciidamada dalka JSL ee kala duwan. Waxaa haddaba, Golaha Wakiiladda
waajib ku ah idinkoo arrintan hore u dayacay, bal in aad sannadkan xil weyn
iska saartaan Miisaaniyaddana aydaan Ansixin ilaa aad tiro-koob rasmiya ku soo
samaysan tirada Ciidamada Qaranka, Booliiska iyo Asluubta, idinkoo arrintaas u
magacaabaya Guddi ka tirsan Golaha Wakiiladda, lana kaashanaya Wasaaradda
Maaliyadda.
Lacagta lagu sheego in ay Ciidamada kala duwan ku
baxdo oo aad u fara badan, mana aha mid macquul ah, waana wax xaqiiqada aad uga
fog, waxaana lagu lunsadaa lacag aad u fara badan sannad walba, siiba Ciidamada
Booliiska iyo Ciidamada Qaranka (Labadaasi). Dadka lunsadaa, waa in yar oo la
yaqaano. Ciidamada magacooda lacagtaasi lagu cunayana, waxa ka muuqata diif
badan, lacagtaasi waa in loo jiheeyo oo lagu hirgeliyo mashaariicda kale ee
muhiimka ah, sida; Xannaanada Xoolaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka, iwm.
Arrintaas, waa in aad xil weyn iska saartaan.
Ismaaciil C/raxmaan
Cumar-xaashi, Hargeysa.
………………………………………………………………………………………………………
Waa
Marag Madoon Dhiilada hadhaysay Dhalinta Maanta
A |
nigoo ka tirsan bahda dhalinyarada, waxaan jecelahay
in aan halkan ku sawiro dhibco ka mid ah, dhacdooyinka dhabta ah ee dhallintan
aanu weli sugnayn amniga mustaqbalkoodu.
Ma garan mana gorfayn karo, meel ama mawduuc aan ka
tiraabo mowjadaha dhibaatooyinka ah ee graacaya maqaarka sare ee muwaadiniinta.
Ma waxaan ka hadlaa horumar mise nabad iyo nolol ku dirir. Dhibtu waa badan
tahay, waanay wajiyo gedisan tahay wadankan aynu joogno iyo waxay ood
wadaagaanba.
Waa layaabe, ma waxaan hogo-tusaaleeyaa Waayeelka
iyo waxgaradka wadankan aayaha daran, mise waaba yaabka yaabkiise, waxaan tusmo
iyo tusaableba u magaabiyaa dhalintan dhan walba dhagaraha dahsoon lagaga
dayray.
Haa, waa dhacdooyin marag madoonto ah, dhiilada
hadhaysay dhallinta aan lahayn ceel cidina u maqnayn.
Keliya, waxa igu kalifay qormadan in aan ku soo
bariidiyo buuraha baaba’a ee bahdii barbaarta sheeko xariirooyinka ay Madaxda
qaarkood ku sheegaan daba-qabataynta Ardayda dalka iyo shaqo-u-abuurida, kuwa
dhooban dhabayaasha magaalooyinka.
Ma arko iimana muuqato, waxaan hadimo iyo
hagar-daamo ahayn oo ay jilayaan raggaasi, mise waxay u maleeyeen in wali bahda
waxbarashada iyo dhallintuba ay rajo ka qabaan.
Waxa aan daah saarnayn in dhammaan ragga siyaasi ku
sheegyada ahi, ay waa horeba u daad guraysteen qoysaskoodii iyo caruurtoodiiba,
islamarkaana ay jaamacadaha Yurub dhigtaan dhadig iyo laboodba.
Akhrisrte, ha yaabin hana fajicin haddana ku idhaa
waxaan arkay mawaaqiftan qaarkood, sida iyada oo dagaalo sokeeye ay oogeen
Siyaasi ku sheegyadu ay haddana faraha dagaalka ku qaadan jireen waxa loo yaqaan
(Correspondence) ama waxbarashada laysu soo diro, taas oo loo soo dhigi jiray
Safaaradaha ku yaal Djibuuti iyo Itoobiya, balse haddii aanay iiga ekaannayn
shakhsi necayb, waxaan kuu tixi lahaa magacyada Mujrimiintaa.
Ma laha tix iyo tiraabi kala koobi og hadafkee, iga
hoo tusmooyinkan aan kuu soo koobay gorfaynta tabashooyinka iyo tabaalaha
dhallinyarada dalkan.
Fadlan, ka soo dhiibo ra’yigaaga gurmad iyo
dhaliilba aad ka qabto mawduucan madoow:
“Qisaweeye layaablo khasaaraa ina gaadhay, qiilna
loo helimaayo
Qaar baa laga quustay oo, qaawanaan ku dhaqaaqay
Qaarna waabay qaxeenoo qabri waaba xabaale,
qurbahaa lagu waayay
Qallin aan ku shaqayniyo, qormo aynu xariiqnaba
Qawlkoodu ha joogee, qad kiibaa laga quustoo,
Qaaf qor baa lagu daalay,
Qiso weeye layaabloo qasaarraa ina gaadhay, qiilna
loo helimaayo.
Qomamada iga haysa Siyaasigaa iqasaaya,
Qishku waaba saleelee qiimihii noloshayda,
Qayb dhanbaan kaba quustay,
Qanda-raaslana weeye, qiyaastiisa layaaboo
Qoladii wax hujuunta qidmadiisa ka qaata.
Bal hadduu mar qudhaata, qalbigayga aqoonta,
Qorof waabay mugwayntee qudhudhuc ka waraabsho,
Sida Qoyska baxrayn baan qaa’idii odhanlaa,
Maalintuu qosli waayo, ama uu qabri aado,
Qaadir baa I abuuree, qayd cad baan xidhan laa.
Ama qoomka qadaafi sida ay u qoreenbaan
Qud lanaa odhanlaa
Qiso weeye layaablee waxa aan kala quustay
Anigaysu qadaamiye qorigaad la ordayso
Iga qaad qumuciisan qarxayee idilaaya
Qiso weeye layaabloo qasaaraa ina gaadhay qiilna
loo helimaayo
Qabsadoo bal ogaada, quwadii wadankeena
Qalabkeenii difaaca,
Dhallintii qaban laydbaa inba meel lagu qooboo,
Qoomamaa dul hadhaysay,
Sida qaar laga sheegay, ama aynu qudheenu
Qac ku siinay indhaa, imisaa is-qisaasoo
Kaba quustay aduunka!
Qiso weeye dhabtii ninna aan ka qarsoonayn,
Waxse quusta abuuray, ama iiba qudhgooyay
Dhallintaa qormadaydan qaylo dhaanta u taagan, een
Qasadkeeda fahmaynin.
Raadiyow
Ma Qaloocshe
H |
alkani waa Raadiyow ma Qaloocshe oo aydin ka
dhegeysataan Mowjadaha kaftan yaqaanka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq aqoonka.
Akhyaartayada indhaha buurbuuranow, waxaanu soo gaadhnay xilligii aan idin
hulluuqsiin jirey wararkii dunida, waxaana maanta dabadda idiin qaban doona
weriye Qayte Burre.
War aan beenna ahayn, runna wax uga dhiman yihiin ayaa
sheegay in duqyaasha Guurida laga cawaray Mushqaayad yar oo ay kursi-kordhinta
ku mutaysteen. Warkaas oo iyaga iyo Allahoode, Jamhuuriya qortay ayaa si bilaa
qiyaas ah uga xanaajiyay Guurtida, iyadoo duqyaal badan koofiyaduhu ka
siliteeyeen.
Mushqaayadan, waxa Wargeysku sheegay in Madaxkuusku
amaahday, balse lama ogaan inta gashigu yahay iyo cid dillaal ka ahayd toon-na.
Duqyaasha Guurtida, ayaa Jariiraddada ku tilmaamay
“Beenlay beenlay kale aan la arag” waxayna sheegeen in ay maxkamad horgeyn
doonaan, si loogu cuskado qodobka dastuuriga ah ee beenaalayaasha loo
samaystay, qaybtiisa B, farqadiisa “faafiye ammuur rag waaweyni qarinayay.”
War Dhaameelka noocan ah, inkastoo xanshaashiqiisu
badnaa, xantiisuna dariiqada caanka ahayd, waa markii u horreysay xaafaduhu
ogaadaan tan iyo markii odayaasha Cimaamadaha lagu rakibay.
Nimanka Jariidadda dembaaba, ayaa iyaguna yidhi
bogi, car wir bannaanka isugu keen soo saara.
Xaflad loogu ciyaaray Mowjadda Fa Ma ee Bii Bii
Cii-du ka dhex qotomisay ceelka Hargeysa, ayaa caweysin dhoweyd loo golaystay
Hudheel ku yaalla sheedaha.
Xafladaas, waxa quraac iyo saambuus loogu qaybiyey
raggag badan oo ka kala yimi xaafadaha Hargeysa iyo weriyayaal ilama BBC ah oo
ka soo kala ciyaar-guday Jabuuti, Muqdisho, Dhagax-buur, Kuunya Barrow iyo
Garoowe. Ciyaartaas, waxa isna joogay Oday Faranji ah oo la sheegay inuu yahay
nin mudakar ah oo ka taliya Mowjadaha waaweyn ee BBC-da, ninkaas oo magaciisa
lagu sheegay Mastar Beer Laangadhe.
Hadal uu halkaa ka jeediyayna wuxuu Af Ingiriisi
buur-buuran ku yidhi; “The Hargeisa FM is very new band-band, because it
eating sun-light and the Hargeisa is first where for BBC FM sun eating made.” Hadalkaas
oo aan iska gartay iyadoon cidina ii fasilin , wuxuu u ekaa, “Mawjaddani waa
bahal kibirtay oo cadceeda ku qadaysa, dayaxana ku quraacata, dhulkana ku
cashaysa, una baahnayn mishiin laxooxda u duba.”
Ninkaasi waxa la sheegay inuu yahay ninkii u
horreeyay ee qaradiisa leh ee BBC-du u soo dirto carrada Somali degto, waxaana
uu af Faranjigiisa ku sheegay in sababta isagoo aynigaas ah soo jirrabtay ay
tahay, iyada oo il-ka-cabbir dhowaan la sameeyay ay ku ogaadeen in Soomaalidu
tahay dadka ugu badan ee BBC-du dhegaha ka kiraysatay Carab iyo Cajab-ba.
Ka qaybgalayaasha xafladdaas Saambuuska loogu qaybiyay
waxa ka mid ahaa madax-kuuska Shanka-roonland iyo Afadiisa. Madax-kuusku hadal
uu hulluuqsiiyay dadkaas, wuxuu ku sheegay in BBC-du Ooraydh tahay markay Afka
Ingiriisida, Carabiga, Sawaaxiliga, Xawsaha, Af-kilaanjaha iyo Baashtuuga kula
hadlayso, laakiin qaybta Af-Soomaaliga dadka lagu xanto adeeradana difaaco,
iyadoo iraadada Ilaahay had iyo goor inanka BBC-da Af-Soomaaliga haysta iyo
madaxweynaha Soomaaliya ku-hor-kaajaa ay adeer isugu toosnaadaan xagga haybta
marka laga eego.
Dhinaca kale, war aan ka soo fara-maroojiyay habar
Sheedaha gasha, ayaa iftiimiyay in madax-kuuska oo salaaddii Ciidul-Adxada u
jaray, isaga oo kaga cudur-daartay xannuunka dadka ayniga ah ku dhaca ee
“Habro-buus-buuska loo yaqan,” uu habeenkaa dhabaabaco ku tegay Hudheelka FM-Soor,
wishiirigiisana laga yaabay oo uu
Waraabe ka caafimaad weynaa.
Arrintana waxa fajac bidaarta ka xoqay habro doora
iyo ciyaal fara-ka-ciyaarayay.
AFBAGISTAAN:
Madaxweyne Buushaha dalka Maraykankma ayaa la
sheegay inuu dib ugu xayraamay Buuralayda Af-bagistaan, kadib markii buurtaas
lagu ammuursaday caymadka col ka mid ah jabhaddii Gaal-dhibaan, kuwaas oo
madaxweyne-ka-yaraha Maraykanka Mr. Dhiig-jeeg uu yidhi maalin hore;
“May be we killed, killed all Al-Qaacid Madmulla,”
oo macnaheedu yahay, “Waxaanu u malaynaynaa inaanu idlaynay oo an midh ka bixin
Al-Qaacida.”
Hase yeeshee, warka qarxiskiisii oo goor dambe soo
dhacay ayaa sheegay in Gaal-dhibaanno soo aakhiro-toosay ay quluul ugu tureen
diyaarad dadlays ah oo maraykanku leeyahay, toddoba Askarina ay Aakhiro u
direen, kadib dagaal Af-castu dheregtay oo ka dhacay koonfurta Afbagistaan.
War aan ka hoos qaaday weriye hurda ayaa sheegay in
tantoomadani ay ku dhacday madaxweyne Buush, iyada oo Maraykanku uu
is-waalwaalkiisii si kale u beddelay, kaas oo la sheegay in dagaalka uu kula
jiro argagixisada uu askartii caadiga ahayd ka daayay oo uu dagaalgelin doono
ragga bidaarta leh ee lacagta ku sawiran. Qorshahaas oo la yidhi dawladaha
argagixisadu joogto waa in aan weerar lagu qaadin ee loo diro ciidanka bidaarta
leh ee dollarka loo yaqaano oo ka caawin doona dawladahaas iyo ciidamadooda la
dagaalanka Argagixisada.
Warar ficil ka sallaxmay
HINAASE NIYUUS:
Qaad-dhaadhiga weyn ee shirkadda Barako ee
sumaddiisu tahay 611, ayaa dhawaan toban baag oo adhiga ahminkiisa ah ugu
deeqay cusbitaalka xannuunka Feedhaha, si loogu buuleeyo bukaan-jiifka.
Warkan oo weriyihii soo khaawisay barje ku
habsaamay, wuxuu sheegay inuu xoolahaas ula niyooday inuu kaga barakaysto
ciiddi barakaysnayd ee Carrafo.
Hase yeeshee, Qaadyahanka kale ee weyn ee 571, oo
uu beratan ka dhexeeyo ayaa isaguna ka daba raray Lawdh Adhi ah, si uu ula
boobo barakada ciidda.
Sidoo kale, dawladda dhan ee Shanka-roonland, ayaa
hinaase weyn ka muujisay is-maqiiqista shirkadda yar ee Haatuf Media Network,
oo soo saarta saddex jariiradood oo Soomaali, Carabi iyo Ingiriisi ku hadla.
Dawladdu dedaalkeeda ay doonayso inay dhawr lowdh
oo Joornaallo ah ka daba rarto. Haatuf waxay si xayraan leh ugu
qalibaa-geddiday wargeyskeedii Maandeeq oo ay ka hurguftay madaxdii hore,
waxayna nidar ku gashay in ay soo saarto saddex Joornaal: Maandeeq oo maalinle
noqon doona, mid Carabi ah oo Qarnul-Ifriiq loo bixiyay iyo Hoon Tiriituu mid
la yidhaa oo Ingiriisi ah.
Raadyow maqalloocshe ayaa dhawaan mawjad cusub ka
furay Hargeysa, mawjaddaas oo la yidhaa Fa,Na. Furitaankii xafladdaas waxa ka
soo qaybgalay Akhyaar badan oo indho-buurbuuran, iyo weriyeyaasha tuulooyinka
uga soo warrama.
Kulankaas oo madax-kuusku soo gaadhi kari waayay,
waxaan idin maqashiin doonaa, Gabay geedkaa le’eg oo halkaa weriye Abwaan ahi
ka tirshay.
GABAY:
Dharaartii timaadaba,
Warboob taagan baan ahaye,
Tobaneeyo wariyoon ku jiraa,
Warar ku tawsiinay,
Tagsi fuuli mayniyo annagu,
Marki tuuyada’e,
Tallaabada sidii aar wax dilay,
Fadalka tuuryaynay.
Tirsan maryno wasiir laga tegiyo,
Tuug waxuun cuna’e,
Toddobada aroornimo markuu,
Odaygu soo toosay,
Tarajeeguu xaajigu ku jiro,
Tiimbad ugu roorray,
Tudhii horeba toogadii warkiyo,
Taan u nimi sheegnay,
Su’aalaha rag baw tobabartoo,
Loona tiriyaaye,
Turjubaanadeediyo ragay tebaysay,
Weeteeye toban qabow ah,
Toban bayl ka kulul,
Toban u gaal-gaal ah,
Iyo taan ku laba rogi ogaa,
Duqa ku tuutaynay,
Isna hadalka uma toog dayee,
Yara taraarsiinay,
Tu aan laga filayn,
Iyo xoog sira kaga,
Tadhaa siinay,
Annaguna xaqiiq kama tagnee,
Tubinay riinkoodhka,
Rag dhaameel ka taabtaa jiree,
Toodu socon weyday,
Dharaartaa halkaa kaga tagnoo,
Toobiyaha qaadnay,
Tuu Alufka duhurkii markuu
Talahay eedaanka,
Ee aan salaadii tukaday,
Qado ka soo tuurnay,
Tax-taxaashka socodkii,
La yimi Haatuf tugulkeeda,
Tuhun beena lama daabaciyo,
Tu aan la doonayne,
Talafoon dirnaa ama,
Si kale ula tacaalaaba,
Tabaalada adduun,
Khabar wixii taalay soo hubinay,
Xaashiyo intaan taab fuqsaday,
Taybalka u fuulay,
Ninba aytamkuu tacabka ku helay,
Xaashi lagu tuuji,
Tastuur iyo intaan dhaqan ku ladhay,
Tumay ku ayshaadnay,
Tafatiruu intuu naga shirabay,
Taytalada raaci,
Taswiiraa intuu kala naqilay,
Kaabshanada teedi,
Maqalloocshihii tirin ogaa,
Turuq ku weedhaami,
Tus onkoday sidiisii,
Halkuu toogto ku hillaaci,
Tallaaduhu markii ay dhaceen,
Tirinay joornaalka.
Markuu oogu tahan soo mudh-baxay,
Suuqa lagu teedi,
Akhristuhu markuu toos is yidhi,
Tiigsay halacdeeda,
Waa Haatuf Joornaal ka tegay,
Tab iyo dheeraade,
Tuug iyo xagee beeni qaban,
Tebiyay baacweyne,
Taytal qurux sanaw,